Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Ma La Soo Gaadhay Xilligii Maamulka
Hargeysa Runta Isu sheegi Lahaa?.
Asad
Cadaani Ibraahim
e-mail:
assadlaska@yahoo.com
Laascaanood, Soomaaliya
Waxaan shaki ku
jirin in la soo gaadhay xilligii ay dadyowga ku dhaqan Hargeysa iyo Burco
runta isu sheegi lahaayeen, iyaga oo ka shiidaal qaadanaya dhacdoodyinka aan
layska indha tiri Karin ee horyaala, kuwaas oo sida qoraxda iyo dayax shan
iyo tobnaad ah u muuqda.
Waxaana cad oo aan caadsaarnayn in ay ay
hungowday himiladii iyo hankii ay hiigsanyeen dadka u ololeeya wax loogu
yeedho gooni isu taaga, waxaana taas aan u soo qaadan karaa dhacdooyin ay
badanaaba is maan dhaafiyaan bulshada iyagu u ololaysa kala qoqobka
Soomaalida.
Waxaynuna soo qaadan karaa dhawr dhacdo oo
qoraaga Maqaalkani goob joog ka ahaa kuwaas oo u dhameeyey fikirka gooni isu
taaga, gaar ahaan ugaba laalaabay gobolada Sool, Sanaag ,Haylaan iyo Cayn.
Waxaana ugu muhiimsanayd Safarkii uu Riyaale
isugu soo miidaamiyey magaalada Laascaanood, Dagaalkii
29octoobar,Doorshooyinkii Deegaanka ee dhawaan ka dhacay Gobollada Waqooyi
Galbeed Soomaaliya.
Haddii aan Mid Mid u soo qaadano.
Safarkii Riyaale ku yimi Laascaanood
07/12/2002 waxa uu ahaa mid ku salaysnaa ismiidaamin uu Riyaale dhamaan
ukuntiisii halsalad ah isugu geeyey, kaas uu filayey haddii uu guul ugu
dhamaado in uu taariikhda jibada gooni isu taaga baal dahab ah ka galo ,
kuna faani lahaa Laascaanood ayaan tagay layga soo dhaweeyey , nabad galyana
kaga soo noqday, hasa yeeshee taasi may dhicin , safarkii ismiidaaminta ahaa
waxaa u dhameeyey sadex baroon oo dharaar ka saaray Laascaanood, kuwaas oo u
arkayey in uu Riyaale iyo ragga la fikirka ahi ay ka soo gudbeen khadkii
casaa ee u yaalay Gobolka Sool siiba siyaasada ku wajahan Gooni goosadka iyo
Soomaalidiidnnimada.
Dagaalkii 29/10/2004, wuxuu ahaa kii ay
fikirka Somalilander-nnimadu adhaxda kaga jabtay, kaas oo dhamaan ku soo
jeediyey xataa kuwii u dhashay gobollada Sool,Sanaag Hayland iyo Cayn
Hargeysa markay Joogaan odhan jiray (walaalayaal markii aynu xornnimada la
soo noqonay 18/may) ee afka baarkiisa ahaa, wuxuu ahaa dagaalkii lagu
ogaaday sida ay maskaxda dadka Hargeysa iyo Burco ku nool u fakerayso, marka
laga soo bilaabo Riyaale , Ina dhoola yare ilaa iyo ninka maqaaxida fadhiya
, waxaana daliil cad kuu ah wixii uu ku hadlay wasiirka warfaafinta ee
maamulka Hargeysa markii uu ku faanay in uu dilay 100 nin oo lagu sheegay
Harti, isla markaan amray in sawirada maydadkii lagu soo ban dhigo ,T.V
Hargeysa iyo internetka.
Qoraaga magaalkan iyo suxufiyiin kale waxay
goob joog ka haayeen dagaalkii Adhi-cadeeye ka dhacay 29/10/2004 , waxaanay
suxufiyiintu dagaalka oo soconaya ku jireen jiida hore, markii maxaabiista
Maamulka Hargeysa la soo qabqabtayna waxay dhamaan diideen maamul iyo
saxaafad ba in maydka xurmadiisa lagu xadgudbo,oo aan la soo bandhigin
sawirada meydedka , maadaama ay ahaayeen dad walaalo la yahay isla markaana
shaydaanku u qurxiyey fikirkan, weerarna ku soo qaadeen ummad dalkoodii ku
sugan.
Falalkii ay markaas mas’uuliyiinta maamulka
Hargeysa ku talaabsadeen iyo sida saxaafadda Hargeysa loogu soo bandhigay
Buqdiga iyo Nacaybka Soomaalidiid-nnimada ku dhisan ayaa waxa uu qayb ka
qaatay in ay bulshada ku dhaqan Sool,Sanaag,Haylaan Iyo Cayn ay si markhaati
ma doonta ah ugu muuqato xaqiiqada dhabta ah ee ka danbaysa waxa loogu
yeedho “Somaliland”.
Doorashooyinkii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ,
ee lagu tilmaamay in ay ahaayeen doorashooyinka deegaanka, waxay ahaayeen
talaabadii ugu danbaysay ee ay suuq gaynayeen u dagaalamayaasha gooni isu
taaga ku salaysan Soomaalidiidnnimada, kaas oo uu runta ka sheegay Qoraaga
arrimaha Soomaaliya ku caan baxay I.M .Luweys, muxuu yidhi haddaba
qoraagaasi? si cad oo aanu madmadow ugu jirin ayuu ku yidhi “ waad
wanaagsan tihiin haddii aad gobolada ay degaan beelaha dirta waqooyi nabad
galyo iyo xasilooni ka samayseen, doorshooyinka deegaanka aad samaynaysaana
waad ku mahadsan tihiin, hasa yeeshee, Gobollada hartigu degaan Dhulbahante
iyo Warsangali haday ka dhacaan ayaad rajo leedihiin”
Doorashooyinkii aan markoodii horeba sharciga
ku salaysanayn waxay ka dheceen Carro Dir Waqooyi hasa yeeshee kama dhicin
Carro Harti waqooyi, taas macnaheedu wuxuu noqday oo ay ku arooreen Maamul
Goboleedka Waqooyi Galbeed, halkaasna waxaa ku soo afjaran tay riwaayadii
mudada dheer ay soo jilayeen Raggii ay ka mid ka ahaayeen , Ilaahay
hawnaxariistee C/raxmaan Axmed Cali(Tuur), ILaahay hawnaxariistee Maxmed
Ibraahim Cigaal oo aanay lamadaas marxuun midna si dhab ah u aaminsanayn in
Soomaalida la kala diro, Riyaale oo isagu noqday ninkii Naxashka Ruwaayadaas
misbaarkii ugu danbeeyey ku dhuftay.
Waxa kale oo isaguna sanadkan Horaantiisii mar
uu safar ku tagey Magaalo madaxda labaad ee Soomaaliya Hargeysa wasiirka
xidhiidhka afrika ee dalka Ingiriisku ,hadalna ka jeediyey golaha wakiilada
ee maamulka Hargeysa wuxuu ku yidhi “Waad ku mahad san tihiin nabad
galyada iyo horumarka aad gaadheen, laakiin looma baahna aftahamo dheeraad
ah ee waa in aad wada xaajood la gashaan Soomaalida inteeda kale”.
Waxaa iyaduna ugu danbaysay Mr. Fall oo ah
ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya mar uu warbixin ka siinayey golaha
ammaanka arrimaha Soomaaliya waxa uu xusay in ay doorashiiyin ka dhaceen
Gobolada Burco, Hargeysa ,iyo Boorame hasa yeeshee in aanay ka dhicin
gobolada Sool,Sanaag, Hayland iyo Cayn,Soomaaliduna wali u kala qaybsan
tahay beelo, sidaasi daradeedna uu golaha ammaanku mar kale ku celiyey in
Midnnimada Soomaaliya muqadastahay.
Waxaan shaki ku jirin in gobollada Waqooyi
galbeed horumar baaxad weyn gaadheen marka loo eego Soomaalida inteeda kale
, hasa yeeshee la soo gaadhay xilligii ay runta isu shegi lahaayeen , oo
odhan lahaayeen , Soomaali dhibaato in ku filan soo wada martay, dad la
laayana waxaa ugu horeeyey reer Koonfureed,waliba kuwo ay Siyaad Barre isku
qolo yihiin, Koonfur waxa qabiilooyinku isu geysteen hadalkeedaba daa,
Weerarkii diyaaraduhu ku baabi’iyeen Taleex
iyo bulshadii lagu xasuuqay ee gaadhaysay 500,000 shan boqol oo kun ayaa
raadkoodii wali sii muuqdaan oo aan la hibanayn, looma baahna hanyaraan
joogta ah , iyo hibasho taagan .
Asad Caddaani IBraahim
Laascaanood
Jamhuuriyada Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005


|