SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Ma Maqashay!…..Ayaa yiri! Yaa sheegay oo geliyay Internetka! War Ileen tan oo kale! War yaab badanna! 

Waxay igu noqotay arin aad u yaab badan kadib markii aan maqlay odayaal meel iga yara durugsanayd tannaagoonayay hadaladda aan xagga sare kusoo xusay. Waxaa aniga oo aan u dhabba gelin iswaydiiyay sidee manta wax u jiraan, odayaddan waxa ka qaylisiiyay arin yar ma ahane ma u dhabba gashaa? 

Hadana waxaan is iri waa intaasoo ay ku dhibsadaanne iska daa? Maya allaylahe waa ay tahay dareenka odayaddan qaaday manta in aad ogaataa! Markaan intaa marayo ayaan inta saantii gaabiyay aashay socday! 

Mar baa anigii oo dhan murugo isaaqday! Waxaan xasuustay dhibaatadda manta ay ummaddaydu ku jirto ama dhex qoomaarto. Taa waxaa ii wehliyay

I  I  D  H  E  H

 

1. Waxaa mar keliya madaxayga lagu soo taagay Ummaddeennu hadii ay khayr leedahay Illaahii ina abuurtay sidan inooma galleene side bay wax u jiraan?

2. waxaa taa ii dhinac socday oo aan marwalba xasuusanayay Qowlka eebbe 34/ 17 - 18 halka uu orannayo eebbe “waxaannu ka dhignay dhacdooyin lagu sheekaysto, oo waxaannu u jeexjeexnay si dhamaystiran”

3. Waxaa kaloo aayadda iilla socday oo marwalba kusoo laalaabanayay qalbigayga Qowlka Illaah “Hadii Illaahay qalbigiina khayr ku ogaan lahaa Khayr buu idiin keeni lahaa”. 

Intaa iyo calaamaddo kale oo uur kutaalo xun igu reebay ayaa intii uu sawaxankii odayadu baxayay ihor socday oo iqarqiyay! 

Hal cabaar ah kadib waxaan bilaabay in aan beegsaddo odayadii aan sawaxaxkooda maqlayay! Wax yar un kadib waan gaaray! Salaan iyo nabdayn baan kula booday oo iri. 

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin »Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada...
AKHRI WARARKA WARDHEERE

Waa Nabad!

Maandhoow nabad bay iigu jawaabeen!

Waxaan iri. Odayadii xaafaddana waad iigu muuqataan, qaylo dhaan xoogganna waan ka maqlayay xagiina, ma dareen baa jira?.

May maandhoow ballo ma jidho!

Oday kalaa soo boday oo yiri xaaladdu waa caadi adeer! Dareen ma jidho! Oo waa eebbe galadii iyo waxaan lagu waarayn!.

Waxaan iri oo adeer qolyihii aad goor dhawayd ka sheekaynayseen maxay ahaayeen? Waxaan maqlayay adinkoo Internet-ka ka sheekaynayee side bay wax u jiraan? 

Adeer mayee Ummadd iyadu iswada halligaysa ayaan ka sheekaynaynay? Waxaan iri oo waa sidee adeer ma dagaallaa dalkii ka dhacay? Ma wax war ah ayaad maqashay ayuu oday ka mid ah odayadii igu yidhi, waxaan iri adeer waxaan u malaynayay hadii aan Maqlayay hadal hayntinii Internet-ka iyo xoogaa dareen ah oo aan wejigiina ka akhristay ayaa igu dhaliyay in aan u maleeyo in wax dagaalo ah la idiin soo sheegay, oo ay arintaas idin ku dhalisay dhiiladda idin ka muuqata imika!  

I  I  D  H  E  H

Adeer mayee niman dhaliinyarro ah ayaa waxay Internet-ka ku qoreen sheeko aad aannu ola yaabnay tan oo sida ay ku warameen ka dhacday “M Building”.intaan yaabay oo qumaati isu taagay ayaan iri. 

Adeer side bay wax u dheceen, wuxuu yidhi Nimankaasu waxa ay qoreen wax aysan wax ay ka ogyihiin jirin, waxa ay yiraahdeen waxaa M Building ku shiray rag ay ku tilmaameen Al-Itixaad iyo Carta kuwan oo ay yiraahdeen waxa ay Amaamudayeen malgid ka dhan ah ummadda Puntland. Intaan yaabay baan iri hayeeeee, Waxay yiraahdeen shir arintaa looga shaqaynayo islamarkaana loogu uruurinayo isla barnaamijkaa lacag ayaa lagu qabtay dhismahaa, annaguna waan la yaabnay oo waa ay nala noqon waysay!. 

Odayadii xaaffadda wareerkaa iyo dhakafaarkaa ayay hadba dhinac ola dhaqaaqayeen maalintii shalay ahayd ee 10 - 3 - 2002. Isaga soo dhaqaaqay oo waxaan gudagalay baaritaan dhab ah oo arintaa ku jeeda, bal in aan wax ka ogaado! Waayo waxaan ogaa iyadda oo la leeyahay! 

· Itixaad ayaa bangiyo furtay oo hadda kahor niman soomaali ahu ay warar noocaas oo kale ah Internet-ka geliyeen, tan oo sida dad badani ogyahay gaysatay dhibaato aan farayarayn, tii oo kale amay maantana dhacdaa, waxa ay ahayd wixii iigu horeeyay ee aan iskula hadlay kadib markii aan odayada hadalkoodii dhuuxay, anigii baaba dareen igu dhashay.

· Waxaan mar kale xasuustay hadalkii odayga ee ahaa Ummaddanu waa mid iyaddu ismalgaysa, iyagaa la isu diray isu xoog badanaa…..Amarka Illaahay! 

"Warqad kusocota Soomaalida: Lewiston mayor's letter to Somali community
Duqa magaalada Lewiston, USA ayaa Jaaliyada Soomaalida ee degan magaaladaas u diray warqad, akhri  arintaas  qoraal uu ka qoray wargeyska pressherald. Sidoo kale 
halkan ka eeg warqadii duqa magaalada (ENGILSH)

Hadii aan u dhaqaaqay baaritaankii arinta waxaan raadiyay nooca uu shirku ahaa, cidii soo qabanqaabisay, iyo weliba cidwalba oo lug ku lahady, waxaan la kulmay isuduwaha guud ee gudiga qabqaabadda shirka Cabdulqaadir Cabdalla oo iisheegay in shirkanu uu ahaa mid ay ku kulmayeen qaar ka tirsan aqoonyahanka reer Puntland, ujeedadii looga gollahaana ay ahayd wadatashi iyo howl wadaag si dhan u dhex mara dhamaan bahda aqoonta reer Puntland, sida uu iisheegay isuduwuhu waxaa shirkan la qabqaabinayay in mudda ah, welina waa uu socdaa qabqaabadiisa, xalay oo u damabaysay waxaa isagii oo aad loo balaariyay wadatashigaa kasoo qayb galay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Maxamed Abshir Muse, Dhigic dhigic, iyo dhaliinyaro aad u farabadnayd oo reer Puntland ah. 

Waxaan waydiiyay isuduwe Cabdulqaadir ma waxaa jira sida Internet-ka lagu qoray oo weliba sida dadku isla dhexmarayo uu qoray nin shirkii galabtii 2da bisha laga soo celiyay in aad tihiin Al-Itixaad iyo Carta?. 

Waxa uu mudanuhu ku jawaabay, waxaa horta aad u yaab badan in qofkii la rabo in la xumeeyo loo saariyo magacyo fara-badan sida Al-Itixaad, Carta, iyo magacyo kale oo farabadan, laakiin manta waxaad moodaa in la fahmay arintaa foosha xun lana fahmay waxa loola jeedo, annagu ma naqaanno dadka iyo kooxaha la sheegay, taasina waa tan hada na dhigtay halkan, oo dalkeenii iyo dadkeeniiba burburisay, annagu cidna col lamanihin, kooxaha so kala horjeedana warkoodaba daa, waxaan raadinayno waxaa weeye oo keliya wax wada qabsi dhexmara dadkaa walaalaha ah ee gobolkaa wada degga, ujeedadeenu bilow ilaa iyo dhamaad waa sidaad! Laakiin ninkan aad sheegtay, dadka magaaladuna ay afka kuwada hayaan, anigaa shirka ka celiyay mana ahayn nin awooda in uu wax la qaybsado dhoowrkii oday ee halkaa isugu yimi, mida kalena loogamaba yeerin, in meel aan lagaaga yeerin aad timaadana dhibaatadda ay leedahay waad dareemi kartaa! 

Qoraal Digniin iyo Wargelin ah oo Kuwajahan Puntland GUJI...

Mar aan sidoo kale wax ka waydiiyay odayadda la magacaabay ayay ii sheegeen in ay qudhoodu ogyihiin oo keliya in uu barnaamijkanu yahay mid ay aqoonyahanka Puntland uu u qoondaystay isbahaysi, wadatashi, waxwada qabsi iyo in la dhoowro dhamaan xuquuqda la isku leeyahay ee Jaarka iyo Nolosha guud ahaan! 

Intaa kadib waxaa halkaa iigaga soo baxay in aysan jirin haba yaraatee waxa meelaha qaar lagu qoray internet-ka, ee tilmaamaya in ay isbahaysato aan sharci ahayni joogaan halkan ama ay ku shireen xaafadda Cedar M Building.

 

SheriffOsman

faafreebka@somalitalk.com

 AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

Xog Waran Shirqoolkii Dr. Xuseen Cali Cilmi , Tifaftiraha Wargayska Assiyaasa GUJI...

Oct 5, 2002

 KULAABO BOGGA WARARKA OCT 5, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD