SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA


Muhammad Ali

Boqorka Feerka Adduunka Mudane Muhammed Ali Clay oo nabad ugu baaqay Soomaalida munaasabadda Ciidda

Socdaal nabadeed la filayay Muhammed Ali inuu ku yimaado Minnesota oo la baajiyay.

Qore: Maxamuud Nuur Wardheere 
mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA
Nov 25
, 2003 

mlk iyo wardheere
Bidix: Martin Luther King III, Maxamuud Nuur Wardheere: Photo WQ: Maxamed Cali / SomaliTalk.com | Guji..  

Qaar ka tirsan waxgaradka Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool ayaa in muddo ahba qaban qaabinayay booqasho uu ku iman lahaa Minnesota Mudane Muhammad Ali hase yeeshee ma suurtoobin caafimaadkiisa awgeed balse wuxuu codsaday in fariin nabadeed laga gaarsiiyo umadda Soomaaliyeed. Kim Vidt oo ah xoghaytiisa gaar ka ah oo khadka telefoonka igula soo hadashay ayaa waxay tiri sidan “ Mudane Muhammed Ali Clay waa uu la socdaa dhibta ku habsatay 13kii sano ee u danbaysay umadda Soomaaliyeed iyo dawlad la’aanta iyo shirarkii badnaa ee waxba ka soo bixi waayeen. Asaga iyo qoyskiisaba aad ayay uga tiiraanyaysan yihiin dhibta haysta ummadda soomaaliyeed yar iyo weynba.”

Kim oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri “Muhammed Ali Clay waxa uu codsnayaa in Soomaalida laga gaarsiiyo meelkasta oo ay joogaan inuu u rajaynayo nabad, horumar, iyo dawlad badbaadisa inta ka hartay”.

Dadka adduunka ee nabadda jecel meelkasta ha joogaane waxay ka welwelsan yihiin xaaladda ay ku sugan tahay Soomaalida qarniga 21aad. 13 sano ayaa ka soo wareegatay markii la riday keligii taliyihii ay dadka Soomaaliyeed ka eed sheegan jireen balse waxaa ka dar oo dibi dhal noqday jabhadihii oo yiri Maxamed Siyaad maskiin buu ahaa ee annaga na arka. Waddankii waa la biliqaystay, garoonkii diyaaradaha iyo dekeddii caasimadda waa xiran yihiin, hawlihii guud sida qashin ururinta iyo wadooyinka, nabadda sugidda, daryeelka xoolaha, ugaadha, iyo dhirtaba waa la waayay. Jabhadaha waxay albaabka u fureen fidno aan muslim ka suurtoobin oo ah dil, dhac, jidgooyo, kufsi iyo qafaalasho.

Daryeelkii caafimaadka iyo waxbarashii caruurta intaba waa la qafaashay in yar oo isxilqaantay uun baa waxoogaa wada. Xuquuqdii dadka, xoolaha, dhirta, iyo biyaha Soomaaliyeed intaba waa la waayey. Ama Ramadaan ha ahaato ama ciid ama bilaha barakaysan dagaalkii qabiilooyinka waxaa laga dhigtay mubaax dawlad kala celisana ma leh. Waxaa intaas dheer magaalooyinkii oo la isku qabsaday oo dawlad kala saartaa aanay jirin, dhiigga qofka Soomaaliga oo sidii biyaha u qubanaya oo maanta ah kan ugu raqiisan adduunka

Soomaalida gudaha iyo dibadba waxaa naxdin horleh ku noqday markii ay arkeen dhallaankii Soomaaliyeed oo badaha yurub quusaya ama ku dhamaanaya saxaraha ama xabsiyada addunka ka buuxa ayagoon denbi galabsan aan ka ahayn waxay dalka ku soo galeen sharci darro. Dalwalba dadkiisa ayuu rabaa inuu daryeelo. Cid u maqan ma leh laakiin Soomaaliya Ilaah bay leedahay.

FILIM LAGA SAMEEYEY SOOMAALIDA LEWISTON:
Arinta Soomaalida
Lewiston ayaa maalmahaan xusuusteedii soo cusboonaatay kaddib markii la sameeyey filim kusaabsan Soomaalida Lewiston kaas oo ka waramaya Soomaalida laga soo bilaabo markii ay ka soo baxeen Soomaaliya, ilaa ay ka yimadeen gobolka Maine iyo qoraalkii duqa magaalada Lewiston,  Mayor Larry Raymond, ee uu Soomaalida ugu sheegayey in aan magaaladaasi xamili karayn laajiyiin cusub.

"Warqadii kusocotey Soomaalida: Lewiston mayor's letter to Somali community
Duqa magaalada Lewiston, USA ayaa Jaaliyada Soomaalida ee degan magaaladaas u diray warqad, akhri  arintaas  qoraal uu ka qoray wargeyska pressherald. Sidoo kale 
halkan ka eeg warqadii duqa magaalada (ENGILSH)

Mudane Muhmmed Ali Clay oo uu Koffi Annanka UN uu ka codsaday inuu noqdo fariin nabadeed sidaha addunka 2000 waa uu ku mahadsan yahay waanadiisa iyo danqashada uu ka danqaday Soomaalida. Halyaygu ma aha markii ugu horaysay oo uu ka damqado dhibka haysta dadka Soomaaliyeed oo sanadkan horaantiisii waa la ogaa warqaddii canaanta ahayd ee uu u qoray duqa magaalada Lewiston, Maine ninkaas oo muujiyaya sida uu uga xun yahay Soomaalida soo degaysa magaaladiisa. Mudane Muhammed Ali waxaa uu ku yiri warqaddiisa Somali American waxay xaq u leeyihiin inay degaan meeshii ay doonaan ee America dhibna intay soo mareen ugu filan mana aha in dhibkale loo gaysto.

Horyaal Muhammed Ali oo noqday hoyaalka feerka culus ee adduunka 56 goorna badiyay waxaa la dhibay markii uu diiday dagaalkii Vietnam markaas oo baasaboorka laga qaaday iyo shatiga ruqsada feerka kuna sigtay in la xiro. Nasiib wanaag maxkammaddi rafcaanka (Supreme Court) ayaa u qirtay inay runtiis tahay in diintiisa Islaamku diiday dagaal. Markaas ayaa loo aqoonsaday nabadoonimo waa markii uu yiri Reer Vietnam waxba iima dhimin iyo kelmado kale oo caan ah. [Halkan ka akhri Taariikhda Muhammad Ali Clay]

Waxaana lagu sharfaa inuu furo cayaaha Olypicada iyo shirar kale. Jaamacadda Kentucky State University ayaa ku sharaftay shahaadada sare ee bani'aadminimada ee la yiraahdo "Honorary Doctorate of Humane" waayo waa nin dagaalka neceb oo nabadda jecel.

Mudane Muhammed Ali waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, haddana waxaa uu qabaa oo gacan yarena u ah Lonnie Williams oo ay caruurnimadii isla soo koreen wuxuuna leeyahay sagaal caruur ah. Muhammed Ali waxaa uu qabaa cudur la yiraahdo Parkinson oo ah cudur asiiba nerfaha oo keena gariir, cudurkaas oo Soomaalidu u taqaan "Lanleemo ama laleemo".

Dadkii necbaa iyo kuwii jeclaaba Muahmmed Ali waa kuwii ixtiraama oo sharfa.

Si aad wax badan uga ogatid Taariikhda Muhammad Ali Clay.. Akhri halkan... Guji

wardheereMaxamuud Nuur Wardheere
Minnesota USA
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.
 

Faafin: SomaliTalk.com

US Senate: Canaadkii yaa Guulaystay yaase laga Guulaystay?
Odoros ku saabsan US Senate iyo falanqaynta siyaasadda iyo arrimaha bulshada Maraykanka.. Guji [Wardheere] Nov 17

US Senate: Ninkii Seexdaa Sacii Dibi Dhalay
Soddon saacadood oo soo jeed iyo dhafar ayay ku baaqeen republicans si ay ugu xadaan codka caawa markii ay demoqraadiga hurdoodaan Guji

Dad siyaasad isaga Soo Horjeda ayaa Dejinaya Manhajka Ardada Minnesota
Marka siyaasad iyo waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?.... Wardheere  Nov 3

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji

London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD