SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

1.1 Million oo Caruurta Kenyanka ah ayaa ku agoontowday Cudurka AIDSka.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | 13 Ogosto 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

Tirada Caruurta Ku Agoomowday HIV/AIDS Ee Dalka Kenya Waxay Gaartay 1.1 Million, Sidaa Waxa Shalay Yiri Wasiirka Caafimaadka Bulshada Prof. Sam Ongeri,Waxayna Tiradaasi Dalka Kenya Ka Dhigaysaa Dalka Saddexaad Ee Dunida Ee Sida Xun Cudurku Waxyeelada Ugu Geystay.

Prof. Ongeri Waxa Uu Sheegay In Tiradu Saddex Jibaarmi Doonto Haddii aan Talaabooyin Dheeraad Ah Oo Ka Hortag Ah Aan La Qaadin.

Wasiirku Waxa Uu Hadalkan Ka Jeediyey Furitaankii Tababar Ay Isku Soo Dubariday Hay’ada Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka Japan(JICA) Oo Lagu Qabtay Kenya Medical Training College(KMTC).

Wasiirka Prof. Ongeri Waxa Uu Sheegay In Tirada U Dhiganto 2.2 Million Qof Ee Cudurka Qaday,Wuxuuna Ka Digay Dhaqanka Isu Galmoodka Ee Dhalinyarada Da’doodu U Dhexayso 15-24 In Uu Keeni Doono Haddii Aan La Bedelin In Tirada Dhimanaysa Maalintii Cudurka Aidsku Gaarto 1,400 Qof.

Wada hadalada Hutuga iyo Tutsiga oo Ka bilawday Dalka Tanzania.

95.1 IQRA FM

Wada Hadalkii Nabada Ee Looga Dan Lahaa In Lagu Soo Afjaro Dagaalka Burundi Ee U Dhexeeya Falaagada Hutuga Iyo Tutsiga Ciidamadu Hoggamiyaan Ayaa Shalay Waxay Ka Bilowdeen Magalada Daru Salaam Ee Dalka Tanzania.

Qori Kasta Waa In Uu Aamusaa, Seefkastana Waa In Galka Lagu Celiya Sidaa Waxaa Ku Yiri Hadalkii Furitaanka Shirka Madaxweynaha Dalka Tanzania Benjamin Makapa.

Waxa L Gaaray Waqtigii Webiga Dhiiga Ah La Joojin Lahaa Iyo Waqtigii La Daaweyn Lahaa Dhaawaca lagaaray, Haatana Waa Waqtigii Dhismaha Ayuu Yiri Madaxweyne Makapa.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dalka South Afrika Jocob Zuma Oo Shirka Gudoominaya Waxa Uu Uga Digay Dhinacyada In Dulqaadashada Beesha Caalamku Sii Yaraanayso Iyo In Aan Dib U Dhac Dambe La Qaadan Karin.

Waxa La Gaaray Waqtigii Reer Burundi Nabad Ka Gaari Lahaayeen Wada Hadalka Nabada Oo Soo Bilowday June 1998 Wuxuu Yiri Shirkani Waa Fursadiinii Ee Ha Luminina.

Dalka Burundi Oo Dadkiisu Todoba Million Yahay Waxa Dagaalka Sokeeye Ka Bilowday 1993dii.

iqrafm@bidii.com  

####

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD