SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ

 HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKII CBS 60 MINUTES EE MAXAABIISTA LA CIQAABAY


Waa askari Ingiriis ah oo Ku Kaadshaya maxbuus Ciraaqi ah: eeg: www.mirror.co.uk

Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee ka baxsan banii aadanimada ee ay ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska ula dhamqayaan maxaabiista reer Ciraaq ee ku xirxiran xabsiyada ku yaalla Baghdad, xarunta dalka Ciraaq.

Shalay oo sabti ahay taariikhduna ahayd 01-05.2004, wuxuu wargayska caanka ah ee The Mirror ee ka soo baxa dalka Britain si tifaftiran uga hadlay falal-denbiyeedka ay ciidamada Britain ula dhaqmaan maxaabiista muslimiinta ah ee reer Ciraaq.

Fal-denbiyeed waxshinimo

Wargayska Mirror ayaa  boggiisa hore maanta ku soo bandhigay maxbuus ciraaqi ah oo indhaha inta laga xiray dharkoo dhanna laga siibay uu askari ingiriis ah uu ku kaadinayo, wuxuuna warkan uu wargayska fidiyay kadib markay saacado keliya ka soo wareegeen barnaamij kale oo kan la mid ah uuna tebiyay taleefishinka mareekanka ee  CBS [Akhri: CBS ama Daawo halkan]

Falalkan waxshinimo ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada Britain ayaa sida uu wargayska sheegay si joogto ah loogula dhaqmaa guud ahaan maxaabiista ugu xirxiran xabsiyada ku yaala Ciraaq. Sawiradan oo ay ciidamada ingiriiska qaadeen ayaa ula jeeddada ay ka lahaayeen lagu sheegay jawaab la siinayo dagaalyahaniinta reer Ciraaq ee ka soo horjeeda ciidamada haysta guud ahaan dalka Ciraaq.

Sababta sidan Loogu Galay

Ciidamada Britain-ka waxay sheegeen, maxbuuska sawirkiisa la soo bandhigay ayaa loo maleenayaa in lagu soo eedeeyay xatooyo, sidaasna uu u mutaystay jirdil. Ma jiraan fal denbiyeed kale ama eedeyn kale, saacado kadib maxkamaddiisa, waxaa maxbuuskii ciraaqiga ah lagu kaxeeyay gaari ay ciidamada ingiriiska lahaayeen, dabadeedna gaariga oo socda ayaa laga tuuray, lama oga inuu maxbuuska maanta nool yahay ama inuu dhaawicii darnaa ee soo gaaray uu u dhintay.

Dhinaca kale, Janaraalka hoggaamiya ciidamada Ingiriiska ee jooga Ciraaq Michael Jackson ayaa wargayska u sheegay in ciidamadii gaysatay faldenbiyeedkaas baaristooda billaabatay, wuxuuna intaas raaciyay “hadday sugnaato inay ciidamadaas sameeyeen faldenbiyeedkaas ma noqonayaan kuwo mudan inay lebistaan direeska boqortooyada, magacii iyo maaqaamkii wanaagsanaa ee ciidamda ingiriiska ayay foolxumeeyeen” ayuu yiri Jackson.

Jawaabta ay UK ka bixisay


Barnaamij laga soo daayey TV-ga CBS ayaa muujiyey ciraaqiyiin la qaawiyey [Eeg halkan] Sido okale eeg SAWIRADA KALE...GUJI

Americans ‘Ashamed’ Of Iraqi Prisoners Abuse [IOL]

Dowladda Uk ayaa durbadiiba ka jawaab bixisay falal-denbiyeedka ay ku kaceen ciidamadooda. Af-hayeen u hadlay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Britain iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa si wadajir u wada eedeeyay falalkii ay ku kaceen ciidamada inmgiriiska ee ku sugan Ciraaq, waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay baaritaan ku samayn doonaan dhacdada falalkaas, ayna yihiina kuwo aan marnaba la aqbali karin. [Eeg halkan]

Sawiradan uu wargayska maanta soo bandhigay ayaa yimid kadib markii maalintii shaleey ahayd uu taleefishinka laga leeyahay Mareekanka ee CBS uu mid ka mid ah barnaamijyadiisa aadka loo daawado ku soo bandhigay xad-gudubyada ciidamada mareekanka ay kula dhaqmaan maxaabiista reer Ciraaq.

Waxaa la is tusay askar mareekan ah oo farxad dartood la muusoonaya, tilmaamayana calaamadda ah inay guuleysteen, iyagoo markaasna ay sawiro ka qaadayaan maxaabiis ciraaqiyiin ah oo qaaqaawan. Maxaabiista dharka laga qaaday ayaa is dul-saarsaaran sida iyagoo aad mooddo inay ku dhaqaaqayaan dhexdooda falal anshax xun (isu tagayaan oo kale).

Madaxweynaha Mareekanka George W. Bush ayaa falalka ciidamada Mareekanka ku tilmaamay kuwo laga yaqyaqsado oo aan loo dulqaadan karin, wuxuuna intaa raaciyay in askartaas lala xisaabtami doono. [Eeg halkan]

Laga soo billaabo markii Ciidamada ay horkacayaan Mareekanka iyo Ingiriiska ay qabsadeen dalkaas Ciraaq waxaa jiray degganaansho la’aan iyo qulqulatooyin waaweyn, taasoo dhalisay joogitaanka ciidamada ajnabiga, waxayna dad badan oo reer Ciraaq ah ay aaminsan yihiin in Ciraaq ay waqtigan xaadirka ah ay aad uga liidato markuu talada dalka hayay madaxweynihii hore ee Ciraaq ee Saddaam Xuseen.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKII CBS 60 MINUTES EE MAXAABIISTA LA CIQAABAY

ISHA Sawirada: KA EEG HALKAN
.
www.mirror.co.uk

. news.bbc.co.uk

.
CBS

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2004

 

<><><>

Ciraaq: Ciidamada Maraykanka iyo Ingariiska oo ka darey kuwii Sadaam

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji

SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD