SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wufuud ka socota wadamada Kenya iyo.Itoobiya oo soo gaarey Jowhar.

  • Muuse Suudi Yalaxow oo u soo jeediyay beelaha aan soo gubin Magacyada..

  • C/llaahi Yuusuf iyo Max’ed Dheere oo ku guuleystay in ay qaboojiyaan xiisaddi ka dhalatey..

  • Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya Suudaan..

  • Jowhar oo uu maanta ka furmayo kulan... Jowhar oo ay isgu imaanayaan ..

WARARKA MAANTA::: Nov 29, 2005

Wufuud ka socota wadamada Kenya iyo.Itoobiya oo soo gaarey Jowhar.

            Wufuud ka kala socota wadamada kenya iyo Itoobiya ayaa shalay galabnimadii ka soo degay Magalada Jowhar oo xarun u ah qaar ka mid ah Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in wufuudaan ay ka qaybgalayaan kulan maanta la furmaya Magalada Jowhar oo ay isugu imaanayaan Wasiiradaa arrimaha dibadda ee IGAd.

            Dowladda Kenya ayaa waxay soo diratay wakilkeeda u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey, sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa waxay soo diratay Wiisru dowlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaana shalay ka sugayay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Uganda, Ereteriya, Jabuuti iyo Suudaan, hase yeeshee warar aanu helnay waxaa sheegayaan in wadamadaani aysan imaan doonin Magaalada Jowhar.

            Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili wadamada ku bahoobay urur gobaleedak IGAD uu ka dhexeeyo khilaafyo isla markaana aysan isla fahamsaneyn xaaladda wadanka Soomaaliya.

            Kulankaani haddii uu furmo waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda Federaalka, maadaama aan Soomaaliya wax shir ah lagu qaban 15-kii sano oo ay dagaalada sokeeye socdeen ha noqdeen kuwo heer caalami heer Gobal iyo heer Degmo.

Muuse Suudi Yalaxow oo u soo jeediyay beelaha aan soo gubin Magacyada..

            Muuse Suudi Yalaxow oo ah guddoomiyaha guddiga maamul u sameynta Gobalka Baanadir ayaa ugu baaqay beelaha aan ilaa iyo haatan soo gudbin magacyada xubnaha uga mid noqonaya Golaha Baarlamaanka ee Gobalka Banaadir in ay soo dedejiyaan si loo sameeyo maamulkii Gobalka Banaadir.

            Ilaa iyo 44 xubnood ayaa haatan la soo gudbiyay waxaana dhiman 20 xubnood si ay tiradu u noqoto 64 xubnood oo noqonaya maamulka ugu sareeya ee Gobalka Banaadir.

            Muuse Suudi waxa uu sheegay in howlihii Gobalka Banaadir haatan marayaan meel wanaagsan dhawaanna shacabka ku nool Gobalka Banaadir ay heli doonaan maamul ka shaqeeyay arrimaha nabadgelyada iyo soo celinta adeegyadii bulshada.

            Qaar ka mid ah beelaha ayaa weli ku murunsan qaabka qaybsiga xubnaha Golaha Baarlamanka ee Gobalka Banaadir, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay dalbadeen in la soo dhex galo si loo soo gebagabeeyo arrimaha is haysiga ee u dhexeeyay beelaha.

C/llaahi Yuusuf iyo Max’ed Dheere oo ku guuleystay in ay qaboojiyaan xiisaddi ka dhalatey..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha maamulka Gobalka Sh/Dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan kooxo maleeshiyo ah oo habeen hore uu isku dhac ku dhex maray meel u dhaxeysa garoonka Diyaaradaha ee Jowahr iyo MagaaladaJowhar, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay hal ruux waxaana ku dhaawacmay labo kale.

C/llaahi Yuusuf waxa uu markiiba kulan la qaatay mid ka mid ah saraakiisha maamulka Puntland C/risaaq Af-Guduud wuxuuna u sheegay in ciidamada Puntland ee ku sugan xerada Kongo ay is dejiyaan xaaladdana ay ka dhigaan mid caadi ah, sidoo kale Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa ku guuleystay in uu gacanta ku soo dhigo kooxihii ka dambeeyay iska hor imaadkaasi, waxayna haatan ku xiran yihiin xabsiga Magaalada Jowhar.

Iska hor imaadka ciidamada ayaa waxaa la sheegay in uu sabab u ahaa amaro qalad ah oo ay bixiyeen taliyaasha ciidamada, maadaama labada ciidan loo waday garoonka diyaaradaha, si ay u sugaan ammaanka Garoonka, oo ay ka soo digayeen mas’uuliyiin sarsare, waxaana shalay la arkayay labada ciidan oo wada shaqeyn dhex mareyso. 

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya Suudaan..

Galabta saacaddu markay tahay afarta galabnimo ayaa la filayaa in garoonka Rwanda uu ka dhaco kulan aad u xiiso badan oo ay wada yeelan doonaan xulalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Soomaaliya waxa ay Suudaan kaga hor tageysaa iyadoo wata saddex dhibcood, iyadoo xulka Suudaana uu kulankaan u yahay kulankii ugu horeeyay, waxaana xulka Suudaan lagu tiriyaa xulalka ugu adag Geeska Afrika.

Kulankii ugu horeeyay Xulka Soomaaliya waxa ay la yeesheen Xulka Jabuuti oo ay uga badiyeen 2-1, waxayna guusha ay gaareen xulka Soomaaliya si weyn looga soo dhaweeyay dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xulka Soomaaliya uu tartankaan u soo galay diyaargarow adag, waxaana xulka Soomaaliya lagu soo biiriyay lix ciyaaryahan oo laga keenay Qaaradda Yurub, kuwaasoo si aad ah uga dhex muuqatay kulankii dhex maray Jabuuti iyo Soomaaliya.waxaa horey u kulmey Itoobiya iyo Ugaandha waxayana ku kala baxeen 0-0 labadan wadan waxay isku qayb yihiin Soomaaliya , waxaana Qaybtan hagaanka u haya soomaaliya oo leh 3 dhibcood waxaa ku xiga Ugaandha iyo Itoobiya oo min hal dhibic leh        

Jowhar oo uu maanta ka furmayo kulan... Jowhar oo ay isgu imaanayaan ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maanta Magaalada Jowhar uu ka furmi doono kulan ay isugu imaanayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD kaasoo looga arrinsan doono xaaladda Soomaaliya.

Kulankaan oo ah kii ugu horeeyay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya 15 sano kaddib, ayaa waxaa la sheegay in uu guul u yahay Dowladda Federaalka oo iyadu maalmahan si aad ah ugu talaabsaneysa xiriirka dibadda.

Ilaa iyo hadda ma cadda wadamada sida rasimiga ah uga soo qaybgalaya kulankaasi waxaana Magaalada Jowhar ka socda diyaargarow aad u xoogan iyo sugada ammaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2005


Xildhibaan Axmed Diiriye oo ka hadlay maamul u samaynta G/Banaadir
»C/lhi Yusuf oo dalbadan in DFKM ku biirto isbahaysiga SANCA
»Muranka xerada Sh. Aadan Dheere ee Degamada Wardhiigley
»Nin gowracey laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey...
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... GUJI... Nov 26

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada Kigali,  Rwanda... Guji...

Bannaanbax lagu ayidayo fikirka dib u heshisiineed ee Barre hiraale oo ka dhacay Jilib
iyo degmada dhoobleey oo aan fikrkaas barre laga soo dhaweyn... Guji...

Dawladda Sucuudiga oo laga dalbaday in ay Joojiyso Xajka sannadkan
»Mwai Kibaki oo xilka ka xayuubiyay golahiisa wasiirada
»Sweden: Soomaali Lagu soo Eedeeyey kufsi
»Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub
»Geedi “Muqdisho waxaa lagu burburiyay Dowladii C/Qaasim
»Zanawi: wada shaqayn ayaa noo dhexaysa anaga iyo DFKMG
»Suudaan oo  ka jawaabtay kaalamadii Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 24

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD