Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Max'ud Sifiri waa
Siyaasiyiin jecel midnimada Soomaali...
Aaamino Cabdulaahi Cali, USA.
aminocali@hotmail.com
Waxaan halkaan ka salaamayaa marka hore
akhristayaasha meelkastoo aad joogtaan.
Salaantaas kadib waxaa maalmahan si wayn loo
hadal hayaa falanqaynta hadalkii Geedi kasoo yeeray ee ahaa in isagu aanu waxba
ka qabin in Somaliland hadii aduunku Aqoonsado oo siyaabo kala duwan looga
doodayo waxa ku kalifay hadalka aan laga fiirsan ee uu ku hadaaqay sida Ilmaha
yar yar.
Ma ahayn dhawaaqii Geedi mid Qof xilkaasi haya uu si sahlan u yiraahdo , waase
khaldami karaa hadii uu afka ka xaday oo loo baahnaa in uu saxo ama uu markale
si gaar ah uga bixiyo Raali galin si dadka ku haminaya Somaliwayn ay u hakiyaan
carada faraha badan ee loo qabo Geediga markaliya yiri Somaliland waxba kama
qabo Ictiraafkeeda.
Sidoo kale waa Xadgudub dhanka Sharciga ah sida ay sheegeen Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen oo Webabka u waramayay iyo Waraysigii Sifiri uu siiyay Ridwaan Xaaji oo
labaduba ay sheegeen in hadalkaasi Geedi kasoo yeeray uu khilaafsanyahay
Dastuurka u yaala qaranka Soomaaliyeed ee labo sano looga doodayay Kenya kadibna
la isku afgartay inkasta oo laftiisa ay wax badan ka khaldan yihiin.
Somaliland oo uu sheegay Geedi ama iyaguba ay sheegteen waxaa dancan loo
yaqaanaa Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya , waxaana dagan dad isugu jira kuwo raba
gooni isu taag iyo kuwo kale oo raba in ay Soomaalida la midoobaan xiligan 15
sano kadib dagaal sokeeye oo wali saamayntiisu ay ka jirto Soomaaliya.
Waxaase taasi kasii daran iyana in Geedi uu inkiray Shacabka Soomaaliyeed ee ku
nool SoomaliGalbeed Ethiopia in uu inkiray nolosha ay ku nool yihiin ee ah
gacanta cadowga Soomaaliyeed in ay wali ku jiraan oo ay ka nolol hooseeyaan
dadwaynaha kale ee Ethiopia daga oo isugu jira beelo fara badan oo Soomaaliyeed
sida Ogaadeen, Sheekhaal , Isaaq iyo kuwo kale.
Gunaanadkii Midnimada Soomaaliya waa Muqaddas sida aan anigu isleeyahay.
Macasalaamah
Aaamino Cabdulaahi Cali, USA.
aminocali@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2005
Safarkii
Geedi ee Jowhar::::::

Safarkii Geedi ee Jowhar::::::


|