SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada AXADDA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad:  Oct 3, 2004


Salaad Gaab oo loo magacaabay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed

Waxaa maalintii Jimcihii ahayd ee aynu soo dhaafnay magaallada Zurich-Switzerland ee ah xarunta xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno (FIFA) lagu soo dhoweeyey wafdi uu hoggaaminayo Salaad Macallin Max’ed (Salaad Gaab),  oo ah gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Nuur Mugambe (ku xigeenkiisa) iyo Xoghayaha Guud ee Kubadda Cagta C/qani Siciid Carab, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka Joseph Sepp Blatter, Xoghayaha Guud ee FIFA Dr. Urs Linsi iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud Jerome Champagne, waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyey Salaad Macallin Maxamed (Salaad Gaab) Biladda Boqol guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA. 


Salaad Gaab iyo Blatter oo wada haya calanka  FIFA

Isla xafladdaasi waxa ay FIFA ku dhawaaqday in laga billaabo 8/10/2004 uu Salaad Macallin Maxamed (Salaad Gaab) yahay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (Somali Football Federation SFF), waxaana sidoo kale FIFA ay ku dhawaaqday in Salaad Gaab lagu wareejin doono dhaqaalihii ka xayirnaa labada sanadood waddanka Soomaaliya ee loogu talo galay horumarinta iyo socodsiinta Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

FIFA waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay billaabi doonto sharci cusub oo dhinaca maaliyadda ah, iyadoo Soomaaliya iyo waddammada kale ay FIFA kula xisaabtami doonto xagga ay ku bixiyeen shilin kasta oo soo gaara. Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) oo FIFA ay dul dhigtay ganaax gaaraya 10-sanadood oo looga joojinayo ciyaaraha ayaa waxa uu arrintan ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah, inksatoo illaa iyo hadda Faarax uusan wax hadal ah ka soo saarin magacaabiddii Salaad Gaab ee Guddoomiyaha X/Kubadda Cagta Soomaaliyeed

 


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

ISHA: wwww.plannetfootball.com   , www.goal.comwww.soccernet.comwww.worldsoccer.com, wwww.teamtalk.com , www.channel4.com  iyo www.euro2004.com  http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

AXAD|TALAADA|KHAMIIS


:::CIYAARYAHANADII QARNIGII 20aad::::


Ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee tababarka uu aadey Spain


Xulka Soomaalida... Guji



Wararysi:weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”... Guji



GOOLHAYE AXMED MAX’UD FAARAX (ITOOBIYA) “Waxaa la joogaa waqtigii aan noqon lahaa Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya” Guji 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD