Waad 
	salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo Netka.
	Hordhac : 
	Qormadan 
	waxa ay ka tahay qayb dood na dhex martay qaar ka tirsan saaxiibada Webka 
	iyo Netka oo ku saabsan siyaasadda DFKM ee ku wajahan aqoonsiga JSL. Waxa si 
	gaar ah loo xusahayaa magacyo gaar ah oo ay ka mid yihiin Mr. Jaamac oo ku 
	magac dheer ( Baasuuke ) iyo Mr. Cali Warsame oo uu qoruhu ku hal qabsaday.
	Weligeedba 
	hadalka hore la iskuma afgarto inta aan hadalo kale la is dhaafsan sidaas 
	darteed hadalada danbe ee ka soo yeeray saaxibada kuwii igu dhaliilay 
	gooni-isu-taagga JSL waxa uu ka qurux badan yahay kii hore ka dib is-qancin 
	dheer oo na dhex martay. Mahadsanid.
	Haddii 
	loo soo noqdo inta yar ee lagu kala afkaar duwan yahay aqoonsiga JSL waxa 
	muuqata in aanay xumayn in ay dadku kala afkaar noqdaan. Waayo wiil yar oo 
	dhegaystay AAbahiis iyo Hooyadiis oo murmahaya waxa u qiray in dadku fikirka 
	ku kala duwanaan karo LAAKIIN se marka danbe ay tahay in hal meel lagu 
	guddonsado. Wiilkaas waxa uu u dhabbo kalay waxa uu murankoodu ku saabsan 
	yahay AAbahiis iyo Hooyadiis oo uu muran xoog lihi dhexmaray. Waxa uu soo 
	oogaaday wiilka yari in uu muranku ku saabsan yahay ariga reerku 
	dhaqanahayay in uu bato oo odayaga iyo habartu midba rabo in uu qaab u gooni 
	ah u adeegsado. Odaygu waxa uu rabay in ariga sekada laga bixiyo, in martida 
	laga sooro oo loo qalo, in sadaqadda laga bixiyo oo tolka loo qaaraamo iwm 
	oo markaas uu arigu sidaas ku barakoobo oo uu bahal cuna iyo baylah ba ka 
	badbaado oo uu ka nabad galo in uu lumo ama uu cudur u dabar go'o sidaasna 
	uu ku tarmo oo uu ku bato.
	Hooyadu 
	waxa ay rabtay in qaab kale oo ka odayaga ka soo horjeeda loo adeegsado 
	taranka ariga. Taas oo ah in aan neef qura xerada laga saarin. Mid la qalo, 
	mid la bixiyo iyo mid seko laga bixyo toona uusan jirin. Sidaas na uu arigu 
	ku tarmo oo neefkii xerada laga saari lahaa aan laga saarin si midkii xerada 
	laga sari lahaa uu mid kale uu u dhalo markaas na uu arigu sidas ku tarmo oo 
	ku bato.
	Wiilkii yaraa waxa u muuqatay in labada 
	ra'yiba yihiin kuwo macquul ah oo sax noqon kara. Sidaas darteed ayuu 
	wiilkii yaraa waxa uu soo jeediyay in labada ra'yi midba mar la tijaabiyo oo 
	fikradda ficil loo rogo si looga war keeno halka ay faa'iidadu ku jirto.
	Tusaalaha aynu soo akhrinay waxa uu ina 
	barayaa in 40 sanadood oo ay midnimo-ku-sheeg jirtay laga joogo khasaare iyo 
	fara madow dhinaca hor-u-marka, akhlaaqda iyo nolosha qaybaheeda kala duwan. 
	Hadaba maxaa diiday in fursadda fikradda kuwa kale wqatigooda la siiyo in 
	lagu raaco gooni isu-taaga JSL oo  hadaba la arkay in ay ka faa'iido badan 
	tahay sidii hore iyada oo aan weli la gaadrin aqoonsi siyaasadeed oo buuxa. 
	Midda kale midnimo iyo midnimo la'aan waa laba magac iyo shicaar, astaan ama 
	summad la isku garto ee meesha waxa loo baahan yahay waxa ay tahay in la 
	adeegsado datriiqada hadba kii nafac leh ee nolosha loo maro wax na ka 
	tarahaya.
 
		
	
	Qabaa'ilka ku ku nool JSL dhammaan waxa ay 
	raali ku yihiin maanta oo ay qaateen fikradda ah gooni-isu-taagga JSL oo aan 
	dib loogu noqon maamul ka dhaxeeya Somaliya oo la isku tun-go'ay marka laga 
	reebo in yar oo ka tirsan qabiilka dega Gobolka Sool oo aan badankoodu 
	degaan ku lahayn JSL oo fikrad qaran qabiil ka doortay. Iyada muran kama 
	taagna sohdinta iyo qaranimada JSL meesha ay tahay caalami ahaan. Mana aha arrintu 
	goosasho ee waa kala noqosho xiili iyo xaalad ku yimid. Somalinimadu waa 
	shey muqaddas ah oo lama diidi karo magacuna ninna kama hari karo waana dad 
	wada dhashay LAAKIIN maamulka waa lala kala jeesan karaa. Wax dhib kale ah 
	oo meesha taal ma jirto aan ka ahayn iyada oo aan isku si loo wada oolin. 
	Waxa dhaqankeenna reer guuraaga ka mid ah in reeruhu marna kala guuraan mar 
	kalena soo wada degaan. Hadba sida ay dantu ku jirto and nothing else !   
	JSL madax-bannaanideeda ha isku maamulsho 
	iyo shantaba ha la isku maamulo wax muran la geliyo ma ah. Waxa haboon marba 
	kii shaqayn kara in la qaato. Waayo waqtigu waa qaali. 45 sano oo midnimo la 
	raadiyay ayaan wax faa'iido ah laga gaarin. dad iyo xoolo badanna lagu 
	waayay. Labadii xiisaha isula yimidna ay haatan kala xiiso dhaceen. 
	Jabuutina waa tan albaabka hoosta ka soo xiratay. Kuwii kalena waa kuwa hoos 
	sii galay oo aanay muuqan soo na dhoweyn meel lagaga bilaabo raadintooda. 
	Hadaba ma xuma in ay weli sii jirto riyadii Somaliweyn LAAKIIN xaqiiqo ma 
	aha in arrinta maanta laga dhabayn karo. Waxa laga hayaa Boqor Xaylasalase " 
	Isbedelku waa jiraa " waa markii uu inqilaabka ku qabsaday mid ka mid ah 
	waardiyihiisii - Mengisto.
 
		
	
	Si kastaba ha ahaato waxa ay maanta dantu 
	ku jirtaa oo la doorbidahayaa fikradda ah in shacbiga JSL uu dhammaan 
	taageero gooni-isu-tagga JSL oo xaq ah. Shacbiga Somaliyana aqoonsado. Maxaa 
	yeelay 40 sanadood wax lagu baran waayay weligedna lagu baran mahayo. Dhibta 
	haysta Somalia iyo deganaansha la'aanta siyaasadda qayb ayay ka tahay 
	aqoonsi la'aanta JSL. Maxaa yeeelay Md. Sifr, Md. Cismaan Jaamac, Md. Buubaa 
	iwm ayaa sababay in siyaasadda Somalia ay qaado cudurka loo yaqaan 
	sal-ka-dheele iyo wax aan sugnayn. Wax aan sugnayn dabcan waxba lama saaran karo. 
	Mid kalena waa jirta oo marka laba fikradood la iskala hor yimaad waxa jirta 
	wax lagu kala baxo oo codbixin loo yaqaan ( vote ). Waa dimoqraadiyad iyo 
	sida uu caalamku ku kala baxo.
	Hadaba qof ay wax idinka dhaxeeyaan marka 
	uu diido in uu xilladdaada cayaarta ku guro ama uu doorkaaga fursadda ku 
	siiyo in la qaato soo jeedintaada ama fikradaada mar haddii aad doorkiisii 
	kan kale hore u siiyay. Marka uu diido in cod lagu kala baxay uu ogolaan 
	waayo ee uu u hogaansami waayo. Taas markaas macnaheedu soo ma ahan in 
	madaxa la isla galo iyo waxa maanta ka taagan Somalia.
	Waxa aan qabaa saxiibayaal hadalkan oo ay 
	inala wadaagahayaan saaxiibo kale oo la isku dan yahay waxa aan kaga 
	baxahaya in la iska dhaafo muranka, indho-caddaynta, madax adayga, cinaadka 
	kii Ibliis oo kale ah ee aan cilmiga ku dhisnayn, werwerka iyo yabaalka ku 
	salaysan waa lagaa tiro badan yahay oo minority ayaad noqonaysaa JSL oo qolo 
	ayaa ku xukumahaysa iwm ee khuraafaadka ah. 
	Haddii 
	la is-weydiiyo JSL maanta waa ayo cidda kala tirada badan ee la 
	tartansiinayo? Yaa tiro isku raacsan oo wada socota. Waxaas waa dhaqankii 
	hore ee duurka iyo fikraddii qabiilka ku salaysnayd waana laga gudbay. Waxa la 
	gaaray cod-bixin oo ah wax qaali ah oo soo afjartay yabaal oo dhan. Tusaale 
	: Madaxweynaha JSL ee maanta kursiga ku fadhiya ma waxa la oran karahayaa 
	waxa uu ku helay madaxnimda qoladiisa oo badan? Waa maya. Waxa uu ku helay 
	cod iyo dimoqraadiyad xor ah iyo rabitaan dadweyne. Mucaarad iyo muxaafad 
	labadaba isaga ayaa Madaxweyne u ah. Sidaas ma la garan karaa, ma la fahmi 
	karaa oo dhandhan ma idiin leedahay. Mise aragtidu weli ma dhaafsana 
	Madaxweynuhu qolayada ma ah? Ama qolo anagga ah ayaa Somaliya joogta oo aan 
	la dawlad noqonayaa !!
	Hadaba 
	ninka diidan afkaarta la soo sheegay waxa laga rabaa in uu keeno afkaartiisa 
	oo qeexan in dadka ay wax ka dhexeeyaan uu qanciyo ee aanu wax walbo is-hortaagin 
	inkiraad iyo indho-caddayn aan wax tarahayn uusan meel la soo is-taagnaan. Midda 
	kale ee la idiinku darahayaa waxa ay tahay shalay ( 1960 ) ciddii ka 
	danbaysay fikradda midnimada Somalia lala midoobahayay waxa ay ahaayeen kuwa ka 
	soo jeeda degaanka bari ee JSL waana lagu raacay fikradda midnimada iyo 
	rajada Somaliweyn iyada oo la qadarinahayo fikirkooda ay xaqa u leeyihiin in 
	ay shacbigooda u soo jediyaan. Waayo waxa ay ahayd fikrad ugub ah oo 
	xilligaas qurux badnayd LAAKIIN se aan markaas la ogayn khasaaraha ka imaan 
	karahayay. Laba qaawani isma qaado. 40 sano ka bacdi waxa la arkay natiijada 
	iyo waxa ay ku danbaysay oo ay ugu khasaaro badan yihiin kuwii keenay fikrada 
	iyada ah.
 
		
	
	Su'aal 
	: Somalidu ma heshiin kartaa ??
	Jawaab 
	: Haa. Waa heshiin kartaa haddii si miyirka qabta loo wada hadlo isla 
	markaasna nin walba inta loo badbaadiyo lagu xaq-dhowro qardhaastiisa gaarka 
	ah ee uu xiran yahay. Taas oo loola jeedo in nin walbo loo aqoonsado meesha 
	ay ka haysato laguna tixgeliyo oo weliba lagu xaqdhowro. Mid waxay ka 
	haysataa Ina Cabdalla Xassan Darwiish buu ahaa oo ingiriis ayuu la dagaalay. 
	waa in loo daayo oo lagu tixgeliyo. Waayo intaas ayuu aakhiro iyo aduunba ka 
	hayaa oo ay ka qabsatay! Mid kale waxa ay ka haysataa goofkayga. Kaasna waa 
	in goofkiisa loo daayo! Mid kale waxa ay ka haysataa aniga ayuun baa wax ah. 
	Kaasna haddii aan loo shidahayn saaladiisa oo aan si fiican looga 
	cuudinahayn wuu is-galay waa in loo aqoonsado! Mid kale waxa ay ka haystaa 
	Somaliba ma ihi haddii aan helayo dhoof! Kaasna ha la dhoofiyo! Mid kale 
	waxa ay ka haystaa suuq madow iyo xoolo aruurs! Kaasna waa kan ugu daran ee 
	aan dalkana dan ka lahayn ee ha loo  daayo daasadahiisa uu aruursdaday! Mid 
	kale waxa ay ka haystaa in aan la dhihin waa lagaa tiro badan yahay! Kaasna 
	qabiili dhaha oo gabdhaha ka guursada! Anigana kolley waxa ay iga haysataa 
	JSL oo madaxbannaani siyaasadeed gaartay oo kelideed is-maamulshay!! Taasna 
	hambalyo iyo  hanii'an dhaha! Iyada ayay wax waliba ku dhan yihiin....
 
		
	
	Waxa 
	aan ku soo gebogebaynayaa sheekada si wax loo kala faa'iidaysto in laga 
	fogaado wixii keenahaya khilaaf loo kasay oo loo bareerahayo. Waxa aan 
	idinka ilaabay in aan idiin sheego oo aan idiinku bushaareeyo in la hayo 
	sirtii ugu danbaysay ee laga helay Madaxda dawladda FKMG ee Somalia 
	muwaafaqo iyo in ay diyaar u yihin wada jir aqoonsiga JSL iyaga oo 
	raaligooda ah.....Yaan lagaaga dheerayn dirista kaarka hambalyada " Greeting 
	Cards" . Inshaa Allaah.
	Mahadsanid.
	Ducaale 
	Hadal-wanaje II
	
	
	ducalewanaje2@hotmail.com 
	Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga 
	ku saxiixan