| FAR ISKUFIIQA DKMG IYO ETHIOPIA: 
  XagarYare
 xagar91@hotmail.com  3/15/3  
  Idaacadaha iyo qalabka warbaahinta kale ee
itoobiya ayaa maalmahan si isdaba jooga ugu celcelinaayay waxa ay ugu magac
dareen "eedaynta qaawan ee xukuumada jeebka madhan ee Soomaaliya u
soojeedinayso ETHIOPIA" (JEEBKA MADHAN WAXAA AY KU MICNAYSAY Saxaafaddu
"XUKUUMADA AAN MEELLA KA HAYSANIN AMA KA TALININ): Xukuumadda Addis-Abeba ayaa si cad u beenisay
eedaynta sheegaysa in ay Ethiopia Ciidamo ku soo daabulaynayso gudaha iyo
xuduudaha soomaaliya. "Askari qudh-ihi itoopiya kama joogo
gudaha soomaaliya" ayuu yiri sarkaal u hadlay wasaarada arimaha dibadda
Ethiopia. Maalinimadii talaadadii aynu soo dhaafnay ayaa
xukuumada kumeelgaarka ah ee soomaaliya oo xamar qayb yar oo kamida ka talisa ku
eedeysay Addis-Abeba in ay soo dhoobayso ciidamo si lixaadleh u hubaysan
Gobolada Gedo iyo Bakool. "Waa war aan sal iyo raad toona lahayn"
ayay saxaafada u sheegtay wasaarada arimaha dibadu. Wasaarada arimaha dibada waxaa ay intaas
raacisay oo kale "Ethiopia si cad ayay warkaas u beeninaysaa eedaynta
Indhaha la, ee TNG cid kasta oo arinkaas danaynaysana waa ay ku martiqaadaysaa
si ay u soo xaadho xaqiiqada eedayntaasi iyo bal wixii ka jira ciidamada
lasheegayo in xuduudaha lasoo dhoobaayo". "xukuumada TNG waxaa ay aad uga
cabsanaysaa natiijada ka soo bixi karta shirka nabadaynta soomaalida ee ka socda
dalka keenya,oo ay u aragto mid aan iyada waxba u soowadin,taas awgeed ayay
haatan boodh isku qarin iyo carqaladaynta shirka awgiis ugu samaynaysaa itoopiya
eedo aan jirin "ayay tiri warbixintu. xukuumadihii yar yaraa ee isaga danbeeyay
maamulada muqdisho wixii ka danbeeyay bur-burkii maamulkii dhexe ee dawladii
Madaxweyne maxamed siyaad barre ayaa si is dabajooga ugu eedaynaayay xukuumadda
Addis-Abeba in ay rabto in ay maamul ay leedahay oo guumaysi dadban ah ka
abuurayso jamhuuriyada xorta ah. Xagar Yare  xagar91@hotmail.com  ___________________________
 XAGAR YARE WAA WARIYIHII;
    RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO
    HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka. SomaliTalk Germany <><><> HORUMARKA
  AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah
  ee ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan
  fiican oo....  FAALADII
  XAGARYARE  2/3
 USA
OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH Sidaas waxaa ku warantay jariidada Independent, UK.... GUJI..
 Madaxda
Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka CiraaqKulankii wadamada ku bahoobey
ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI...
2/3
 <><><> LIIBIYA
    WAA MARTI KA CALOOLWEYN ADDIS-ABEBAFaaladii Xagar Yare ee Shirka AU.. GUJI...
    feb 5
 MA
  OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?Faaladii Xagar Yare.... GUJI...
  Feb 4
 URUR
    ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! MAANTA
    ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in
    uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI...
    15/1
 ELDORET
    SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD
    KU BARIDEEN? Faaladii XagarYare ee Toddobaadka .... GUJI...
 XAFLAD
JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay
yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan
idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI..
6/1/3
 DAYUURADA
ARGAGIXISAY JARMALKA:Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad,
hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii
duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI..
5/1/3
 SSDF
& SNM...... GUJI:  afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan |