SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
 MA DIMOQRAADIYAD BAY AHAYD MISE DAAMAN JABIS UUN?:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Janaayo 3, 2003

OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI....  
wararka naga soo gaadhaya madasha shirka ee ELDORET ayaa sheegaya in ay ergooyinkii markale isugu soo diyaarinayaan furitaankii shirka iyakoo si habaqle ah u soo gaadhaya magaalada eldoret.

waxaa ay intooda badan kasoo baxayeen magaalamadaxda dalka kenya ee nairobi, iyadoo qaar kalena laga sugaayo dalka gudihiisa sida madaxweynaha dawlad goboleedka puntland mudane cabdulaahi yuusuf axmad oo jooga dhankaasi iyo maamulkiisa halkaasoo ay dhiilo colaadeed kaga furantahay isagoo maalmihii ugu danbeeyay si,isdabajooga loogu cel celinaayay inuu madaxweynuhu shirka iska soo xaadiriyo.Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 kooxaha ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay sanadkii dhowaan dhamaaday ee 2002 fasax ku jiray,fasaxaasi ma aysan kasbanin waxaase ay ku heleen dalka marti galiyay oo ku jiray wax u eg kan ay soomaalida lafteedu meesha u fadhido oo ah dhisme dawladeed, balse kooda kaga duwanaa qaab dimoqraadiyadeed iyo doorasho xor ah oo aan kooxina kooxda kale u muruq tuujinaynin,kolka laga reebo muruqtuujin ku wajahan dhanka kasbashada dadweynaha.

qorax timidba subaxeede,waxaa ay dhamaan dunida iyo dadka soomaaliyeedba indhaha kuhayaan bal sanadkii hore xalka waa laysla ogaaye kan 2003 sida uu madasha ELDORET iyo gudaha dalkaba ugu waabariisto.

kii hore ee 2002 shirku wuxuu ku dhamaaday car iyo car, ijiid iyo aan kujiido. kol-kol ayaad is odhanaysay malaha way haboonayd in ay inta isasoo horfadhiistaan ay sidaas uwada hadlaan oo ay runta isu sheegaan. kol-kolla waxaa kuu muuqanaayay xaalado aad isku qancinaysid in meeshu tahay INNA KALA-RARA.

02-12-2002 ayuu madaxweynha DKMG warqad FAX ah u diray gudoomiyaha baarlamaanka cabdalla deeroow iyo ra,iisalwasaare xassan abshir faarax oo uu ku amraayo inay xamar soogalaan. FAX kaasi oo uu mr cabdiqaasim ugu talagaylay inuu sir culus ahaado ayaa fashilmay, iyadoo lagu xantay inuu aabbe u ahaa fashilaadaasi mudane xasan abshir.

FAX kaasi ayaa markii hore laga bixiyay sawir ah mid muujinaya sida uu madaxweyne C/qaasim u saluugsanyahay habka ay IGAD wax u maamulayso, hayeeshee waxaa soo ifbaxay arin aan meeshaba laga dayin oo ah shaki soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda ku meelgaar ka ah u jooga ELDORET,taasoo laleeyahay wuxuu mr C/qasim ka shakiyay DEEROOW iyo XASAN ABSHIR oo uu malaha ku tuhmay in ay iska qaadanayaan go,aano aanu la,ogayn.

waxa lamoodo kolla dimoqraadiyad kolla daaman jabisku ciiddaasuu kabadnaaye,wasiirka waxbarashada dawladda kumeelgaarka ah Dr xasan maxamuud cusmaan(JUMBUR) iyo askari keniati ah ayaa feedh iskala daalay shirka dhexdiisa,iyadoo markii danbana lagu goobtay askarigaasi abaalkiisnna laga waraabiyay,

wuxuu ka dhashay weerarku kadib markii ay u qaybsanaha arimaha shirka KENIA mr mwangale kasoo yeertay EREY ka caraysiiyay Dr(JUMBUR) taasoo uu wasiirku inta shirka kor uga dhex istaagay canaan cod dheer leh u dhagaha kaga dhowaaqay mr mwangele taasina ay dhalisay in askarigii ay qaaday caadifad u ekayd mid hiillo ah oo uu mr mwangale u hiilinaayo.

24.11.2002 habeenimadeedii ayaa waxaa ilkaha isula tagay COL:Axmad Cumar Jees iyo nin aan caan ahayn oo layiraa Cabdi Mahdi Cabdisalaan, wuxuu kadhashay kadib iyadoo ay beelaha DAAROOD ISMAACIIL qabsadeen shir aan looga baranin oo ah mid aysan waayadaan iyakoo u dhan isku ujeedana leh qabsanin, kaasoo uu kaga arinsanaayay sidii uu ula jaanqaadi lahaa shirka ELDORET ay madasha yimaadeen col: axmad cumar jees iyo col:Jaamac Cali Jaamac halkaasnna uu af labadiis dhowaaqay mr CabdiMahdi yirina "halaga saaro labadan kornayl meesha nagama tirsanee,ee kaliya waxay u yimaadeen inay laba can-leeyaane", wuxuuna ku eedeeyay inay dhanka kale katirsanyihiin kooxda la Magac baxday GRUOP 8 halkaasnna ay wax ka soo cantuugeen.waxaa uu hadalkaasi dacar iyo sun la qooshay uga khararaaday COL.Axmad Cumar Jees keentayna in kornalyka oo ah nin dheer oo lafweyn oo waliba gacanweyn,sacabkiisuna aad u balaaranyahay oo markaad oogadiisa qooraansatid garankartid inuuyahay nin u hanaansan FEEDHKA,uu halkaas budo ba,day bahal feedh ah kaga dhigay ninkii cabdimahdi ahaa.

col:jaamac cali jaamac isagu dagaal muuqda masooroganin hadii uusan feedh ili ma aragtay ah ninka kornaylka kale ku habsaday u qarinin,taasoo laga yaabo in uu kornalka jaamac cali ahi layarehe daalanaa feerar hore oo uu soogaarsiiyay COL:cabdulaahi yuusuf.

xaaskii uu ka geeriyooday alle hawnaxariistee marxuum RAAJIS MAXAMED oo ah MARWO Fahmo Axmad Nuur ayaa waxay Geedada is dareen ka qaybgale shirka oo ay isku dhinac ka soojeedeen oo layidhaa maxamed maye cusmaan wuxuuna feedh koodu socday baalayiri dhowr daqiiqadood oo aad moodaysay in si ula kac ah laysugu daawanaayo oo la leeyahay bal lab iyo dhadig kii badiya LA ARKI DOONEE ,warar ayaana sheegaya in mr maxamed maye cusmaan la,lagday.lamase caddayn karo in uu mudanuhu dagaalka dhexdiisa ku turunturooday iyo in ay marwadu tabco ama dibir sudhay oo ay iyadu tiri"SIDI-SIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSO".

isqoonsigooda ayaa ka dhashay kadib markii marwadu ku dooday in xaqa ay reer banaadirigu leeyihiin hadal la,aan miiska loo dhigo halka uu xubinka kale qabo in marwada oo shirka kaga qaybgalaysa magaca saygeedii ALLAYSTAY ay qurubkeeda u doonato dawladda ku meelgaarka ah iyo xassan abshir maadaama buuleeyahay uu marxuum raajis kasoo jeeday dhanka dawladda.

akhjriste xag siyaaso iyo dhaqaaleba ELDORET faraqaa layshaystaaye iyadoo dhowaan ay markale dib u bilaabi doonaan geeedi socodkii shirka kadib markii fasaxyadii ay keeneen doorashooyinkii keenya iyo kuwii ciidaha kiristaanka laga soo laabtay ayaa maanta oo ah 3.1.2003 dhankiisa kaga hanjabay HOTELKA SIRIGWA kadib markii uu kaga shanqadhiyay inuu ka joojin doono quudinta gogoshana ka hoos qaadi doono ergooyinka.

wuxuuna talaabadaas waji gabaxa leh ku doortay inuu guurtidayada ka qaadayo isagoo sheegtay inuu dhacanyahay oo aysan gudiga IGAD siinin lacagtii biilka .

wuxuu hotelku ku sheeganayaa lacag kor u dhaafaysa 92.000,000 ee shilinka kenyaatiga. [Eeg bogga Sarifka Lacagaha]

HOTEL SIRIGWA oo ay degenyihiin ragga ugu sareeya ergada DKMG iyo hogaamiye kooxeedyada ayaa hadda kahornna sidaas si lamida ugu hanjabay martidiisa inuu biilka ka go,ynaayo.

dalalka wax martigaliyay ayaa ku qiyaastay inay kulanka kaga baxdo maalintiiba 60 kun oo doolarka maraykaanka ah.

akhriste waxaa uu somalitalk sidii u caadadaba ahayd talaabo talaabo kuugu soo gudbin doonaa xaal hadba meesha uu kaga waa-bariisto dhankaas iyo Eldoret [insha Allah] iyadoo barbaarta somalitalk ee ubucda shirka dhex abraaraa kuu heelanyihiin oo uu ugu horeeyo Ibraahim Maxameddeeq.

idinkoo xagga dhagaysigana (hadii aad joogtid Kenya) kaga haqabeeli doona wararka ay idiinka sootabinayaan halkaasi barbaarta RADIO IQRA, qoraal ahaana aad halkan ka daalacan doontaan:

I  I  D  H  E  H

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Janaayo 3,  2003 

XIRIIRKII SSDF & SNM..... 

Soomaaliga Kusoobaxay Golaha Wasiirada kenya
»» Axmed khaliif oo ah xoghayaha guud ee Ururka Muslimiinta Kenya, isla markaana ah agaasimaha idaacadda IQRA ayaa madaxweynaha cusub ee Kenya u magcaabay wasiir.. GUJI..  3/1/3
»» kibaki oo ku dhawaaqay golaha wasiirada.. GUJI... 3/1/3

Goolhayihii Qaranka oo Dooni La gaddoontay : XASAN SH:AWEYS(joorge)wuxuu ahaa goolhayaha xulka qaranka  soomaaliya. waxa uu hadda u baahanayahay caawinaad aadaminoi... GUJI.. 1/1/3

Somaliland Guul ayay ka Gaadhay Nabadda: FAALADII XAGAR YARE: inkastoo uu fikirka qaarkii odhanayo wixii ka danbeeyay dhicidii madaxweyne maxamed siyaad barre. GUJI.. 1/1/3


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

ITAXAADKA SOOMAALIYA
Waa faallo & Baaritaan muddo dheer qaatay oo kusaabsan Itaxaadka Soomaaliya, Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta Soomaalida,  Hadda iyo... GUJI.. 27/12

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM? 
Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI... 24/12

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD