Oktoobar iyo Xafladda lagu
Samaynayo Jawhar

Bashir issa diriye ,toronto
bdirie@hotmail.com
Oct 9, 2005
Ilaah baa
mahad leh ,nabigeenii muxamed (csw)nabadgalyo iyo naxariisi
korkiisu ha ahaato. Ramalaanu kariim akhiyareey ,ilaaheey
ayaan uga baryayaa tawfiikhda in uu wafajiyo; bishan
ramalaan barakadeeda;guud ahaan umadda islaamka gar ahaan
walaalaha soomalida. .
Qoraalkaygaan
maanta waxaan ku soo qaadan doona xafalad lagu sheegay in
lagu samaynayo magaalada jawhar oo ah xaruunta maxamad
dheere ama si kale hadaan u iraahdo xaruunta xabshidu kaga
arimiso koofurta soomaalida ,cabdulaahi iyo kooxdiisuna ay
yahiin kuwa loo cayimay bartaa in ay maxamed dheere marti
ugu noqdaan ,ayagoo halkaa ku sugaya hadba waajibka kaa ku
xiga oo la soo fari doono.
Marka
walaalayaal umadda soomaliyeed oo si aada u xasuusata
xafladihii loo cayaari jiray october iyo miisaankii
munaasabadaa ay ku lahayd umadda soomaaliyeed mid jecel iyo
mid kalaba ;ma ku matali karnaa midaan macne-laawe? xaflad
octoberse soomali xiisa danbe ma u qabtaa.?ciidamada
milaterigaa ee xafladda dhigaya ama maraya iyo hubka ay
sitan qaybtee ayaa leh?,ma qaybtii 21aad baa mase qaybtii
26aad mase waa ciidankii degaanka xamar ama la oran jiray
77? jawaabtaa ma jirtaa cid heli karta ?aad baan uga xumahay
october sida loo bililiqaysanayo.
Cabdulaahi
haduu jeclaa in uu madaxweyne soomaliyeed noqdo maahayn nin
wax ula haray ragii ka horeeyey ,cabdulaahi ma ahayn nin ay
jamhuuriyaddii somaaliyeed ka nabad gali jirtay October ama
madaxweyne siyaad in uu xafldeeyo, oo waxaan xasuustaa
ciidamadii ssdf ee cabdulaahi uu madaxda ka ahaa oo ay
taageerayaan kuwa xabashidu waxeey inta badan duulaanadooda
soo qaadi jireen october ,ayagoo inta badan soo weerari
jiray jiidaha hore ee difaaca diilinteena qaranka ,ama
waxeey hogaamin cireed siin jireen diyaaradaha xabashida oo
garaaci jiray magaalooyinka soomalidu dagto oo aan ukala
aaba yeeli jirin caruur, wayeel iyo haween intaba ,ayagoo
ka faa'idaysanaya munaasabadaa qaran ee lagu jiro,marka
cabdulaahi bilaha waxuu u necbaa october, marna kuma uu
tashan in uu october maalin maalmaha ka mida bilaha ka
jeclaan doono waa ilaah amarkiise.
Madaxweyne
siyaad oo wadanka ku qabsaday inqilaab miltery waxaa aan la
qarin karin in sanadahii hore uu wadanka dhisay,xafladahii
october loo dhigi jirayna ay ahaayeen xaflado aad u waa weyn
oo wadanka oo idil laga dhigi jiray ,waxaa xafladahaa ka
qayb qaadan jiray dhamaan nuucyada ciidamadeenii qaranka iyo
ururadii bulshada oo idil ,waxaana daawan jiray marti
sharafeed dibadaha kaga yimaada iyo safaaradaha wadamada
shisheeya u jooga dalkeena, teetana waxeey sacab iyo
mashxarad aan kala go' lahayn ka kasban jireen shacabkeeda
daawanaya ,waa cajiibee Akhristoow bal suuree masawirna ka
bixi xafladdaan october lagu jaai'faynayo ee jawhar..
Runtii waan
garan karaa maanta in aan lagu matali karin waqtiyadii
madaxweyne siyaad hadana waxaa hubanti ah yaa u diiday in
lagu matalo oo ay soomali sidaa u sharaf dhacdo? yaa
duligaan inagu habsaday aabe u ah?,yaa wadankaan doonaya in
uu ka iibiyo cadawgii waligood laga hor joogay?waa kuma
midka baday culumadeenii in ay masaajidda ka qaxaan,ama
xabashida looga iibsado darajo iyo hub ?waa ayo ninka wali
ciil u qaba in uu dhiig kale oo soomaaliyeed sii
daato?su'aalahaa iyo kuwa aan si aada uga fogayn weeye
octobertii hinaaskeeda abdulaahi uu doonayo in uu salaan
kaga qaato magaalada jawhar maleeshiyo haybtiisa ah iyo
ciidamada warsangaliga maxamed dheere.
Xiliyada
wadanku ku jiro munasabadaha qaranka waxaa heegan buuxa la
galin jiray ciidanka qaranka siiba kuwa jiidaha hore ,waa
yaabe xafladda jawhar marka ay dhacayso ciidamada buthland
iyo kuwa maxamed dheere xagee u'ah jiida qaranka ?taliyaha
ciidamada dalbanaya magacee ayuu ugu yeeraya marka ciidamada
la soo dhaqaajinayo ?calamada iyo boorarka ciidamadu
sitaanse magacee lagu qorayaa?.waa suurta gal in lagu soo
qoro,marya calas,galaadi ,bacaad weyn iyo ururka taliska ee
reer mahad. Akhristoow hadaan dib ugu noqono gabagabadii
shirkii Kenya ma xasuustaa inta jeer oo shirka dhamaadkiisii
dib loo dhigay , macne kale meesha kuma jirin waxaa lagu
beegayey bisha OCTOBER,hadii ay saadaashu sida noqoto laba
arimood uun buu mid u xushay October,
-
waa bishii uu waligii
colaadda u qabay oo waxuu is leeyahay waa bil nasiib
badana adigana ku dhag ,ama ku dakanaee kuwa hogaankaa
kaaga dhawaa .
-
tan labaad waxaa suurta
gal ah in ay u calaamadeeyeen saaxiriinta u faaliya
dhamaan dadka aan caqiidada diiniga lahayn .,waxase anu
is weydiin in shacabka soomaliyeed ay is weydiin karaan
cidda qaadanaysa mas’uuliyadii dadkii ama ciidamdii ku
la’an jiray ilaalinta sanad walba bisha maalinta
October si shacbku uu uga qayb galo xafladaa oo uu
cabdulaahi soo hajuumi iray ciidanka xooga dalka
soomaliyeed ee ilaalin jiray xaduudaha soomalida .
Akhristoow waxaan doonayaa
inaan qoraalkaygaan ku soo kobo in la sii wado doodaan
anigana aan ku soo gaabiyo su’aal cinwaan u ahayd
qoraalkaygaan waxa xeeye CABDULAAHI OCTOBER HADMAAD
HESHIISEEN.wabilaahi tawfiikh ..
Bashir issa diriye ,toronto
bdirie@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 9, 2005
MAQAALADA KALE EE MAANTA::::
»DOOD
GABAY OO DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay:
Waajib - Waxaa Tiriyey Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay:
Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga
weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI
& SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir
»"BUUGA
CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir
»Doorashadii Golaha
wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda PL oo Jowhar Lagu Maamuuso,
kuwa kalena la Xiiro |
c/waxid
»INJ. MUNYE OO
FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor
oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u
heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq furan
oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA
& SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda:
"nin iga weyn
ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |