| 
 
 
	
		
			|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
			| Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
			|  |  
			|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
 
		Waan 
		baahanahay Baqtiga looma Cuno  
	
		|  Sawirkan sidaas uu yahay waxaa soo tebiyey 
		qoraga maqaalkan...
 |  
Dalka soomaaliya oo ah dalkeenii hooyo ayaa waxaa 
wax laga naxo ah xaalada maanta uu ku sugan yahay, sida muuqatana uma jeedno 
rajo wanaagsan oo aan ka sugeeyno dowlada eey madaxda ka yihiin C/hi Yuusuf  iyo 
Cali Max’ed Geedi, oo iyagu si cad ugu adeega dowlada Itoobiya, waa arin murugo 
leh in hogaamiyayaashii  15;ka  sano ka qeeyb qaadanaayay burburka dalka oo eey 
ka midka yihiin Muuse Suudi,  Qanyare Cismaan Caato, Barre Hiiraale, Indhacade & 
kuwakale, oo dhawanahaan ku qaraabanaayay shaar cusub oo ah in eey dalka ka 
difaacaayaan Itoobiya oo dowlada C/hi Yuusuf dooneeyso ineey Soomaaliya gacanta 
u galiso eey arintaas fashilinto, waa kuwo cadeeystey in eey danahooda qaaska ah 
fiirsanayeen.  
Waxaa jirta siyaasad qadiim ah oo ay ku 
shaqaynayso Dowlada Tigreega ee Addis Ababa,  waxa eey taariiqda ugu dhigaan 
caruurtooda in soomaalidu yihiin Itoobiyaan ka go’ay  dalka Itoobiya,  oo ay 
qasab tahay in dib loo soo celiyo, waxa ay taliska tigreegu aduunka u sheegaan 
in soomaalidu tahay dad waagii dabaysha xoriyadu socotay oo reer galbeedku 
Africa kaguurayeen si qalad ah ku heshay xoriyada,  oo ay yihiin dad aan u 
qalmin in ay madax banaani helaan,  mana ahan dad is maamuli kara. Waxaan kaloo 
xasuusin mudan in hada kahor wasiir itooobiyaan ah (C/majiid) British 
Broadcasting Corporation weydiisay danaha ay ka leeyihiin soomaliya, oo uu 
yiri “ Soomaaliya danta aan kaleenahay waa iska muuqataa oo Badwayntii Hindiya 
ayaa ka shishaysa waa wax iska cad oo qof kastaa fahmikaro” 
Hadaba si loo hirgeliyo siyaasadahaas qadiimkaa ee 
cadawga umada Soomaaliyeed waxay Itoobiya heshay fursad qaali ah kala 
daadsanaanta soomaalida owgeed, lagamana yaabo in eey waligeed wanaageena ka 
taliso arimahaan soo socdo darteed,  markohore  Soomaalidu waa dad muslimiin ah 
oo diin ahaan cadaw ayeey nagu tahay, sida lugu muujiyey tirikoobkii  ugu 
danbeeyey shacabka itoobiya 70% waa muslimiin meesha diintu uga soo maaxatayna 
waxaa la sheegay ineey tahay Soomaaliya, sidaas daraadeed taliska tigreegu 
arintaas ma aqbali karo, midakale Itoobiya dhul ayey naga haysataa waxayna og 
tahay in hadii soomaalidu noqoto qaran dhisan aysan sii haysan doonin. 
 Isku soo duuboo aqristoow hakudeeqo hadalkii  
madax waynihii hore ee Kenya oo ahaa” anaga iyo Itoobiya madoonayno in 
Soomaaliya nabad noqoto”.  
Si fudud waxaad ku fahmikartaan in 18.11.05 Cali 
Max,ed geedi uu cadeeyey in dawladii Carte itoobiya fashilisay,  mana jiro nin 
soomaali ah oo itoobiya saaxiib latahay ama Jeceshahay, ee danteeda ayey ku 
fushaneeysaa,  midkii danteeda diidana dhankasta wey kala dagaalamaysaa, hadaba 
aqristoow iyadoo xaalku sidaas yahay ayaad ogtihiin in Jawhar Itoobiya lugula 
saxiixday wax lugu sheegay heshiis iskaashi, bal is waydii iskaashiga na dhex 
mari karaa muxuu yahay xiligaan ??. Ayadoo weliba lasheegay in waxyaabaha lugu 
heshiiyey ay kujiraan iskaashi ciidan.  
Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ay ku jirto cabsida 
eebe waxaan dhihi lahaa waan baahanahay baqtiga looma cuno. oo yaan la raacin 
Dowlada ku sheega cusub ee itoobiya dabada ku heeyso iyo hogaamiye kooxeedyada 
dhiig cabayaasha ah.  
Wariye:- Mustafa Indhoos talaado@hotmail.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga 
	ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005
   
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |