SomaliTalk.com oo Waraysi la
Yeelatay Wasiirka Horumarinta Reer
Miyiga DFKMG, Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere),
oo Booqasho Ku Yimid Minneapolis...
Waxaa waraysiga Qaaday::
Xasan Dhooye | Sept 21, 2005 |
Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere) |
Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere)
Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga
DFKMG waxa uu ugu horayn ka war bixiyey shirkii ay
waftigii uu kamidka ahaa ee uu hoggaaminayey
madaxweynaha DFKMG ay kaga qayb galeen magaalada New
York iyo wixii Dawlada Federaalka safarkas uga
qabsoomay.
Kaddib waxa uu ka
hadlay sababta ay dawlada FKMG ay qaramada midoobey
uga dalbatay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka laga
qaado.
Waxa kale oo uu ka
hadlay booqashadiisii uu ku yimid magaalada gobolka
Minnesota.
Waxa uu wasiirku
xusay waxyaabaha sababta u ah khilaafka u dhexeeya
xubnaha DFKMG. Waxana uu gaar u xusay arrimaha ku
saabsan ciidamada safka hore. waxan auu yiri "Itoobiya
dalka ma joogto, mana soo geli karto dal xor ah".
Isaga oo intas ku daray in dalalka safka hore
aysanba ku soo degdegayn imaatinka Soomaaliya. |
Bixid: Wasiirka
Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere), Midig: C/Risaaq
Maxamed Nuur |
Wasiirka oo hadalkiisii sii
wata waxa uu xusay sida ay ceeb u tahay waxyaabaha hadda ka
taagan Soomaaliya iyo wixii ka dhacay ilaa bilowgii
dagaalkii sokeeye. "Ceeb Soomaaliya arrinteedu waa dhaaftay."
"Adiguba Caqliguba caglaad
leedahay carar maxa dhaama" waxa ay ka mid yihiin hadaladii
uu yiri wasiirku markii uu ka hadlaayey tegitaanka Muqdisho.
Wasiirku waxa uu xusay in
aan dawladdu ku talo jirin in ay weerar ku qaado Muqdisho.
Haba yaratee dawladu dagaal uguma socoto Xamar.
Waxa kale oo uu sheegay in
dawladdu ay diyaar u tahay wada hadal. Isagoo intas ku daray
in wasiiradu ay ku shiri karaan Muqdisho iyo in aan nabada
raadinteeda laga daali doonin.
Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga
DFKMG, Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere) waxa uu ka war
bixiyey arrimaha la xiriira horumarinta reer miyiga. Waxa
kale oo uu ka hadlay arrimaha laxiriir khayraadka dabiiciga
ah ee Soomaaliya iyo heshiisyada lala gelaya shirkadaha
caalamiga ah.
Waxa kale oo uu ka hadlay
arrimaha saxaafada Soomaalida.
Waraysiga
Wasiirka oo Dhammaystiran ka dhegeyso halkan.... (39:40)
###
SomaliTalk.com oo Waraysi la
Yeelatay Xildhibaano Ka Tirsan
Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul
wasaare Kuxigeenka Koowaad,
ahna wasiirka Warfaafinta oo
Booqasho Ku Yimid Minneapolis/St.
Paul, USA...
Waraysigii Xildhibaanada iyo
Wasiir Kuxigeenka oo Dhamaystiran Halkan ka dhegeyso (1:30:09)
Xildhibaanada iyo Ra'iisul
wasaare-Kuxigeenka Koowaad ee aan maanta oo taariikhdu tahay
September 17, 2005 aan waraysiga la yeelanay waxay kala yihiin:
- Maxamuud Cabdullahi
Jaamac (Dr. Sifir)
- Xildhibaan Sakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi
- Xildhibaanad Caasha
Axmed Cabdalla
- Xildhibaan Maxamed
Xasan Daryeel
Waxaa waraysiga Qaaday::
Xasan Dhooye. Waraysiga oo soconaya
hal-saac iyo bar ka dhegeyso linkiga hoose:::
Waraysigii oo Dhan ka dhegeyso Halkan (1:30:09)
Maxamuud
Cabdullahi Jaamac (Dr. Sifir)
Ra'iisul
wasaare-Kuxigeenka Koowaad, ahna wasiirka
warfaafinta, Dr. Sifir, waxa uu warbixin kooban ka bixiyey kulankii ay
kaga qayb galeen Qaramda Midoobey, New York, ee ay
ka qayb galeen Baarlamaanada Caalamka.
Kaddib waxa uu wax
ka xusay khilaafka u dhexeeya Dawlada Federaalka
Kumeel Gaarka ah. Waxana uu xusay in khilaafka
salkiisu uu ka soo bilowday shirkii Kenya. Waxaana shirkaas la ilaawey in uu ahaa shir dib u
heshiisiin.
Waxa wadada
khilaafka na mariyey waxay ahayd arrin aan la isla
meel dhigin oo ah meesha ay ka imanayaan ciidamada
shisheeye, iyo in aan laga sii fekerin markii dalka
lagu noqdo xaggee ku noqonaa - Waxaana ka soo baxay
labo ra'yi oo ah: aan tagno caasimada dastuurka
inoogu qoran, iyo ma aha'e aan tagno meeshii nabad
inoo ah.
Sannad ayaa laga
soo gudbey waqtigii la abuuray Baarlamaanka,
xubnihiisiina meelo ayey kala joogaan, golaha
wasiiradu ma fariisan karaan, baarlamaankiina ma
fariisan karaan, madaxweynihii gooni ayuu ku
go'doomayaa, waa la oran karaa arintii sidaas ayey
isu tageysaa,
laakiin anigu weli ma dhehi karo burbur ayaa la
gaarey.
Waxayna ila tahay in qof kastaa uu dib uga noqdo
mowqifkii adkaa ee uu tagnaa. Dawladu waxay dawlad
noqoneysaa marka dadkeedu aqbalo.
Adduunku waxa uu
Soomaaliya taageerayaa marka ay Soomaaliya iyadu
marka hore wada tashato, wada hadasho, markaas ayuu
taakulaynayaa.
|
Sakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi
Xildhibaan Sakariye waxa uu
ka war bixiyey safarkoodii ay ku yimaadeen dalka
Maraykanka. Isla mar ahaantaasna waxa uu xusay
waxyaabihii ay ka fa'iideen kulankii ay la yeesheen
madaxdii ka socotey baarlamaanada caalamka.
Kaddib waxa uu ka
hadlay waxyaalaha ay isku khilaafeen madaxda Dawlada
Federaalka Kumeel Gaarka ah. Waxan uu xusay in ay
haboon tahay in la eego waxa la isku khilaafsan
yahay.
Waxa uu xusay
dawrka Baarlamaanka uu leeyahay, oo ah sharci dejin
iyo sharci dhawrid, iyo ilaalinta in aan xukuumada markaas
talada haysaa ku xad gudbin dastuurka.
"Soomaalidu iyada
ayaa is qabsatay, ciidamo looma soo kaxaysan.
Haddaad tusaale u soo qaato meelaha nabada ah sida
Puntland iyadaa is xallisan iyadoo aan ciidamo loo
soo kaxaysan, Soomaaliland iyada ayaa
is xalliyey, sidaas oo kale Xamarna iyadaa is xallin
karta."
Xamar dalka ayey
kamid tahay, dal shisheeye ma aha, qabqablayasha aad
sheegeysid
hadda waa wasiiro iyo xildhibaano, waxayna kamid
yihiin dawlada. Iyaga ayaa soo hor maray oo
hubkoodii keenay.
Anagu Soomaali ayaan nahay, ciidamo aanaan ku
heshiin dalka lama keeni karo. Waxaan qabnaa in
anagu aan
gar leenahay.
Haddii aan la isu
iman, oo si Soomaalino loo wada hadlin dawladu
haddii kale waa Faashil. Dawladu waxay ku heshiin
kartaa in arrimaha dastuuriga ee la isku hayo laga
wada hadlo. Hal Dawlad ayaa shaqan karta ee laba
dawladood oo isku dal joogaa mashaqayn karaan.
|
Xildhibaanad
Caasha Axmed Cabdalla
Ugu horayn
Xildhibaanad Caasha waxay ka warbixisay waxyaabihii
ay kala kulantay Jaaliayada Soomalaiyeed ee ku
dhaqan Maraykanka.
Anaga iyo sharcigu
isma hayno, lakaiin Jawhar iyo sharciga ayaa is haya.
Waa wax laga xishooda
kuwii dawlada ilaalin lahaa (kan ailalin lahaa
khaladka xubnaha Baarlamaanka) ee raacay dawladii ay
ilaalin lahaayeen.
Madaxweynuhu waxa uu
ka cararayaa Baarlamaanka isagoo diidan in lala
xisaabtamo.
Xildhibaanad Caasha waxa ay xustay waxyaabihii ay ka
qabteen Muqdisho iyo sida ay uga qayb qaateen
ammaanka Caaasimada Muqdisho. Waxan ay xustay in ay
nabad gelyadii soo celiyeen laakiin uu dhiman yahay
maamulkii. Waxana ay xustay in qofkasta uu
xusuusnado hawsha uu hayo in uu hayo qaranka.
"Puntland waa is
xallisey, Somaliland waa is xallisey" ma ahan in aan
keeno ciidamo shisheeye, inaga ayaa arrimheena xalin
karna.
|
Xildhibaan
Maxamed Xasan Daryeel
Xildhibaan Daryeel
waxa uu ka war bixiyey shirkii ay kaga qayb galeen
New York ee Baarlamaanada Aduunka.
Waxa kale oo uu ka
waramay kulamadii ay la yeesheen Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku sugan USA.
Kaddib waxa uu ku xeel
dheeraaday qaab dhismeedka dawlad iyo waxa looga
baahan yahay habka dawlo.
Waxa kale oo uu xusay
waxa sabab u ah khilaafka u dhexeeya Barlamaanka iyo
xukuumada Soomaliya.
Baarlamaanku waxa uu
taraa in uu xukuumada la xisaabtamo.
Xildhibaan Daryeel
waxa uu si weyn u xusay in arrinta hadda lagu jiraa
ay tahay kumeelgaar, waa la is khilaafi kara,laakiin
waa in dadku bisayl la yimadaan.
Waraysiga oo Dhamaystiran Halkan ka dhegeyso |
"Golaha
Ammaanku waa in ay Cuna-qabataynta Hubka ka Qaadaan Soomaaliya"
Sidaas waxaa yiri C/Lahi Yuusuf oo ka
hadlayey Qaramada Midoobey. Khudbadii oo dhamaystiran oo Video ah
ka daawo halkan
XAFLADO LOO QABTAY
ISKOOLO CUSUB OO LAGA FURAY LAASACAANOOD
Dugsiga Sare ee Nugaal iyo Dugsiga Hoose ee Al-Manhal
ee Laascaanood ayaa loo dhigay xaflado ay...
Guji...
Madaxweynaha
Puntland oo shahaadooyin guddoonsiiyey arday qalin jebistey Boosaaso
Arday tiradoodu dhan tahay 190 oo ka qalin
jebiyey Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha ayaa...
Guji...
Sept 17
Gen. Morgan iyo
Col. Hiiraale oo Isku Salaamay shirkii Magaalada Dayniile
Deegaanka Deyniile oo uu ka arrimiyo
wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa...
Guji...
Sept 17
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka
Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo
magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort,
haddii kale...
Guji... Sept 17
UN: Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka
Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka:
»C/Laahi Yuusuf oo Qaabilay Madax
ka tirsan dunida
»Geedi oo Xafiis ka furanaya
Magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Sept 17
Golaha Ammaanka oo cadaadis
saaraya xukuumadda itoobiya
iyo Meles oo sheegay in uu la hadlayo OLF...
Guji...
Sept 16
C/Lahi
Yusuf iyo Kofi Annan oo Kulan Ku Dhex maraya New York
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay...
Guji...
Sept 15
Guddoomiyaha Baarmalaanka oo kula kulmay laba senator Magaaladda
Washington D. C.
Waxaa ka dhacay xafiiska
Sentator Coleman ee ku yaal Magaalada Washington D.C...
Guji....
|