SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
 God walaal ha qodin haddaad qodidna.....

M. Koronto 
koronto01@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa aad ku arkaysaa in ay ku soo badanayaan website-yada iyo xaashiyaha la isku dhejiyo oo loogu yeeray wargeysyo kuwaas oo ka soo baxa magaalada Muqdishu in ay haatan ku doonayaan in af ku dumayaan Puntland markii xulafadii ay wateen laga xoog roonaaday, maqaaladaan oo sidoodaba aan qorin wax run ah ayaa waxay markasta caado ka dhigteen in ay iska dhigaan in wariyaal u joogaan Puntland arintaasna aan waxba ka jirin, marna soo xigtaan dad war gala oo aan magacooda la aqoon.

Maal mahaan markii Puntland colaadeedii dhamaatay oo wax ay qoraan waayeen wargeysyada Muqdishu ayay waxay bilaabeen in ay iyagu alifaan wax ay ugu yeereen dhibaatooyin siyaasadeed oo ka jira maamulka Puntland, tan ugu daran ee ay wadaan asbuucaan waa khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay maamulka Cabduhi Yusuf, waxay sheegeen in la mareegayo cinqilaab la rabo in lala beegsado madaxweyne ku xigaha Puntland, waxay sheegeen in wasiirka arimaha gudaha iyo xulafo uu wato in ay rabaan in ay afgambiyaan madaxweyne ku xigeenka. waxay sidaan oo kale dhibaato u kala dhex galiyeen maamulka RRA, oo markii dhawr nin magacyadooda ka arkeen wargeysyadaas is kale wax u fahmeen, waxaa taas mid la mida lagu sameeyay Muuse Yalaxow oo sidaas oo kale laga horkeenay kuxigeenkiisa, markii dhawr jeer BBC magaciisa laga sheegay ( BBC iyo wargeysyada Muqdishu waxay isugu xiran yihiin sida Yaxaaska ilkahiisa) haatana waxay rabaan sidaas oo kale in Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay wax tusaan oo galiyaan damac, waxaysanse ogayn in Madaxweyne ku xigaha Puntland mar hore ku gacan seyray Kooxda Carta iyo Cali Khaliifba balan qaadyo ay u sameeyeen, waxaysan kale oo ogayn in labada Mudane ee ay ka hadlayaan isku gobol laga soo doortay.

waraysi)"DKG Shaqsi gaar ah (Xaabsade) lama Gelin Heshiis
waxayse wada hadal la yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale" Sidaas waxaa yiri C/Qaasim Salaad Xasan oo u waramayey...
GUJI..  
Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI..  

suuqWarbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal.. GUJI..  

Wardheere &Toddobaadka
USA: Dawladda Federaalka ma rabto governorka Minnesota inuu aado Cuba asagana kama yeelayo iyo. GUJI...

sikshekh.jpg (49456 bytes)Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa GUJI...

alijamal_small.jpg (28503 bytes)Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI...  

ab22801.jpg (5210 bytes)Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 
 

waxay qoreen isla asbuucaan magaalada burtinle uu ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday noocyada hubka kala duwan iyadoo markii aan Burtinle la hadlay la igu qoslay, lana ii sheegay in dad ay dhul isku qabsadeen arintu ahayd.

taas waxaa xigtay Jeneral Cadde Muuse oo Abu Dubai ka wada abaabul ciidan xoogan, iyadoo haatan ciidama taageersan ay isku aruursadeen deegaano ka mida gobolka Bari, arintaas markii aan u dhaba galayna waxaan ogaaday in Jeneral Cadde Muuse uu u aaday Puntland sidii heshiis nabadeed loogu soo afjari lahaa khilaafkii siyaasadeed ee dhawaanta kasbay in ciidamo isku dhacaan dad walaala ahna ku dhintaan. Jeneral-kana laguma aqoon sidiisaba nin huriya colaada dadka wada dhashay.

Su'aashu waxay tahay wargeysyada afarta bogga ee la isku soo dhajiyaa watana magacyada qurxoon ma waxay waayeen meel Somaliya dagaal ka dhacay oo ay wax ka qoraan, xaqiiqdu waxay tahay in ay iyaga laftigooda maalin walba ku sigtaan in inta isbaaro loo dhigto, laga furto xoogaaga ay ka heleen wargeysyadooda ay markastana ku lumin karaan naftooda.

Waxaa halkaas la maray wargeysyada Muqdishu iyo website-yada ku mataanaysanba neceybka ay u qabaan Puntland iyo nidaamka dawliga ah ee ka hanaqaaday, markii madaxdoodi siyaasadu ku guul daraysatay dagaal ba'an oo ay si kadis ah uga dhex oogeen dadka reer Puntland waxaa hadda muuqata in ay u weecdeen isku dirka iyo abuurid war been ah, si taasi shaki u kala galiso dadka walaalaha ah ee soo maray dagaal aan ku tala gal ahayn abaabulkiisana ay lahaayeen shaqsiyaad munaafiqiin ah iyo canaasiir joogta magaalada Muqdishu.

aan aragno bal meesha ay geyso wargeysya ku sheega Muqdishu neceybka dadka walaalahooda iyo munaafiqnimada isku dirka ay wadaan. god walaal ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn ku dhici doontaana ma ogide, waxaa taas ka marqaati ah asbuucaan horaantiisi waxii ka dhacay deegaanka Wanlaweyn oo Mooryaantii dadka xooga ku haysatay magaaladii laga saaray illaa intii uusan ciidan gurmad ah u soo dirin Abahood Cabdiqasim Salad. bal haatan dadkii deegaanku kacee nabad ma lagu joogi doonaa Balodoogle mise socondoontaa isbaarooyinkii loo dhigin jiray dadka deegaanka ee hawl karka ah. beeralayda ma la sii adoonsan doonaa? oo lagu falan doonaa beeraha, dadka hantidooda Muqdishu ma lagu sii haysan doonaa? waqtiga ayaa nooga jawaabi su'aalahaas doona idinka eebe.

M. Koronto 
koronto01@yahoo.com
 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Sept 17, 2002 | SOMALITALK 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD