SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com


Xubnaha Ururka

C/Qaadir

C/Qadir Aden

C/Rashid

Cabdi Cadde

C/Qadir

Martida

Farax Sahal

Gudiga

Øjvind iyo Afadiisa

Xubnaha Ururka

Xubnaha Ururka

Urur ay maamulaan dhalinyaro soomaaliyeed, laguna magacaabo Den Internationale Club ayaa maalinimadii jumcada la soo dhaafay ku qabatay xarunta cusub ee xaafadda Brønshøj Copenhagen xaflad si fiican loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen dad badan oo soomaaliyeed iyo marti u dhalatay dalka Denmark.

Kahor intaan la qaban qabashada xafladda ayaa waxaa ka horeeyay shir ay lahaayeen xubnaha cusub ee ururka Internationale Club ee ka kala socday magaalooyin kala duwan ee dalka Denmark. Si cilmiyaysan aadna u deggan ayay fikradahooda isu dhaafsanayeen xubnaha firfircoon ee doonaya inay kor u soo qaadaan tayada walaalahooda soomaaliyeed ee dhalinyarada ah, ee intooda badan ku dhashay ama ku soo barbaaray dalka Denmark.

Shirkii ay yeesheen xubnaha ururka

Ugu horeyntii waxaa shirkii xubnaha ay yeesheen subaxnimadii jumcada albaabada u furay guddoomiyaha ururka Den Internationale Club Nasiib W. Farah, isagoo si qalbi furan uga mahad celiyay xubnihii ka kala yimid magaalooyin kala duwan si ay uga soo qaybgalaan shirka, wuxuuna intaas kadib hadalka uga baxay xubnaha kale ee goobjoogga ku ahaa madasha shirka. Is barasho xubnaha dhexdooda ah kadib, waxay xubnihii ka yimid magaallada Århus bixiyeen warbixin kooban kuna saabsan howlihii ururka uu ka qaybtay magaallada Århus, wuxuuna sheegay inuu ku taamayo inay ururka ku soo biiraan dhalinyaro aad u badan oo soomaaliyeed.

"Horey uma jirin inay si toos ah ay urur u maamulaan dhalinyaro soomaaliyeed, waxaa jiray ururo ku magacawnaa dhalinyaro, hase ahaatee dhalinyarada dowr fiican weligood kuma lahayn dhisidda iyo maamulka ururka, hadda ururkaan waxaa maamula isla mar ahaantaana kala socodsiiya dhalinyaro soomaaliyeed, waana tan ay si weyn u xiiseenayaan dhalinyarada kale " ayuu yiri Abdiqaadir Aden oo ka mid ahaa xubnihii ururka ee isaga ka yimid magaallada Århus.

Shirkii xubnaha ay yeesheen oo uu si sarraysa u agaasimayay Maxammed Abshir ayaa qodobbadii laga hadlay ka mid ahaayeen himilooyinka iyo mabaadiida uu lahaanayo ururka, iyo sidoo kale haddii uu ururku yeelanayo magac ka duwan magaca uu hadda leeyahay, iyadoo doodo iyo fikrado badan kadib la isla gartay in dib danbe looga doodo qaar ka mid ah qodobbadaas, maadaama ay xubnaha dhammaantood isku waafaqeen qodobbadii horey ugu degsanaa ururka.

Waxaa sidaas si la mid ah warbixin u soo gudbiyay xubnihii ka kala socday magaallooyinka Viborg iyo Odense. Abdimaalik iyo Ismaaciil ayaa warbixinno kala duwan ka bixiyay magaallada Viborg, halka Abdiqaadir Abukar uu ka warbixiyay magaallada Odense. Intuu shirka socday, waxaa doodihii shirka iyo xafladdii ka danbeysayba duubayay taleefishinka online-ka ee somtv. Maamulaha iyo weriyaha tv-gaas Abdimaalik A. Isak (Cabdi Cadde) ayaa isagu goobtaas goobjoog ku ahaa, isagoo dhinaca kalena ka mid ahaa xubnihii ka soo qaybgalay shirka.

Shirkii xubnaha markii albaabada loo xiray, waxaa loo dareeray salaaddii jumcaha, iyadoo intaa kadibna loo diyaargaroobay qabashada Xafladdii ku saabsanayd furitaanka xarunta cusub ee uu ururka ka furay magaallada Copenhagen. 

Furitaankii xafladda

Saacadda markay ahayd shantii iyo bar galabnimo waxaa goobtii lookalka cusbaa ee xafladda soo buuxiyay dad badan oo u badnaa soomaali. Hoolkii sida wanaagsan loo qurxiyay ee lagu qabanayay xafladda ayay dadkii u soo gudbeen, waxaana xafladdii durbadiiba albaabada u furay guddoomiyaha ururka Nasiib W. Farah. "dhammaan xubnaha ururka iyo dhammaan martida sida wanaagsan u soo aqbalay cidsigii ka soo qaybgalka xafladda way mahadsan yihiin, ku soo dhowaada xarunta cusub ee uu ururka yeeshay, waxaana howlaha uu ururka qabto uu u furan yahay dhammaan xubnaha ka tirsan ururka iyo kuwo aan ka tirsanayn, markale soo dhowaada waadna mahadsantihiin" ayuu Nasiib hadalkiisa ku soo xiray, dabadeedna waxaa mikrofoonka la wareegay Maxammed Abshir oo daaddihinayay barnaamijka xafladda intiisa kale.

Intaa dabadeed, waxaa hadalka qaatay guddoomiye ku xigeenka ururka Den Internationale Club Abdirashiid Artan oo si faahfaahsan uga warbixiyay wax qabadka uu qabto ururka. "waxyaabaha uu ururka qabto waxaa ka mid ah waxbarashada caruurta, isboortiga, talo bixin la xiriirta dhinaca waxbarashada iyo guud ahaan shaqada, shirar aan ku wacyi gelinno guud ahaan dhalinyarada" ayuu yiri Abdirashiid, isagoo hadalladaas u si wacan ugu soo jeedinayay luqadda deenishka.

Abdirashiid Artan kadib, waxaa misna ka hadlay waxqabadka ururka uu qabto Abdiqaadir oo isna ka mid ah xubnaha firfircoon ee guddiga. Wuxuu Abdiqaadir si wacan uga hadlay mabaadiida asaasiga udub-dhexaadka u ah ururka, wuxuuna mabaadiidaas si kooban ugu soo koobay sidatan: Soomaalinnimo, Islaanimo, caddaalad, xorriyad, kalsooni, sinnaan iyo karti.

Dhinaca kale, wuxuu kaloo si fiican uu Cabdiqaadir uga warbixiyay sida uu ururka uga qaybqaato talooyinka iyo kobcinta ku aaddan waxbarashada dhalinta soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay jiraan dhalinyaro heegan u ah inay dhalinyarada soomaaliyeed ka caawiyaan maaddooyinka kala duwan ee ay ka qaataan dugsiyada ay dhigtaan, kadibna waxaa la qaatay nasasho yar oo ay ka soo qaybgalayaashii xafladda ku qaateen cabitaan iyo cunid macmacaano iyaga loogu talagalay.

Waxyar kadib, waxaa haddana dib u billaabmay howshii barnaamijkii xafladda. Waxaa billaabatay warbixinnadii ay soo jeediyeen xubnihii ka yimid dhammaan magaalooyinka Århus, Viborg iyo Odense, iyagoo si waafi ah uga hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira sidii loo xoojin lahaa ururka, isla mar ahaantaasna loo dhammaystiri lahaa ajandayaasha aan weli la dhamaystirin. Waxaa goobtii shirka ka hadlay Øjvind Bejstrup oo ay la socotay afadiisa. Wuxuu aad u jeclaystay sida wanaagsan ee kartida leh ee ay dhalinyarada soomaaliyeed ugu dhiiradeen mideynta ururkan, wuxuuna intaas raaciyay inay lagama maarmaan tahay isku xirnaanta iyo wada shaqaynta xubnaha dhexdooda si loo gaaro ayuu yiri yoolka uu tiigsanayo ururka Den International Club. Waxaa sidoo kale goobtii xafladda ka hadlay Christian oo ka socday degmada magaallada Copenhagen, wuxuuna cabbiray dareenkiisa farxadeed ee ku aaddan ururka. “waxaan ka socdaa maamulka degmada Copenhagen, waxaana la ii shaqaalaysiiyay inaan ururkan oo kale dhinaca dhaqaalaaha ka taageero, waa ururkii labaad ee soomaaliyeed ee aan wada shaqayn la sameeyo” ayuu yiri Chrisitian, isagoo intaa kadib ururka Den Internationale Club ugu hambalyeeyay dhisamaha cusub ee muddada gaaban ay nasiibka ugu heleen.

Waxaa sidaas si la mid ah ka hadlay Per Pedersen oo ka mid ahaa martidii deenishka ahaa ee xafladda ka soo qaybgalay. “aad ayaan ugu faraxsanahay ka soo qaybgalka farxadda furitaanka lookalka ururka, waxaan si wanaagsanaa u aqaanaa Nasiib oo wiil dhalinyaro ah, wuxuu yimid Denmark isagoo aan la soconin waalid, hadduu jiri lahaa aabe kale oo keyd u ah Nasiib anniga ayaan ku rayn lahaa inaan noqdo aabahaas” ayuu yiri Per oo aad uga helay saambuuskii uu ka cunay xafladda. “waan jeclahay saambuuska ay sameeyaan soomaalida” ayuu igu yiri mar uu cunayay qaar ka mid ah cuntidii ay soo sameeyeen gabdho soomaaliyeed looguna talagay xafladda.

Waxaa misna xafladda ka hadlay Faarax Sahal oo ka mid ah asaasayaashii ururkaan, isagoo ka soo qaybgalayaashii iyo martidii xafladda timidba uga mahad celiyay ka soo qaybgalkoodii. Faarax wuxuu si kooban uga hadlay inuu ururka gaaray guullo waaweyn, kadib markii mirahiisii ay dadkoo dhan wada arkeen. “ururka waa ururkiina, ku soo dhowaada ka qaybgalka howlaha uu ururku qabto” ayuu yiri Faarax Sahal oo ahaa qofkii labaad ee curiyay aasaaska ururkan ku fiday magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Denmark.

Ururka Den Internationale Club waxaa la aasaasay sannadkii 2002-da. Waxaa xubno ka ah dad kor u dhaafay 200 qof. Tirada xubnaha guddiga waa 5 qof, waxayna kala yihiin Nasiib Weli Faarax guddoomiye, Abdirashiid Artan guddoomiye ku xigeen, Faarax Sahal qasnaji, Xamsa Nuh iyo Sharmaarke Bashiir oo iyagana xubno guddi ah. Waxaa jira labo xubnood oo keyd u taagan, waxayna kala yihiin Abdighani iyo Mohammed I. Ururka wuxuu qabtaa doorasho sannadkiiba mar, halka ay ka kulmaana bishiiba hal mar. Ururka wuxuu wadashaqayn la leeyahay ururo kala duwan oo ka jira dalka Dkk, waxaana ka mid ah ururada kala ah HK, hay'adda qaxootiga deenishka ee Dansk Flygtningehjælp, DUF, Dansk Røde Kors, ururka shaqada ee LO, naadiga isboortiga ee Idrætguide, FOA, Fritid & Idræt iyo xafiiska suuqa shaqada ee AF.

Ugu danbeyntii shirkii iyo xafladdii ay soo qaban qaabiyeen ururka Den Internationale Club ayaa ahaa mid ku dhammaaday mid aad loo xiiseenayay, iyagoo dadweynihii ka soo qaybgalayna ay aad ula dhaceen qaabkii uu u dhacay guud ahaan barnaamijkii xafladda ee ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada soomaaliyeed Den Internationale Club.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2004

 RAMADAN LATEST NEWS | WARARKA RAMADAANKA

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD