SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
 Qoraal Kuwajahan Reer Puntland

Oct 3, 2002

KU: MADAXWEYNAHA MAMUUL GOBALEEDKA PUNTLAND
KU: ISIMADDA MAMUL GOBALEEDKA PUNTLAND
KU: AQOONYAHANADA IYO WAXGARADKA PUNTLAND
OG: DHAMAAN JAALIYADAHA DIBADA EE PUNTLAND
OG: SHACABKA PUNTLAND GUDAHA

Ujeedo: DIGNIIN IYO WARGALIIN

DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

Shir ay isugu yimaadeen aqoon yahanadda,Isimada iyo waxgaradka reer Puntland maanta oo ah 10-01-02 ee magaalada Minneapolis waxay soosareen qodobada hoos ku qoran:

Taaso ah in ay baryahaan koox yar oo dano gaar lihii shirar ka wadeen magaaladaan, kuna doonayaan in ay mar labaad shacabka Puntland ka dhex abuuraan xasilooni daro iyo iska horkeen, iyadoo taalabaddii u horaysay laga fuliyey Gobolka Mudug (Galkacyo), Dadkaas oo sheegtay in ay yihiin aqoonyahano Reer Puntland ah isla markaasna sheeganaya in ay matalaan waxgaradka Dibadda ee Puntland.

Hadaba markaan aragnay khatarta uu leeyahay shirkaas ay wadaan kooxda yari oo cid ay matalaan ayna jiriin ayaa gudigu wuxuu soo saaray.

1- In uusan Jirin shir ay isugu yimaadeen aqoon-yahanka Puntland oo ay ku doorteen waxa ay ugu yeeren gudi farsamo oo soo darsa dhibka ka jira deegaanka Puntland balse uu jirey shiir ay isugu yimaadeen koox yar oo faro ku tiris ah kana kooban, Carta iyo Al-Itixaad, kooxdas oo ku shirtay 15 Ilaa 21 SEPT-2002 kuna shirtay Xaafadda CEDAR M BUILDING , shiirkaas oo ay madax ka ahaayeen Saraakiil Carta ka tirsan oo u dhashay Puntland.

2-Kooxahan Carta iyo Al-Itixaad ahi waxay go'aan ku gareen.

A-in ay uururiyaan dhaqaale daganaansho la'aan lagaga Abuuro gobolada Puntland si loo galiyo tii hada ka hor lagu sameyey oo kale

3-Dhamaan dadka reer Puntland waxaan uga digeynaa iney iska ilaaliyaan falalkaas waxshinimada ah oo ay kooxdaani la wareegayso, kooxdaan oo ah kuwii dhaliyey dhibaatadii 9 bilood ka jirtey Puntland, waana kuwii sababay in dhiig daato, waa kuwii rabey in Puntland labeec geeyo.

4-Dhacdooyiinkii ka dhacay Gobolka Mudug 27 ilaa 30 SEPT-02 waxaa ka danbeeyey kooxahaan ku shiraya Dibadaha oo go'aan ku gaaray in ayna xasiilin gobolada Puntland madaama Fadeexaddii 9 bilood ahayd ay ku guuldaraysteen, Shirarkaas oo ka kala dhacay,Wadamada Carabta (Dubay) ,USA (Minnesota) iyo UK (London) labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Kooxdaan ayaa caadeysatey iney ku been abuurtaan shacabka reer Puntland ee ku nool Gobolka Minnesota, kooxahaani waxay ku tashadeen sidii ay qalalaase, uga ridi lahaayen Gobolada Puntland, sidda Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari, iyadoo larabo in lagula kaco falal dil iyo afduub intaba, iyadoo tii ugu horeysay laga fuliyey Gobolka Mudug.

Waxaan ku wargalinaynaa dhamaan Jaaliyada Puntland ee ku nool Minnesota in dhawaan la qaban doono shir Waxgaradka, Aqoon yahanka iyo qaybaha Bulshadu ka soo qaybgali doonaan oo looga arinsan doono siddii wax looga qaban lahaa kooxdaan tirada yar ee magaca Jaaliyada ku been abuuranaysa, natiijada shirkaas ka soo baxdana waxaa si cad loogu baahindoonaa warbaahinta xorta ah, iyadoo lagu muujin doono matalayaasha Jaaliyada..

Ugu dambayntii waxaan uga digeynaa in kooxdaani ay ka waantowdo isku dirka iyo bala abuurka, isla markaasna kawaan toobaan dhibka ay la doonayaan inay ka huriyaan kuna hayaan shacabka reer Puntland.

NB:- Kooxdaan oo ah dhawr qof oo faro ku tiris ah waxaa wax lala yaabo ah in iyagoo sheeganaya aqoon yahan reer Puntland, sheegayana inay kuna hadlayaan magaca reer Puntland in ay rag aqoon yahano ah ka saareen shiirkii ugu danbeyey oo ka dhacay Xaafadda CEDAR M BUILDING 21-kii September 2002, iyago ku eedeeyey in ayna kooxdaan ka tiirsanayn, Gacansaarna la lahayn, haddaba dadka sidaas yeelaya maxaa lagu matali karaa dadweynoow ?

Kala xiriir qoraalkaan
Mustafe Xaaji  
plxaaji@yahoo.com
 

Oct 3, 2002

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKII Oct 2 

I  I  D  H  E  H

Reer Galbeedka oo soo dhoweeyay Dawlad laga dhiso Soomaaliya
Doblamaasiyiin reer galbeed ah oo u waramayay saxaafada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay soo dhowaynayaan dawlad laga dhiso dalka soomaaliya maxaa yeelay tan iyo  
GUJI.
.. 

Saxaafada Xorta ah ee Soomaaliya ma ogola Go'aanka DKG ku xakamaynayso Saxaafada
Tan iyo markii uu golaha shacabka kmg  ah ee soomaaliya uu ansixiyay sharci ay u aragtay saxaafada madaxa banaan mid caburinaya hawshooda shaqo ayaa isla markiiba waxa ay bilaabeen inay ku dhaqaaqaan
.. GUJI... 

Shir looga hadlay Soomaaliya oo Caawa kadhacay Hotel PanAfica
KENYA: Waxaa caawa ka dhacay hotel the PanAfrican oo ku yaalla magaalada Nairobi shir ay soo qabanqaabiyeen hay'adaha INXA, COGWO iyo JOINT. Shirkaas waxaa isugu yimid... GUJI... 

Bulgaria iyo Romania oo Mucaawino Gaarsiinaya Soomaaliya
Booqasho hawleed rasmi ah (special envoy) oo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ahna u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG, uu ku tegay Dalalka Baalkanka , gaar ahaan Bulgaariya iyo Roomaaniya.(8dii bisha 8aad  illaa 6dii bisha 9aad). GUJI... 

Maqaalada September 2002

»» DAJAAL MAJIRAA MISE MA JIRO !!!
»»
Dalka, Dadka, Diinta, Dowladda & Dimoqoraadiyada 
»» QABQABLAYAASHA DAGAALKA & DHIIGGA SO..
»» FADLIGA XUSIDDA ALLE S/WATACALA.
»»
DHIBAATOOYINKA NAAS NUUJINTA

»» Soomaaliya uma baahna baaq ee waxay u.. 
»» Muduloodow wada tashiyaa lagu tanaadaa

» CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
» God walaal ha qodin haddaad qodidna.....
[M.Koronto]
» “Kulli Fitnah Cinda Kursi”  [cabdulwaaxid Khaliif]
» kaligiis muslim waa jaajuus laga yaqaano Nairobi [Jaamac]
» SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE.. [pilot]
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD [Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dadka Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal. Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio Sagal Riix Halkan
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD