SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

  Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane Hadana Doonahayn In aad Hesho Daayin

ASALAMA ALAYKUM

sida ka muuqata cinwaanka korka ku xusan waxaan ugu tala galay bal in aan ku soo ban dhigo aragtiyo kala gedisan oo aan kala kulmay wejiyaal fara badan oo dhinaca dhaqan dhaqaale,siyaasadeed iyo abaabulka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay qaban qaabinayaa Urur Goboleedka (IGAD),

II  I  D  H  E  H

waxaan marar badan isku deyey bal in aan wax ka ogaado qaabka abaabulka shirka iyo sida Soomalidu u aragto gaar ahaan Soomalida Qaxootiga ku ah wadanka Kenya oo iyagu mar kasta afka ku haya Shirka iyo qaabka uu u dhacayo cida ka qayb qaadan doonya iyo aragtiyo kale oo fara badan,waxaan inta badan su,aalo weydiiyaa ruug cadaayo Soomali ah oo ku sugan Wadanka Kenya bal sida ay u arkaan iyo yididiilada ay ka qabaan shirka inta ay le,eg tahay runtii waxaa ah wax la qaato aragtida dadweynaha iyo aqoon yahanka Soomaliga,taas m,arkaan ka eegay dhinacyo badan isla markaasina aan is barbar dhig ku sameeyey aragtida Shacbiga Soomaliyeed iyo tan abaabulayaasha shirka waxaa u dhaxeeya farqi aad u weyn taasna (Nacasna loo Sheegi maayo Nin Ragina waa garanayaa)

hadaba waxaa is weydiintu tahay madaama ay kulmeen Wasiirada arimaha debeda ee dalalka (IGAD) isla markaasina soo saareen go,aan wada jir ah mudadii shirkana dib u qadeen maxaa ka danbayn? hadii loo kala caraabay maxaa la isula soo hayn?xaalku waa (Madax muuqda iyo mijo Qarsoon)Soomaalina warkeedu waa gabaygii faarax nuur ee ahaa(Rag kaa Shiray Rafiiq Nimaan Lahayn Talo lagaa reebay meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco)burburkii soomaaliyeed waxay dalal badan oo deriska ahi ka kasbadeen ilbaxnimo dheeraad ah,waxay ka kasbadeen magac aanay lahaan jirin waxay heleen kharash aan sooba geli jirin mudooyinkii Soomaaliya dhisnayd,

tan labaad IGAD marnaba may odhan shirku siduu u qabsoomi karaa kumay fekerin maxaa kaa hor imaan haduuba wakhtiga soo dhowaado mise xaalku waa (qawda maqashii waxna ha u qaban baa)waxaa haboonayd in arintaas wax laga weydiiyo hadiiba ay IGAD daacad ka tahay wax garad badan oo Soomaali ah si looga caawiyo meesha laga bilaabayo Hanaan socdka shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida,waxaa kale oo muuqata in hanaanka ama qaabta hada wax loo dhigay ay tahay (Kaaf iyo kala Dheeri) oo ah Dawlada ku Meelgaadhka ah iyo Kooxaha Soomaalida,taas waxaan qabaa shaqsiyan in ay Soomaali ku sii kala durkayso mida kale ma haboona in arimaha Soomaaliya wax laga weydiiyo(Eth,& Djibuti)waayo mid waliba waxay wadataa dan iyo siyaasad u gaar ah waxaana ka dhexeeya loolan ah anaa arimaha Soomaliya Ganacsi aduunka kaga doonanay midka kale (Djibuti ma ogola Qorsheheedii Carta in uu ka barburo)Ethop.ma ogola oo waxay rabtaa in ay meesha door ka ciyaaraan ragii ay mushaharka siin jirtay ee askarteeda ka midka ahaa Soomaalina taas ayaa u danbeysay,

Maqaalka waxaan ku dhaafayaa aqoon yahanka Soomaaliyeed ha ka soo taliyeen waxna ha ka yidhaaheen arintaas intaan shirku qabsoomin ama la isu imaanin fiiro gaar ahna ha loo yeesho,

ASALAMA ALAYKUM
MAXAMED MAXAMUD GUTALLE
gutalle@yahoo.com 
 Kenya Nairobi  

 

Sept 13, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad
  (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD