SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Taariikhda Muhammad Ali Clay:


CAYARTOOYADII QARNIGII 20aad

 

Waxaa qoraalkan iska kaashaday:
Maxamuud Nuur Wardheere iyo
Maxamed Cali (SomaliTalk)


Muhammad Ali

Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Laakiin taasi waa xaqiiq. Sannakii 1954 magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ayey ahayd markii Muhammad Ali oo markaas magaciisu ahaa Cassius Marcellus Clay da'diisuna ahayd 12-jir laga xaday baaskiil-kiisii markaas oo asaga iyo saaxiibkiis ay ku jireen meesha lagu magcaabo Columbia Auditorium.

Markiiba wiilkii dhallinta yaraa ee Cassius waxa uu qolka jimicsiga (gym) kahelay askari magaciisu ahaa Joe Martin, markaas ayuu asaga oo caro dhallinyaranimo ka muuqato ku yiri Martin qofkii baaskiilkayga xaday feer ayaan ku daandaamin doonaa. Mr. Martin oo muusoonaya ayaa waxa uu yiri "Marka hore feerka soo baro". Toddobaadyo gudohoos Cassius oo 89-rodol ah ayaa gaarey guushiisii u horeysey ee masraxa feerka, taas oo ay ugu xigtey 27 sano oo uu kusoo dhex jirey feertanka. Xataa waagii uu yaraa wuxuu ku hamiyi jirey in uu noqdo halyeyga feerka culus.

Guulihii uu Feerka ka gaarey Dhallinyaranimadiisii

Cassius waxa uu u go'ay feertanka, kaas oo ahaa waxa keliya ee uu qaban jirey, xaqiiqadii intii uu dhawr-iyo-toba-jirka ahaa weligiis ma shaqayn, laakiin waa feertami jirey, tabar feerka ahna wuu qaadan jirey. Taas oo uu kaga soo caan baxay wiilashii kale ee da'diisa ahaa. Intii uusan 18 jir gaarin waxa uu ku guulaystey 6 biladood oo ah "Kentucky Golden Gloves", 2 biladood oo ah "National Golden Gloves", 2 biladood oo ah "National AAU". Dhawr bilood kaddib markii ay da'diisu gaartey 18 waxa uu ku guulaystey biladda dahabka ah ee Olimbiga "Olympic Gold Medal" waqtigaas oo ahay sannadkii 1960 tartankaasna oo lagu qabtay Rome, Italy.

Markii uu Cassius kusoo laabtay Louisville, oo 1960kii kamid ah hayd koonfurta uu kala faquuqu kajirey, waxaa loo diidey in uu ka cunteeyo maqaaxi ku taal magaaladaas, asagoo markaas qoorta ay uga ladlaadey billadii dahabka ahayd ee uu kusoo guulaytey.

Muhammad Ali marka uu feertameyo wuxuu ahaa mid aad u xoog badan, waxana lagu yaqaaney feer aad u heer sareeya oo uu inta uu lugaha kor ugu boodo asagoo lugaha cayaarsiinaya uu qofkii kasoo horjeedey feer ku gamayo. Waxa kale oo uu kusoo caanbaxay in uu noqday mid had iyo jeer hadlaya oo an hadalka kala joojinayn, taas oo markii dambe loo bixiyey 'Bushimihii Louisville".

Soo Islaamiddii Muhammad Cali Clay:

Taariikhda Nelson Mandela

Waa Kuma Yesser Carafaat?

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

Markii uu tababarka u qaadanayey si uu ula feertamo ninkii aadka looga baqi jirey ee feerka culus horyaalka u ahaa, Sonny Liston, ayaa Clay la kulmay Capn Sam oo ahaa iimaam katirsan Nation of Islam ee masjika magaalada Miami. Markaas ayuu Capn Sam waxa uu is baray Clay iyo Malcolm X oo ahaa afhayeenkii Nation of Islam. Malcolm iyo wiilkii dhallinta yaraa, waa Cassius Clay'e, waxay yeesheen xiriir wanaagsan, sidaas ayaa Cassius uga mid noqday Nation of Islam.

Clay waxa uu feerkii Miami kaga caraysiiyey Sonny Liston, waxan uu noqday halyeyga feerka culus sannadkii 1964. Maalintii ku xigtey feerkaas waxa uu Clay ku dhawaaqay in uu yahay xubin kamid ah Nation of Islam waxana uu magaciisii u bedeley "Cassius X". Taas oo xarafka "X" u taagan yahay magac aan la aqoon oo qarjiyo ka hor ay ka xayuubiyeen dadkii wax soo adoonsaday.

Arintaas magaca ah waxaa markiiba si degdeg ah uga jawaabey qaranka oo dhan (Maraykanka), taas oo si xoog leh looga horyimid. Waxaa markiiba "Cassius X" la siiyey magaca Muhammad Ali, waxaan magacaas u bixiyey asaasihii Nation of Islam oo magaciisu ahaa Elijah Muhammad, kaas oo iska fogeeyey Malcolm X .  Waxaana markaas Muhammed Ali loo sameeyey agaasime cusub oo ahaa wiilka Elijah oo magaciisa la oranjirey Herbert Muhammad. Halkaas ayuuna Muhammed Ali kasii watey in uu cinwaankiis ka difaacdo kaamarooyinka.

Shatigii Feerka oo Laga Xayuubiyey:

Sannadkii 1967 waxaa cirka isku shareeray dagaalkii Vietnam, waxaa markaas Muhammed Ali loogu yeeray in uu shaqada qaran ka qayb qaato. Ali taas wuu diidey asagoo sheegay cudur daar diineed awgeed in uusan dagaalka u aadayn. Waqtigaas wuxuu ahaa imaam Muslim ah. Diidmadiisu waxay dhalisay hadal ku dhegga caanka ah ee Ali oo ah "I aint got no quarrel with them Vietcong" - [wax muran ah nagama dhexeeyo anigu iyo iyaga vietnam].

Hadal kudhegaas wuxuu dhalliyey in dhammaan gobolada maraykanka ay waxba kama jiraan ka dhigeen shatigii feerka ee Muhammad Ali. Feerkii ugu dambeeyey sannadkii 1967 ayaa waxaa dhacday in ninkii la feertamayey oo ahaa Ernie Terrell uu ugu yeray "Clay", markas ayaa Muhammad Ali intuu soo boodey ku yiri "Waa maxay magacaygu?!!"

Markaas ka dib Muhammad Ali wax feer ah kama qayb qaadan muddo laba sano iyo bar ah (2 1/2). Waxaa laga xayuubiyey biladihiisii, waxa laga qaaday basaboorkii, waxaa laga masaxay shatiyadii feerka. Waxana uu qarka u saarnaa in xabsi 5-sano ah la dhigo. Xilligaas wuxuu Muhammad Ali lacag ka samyn jirey hadalka uu ka jeediyo meelaha macHadyada ah. Waxana uu ahaa qofkii u horeeyey oo heerkaas qaranka joogey oo kasoo hor jeesta dagaalkii Vietnam.

Kusoo Laabashadii Masraxa Feerka:

Sannadkii 1970 ayey markale Muhammad Ali kusoo laabtay masraxa feerka, xilligaas oo aragtidii dagaalka ee Vietnam isbedeleysey, waxaa uu markaas magaalada Atlanta kula feertmay Jerry Quarry. Kaddib feerkii loo bixiyey 'dagaalka' ayaa dhexmaray Muhammad Ali iyo Joe Frazier oo ahaa horyaalka feerka ee aan laga guulaysan, feerkaas oo ka dhacay barxadda loo yaqaan 'Madison Square Garden' maalintii ay taariikhdu ahayd March 8, 1971. Taas Muhammed Ali waa laga guulaystey. Laakiin bilo kadib ayuu ku guulaystey dagaalkiisii ugu weynaa oo ahaa in maxkamada sare ay baabisay dembigii ku oognaa, taasnina waxay Muhammad Ali markale awood u siisay in uu u safri karo wadankii uu doono si uu uga qayb qaato tartanada feerka adduunka.

Dhawr feer ayaa taas ku xigey, waxaana kamid ahaa feertankii aan la fileyn in Muhammad Ali looga guuleysandoono ee Ken Norton iyo guushii aan la fileyn in uu Ali ka garayo Joe Frazier. Laakiin dhammaan feerkaasi waxay ahaayeen kuwo hor-dhac u ah tartankii ugu weynaa ee intii Muhammad Ali kusoo jirey feerka, kaas oo loo bixiyey 'gurxankii kaynta' ee uu la yeelan doono George Foreman oo ahaa hormuuska feerka ee laga biqijirey.

George Foreman oo lahaa gacmo aad u xoogbadan oo wax burburinaya, waxana uu ahaa midkii sida fudud uga guulaystey Ken Norton, isla markaasna halka feer dhulka kula dhigay Frazier.

Feertankii Lagu Qabtay Dalka Zaire

Markii uu dalka Zaire qabsaday Promoter Don King waxa uu feeryahanada u ballan qaaday lacag aan horay loo maqal oo gaareysa 10 million oo dollar. Muhammad Ali markuu uu tegey caasimada Kinshasa, dadkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka helay dhiiri gelin aad u sareysa, aad ayaana halkaas looga jeclaa. Marka uu feertamayo waxay ugu dhawaaqyeen "Ali Bomaye!" oo ah afka reer Zaire taas oo la macne ah "Cali ninka dil".

Muhammad Ali markii uu isu diyaarinayey Feerkii 'gurxankii kaynta' ee u la feertamayey Foreman, Ali dhakhtarkiisii  wuxuu usii diyaariyey diyaarad markiiba Ali u qaada cusbitaal kuyaal dalka Spain oo qaabilsan neerfayaasha. Laakiin makaas Ali fikrad kale ayuu maskaxda ku haystey, taas oo ahayd in uu garwaaqsaday in watiga uu la feertamayo Foreman uusan sidii hore u ciyaari karayn, lakiin wuxuu markiiba alifay habka loo yaqaan 'Xariga-ku gabo inta qofka kale tabartu ka dhammaaneyso", taas oo dadkii geeska Ali xigey ay yiraahdeen 'waar Caliyood xariga ka fuq', laakiin Muhammad Ali arintaas wuu ku adkaystay, toddobadii wareeg ee u horeeyey sidaas ayuu xarigga ugu gabanayey, laakiin markii la gaarey wareegii siddeedaad oo uu Foreman daalay ayuu Ali inta uu xarigii sidaayey uu feer dadkii ka fajiciyey dhinaca ugu tuuray Foreman, sidaasna uu Ali markale ku noqday boqorka feerka.

Sidaas ayuu Muhammad Ali ku noqday mid feerka looga dambeyn jirey. Mar ay feer iskaga hor yimaadeen Leon Spinks ayaa laga guulaystey Ali, laakiin guushaas wuu kasoo dhacsaday Spinks, sidaas ayuu waqtigaas Muhammad Ali ku noqday ninka keliya oo taariikhda feerka culus ku gulaystey saddex jeer. Gabagabadii feerka cali wuxuu ku guulaystey 56 goor, taas 37 kamid ah uu dhinaca feer ugu tuuray qofkii la feertameyey, 5 goor ee kalena uu si caadi ah uga guulaystey.

Qoyska Muhammad Ali

Mudane Muhammed Ali waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, waxana uu leeyahay sagaal carruur ah oo kala ah: Maryum, Rasheeda, Jamillah, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muhammad Jr., iyo Asaad. Xaaska Muhammad Ali ee hadda waa Lonnie Ali (oo loo aqoonjirey Lonnie Williams) oo ah reer Louisville, Kentucky. Lonnie Ali waxay haysataa shahaadada BA ee jaamacada Vanderbilt University, iyo shahadada MBA ee jaamacada University of California, Los Angeles. Muhammad Ali wuxuu yaqaaney Lonnie ilaa 6 jirkeedii markaas oo qoyskeedii usoo guureen guri kuyaal kasoo horjeedka gurigii qoyska Muhammad Ali. Hadda Lonnie Ali waxay agaasime ka tahay qorshaha Muhammad Ali ee ah isu soo dhoweynta iyo isfahamsiinta dadka kala duwan, jaaliyadaha iyo dalalka.

Ali waxaa ku dayday kumanaal dunida dacaladeeda ah, waxana uu dadka baray geesinimada.

Baaqii uu Muhammad Ali Clay usoo jeediyey Soomaalida

Shabakaad Rasmiga ah ee Muhammad Ali: http://www.ali.com

Waxaa qoraalkan iska kaashaday:
Maxamuud Wardheere
Iyo Maxamed Cali (SomaliTalk)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

Australia: 70,000 oo Ido ah oo Loo Dhoofin Lahaa Sacuudiga oo Lagu Quudiyey Hilib Doofaar
Waxaa taas ka horeeyey 50,000 oo ido jirran ah oo ay Australia lacag la'aan kusiisay dalka Eritaria horaantii bishan... Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan kusoo islaamay Singapore kamid ah Guji

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 


Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD