Barnaamijkii Radio Xoriyo
15
November. 2005
Raaf Ogaadeenya ka socda iyo dagaallo
cadowga lagu jabiyay.
Shir Jaaliyadda Ogadenya ku yeelatay
Qatar.
Dad lagu xidhxidhay gobolka Oromada.
Shir arrimaha Ogaadeenya ku saabsan oo ka
dhacay Koonfur Afrika.
Diblumaasi Maraykan ah oo xukuumadda Zenawi
aad u canbaareeyay.
Saraakiil Itoobiyaan ah oo jooga magaalada
Jawhar.
======================
Ciidammada gumaysiga Itoobiya
ee ku sugan dalka Ogaadeenya ayaa beryihii denbe oo dhan ka wada gobollada
Ogaadeenya raaf ay dhalinyarada qasab ku ciidamaynayaan. Waxaa
magaalooyinka qaarkood la raafay arday dugsiyada dhexe iyo sare ka tirsanaa.
sidaas darteed dhalinyaro badan ayaa dhinaca miyiga u cararay, qaar kalana
waxay ku dhuumanayaan xaafadohooda.
Tallaabadan raafka ah waxay ciidammada
Wayaanuhu billaabeen, ka dib markii ay dadwaynaha marar dhawr ah ugu baaqeen
inay soo ururiyaan dhalinayaro askar laga dhigo, hase yeeshee ay dadwaynuhu
ay gabi ahaanba baaqyadaas ku gacan saydheen.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa
dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya uga digtay in mar kale shidaal looga dhigo
dagaalka xaq-darrada ah ee xukuumadda Itoobiya ku qaadayso dalka ay deriska
Eritereya. Jabhaddu waxay dadwaynaha ugu baaqday inay ka shaqeeyaan sidii ay
u fashilin lahaayeen qorshaha cadowga ee ka dhigan in dhalinayradooda loo
adeegsado dagaalka uu ku cimri-dheeraysanayo taliska xilligiisii gabaabsiga
yahay ee Addis Ababa.
Dhinaca kale wariyaha RX uga soo warramaha
xarunta Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo
dhawr oo ay iska horyimaadeen ciidammada xoreynata Ogaadeenya iyo
saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.
05/11/05 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ay ku qaadeen saldhig uu cadowgu ku leeyahay magaalada Gurdumi,
waxay cadowga kaga dileen 4 askari, 6 kalana way kaga dhaaweceen.
06/11/05 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Laas-dhrkaynle, oo Dhanaan ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 6
askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
08/11/05 duleedka magaalada Fiiq waxaa miino
lagu qarxiyay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii
iyo ciidammo saarnaa oo 50 askari gaadhaya.
Shir Jaaliyadda Ogadenya ku yeelatay Qatar.
Habaynkii Jimcaha ahaa ee 11/11/05 waxaa shir
isugu yimid xubnaha jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Qatar, waxaana shirkaas
lagu falanqeeyay arrimaha ku soo cusboonaaday dalka Ogadenya, Gumaysiga
Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Xubnuhu markii ay dhagaysteen xogwarran uu
siiyay wakiilka jabhadda ee dalka Qatar, waxay guda-galeen inay ka doodaan
qodobbadii horyaallay, isla markaana ay daraasad ku sameeyaan sidii ay u
fuleen qorshayaashii Jaaliyadda u yaallay.
Xubunhu waxay ka wada maqsuudeen siada ay u
socdaan hawlaha Jaaliyadda, waxay sidoo kale bogaadin u soo jeediyeen
ciidammada iyo hawl-wadeennada Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo si
fiican u buuxiyay himiladii dadwaynaha ee la xidhiidhay hab-sami
u-socdsiinta hawlaha halganka Ogaadeenya lagaga xoreynayo gumaysiga
Itoobiya.
Ingiriisi:
Toddobaadkii hore markii bamku kugula qarxay Muqdisho,
dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo maleynayo inay
ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, adigu
si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay
ka dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal?
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
Dad lagu xidhxidhay gobolka Oromada.
Booliska xukuumadda Itoobiya ayaa axaddii
xabsiga u taxaabay in ka badan 33 qof gobolka Oromada. Dadkan waxaa lagu
idhxidhay bariga gobolka Shawa, oo 100 kilo mitir dhinaca bari ka xiga
magaalada Addis Ababa.
Booliska ayaa sheegay inuu dadkaas ku qabtay
hub iyo rasaas kala duwan, wuxuuna tilmaamay in hubkan iyo rasaastan ay
leeyihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee CUD, isla markaana la
adeegsan lahaa marka ay mucaaradku qabanayaan bannaanbaxyada ay xukuumadda
kaga soo horjeedaan.
In labo toddobaad ka yar ayaa laga joogaa
markii ay bannaanbaxyada xukuumadda lagaga soo horjeeda ay ka billowdeen
magaalooyin badan oo Itoobiya ku yaalla, isla markaana ay ciidammada taliska
Addis Ababa u gaysteen xasuuq ba’an iyadoo la dilay dad aad u tira-badan,
kumanaan kalana xabsiga loo taxaabay.
Shir arrimaha Ogaadeenya ku saabsan oo ka
dhacay Koonfur Afrika.
Intii u dhaxaysay 8 – 11/11/05 waxaa magaalada
Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu qabtay shir ay isugu yimadeen xubanha
Jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada Cape Town, kaasoo lagaga hadlay arrimaha
Ogaadeenya, isla markaana lagaga tashnayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa
burburka ku soo food-leh xukuumadda xilligeedii dhamaaday ee Itoobiya.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda
Ogaadeenya ee gobolka Westren Cape, waxaana ka soo qayn galay dad aad u
badan, kuwaasoo warbixino dhaadheer ka dhagaystay masuul sare oo ka tirsan
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya iyo masuuliyiin ka tirsan Jaliyadda
Ogaadeenya ee dalka Koonfur Afrika, waxayna masuuliyintaasi ka xogwarrameen
xaaladda Ogaadeenya iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.
Masuuliyiinta Jabhadda ee shirkaas warbixinta
ka jeediyay waxaa ka mid ah Cali Axmed Xasan oo ah xubin ka tirsan Golaha
Dhexe ee Jabhadda, wuxuuna si waafi ah uga warramay meesha uu marayo
halganka ay JWXO hormuudka ka tahay, iyo sida ay ciidammada xorenyta
Ogaadeenya ugu awood sheegteen kuwo isu keen-keenka ah ee Itoobiya ku soo
ururisay dalka Ogaadeenya.
Xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee gobolka
Westren Cape ayaa gabagabadii shirkaas ballanqaaday inay dadaalkooda sii
labanlaabayaan, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin JWXO
iyo siyaasadeeda togan. Waxay sidoo kale xubnaha Jaaliyaddu salaan qaali ah
u direen ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee geesinimada iyo daacadnimada ku
caan-baxay.
Diblumaasi Maraykan ah oo xukuumadda Zenawi
aad u canbaareeyay.
Danjire Herman Cohen, oo ah kaaliyihii hore ee
arrimaha Afrika ee wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka, ayaa ayaa
sheegay inuu aad uga niyad jabay tallaabooyinka uu Meles Zenawi ka qaaday
dadka xukunkiisa ka soo horjeeda, wuxuuna rumaysan yahay in xukuumadda
Zenawi ay qaadday tallaabooyin aan mrnaba loo baahnayn.
Herman Cohen wuxuu yidhi; Tallaabooyin
qalqallafsan ee xukuumadda Zenawi bannaanbayaasha ka qaaday waxay ka
turjumayaan dhaqanka dabiiciga ah ee xukuumadda Zenawi.
Danjire Cohen wuxuu xukuumadda Zenawi ku
canbaareeyay inay si aad ah ugu sii ekaanayso xukuumaddii millatariga ahayd
ee Mingisto Xayle Maryam, oo uu gacan wayn ka gaystay sidii xukunka loogala
wareegi lahaa sannadkii 1991.
Wuxuu kaloo intaas ku daray in xukuumadda
Zenawi ayna marna isu saamixin inay noqoto horseedkii is-bedalka
dimuqraadiyadeed ee Itoobiya.
Mr. Cohen wuxuu tilmaamay in, marka la eego
tallaabooyinka ay xukuumadda Zenawi mucaaradka ka qaadday, la ogaanayo in
Meles Zenawi uu siyaasad ahaan aad u liito, isla markaana uu u dagaallamayo
sidii kursigiisa u badbaadin lahaa.
Danjire Cohen ayaa ku baaqay in beesha
caalamka looga baahan yahay inay tallaabo ka qaado xukuumadaha ku xadgudba
xuquuqda aadanaha, hannaanka dimuqraadiyadana is hortaaga, sida xukuumadda
Zenawi oo kale, wuxuuna dawlada Maraykanka ugu baaqay inay kaalamada
dhaqaale ee ay Itoobiya siiso u isticmaasho cadaadis ay ay xukuumadda
Itoobiya ku cadaadinayso sidii hannaanka dimuqraadiyadu uga hirgeli lahaa
dalka Itoobiya.
Saraakiil Itoobiyaan ah oo jooga magaalada
Jawhar.
Maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Jawhar
ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya garabka madaxwaynaha
gaadhay, saraakiil ka socda xukuumadda gumaysiga Itoobiya oo uu horkacayo
safiirka taliska Addis Ababa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya C/casiis Axmed
Aaden.
Ammaanka magaalada Jawhar ayaa aad loo
adkeeyay markii uu waftiga gumaysiga Itoobiya ka socda imanayay magaalada,
waxaana la joojiyay guud ahaanba baabuurtii isticmaali jirtay jidka laamiga
ah ee dhexmara magaalada Jawhar. Waxaa sidoo kale aad loo baadhayay dadka
magaalada soo galaya, iyadoo booliska garabka Jawhar ay sheegeen inay
xabsiga u taxaabeen dhalinyaro da’yar ah oo markii denbe la xaqiijiyay
inayna wax dhib ah wadin.
Waftigan gumayisga Itoobiya ka socda ee Jawhar
yimid ayaa la sheegay inuu u gogol-xaadhayo safar uu magaalada jawhar ku
iman doono wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Zenawi, kaasoo heshiisyo
kala duwan la saxiixan doona garabka Jawhar ee dawlada ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya.
Dhinaca kale ra’iisal wasaaraha dawlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee Cali Maxamed Geedi ayaa mar si toos ah
su’aalo looga waydiinayay idaacadda BBC markii taariikhdu ahayd 11/11/05,
wuxuu inkiray inay jiraan gobollo soomaaliyeed oo wali gumaysi ku sii
denbeeyay. Ra’iisal wasaaraha waxaa la waydiiyay siyaasada dawaladiisa ee ku
aaddan dhulalka iyo dadka soomaaliyeed ee wali gacanta gumaysiga ku jra,
wuxuu ku jawaabay;
”Dadka iyo dalka soomaaliyeed waxay maqnaan
jireen waagii gobonimo doonka, laakiin sidii gobonimada dalku (Soomaaliya) u
qaatay, dalalka deriska inala ah iyaguna gobanimo ayay qaateen, deegaannada
soomaaliduna waxay ka mi yihiin dalalka Kenya iyo Itoobiya. Dadkaasu waxay
ka mid yihiin dalalka deriska ah, gobanimona ku hadlaan, gumaysina kuma
jiraan”.
Dad badan ayaa hadalka ra’iisal wasaaraha ka
amakaagay, isla markaana yiqiinsaday in ra’iisal wasaaruhu uu yahay nin aan
waxba u kala baxsanayn oo moodaya in dalalka Geeska Afrika oo dhan ay
xornimada qaateen markii ay Soomaaliya xorowday.
Radio Xoriyo
15
November.
2005
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 16, 2005
|