Hoogayaashu (Hogaamiyayaasha
Xamar) ma Ninkii ku Heyb ah bey la Haraan (Geeddi)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ciid Mubaarak.
Waxaan Ilaah ka beryeynaa inuu sanadkan kiisa kale nagu gaarsiiyo kheyr iyo
barwaaqo.
Madaxweynayaasha aan madaxweynayaasha noqon waxaa ka mid ahaa: Cali Mahdi,
Ceydiid iyo C/Qaasim. Cidda ugu badan ee carqaladeysay waa isla ciddooda.
Cabdullaahi Caddoow waxa la haray waa isla iyaga. Waxaa intaas dheer, qofkii la
socda doorashii guddoomiya baarlamaanka waxaa usoo baxaysa in ciddii ugu badneyd
ee Shariifka dooratay oo ka soo horjeesatay Shiikh Aadan-madoobe ay ahaayeen
hogaamiyayaasha Xamar. Dabcan iyagey ahaayeen ciddii hormuudka u ahayd
doorashadii madaxweyne C/hi.
Labo jeer oo
ra’iisulwasaare Geeddi Xamar tagay waa la ogaa inuu labadii marba dirqi ku
badbaaday halka Shariif Xasan dhowr jeer lagu soo dhoweeyey Xamar. Maxaa
hogaamiyayaasha Xamar ku diray ninka ay isku heybta yihiin? Adduunweynuhu
arrintaas wey fahmeen ah: inaan qolyaha Xamar joogaa wax heshiis ah gaarikarin.
Waxaa arrintaas si cad uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya markuu toddobaadyo ka
hor booqasho ku tagay Puntland isagoo leh: nimankaas Xamar jooga ma
heshiinkaraan ee halaga tashado. Adduunweynuhu wuxuu u qaatay marba haddaysan
dhexdooda ka heshiinkarin ineysan sidoo kale la heshiinkarin qabiillooyinka
kale. Waa arrintaas waxa keentay in madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaankuba
ka qarsadaan labadooda kooxood iney u sheegaan iney kulan ku leeyihiin Cadan,
Yemen.
Dad badan baa
igu yiraahda maxaan qabiillada iyo qabyaaladda wax uga qoraa? Waxaan ku dhahaa:
ka hadlidda qaranku ma ceebbaa? Maaddaama wax lagu qeybsaday qaab qabiil;
marka qabiil laga hadlayo, nin qolo kale u dhashay marna afhayeen uma noqonkaro
qabiil kale. Ka warran iyadoo nabad laga hadlayo haddii hogaamiyayaasha Xamar
iyo agagaarkeeda ka taliya aan lala tashan? Haddii hal dhinac keliya oo
hogaamiyayaasha Koonfureed laga qarsanlahaa waxaa la is dhihilahaa waxbaa laga
qabankaraa laakiin waxaa sidoo kale la hilmaamay ra’iisulwasaarihii. Wasiirrada
hubeysan iyo kuwa aan hubeysneynba waxay hoosyimaadaan ra’iisulwasaaraha ee
madaxweynuhu shuqul kuma leh. Waxay ahayd in madaxweynuhu uu Shariifka iyo
Geeddi gacanta isagu saaro Cadan. Waxaa dhici karta in xigmad ku jirto ileyn
haddii hogaamiyayaasha Xamar arkaan qof ay isku cid yihiin oo wax saxiixaya
waxay u dhowdahay iney halkaas qeylo iyo diidmo ka soo bilaabaan marka si aan
taasi u dhicin waxaa heshiiska u saxiixay madaxweynihii ay doorteen!
Dadka
Soomaaliyeed waxaa maskaxdooda ka sii yeeraya wax la isu yeeriyo. Waxaa
Kacaankii ku caanbaxay in inta hadal hal-ku-dhig ah sameeyo in dadkoo dhami iska
qaato iyadoon la isweydiin. Arrintaasi waxay i xasuusineysaa sheeko aan ka
akhiryey buug maad ah oo lagu magacaabo: “Man Walks into a Bar” ooy qoreen
labadan qoraa: Stephen Arnott iyo Mike Haskins. Waxay sheegeen in mar haweeney
macallimad ah ay ardey yar weydiisay inuu sameeyo weedh (sentence) ka bilaabata
“I”. Wiilkii wuxuu ku bilaabay: “ I is” markuu intaas yiri baa macallimadii ka
jartay hadalkii oo tiri: mar kasta waa inaad “I” raacisaa “am”. Wiilkii yaraa
waxba isma lurinne wuxuu yiri: “ I am the ninth letter of the English alphabet!”
Wiilku markii hore buu saxsanaa oo waxay ahayd: “ I is the ninth letter of the
English alphabet” oo ah “I” waa xarafka sagaalaad ee xarfaha alifbeetada
Ingiriiska. Marka waxaa maskaxda macallimadda ka maqnaa waxa wiilku maaganyahay
iyadoo garaadkeeda ku koobtay in laga wado aniga “I”. Waxaa qof kasta u fiican
inuusan hal meel ah wax ka arag sidoo kalana wax sugo. Markan qoraalada ku
bilaabey boggagga internetka ee Soomaaliyeed, dad badan baa fahmiwaayey
ujeeddooyinka qoraalkeyga, iyagoo u arkay in si shakhsi ahaana aan cid gooniya
ula dagaalsanahay. Runtii, wey jirtaa inaan SRRC-da iyo wixii Xabashida
taageersan aan usii necbahay hogaamiyayaasha laakiin marna ma aamminsani in
qaran iyo dowlad qaabkaas lagu dhiso. Maqaalo dhowr ah ayaan kaga hadlay:
qaran-dhis iyo dowlad-dhis. Marka haddii sidaan wax u odorosay si ka duwan wax u
dhicilahaayeen oo maanta nimankii Mbagathi lagu doortay ay qaran iyo dowlad
shaqeyneysa na gaarsiinlahaayeen; waxaan shakilahayn inaan dadka hortooda ka
bixin lahaa raalligelin iyo inaan khaldanaa.
Maqaalkii:
“ma Anaa Waalan mise Cadan baa laga Heesayaa” waxaan ku sii darayaa in la fahmo
fekerka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan joognaa waqtigii jaahiliga. Dadka
muslimiinta ahi hadday xitaa waxyar ka baranlahaayeen taariikhdii nabiga (SCW)
iyo siduu wax ula tacaaley waxaan ka faa’iidilahayn tusaalooyin ku habboon
marxaladda aan markaas joogno. Tusaale ahaan, markii nabiga (SCW) iyo
saxaabadiisii (RC) ay Makka furteen baa sanadkii ku xigay waxaa nabigu (SCW)
diray wafdi muslimiin ah oo soo Xajiya, dadkana sii bara culuum badan oo ku
saabsan Xajka iyo Islaamka guud ahaan. Waxaa nabigu (SCW) madax uga dhigay Abuu
Bakar Assidiiq (RC). Markuu Abuu Bakar ambabaxay baa saxaabadii (RC) nabiga (SCW)
ku dhaheen: nabi Alloow (SCW) waxaa Carabta u caado ah in haddii nin mas’uul ahi
uu rabo inuu qolooyin kale la soo hadlo waa inuu diraa qof ay isku jufo yihiin.
Isla markiiba nabigu (SCW) wuu qaatay curfigaas maaddaama ay Carabtu Islaamka ku
cusbaayeen wuxuuna Abuu Bakar (RC) ka dabodiray Cali Binu Abii Daalib (RC).
Inkastoo Abuu Bakar (RC) uu amiir ahaa laakiin Cali Binu Abii Daalib (RC) baa
warqaddii/farriintii nabiga (SCW) dadka ku dul akhriyey. Ilaah baan ku dhaartee,
innaga Soomaalida ah baa uga habboon Carabtaas inaan waxyaalahaas oo kale iska
ilaalinno. Inkastoo Soomaalidii hore sida Carabtii horaba ay ballanta iyo
heshiiska tixgelinjireen laakiin dadkeenna hadda jooga ma nihin dad qowl iyo
ballan leh. Marka waxaan shakilahayn in Geeddi ku fiicnaa inuu Cadan joogo oo
isaga iyo Shariifka gacmaha la isku saaro isagoo madaxweynuhu kortaaganyahay. Ma
jiro qabiil ogol in guusha iyo dib-u-heshiinta ay ka timaaddo dhinac ay ka
maqanyihiin.
Waxaan
aamminsanahay in ra’iisulwasaaruhu yahay nin “ciyaal xaafadda ah” oon qabin
cuqdad qabiil laakiin waxaan aad ugu farxay markaan saxaafadda ka arkey isagoo
ku ciidaya magaalo Soomaaliyeed welibana gashan dhar diinta lala xiriiriyo. Wax
kastuu qababa wuxuu sameeyey waxa lagu yaqaan qof aqoon leh oo ah tartiib u
socosho iyo isagoo sidii siyaasi ruug caddaa ah soo dhoweeyey heshiis laga
qarsaday.
Sheriif Xasan
waxaa sumacadda u yeelay waa hogaamiyayaasha Xamar jooga iyo inta ku fikirka ah.
Haddii, sida Sheriifku dadkaas wax uga qarsaday ay iyaguna kusoo kala fireeyaan
oo garabkiisa ka baxaan maxaa dhici kara? Xamar ma lagu soo dhoweyndoonaa? Ilaa
Deyniile, dadka ma u tubnaan doonaa hadduuba Xamar yimaado? Mise waxay oran
haddaad wax kale ismoodday, ma jirto cid Xamar iyo nambar 50 kugu soo
dhoweyneysee orodoo Jowhar aad.
Waxaa intaas
ka sii daran hogaamiyayaasha Xamar waxay si toos ah u diideen doorashadii
deegaanka ee dhexmarilahayd labo nin ooy isku hayb yihiin halka aysan weli
jawaab ka bixin tii Cadan oo dhexmartay labo nin ooysan isku cid ahayn. Waa:
haadku ugama soo dego ciddii ay isku heybyihiin halka ay ka heybeystaan dadka ka
soo jeeda qabiilooyinka kale. Ka Soomaali ahaan waxaan u arkaa dhaqan foolxun
maxaa yeelay qof walaalkiis hagraday ma wanaajiyo ina-adeerkiis. Gabyaa
Soomaaliyeed baa adeegsaday maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: nin hooyadiis
qorrax u jiidey, aayadiis hoos ma hariyo. Wuxuu yiri:
-
cir
madoow nin hooyadiis cirro leh cidla kaga guuray
-
haddii
aayadiis oo caddilan ciddi usoo sheegto
-
casho uma
nagaadee horuu kaga caweertaaye
Maaddaama
hoogayaashu hagradeen dadkey isku heybta ahaayeen ayey haddana u dhowdahay in
hadda laga huleelo Jowhar sidii Xamar oo kale lana tago magaalo kale haddii sida
wax loo odorosayo wax u dhacaan. Fiicnaanlahaydaa haddii inta goori goori tahay
ay hogaamiye kooxeedyada Xamar raalligelin siinlahaayeen Geeddi kuna soo
dhoweynlahaayeen inuu Muqdisho ka howlgalo iyagoo saxaya khaladkoodii hore.
Sidoo kale shacabka Xamar ha ogaadeen ineysan nimankaasi waxba u heyn ee keliya
uun markii siyaasad looga raayaba ay ku soo guryonoqdaan shacabka soona dhigtaan
isbaarooyinka hor leh iyagoo labolaabaya dilka shacabka. Marka waxaa idiin
fiican ineysan mar dambe idinku beerlaxawsan qaab qabiil. Marka inta caqligu
shaqeeyo bal ku dabofeyla qof aad is dhihi kartaan wuxuu wadaa dantiinna hadduu
rabo ha ahaado qabiil kalee.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 12, 2006
|