SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
TACSI:::

Cabbey Daahir Rooble oo Geeriyoodey

waxaa Bishaan 13keedii ku geeriyoodey magaaladaa London, lana aasey 18kii bishan, aaskaasi oo ay ka qaybgaleen ciyaar yahandii qaran ee london ku sugan, Ciyaar yahan ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii Dawladda hoose ee Minashiibio.

 
Waa allaha u naxariistee Cabbey Daahir Rooble, wuxuu ku dhashay Buulaburde 1954kii, 1972kii wuxuu u saftey Ciyaarihii Goboladda isagoo u caayirayey Gobolka Hiiraan, sannadkii 1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa 78kii, dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee naadiga. Wuxuu kaloo u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975, wuxuu qadan jirey NO.3, wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix. wixii faahfaahin ah waxaad la xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley) oo tel. kiisu yahay 07958635317
  • Ogaadeenya: Dagaallo gumaysiga Itoobiya lagu jabiyay .
  •  Faahfaahin la xidhiidha xasuuqii Qabridaharre . 
  • Jaaliyadaha Ogaadeenya oo qabtay shirar ay kaga tashanayaan xaaladda dalka
  • Birmingham.
  •  Jaaliyadda Ogadenya ee  wadankaKoonfur Afrika .
  •  Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark.  
  • Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamadaNorway, Qadar iyo USA. 
  • Waraysi aan la yeelanay madaxa ururka haweenka Ogadenya ee cariga Maraykanka (Haweeya Xirsi Mahad)
    DHEGEYSO RAADIYO XORRIYO... GUJI...
 
======================
 
 
 Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenaya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasina waxay u dheceen sidatan;
08/11/05 dagaal ka dhacay Jeexdin waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
08/11/05 dagaal ka dhacay Karinka Ceegey, oo Godey u dhow, waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/11/05 Qayla-dhoorrey dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 10 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/11/05 Dawacaale, oo Shilaabo u dhow, waxaa cadowga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo wixii saarnaa.
12/11/05 Mishinka Dhagaxbuur dagaal mir ah oo lagu qaaday waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/11/05 dagaal ka dhacay Awaare duleedkeeda waxaa cadowga lagaga dilay 11 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
18/11/05 Fool-jeex, oo u dhaxaysa Qabridaharre iyo Shilaabo, waxaa lagu gubay 5 baabuur oo ka mid ahaa baabuur kolonyo ah oo 7 gaadhaysay oo cadowgu lahaa. Mid ka mid ah baabuurta la gubay waxaa saarnaa qoriga loo Zuuga loo yaqaano ee lidka diyaaradaha, waxaana guud ahaan halkaas cadowga ka soo gaadhay khasaare lixaad leh.
 
Faahfaahin la xidhiidha xasuuqii Qabridaharre .
 
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama magaalada Qabridaharre ayaa sheegaya in xasuuqii ay ciidammada gumayisga Itoobiya dhawaan ka fuliyeen magaalada Qabridaharre ay ku dhinteen inta la ogyahay 22 qof, oo 19 ay maxaabiis ahaayeen, 3-na shacabka magaalada ahaayeen. Maxaabiista xasuuqaas lagu dhaawacay waxay sidoo kale dhan yihiin 16 qof, oo 2 ka mid ah dhaawac rasaaseed ku yaallo, 14-ka kalana ay ku yaalleen dhaawacyo ka soo gaadhay Binnadka qoriga iyo Faash.
Wariyuhu wuxuu sidoo kale sheegayaa in ciidammada gumaysigu ay wali argagax ba'an ku hayaan dadwaynaha magaalada Qabridaharre, iyadoo dadwaynaha loogu hanjabay in la laynayo haddii ayna wax ka qabanin dhalinyarada faraha badan ee magaalada ka baxay.
Tan iyo markii uu xasuuqu ka dhacay magaalada Qabridaharre 15-kii bishan Nofember waxaa magaalada Qabridaharre dibada uga baxay dhalainyaradii dugsiyada dhiganayay, dhalinyaro ka tirsanaa Xer magaalada degganayd iyo badiba raggii kale ee gaashaan-qaadka ahaa, kuwaasoo ka cadhooday sida nacabnimada leh ee ciidammada gumaysigu ay xasuuqeen ddadwaynaha iyo maxaabiista. Waxay kaloo dhalinyaradani ka baqeen in ciidammada gumaysigu ay raafaan, si ay ciidammo uga dhigaan.
Arrintaas iyo waliba cadhada ka muuqata dadwaynaha caadiaga ah ayaa khalkhal ku abuurtay ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Qabridaharre, waxayna sidii caadada u ahayd gumaysiga ku xanaaqeen dadwaynaha rayadka ah, iyagoo shirar aan kala go' lahayn dadwaynaha u qabta, uguna hanjaba inay laynayaan haddii ay gadoodka joojin waayaan, hase yeeshee dadwaynaha ayaa arrintaas jawaab cad ka bixiyay, iyagoo u sheegay in la soo dhaafay xilligii uu shacabku caga-juglaynta ku cabsan jiray.
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 17/11/05 waxaa magaalada Godey laga raafay dad tiradooda lagu qiyaasay 300 oo qof. Ciidamada gumaysiga ayaa sidoo kale isku dayay inay raafaan dadwaynaha ku dhaqan degmada Abaa-qorrow, hase yeeshee dadwaynihii ayaa ka kala cararay, wayna ku guulaysan waayeen inay dad ka raafaan. Magaalada Dhagaxbuurna waxaa ka dhacay bannaanbax wayn oo lagu diiddan yahay qorshaha raafka.
 
Mooraalka dadwaynuhu aad ayuu u kacsan yahay, waxaana si aan kala hadh lahayn loo diiddan yahay in ciidammo laga qoro dhulka Ogaadeenya. Dadwaynuhu waxay aad u xusuusan yihiin dhibaatadii soo gaadhay dhalinyaradii hadda ka hor la geeyay dagaalka Eritereya, sidaas darteed waxay ka dagaallamayaan in ciidammo laga ururiyo dalka Ogadenya.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya oo qabtay shirar ay kaga tashanayaan xaaladda dalka
Birmingham.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya ayaa maalimihii u denbeeyay oo dhan qabanayay shirar lagaga tashanayo jawaabtii laga bixin lahaa xadgudubyada xasuuqa iyo dhibaatooyinka kale isugu jira ee gumaysigu beryahan denbe soo cusboonaysiiyay. Shirarkan waxaa la soo qabanqaabiyay, xasuuqii Qabridaharre ka dib.
Malintii sabtida ahayd ee 19/11/2005 waxaa magaalda Birmingham, ee carriiga Ingiriiska ka dhacay shir aad u ballaadhan, oo lagaga hadlayay gumaadka iyo xasuuqa joogtada ah ee gumaysiga Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya iyo tallabada ugu habboon ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Brmingham ka qaadi karto.
Shirkan waxaa ka soo qaybgalay dad fara badan oo matalahayey ururada bulshada, Siyaasada, aqoonyahanada iyo cuqaasha Ogaadeenya, kuwaasoo ka kala yimid magaalooyinka Birmingham, Northhampton iyo Coventry.

Shirku wuxuu go'aamiyay in la canbaareeyo oo cadho iyo diidmo laga muujiyo gumaadka iyo xasuuqa joogtada ah ee Gumaysiga Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya, oo ay ugu denbeeyeen xasuuqyadii ka dhacay magaalooyinka Qabridaharre, Farmadow iyo Shilaabo.

Iyo in taageero iyo bogaadin loo fidiyo dadwaynaha Ogaadeenya ee ku gacan saydhay qafaalka iyo raafka uu taliska Tigeegu ka wado Ogaadeenya.
Si labadaas qodob ee kor kuxusan ficil loogu muujiyeyo, wuxuu shirku ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira aduunka dacalladiisa kala duwan inay billaabaan hawlgalo kala gadisan oo ay kaga soo horjeedaan Gumaystaha Itoobiya ee maleeshiyada Tigreegu hor-kacayso. Hawgalladaas oo isugu jira bannaanbaxyo, cabashooyin loo gudbinayo dawladaha, ururrada xuquuqul insaanka iyo in tixraac xeel-dheer lagu sameeyo denbiyada kala duwan ee gumaysiga Itoobiya ka galo dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Jaaliyadda Ogadenya ee  wadankaKoonfur Afrika .
 
Waxaa sidoo kale shir isugu yimid dadwaynaha Soomaalida Ogadeenya ee ku dhaaqn wadanka Koonfur Afrika markii ay taariikhdu ahayd 19/11/05. Shirkan oo ka dhacay magalaad Johannesburg waxaa waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Johannesburg, waxaana lagaga hadlay xasuuqii ka dhacay magaalada Qabridaharre iyo tallaabada ugu habboon ee lagaga jawaabi karo.

Shirku wuxuu canbaarayn dusha kaga tuuray taliska Addis Ababa, wuxuuna tacsi u diray dhamaan umada Ogaaadeenya, gaar ahaan eheladii iyo asaxaabtii ay marxuumiintu ka tageen, iyagana wuxuu Eebe uga baryay inuu u naaxriisto.
Shirku wuxuu is-tusay in xasuuqa Qabridaharre iyo kuwii ka horreeyayba ay yihiin kuwo is fiican uga markhaati kacaya dhaqanka Itoobiya ee ku salaysan dad-cunimada iyo dulimi ku noolaanshaha. Shirku wuxuu beesha caalamka iyo hay'adaha xuquuqul insaanka ka codsaday inay canbaareeyaan falka uu ku kacay taliska Addis Ababa ee aadaminimada ka dhanka ah. Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenyana wuxuu ugu baaqay inay midnimadooda sii xojiyaan, isla markaana guntiga dhiisha iskaga sii dhigaan, si la isaga xoreeyo gumaysiga dhiigya-cabka ah ee Abasiiniya.
 
Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark.
 
Waxaa shir midkaas la mid ah qabatay Jaaliyadda Ogadenya ee wadanka Denmark maalinimadii Sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 19/11/05. Shirkaas oo ka dhacay xarunta jaaliyada ee caasimada Copenhagen waxaa ka soo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark oo ay ka dhex muuqdeen madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Dadwaynihii shirkan ka soo qaybgalay waxaa wajiyadooda ka muuqatay cadho aan la qiyaasi karin oo ka dhalatay xasuuqii uu gumaysigu ka fuliyay magaalada Qabridaharre.

Shirkan waxaa lagaga hadlayay xasuuqii foosha xumaa ee ciidamada gumaysiga Wayaanuhu ku xasuuqeen maxaabiista iyo shacabka magaalada Qabridaharre, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda jabhada ee ka qabygashay shirkaas.

Dadweynaha ka soo qayb galay shirkaas oo aad wajigooda ka akhrisan kartay siday uga xumaayeen xasuuqaa iyo cadhada ay u qabeen gumaysiga Itoobiya ayaa wacad isku marsaday inay hiil iyo hooba la garab sitaagaan Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya. Waxay kaloo ka soo qaybgalayaashii shirku si buuxda isugu raaceen in gurmad dagdag ah la sameeyo iyo la qabto bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo gumaadka iyo xasuuqa ciidamada Wayaanuhu ku hayaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya.
 
Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamadaNorway, Qadar iyo USA.
 
Shirar kuwanoo kale ah waxay sidoo kale ka dhaceen dalalka Norway, Qadar iyo meelo ka mid ah dalka Maraykanka, waxayna shirarkaasi dhammaantoodba ku saabsanaayeen sidii tallaabo isku mid ah looga qaadi lahaa xasuuqa uu gumaysiga Itoobiya u gaysto dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalkan ayaa dhammaantoodba ballan ku qaaday inay dadaalkooda labanlaabayaan, isla markaana dardar galinayaan qorshayaashii ay ku horumarinayeen halganka lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya ee JWXO ya hormuudka ka tahay.
 
Radio Xoriyo
22 November. 2005
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005

Kismaayo oo lagu Qabtay Aqoon isweydaarsi ay hirgalisay Jaamacada Kismaayo
iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka yeeshay marti galinta shirka Kismaayo.. Guji... Nov 21

UK: Kulan lagu Taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay... Guji.. Nov 21

Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21


Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, waxaana... Guji... Nov 21

Ergey Ka Socda Barre Hiiraale oo La Kulmay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
»Xildhibaan Dhalxa“waa soo dhoweyneynaa xubnaha Muqdisho
»Qoraal ka soo baxay  Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed
»DFKMG oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo
»Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey..
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji... Nov 21

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD