| URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA
HOOSE. = XARUNTA STOCKHOLM=
   
UHGJH/Q-5/02                                                                              Stockholm, 20/09/2002
                                                     
                                                                         
                     KU:- DHAMMAAN DADWEYNAHA GOBOLKA JUBBADA HOOSE 
                              EE KU KALA NOOL AFRIKA,YURUB,MARAYKANKA,ASIYA, 
                              CANADA IYO AUSTARAALIYA                    =FADHIYADOODA= 
                     OG:- DHAMMAAN AQOONYAHANNADA, WAX GARADKA IYO 
                               URURADA SOOMAALIYEED EE KU HAWLAN NABADDA IYO 
                               MIDEYNTA UMMADDA SOOMALIYEED =FADHIYADOODA=
 OG:- URUR-GOBOLEEDKA IGAD                         =FADHIGIISA=
 OG:- DHAMMAAN HAY'ADAHA SAMAFALKA ADUUNKA=FADH=
 OG:- QARAMADA MIDOOBAY QAYBTA U QAABILSAN ARIMAHA 
                               SOOMAALIYA =FADHIGOODA=
 
                  
        UJEEDDO:- GUDBIN MAGACYADA XUBNAHA GOLAHA FULINTA 
                              URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE. 
 
                              
                              Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada xubnaha 
          Golaha Fulinta Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ee (Kismayo) 
          ee lagu soo doortay Shirweynaha 2aad ee Ururka oo lagu qabtay dalka 
          Holland magaalada DAN HAAG taariikhdu markay ahayd 2 - 4 bishii Ogosto 
          2002 da. Kadib Shirwenaha markii uu dhegaystay warbixinnadii Gudoomiyihii 
          Golihii Fulinta ee hore iyo tii ergooyinkii ka kala socday qaaradaha adduunka 
          iyo talooyinkii ay soo jeediyeen ergooyinkii iyo marti sharaftii shirweynaha lagu  
          casumay iyo weliba waayo aragtinimadii laga helay mudadii uu jiray Ururka 
          Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay:- 
          
          Dadka matalaaya Golaha Fulinta Ururka in ay ka mid noqdaan xubnno wada 
          matalaaya dhammaan dadweynaha wada dega deegaanka Gobolka Jubbada 
          Hoose oo ka madax bannaan qabiil keliya iyo koox dan gaar ah leh.
          Golaha Fulinta in uu noqdo mid u shaqeeya gaar ahaan danaha dadweynaha 
          Gobolka Jubbada ee dhibaataysan, iyo guud ahaanna dadweynaha 
          Soomaaliyeed ee dulman. 
                 
                 
                 MAGACYADA XUBNAHA GOLAHA FULINTA URURKA EE 
                          LA DOORTAY WAXAA KA MID AH:-   
         1. Maxamed Muuse Cabdi (jabros).     - GUDOOMIYAHA URURKA-                                                                          ( oo mar labaad loo doortay).2. Maxamed Macalin Xuseen (Iidle)     - Gudoomiye Ku xigeynka Ururka                                                                          ee Nord Ameerika.
 3. Maxamed Maxamuud Alore             - Gudoomiye Ku Xigeynka Ururka                                                                         ee
  Yurub.
 4. Maxamed Abshir Cali                       - Af-hayeenka Ururka.
 5. Cabdirisaaq Khaliif Kaarshe            -Xoghayaha Maamulka Dhaqaalaha                                                                        Ururka ee Yurub.
 6. Col. Axmed Maxamed Dhalacad     - Xoghayaha Nabadeynta iyo dib u                                                                         heshiisiinta Reer-Waamo ee Ururka.
 7. Prof. Maxamed Hareed cali               - Xoghayaha xiriirka caalamiga Ururka.
 8. Prof. Cabdiqaadir Shiikh Cali            - Xoghayaha Xuquuqul insaanka Ururka.
 9. Maxamed Xasan Geelle                   - Xoghayaha Hawlaha Samafalka Ururka.
 10. Khadro Bulxan Maxamed                 - Xoghayaha Xiriirka Siyaasadda Ururka.
 11. Axmed Xaaji Cali Jimcaalle              - Xoghayaha Xiriirinta dadka Waamo.
 12. Suleebaan Maxamed (Garaar)         - Hanti Dhowrka Ururka ee Yurub.
 13. Shamso Cabdullahi Maxamed          - Xoghayaha Warbaahinta Ururka.
 14. Cabdi Maxamuud Alore                 - Xoghayaha Maamulka Dhaqaalaha Ururka
 ee Nord Ameerika.
 15. Dr. Cabdiqaadir Adan Jiraabey     - Xoghayaha Arrimaha Shuruucda Ururka.
 16. Maxamed Cabdi Baloolay           - Xoghayaha Xiriirka dadka Reer-Waamo USA.
 17. Khaliif Shire Muuse (Riko)              - Xoghayaha Abaabulka Nord Ameerika.
 18. Maxamed Bakaari Maxamed      - Xoghayaha Xiriirka Sport-iga Nord Amerika.
 19. Dr. Maxamed cabdi Baydhabo     - Xoghayaha Arrimaha  Caafimaadka ururka.
 20. Dr. Cabdullahi Shaacir                  - Xoghayaha Ilaalinta Deegaanka Waamo.
 21. Xaliimo Maxamuud Maxamed   - Xoghayaha Arrimaha Abaabulka ururka U.K
 22. Hodan Raage Cumar                   - Xoghayaha Xiriirinta Dhalinyarada Yurub.
 23. Muxubo Maxamed Cabdalla      - Xoghayaha Xirirint Dhalinyarada N/Amerika.
 24. Cumar Saalim Dahmis                 - Hanti Dhowrka Ururka ee Nord Amerika.
 25. Khadija Axmed (dhuubo)           - Xoghayaha Abaabulka Haweenka N/Amerika
 26. Mursal Maxamed Saneey            - Xoghayaha xiriirka Bulshada Ururka.
 27. Isaaq Ibrahim ( kuunow )           - Xoghayaha Isgaarsiinta ururka Canada.
 28. Cabduqaadir Mahadi Dini         - Xoghayaha xiriirka dadka waamo Canada.
 29. Axmed Qodax                             - Xoghayaha Abaabulka Dhalinyarada Canada.
 30.
 31.
 32.
 
   
                         
   
                         Inta dhiman dib ayaan u soo gudbindoonaa magacyadooda.
           Golaha Fulinta ee Ururka wuxuu shaqaynaayaa muddo hal sanno ah. Waa inta u     dhaxaysa Shirweynaha 2aad iyo kan 3aad. Shirweynuhu wuxuu ansaxiyay xeerka iyo    barnaamijka uu  ku dhaqmaayo ururka mudada sannadka ah. Shirweynuhu wuxuu    magacaabay ergay matala ururka oo u ambabaxa dalka Kenya si uu wada hadal iyo    wada tashi ula soo yeesho dadka Reer-Waamo ee deggan dalka Kenya iyo in uu     wada hadalo la soo yeesho ururka IGAD sidii ay uga qayb geli lahaayeen ergada    matalaysa dadweynaha dulman ee ku nool Gobolka Jubbada Hoose shirweynaha dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed ee ka dhacaaya dalka Kenya haddii uu Alle idmo.
          Shirweynuhu, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan aqoonyahannada, wax garadka,   dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha Gobolka Jubbada Hoose in ay ku soo biiraan   Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose. Wixii fikrad ah, talo iyo tusaaleenba ah   u soo gudbiyaan Ururka.Ururka Waxaa lagala soo xiriiraayaa E-mailka hoos ku qoran.
     
      UHGJHOOSE@hotmail.com     
                                                                                  
                                                                                  ( MAXAMED MUUSE CABDI)= GUDOOMIYAHA URURKA =
   SOMALITALK.COM | Sept 22, 2002 AFEEF: Aragtida qoraalkan
  waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk 
 WARARKII
AGOOSTO  | WARARKii 
July» GUJI
»
 June |  MAY
APRIL | 
 MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001 
em@spam.com
 |