SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

 JIRRIDDA MUSHKILADDA SOOMAALIYA , NIDAAM FEDERAALSE MA YAHAY DAWADA MUSHKILADA KU HABSATAY QARANKII SOOMAALIYEED? Qore: Cabdala Aadan Xasan

Xubin ka mid ah Golaha deegaanka ee caasimada labaad ee Sweden( Gothenborg)
isla markaana xubin ka ah Guddiga siyaasiyiinta ee xaafada Biskopsgrården
ahna Madaxa Xisbiga Socialdimoqraadiga ee xaafada Biskopsgården ee sweden
.

Waxaan laga joogaa qarni iyo bar markii qaarada Afrika lagu qaybsadey magaalada Baarliin ee dalka Jarmal. Ummadda Soomaaliyeed oo ah ummad wadaag af , dhaqan, diin iyo asal oo xiligaas ku noolayd dhul aad u weyn oo ka kooban imaarado hoos taga salaadiin iyo boqoro ay iyagu doorteen oo ay ka raali yihiin waxaa loo qaybiyey shan qaybood oo ay u kala qaybiyeen quwadihii ugu waaweyn dunida xiligaas. Qaybtaas waxaa qaarada Afrika uga qayb gashay boqortooyadii Itoobiya ee xiligaas oo ay reer yurub u arkayeen xubin muhiim ah oo loo adeegsan karo gumeysiga qaarada Afrika.

Akhristow waxaa xusuus mudan in xiligaas waqti ka horeeyay ay Boqortooyadaas la wareegtay dhul wayne dadka soomaaliyeed ay leeyihiin oo ay ka mid dhigtey dhul ay leedahay boqortooyadaas.

Akhristow dadka soomaaliyeed xiligaas waxay ku noolayeen nolol aad sareysa haddii loo eego nolosha bulshooyinka ee xiligaas. Soomaalidu waxay lahayd dhaqan iyo xeerar ay raacaan oo aad loo qadariyo. Soomaalida waxaa dhaqan u ahaan jiray in la qadariyo lana qiimeeyo odayaal dhaqameedyada iyo xeerbeegtida beelaha.

Bulsho walba oo meel degen waa lagama maarmaan inuu ka dhex yimaado is maan dhaaf iyo qilaaf gaari kara af iyo gacan ka hadalba sidaa darteed Soomaalida waa caadi u ahayd inuu dhex maro iska hor imaadyo ku salaysan qaab qabiil kuwaasoo ka dhalan jiray inta badan ceelasha ay xooluhu ka cabaan, goobaha caweysyada ay dhalinyaradu isugu yimaadaan gaar ahaan xiliga barwaaqada ee dhulka meel walba xareedu waran tahay. Akhritow iska hor imaadyadaas waxaa ka dhalan jiray dagaalo ay isaga hor yimaadaan beelaha laakiin mar walba waxaa dawayn jiray dhibaatooyinkaas odayaasha iyo indheer garadka beelaha oo mar walba wax walba ka hor marin jiray nabad ku wada noolaanshaha iyo qadarinta iyo xushmeynta beesha ay ood wadaaga yihiin.

Haddaba akhristow markii gumeystayaashii reer yurub ay cagaha soo dhigeen ciida soomaaliyeed waxay keeneen qanuunyo iyo xeerar waafqasan dhulkii ay ka yimaadeen kuwaas oo ay ku bedeleen xeer-dhaqankii soomaaliyeed taasna waxay noqotay talaabadii koowaad ee burburka Dhaqanka Soomaalida. Odoyadii soomaaliyeed ee lagu yiqiin xalaal quudashada iyo ka run sheegida garaha waxa ay u qoreen lacag mushaar ah iyagoo isla markaana odayaasha ka dhigey wadada ay u maraan bulshada. Akhristow in badan oo ka mid ah odayaashaas waa ay diideen mushaarooyinkaas waxayna ka doorbideen inay ku noolaadaan sidii ay bulshada ugu dhex noolaayeen taasoo ay kaga heleen sumcad iyo magac ku dhax raagay bulsho weynta soomaaliyeed.

Intii gumeystayaashaas ay joogeen ciida soomaaliyeed waxaa jiray dagaalo ay wadeen hogaamiyayaal Soomaaliyeed oo ka dhacay geyiga soomaaliya waxaa halgamadaas kuwoodii hubeysnaa ugu magac dheer kuwii ay hogaaminayeen Imaam Axmed Ibraahin garaad( Axmed Gurey) , Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh maxamed Biyamaalow , Sheekh Xasan Barsane iyo Sheekh Bashiirkii Burco. Kuwaas oo kaga tagay quluubta dadka soomaaliyeed xusuus aan guurayn oo ku waari doonta inta soomaalida wax garadka ay nool yihiin.

Bartimihii qarniga waxaa geyiga Soomaalidu dagtay ka saanqaaday dhaqdhaqaaqyo gobanimadoon ah oo lagu raadinayao xornimo loo helo dhulweynaha soomaalida oo ku fadhiya inta u dhaxaysa Harar ilaa iyo Siyoolow iyo dhulka gudaha ugu jira ilaa xeebaha bariga afrika isla markaana dherersan xeebta Jabuuti ilaa iyo xuduudka magaalada Lamu ee dalka Kenya. Wax qilaaf ah oo ka jiray dhulkaas oo soomaalida udhexeeyayna ma jirin xiligaas isaga ah waayo qof walba oo soomaali waa uu ogaa meesha uu isagu shaqsi ah ku dhashay ama reerka uu magac ahaan ka soo jeedo ay dagaan laakiin wax macna oo ay taas u lahayn ma jirin maadaama meel walba oo ka mid ah dhulweynaha soomaalida ay degto uu ugu noolaan karay sida uu doono.

Dhaqdhaqaayadaas kuwoodii ugu balaarnaa waxaa horseed ka ahaa ururadii SYL , SNL , USP iyo kuwa kale oo farabadan. Ururadaas ayaa ku dhisaan niyad sami iyo wadaninimo aan la soo koobi kari taas ayaa keentey iney gaaraan muddo yar gudaheed horumar aad iyo aad u weyn kalana bardo masraxyadda gobanimadoonada ee caalamka, waxayna ugu danbeystii ku guulaysteen qadayadii Ummadda soomaaliyeed ee ahayd inay gaar xorinimadooda ay ka dhaadhacsiiyaan quwaddaha waaweyn caalamka taas oo natiijadeeda ay noqoto in labadii gobol ee ugu horeeeyey ee ka mid ah ay qaataan xorimadooda bartimihii sanadkii 1960kii kadibna ay dhisaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah wadan jira oo ay ilaa maantay beesha caalamka aqoonsantahay jiritaankiisa. Jamhuuriyaddaas Soomaaliya waxay bilow iyo astaanba u noqotay raadintii shanta Soomaali oo ahayd qadiyad ku wayn dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool geeska afrika.

Haddaba markii xornimadda la qaatey ee la helay dowlad soomaaliyeed waxaa soo wajahay dowladii soomaaliyeed ee xiligaas jirtey dhibaatooyin waaweyn oo ay ugu horeysay ”Qabyaaladda”. Ummadda soomaaliyeed oo u badan dad reer miyi ah isla markaana ay ku yarayd aqoonta si loo maamulo dowlad casri oo ku dhisan qaanuun iyo sinaan waxaa ku adkaatay la qabsashada nidaamkan dowliga ah. Qofka soomaaliga ee masuulka ahaa xiligaas waxaa isaga dhex qasmay waajibka wadaniga ah ee saaran si uu u maamulo xilka uu ummadda u hayay iyo waajibka shaqsiga ee ka saaran waxtarka qaraabadiisa ama qabiilkiisaba taasna waxay u noqotay bilow burburka ku yimid Qarankii Soomaaliyeed soddon sano kadib markii ay xorimadoodii ka dhaxleen gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Akhristow masuuliyadda ugu weyn ee dhibaatada soo gaartay ummadda soomaaliyeed waxaa iska leh gumaystayaashii reer yurub ee gumaysanayey ummadda Soomaaliyeed waayo waxaan oran karnaa dadkii soomaaliyeed ee xiligaas looga tagayey iney la wareegaan talada dalka ma lahayn aqoon ku filan oo ay ku maamulaan dalka ha noqoto mas’uuliyiintii sarsare ama maamuladii hoose ee hay’adaha dowladda. Gumaystahana ma uusan siin aqoon ay ku hantaan taladan cusub oo ay ku kala saaraan mas’uuliyadda qaranka ka saaran iyo xaqa uu qabiilkiisa ku leeyahay. Waxaana ay u badan tahay gumaystayaashii xiligaas ka baxayey dalka soomaaliyeed ay sidaas u sameeyeen xaasidnimo iyo wax ha qaribmaan waayo ma aysan doonayn inay ka baxaan dhulka soomaalida. Dadka soomaaliyeed ee xornimadda doonayayna waxaa wax walba uga darnaa isticmaarkan aysan isku dhaqanka iyo diinta ahayn ee dalkooda maamulaya oo weliba go’aanka iyo talada dalkan xooga ku haysta sidii ay isaga saari lahaayeen ee marnaba isma aysan waydiin qibrad iyo aqoon intee le’eg ayaad u leedihiin inaad maamushaan dowlad qanuuni ah oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad.

Haddaba markii isticmaarkii lagu saaray xamaasad iyo caadhifad xornimodoon ah uu isagana isaga tagay dalkii isagoo haba yaraatee wax kaalmo xaga farsamada oo sidaa u buuran aanan u fidin dalkan cusun ee xornimadiisa hantay, waxaa markiiba bilowday burbur si tartiib tartiib ah uu ku yimid qarankan cusub taasoo loo aanayn karayo aqoonyaridaa iyo qibrad la’aanta xiligaas jirtey.

Akhristow waxaa jirta in qofba uu ka qiyaas qaato waxa uu yaqaan haddaba qofka soomaaliga ee xiligaas xilka qabanayay aqoonta uu watay ama qibradiisa waxa ay ahayd mid uu kala yimid miyiga oo ay umadda ugu noolayd qaab markaa u cuntama noloshoodaas miyiga oo ka duwan midkii magaalada looga noolaa ee la rabay in lagu maamulo dowlad casri ah oo soomaali ah.

Runtii ma cambaaraynayo dhaqanka miyiga waayo waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaheena iyo dhaqankeena loona baahan yahay inaan mar walba ku faano oo aan ku faraxsanaano laakiin meel walba waxa ay leedahay qaab ku haboon oo loogu noolaado sidaa darteed bay nolosha magaalada iyo dowladnimadu ay u yihiin wax is wata oo aan kala maarmin maadaama ay magaalada isugu imaanayaan dad kala duwan oo meelo kala duwan ka yimid waxa kala hagayana uu yahay qanuun iyo sharci ay isku waafaqsan yihiin oo ay iyagu samaysteen kana raali yihiin. Xaqiiqo ahaan miyigaba waa ka jiraa qanuun iyo xeerar ay isku hagaan dadka halkaas ku nool laakiin mas’uuliyada iyo ku dhaqanka xeerka magaalada ayaa ka balaaran maadaama ay dad ka badan inta miyiga ku nool ay hal meel isugu yimaadeen.

Haddaba dadkii soomaaliyeed ee xiligaas mas’uuliyadda ka qabtay maamulkii curdanka ahaa waxaa ku adkaatay kala saarida mas’uuliyaddii umaddu u dhiibtay iyo sidii uu ku gudan lahaa iyo Mas’uuliyaddii gaarka ee ka saarnayd waxtarka qabiilka taas oo ah dhaqan soo jireen oo ay ummadda soomaaliyeed aad iyo aad ugu amaanan tahay waayo waa wax aad iyo aad u fiican in waxa aad sida gaarka u leedahay aad wax uga tarto qaraabadaada waana arin lagu amaanay diinta islaamka qaraabadaas oo isugu jirta kuwa xagga abtirka aabaha ku yimaada ama xagga Hooyadda laakiin waxaa ah arin aad ay ugu qaldameen mas’uuliyiintii xiligaas isla markaana aasaas u noqotay dhhibaatada cakiran ee maanta hortaagan qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad inay masuuliayadihii ummadda ee dowladnimo iyo tii gaarka ee ka saarneyd tolka oo ah mid ku salaysan dhaqankeena reer miyiga ay isku dhex daateen isla markaana lakala saari kari waayay. Qof walba oo mas’uuliyad loo dhiibay wuxuu u qaatay in mas’uuliyaddan ay tahay mid uu wakiil uga yahay beesha uu ka dhashay isla markaana waxa uu ka shaqaynayo iyo qofka uu wax u qabanayo uu yahay qof uun ay isaga isku beel yihiin taasna waxa ay abuurtay in colaad iyo nacayb loo qaado qofka meeshaas mas’uulka ka aha qofka kale ee muwaadinka ahna uu qaato in xafiiskaas uu ninkaas iyo beeshiisa leeyihiin taasna waxaad ka fahmaysaa markaad aqrisow suugaantii xiligaas ay tiriyeen abwaanadii soomaaliyeed tusaale ahaan bal u fiirso tixdan oo la tiriyey xiligaas isaga ah:” ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO DAARTA KII GALAYE”.

Waxay ku tusinaysaa tixdan iyo murti badan oo xiligaas la tiriyayba in dadweynaha soomaaliyeed ay aad uga niyad jabeen masuuliyiintii iyo maamulayaashii xiligaas joogay xafiisyada ay dowladu lahayd. Laga soo bilaabo xiligaas qof walba waxa uu tafa xaytay inuu isaga iyo qabiilkiisaba ay qayb muuqata ka helaan haruubka caanaha maandeeq lagu lisayo waxaana taas natiijadeedii ay noqotay in ay ka qayb galaan doorashadii ugu danbaysey ee 1969kii isla markaana loogu magacdaray COD QASAARAY ilaa iyo dhowr iyo todobaadan xisbi oo dhamaantood ku hayaan salka qabiil.

Markii madaxweynihii sharciga ee dalka jamhuuriyadda soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake uu wiil yar oo reer miyi ah xabad ugu dhuftay aano qabiil oo qarniyaal ka hor dhacdey isla markaana habacsanaan ay ka muuqatay mas’uuliyiintii rayidka ee xiligaas si ay u buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan kaaalintii uu baneeyey madaxweyne ka Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa kaalintii ka faa’iideystey Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu xiligaas taliye ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxaana ay sameeyeen inqilaab militari. Saraakiishaas militeriga oo taageero ka haysta dowladdihii reer bariga ee xiligaas waxa ay la yimaadeen halhaysyo cusub oo u ay ummadda soomaaliyeed ay aad ugu oomanayeen kuwaas oo uu ugu horeeyey aasidii qabiilka. Dhamaan shacabka soomaaliyeed oo aan ukala harin marka laga reebo hogaamiyayaashii dowladda rayadka iyo dad aqoonyahano oo iyagu aad uga soo hor jeedey mabda’an shuuciyadda ah oo ay u arkayeen halaagii ugu weynaa ee ummaddan waxa ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo farxad.

Isla markiiba waxaa la laalay dastuurkii qaranka soomaaliyeed waxaana la sheegay in dalka lagu maamulayo laba warqadood oo loogu magac daray warqadii kowaad iyo warqadii labaad ee kacaanka.

Run ahaan sanadihii ugu horeeyay waxa ay sarakiishaas dalka gaarsiiyeen horumar aanan la gaarin 9kii sano ee ka horeeyey iyagoo gacan buuxda ka helayo adeerkoodii xooga badnaa ee midowga soofiyeeti. Waxaa la qoray markii ugu horeysey afsoomaali ku qoran afka laatiinka kaasoo dardar geliyey aqoontii dadka soomaaliyeed, waxaa la dhisay warshado iyo iskoolo farabadan, Waxaa la soo saaray qanuun mamnuucaysa in la liido dadka laga tirada badan yahay, waxaa la adkeeyey xuquuqda dumarka, waxaa la dhisay tayada iyo tirada ciidamadii qalabka siday ilaa ay soomaaliya yeelato ciidamadii ugu xooga badnaa afrikada madow.

Haddaba muddadaas waxaa ay dowladdii kacaanka yeelatay la taliyayaal aan waxba ka garanayn dhaqanka iyo taariikhda soomaaliyeed wax walbana aasaas uga dhiga aragtiyadiii MARX , LENIN iyo ANGELS taasoo iyadana isla markiiba gogol xaar u noqota burbur ku yimaada dowladdan cusub ee la timid mabda’an hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo ah mid aysan soomaalidu wax aqoon ahba u lahayn.

Ileen reer miyinimadii iyo qabiil isku riixii magaalada ayaan la nimide isla markiiba waxaa ka dhex bilowdey is riix riix saraakiishii xoogga dalka ee talada dalka gacanta ku haysay taasoo keentey in la toogtey sadax sarkaal oo ka tirsanaa saraakiishaa taasna waxay noqotay talaabadii kowaad ee wiiqda kacaankii 21Ka oktoobar waayo waxay ahayd markii ugu horeysay ee dad soomaali ah inta la soo qabto iyadoo lagu eedaynaayo arimo siyaasadeed lagu toogto goob fagaara ah arintaas oo runtii aan waafaqasanayn qanuunkii madaniga ee dalka soomaaliya lahaa inqilaabka ka hor laakiin xamaasadii jirtey darteed dadweynaha soomaaliyeed kuma aysan baraarugin qatarta qaanuun iyo cawaaqib xumadda ay yeelan karto arintaas. Misana waxaa xigay in la soo rogo xeerkii sinaanta ragga iyo haweenka haddana waxaa ka qayliyey culumaa’idiinka soomaaliyeed oo iyagu u arkay in dadkan waxan ku soo akhrinaya ina Siyaad Barre aysan ahayn dad Muslimiin ah isla markaana beri keeni karaba inay yiraahdaan haba la mamnuuco aadaanka salaadahaba taasna waxay keentey in mar labaad la soo qabqabto oo la toogto dad soomaa.liyeed oo loo aaneynayo arimo siyaasadeed.

Sidoo kale dadka soomaaliyeed ma dareemin kamana dhiidhiyin talaabadan labaad ee qanuun ku tumashada ah waayo waxaa u muuqday horumarka maadiga ee muuqda ee kacaanku samaynayay waxaana ku socdey qudbooyinka la yaabka leh ee Aabaha cusub ee ummadda soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu ku aqrinayo.

Taas waxaa sidoo kale barbar socdey siidii lagu yiqiinay wadamadii shuuciyada ahaaba in la xirxiro isla markaana la marsiiyo ciqaabo jir dil ah cid walba oo loo arko inay ka qabto fikir ka duwan midkii kacaankii barakaysnaa taasoo ah arimo laga dhaxlay kaligood taliyayaashii Midowga soofiyeeti oo ugu darnaa Stalin oo isagu tusaale u noqday ciqaabta iyo cabsi galinta dad ka fikradda duwan.

Akhristow waxba yaanan hadal kugu daalinine dowladdii kacaanka ahayd waxaa ay u tafaxaytadey gaaridii riyadii uu ku taamayay qof walba oo soomaali ah waxayna dardar gelisey dhaqdhaqaayadii gobanimadoonka ee ka jirey dhulkii soomaaliyeed ee ku hoos jirey gumaystayaasha taasna waxay keentey soomaaliya iyo itoobiya uu dhex maro dagaal ka mid ah dagaaladii ugu adkaa ee dhexmara laba dowladood kuwoodii ugu adkaa waxayna ciidamadii soomaaliyeed ee ka qayb galay dagaalkaas muujiyeen wacdaro taariikhda dagaalada ee ummadda soomaaliyeed ka galay baal dahab ah waxayna ku jiireen boqortooyaddii soo jireenka ahayd kumanaanka sano ee lahayd ciidammmada tirada iyo tayadaba lahaa dhowr usbuuc gudahood ilaa ayba ku sigteen inay qabsadaan caasimada Itoobiya ee Addisabba laakiinse waxaa dagaal soo galay ciidamadii waarso ee midowga soo fiyeeti oo si toos ah ula saftay ciidamadii itoobiya isla markaana bixiyay dhamaan tabihii iyo sirihii dagaal ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Beesha caalamka ayaa ku qasabtay dowladdii kacaanka inay ciidamadeeda ka soo saarto dhulkii ay qabsatay taasoo si degdeg loo sameeyey.

Laakiin markii dagaalka laga soo noqday ayaa waxaa yimid su’aalo badan oo ay is weydiiyeen dad badan oo soomaali ah , su’aalahaasna waxaa ka mid ahaa horta dagaalkaas maloo baahnaa mase ahayd arin si aad ah looga fiirsadey oo la daraaseeyey qasaaraheeda iyo faa’iidadeeeda mise xamaasad iyo caadhifad ayaa lagu dhisay? mala fiirshey saaxiibada dhabta aan ku leenahay caalamka ee noo soo gurman kara haddii qaranimadeena iyo jiritaankeena uu halis galo? maxay ujeedadda dagaalka , ma mashquulinta ciidamada soomaaliyeed oo awoodooda laga baqay mise xoreynta dhulka soomaali galbeed?

Su’aalahaas oo dhan waxay ahaayeen kuwa soo noqnoqnayey oo ka jawaabidoodu ay adkeyd laakiin waxaan shaki lahayn in xiligaas dadkii wax garanayay oo soomaali ahaa ay fahmeen in soomaali aan laga jaclayn duniddan gaar ahaan labadii quwadood ee waaweynaa taasna waxaa tusaale marag ma doonta u ah in marka ciidamadii midowga soofiyeeti iyo isbahaysigooda ay dagaalka kaga jireen safka itoobiya aysan ciidamadii soomaaliyeed aysan halayn wax gargaar oo ka baxsan ku tiirsanaanta naftooda iyo xoogaa ay ka helayeen dowladdaha carabta qaarkood oo soomaaliya u arkayey awood carbeed oo lagu tashan karo marka loo baahdo. Wadamaddii hantigoosiga oo uu ugu horeeyey maraykanka oo la lahaa waxay garab siin doonaan dowladda soomaaliyeed mar hadday ceyriyeen midowgii soofiyeeti oo waxay la garab istaagi doonaan hiil iyo hooba wax kaalmo oo ka yimid ma jirin.

Shaqsi ahaan aniga waxaan maalin aan sidaa usii fogeyn daawaday barnaamij loogaga hadlay dagaalkii qaboobaa oo uu soo bandhigay telefishanka dowliga ee dalkan Iswiidhan , barnaamijkaas qayb ka mid ah waxaa lagu soo qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya waxaana ka hadllaayay saraakiil sarsare oo isugu jirtey midowgii soofiyeeti iyo Maraykanka waxaana iigu yaab badneyd markaan maqlay Jimmy Carter oo leh”MADAXDII DOWLADDII SOOMAALIYEED WAXAY NA WEYDIISTEEN KAALMO MILATERI LAAKIIN WAAN U DIIDNEY WAAYO MARNABA MA ANAANAN OGOLAYN INAY HEYSTAAN DHULKA ITOOBIYA INKASTOO MENGISTU XAYL MARYAN UU SI XUN NOOGU BAHDILAY DALKA ITOOBIYA OO UU XATAA SI XUN ULA DHAQMAY HAY’ADIHII MADANIGA IYO KANIISADIHII MARAYKANKA EE KA SHAQAYNAYEY ITOOBIYA”

Runtii markaan hadalkaas maqlay ayaan aad ula yaabay in xiligaas oo adduunka tartan bari iyo galbeed uu ka socday uu sidaa qabo hogaamiye weyn oo reer galbeed ah oo jacaylka uu qabo itoobiya oo xiligaas shuuci ahayd iyo Soomaaliya oo ceyrisey midowgii soofiyeeti una soo jeesatay inay gacan saar iyo wada shaqayn la yeelato reer galbeedka laga jeclaysto Itoobiya waxaana i galay dareen taxadar leh oo ku saabsan sababaha soomaaliya gaarsiiyey heerkan in ay noqon karto qorshe fog ooba looga taqalusi rabo jiritaanka dalka soomaaliyeed ee ka jira iyo geyiga geeska afrika iyo dowlad soomaaliyeed oo ay go’aankeeda iyo maamulkeeda ay leeyihiin dad soomaali ah oo u fekeraya maslaxda dadka soomaaliyeed ee ku nool geeska afrika.

Si kastaba ha ahaatee akhristow markii dagaalka laga soo noqdey waxaa markii hoos u dhacay xiisihii loo qabay kacaanka waxaana fursadaas ka faa’iideysta is yiri saraakiil kale oo ka tirsan ciidankii xooga dalka ee ka soo noqdey dagaalkii 77KII waxaana ay abaabuleen inqilaab aad looga shaqeeyey si talada looga tuuro Maxamed Siyaad maadaama marakan ay ummaddu xiisa badan u hayn dagaalka uu ku fashilmay awgii. Inqilaabkaas oo uu ay horkacayeen Korneyl Cabdulaahi Yuusuf iyo Korneyl Ciro waa u fashilmay waxaana natiijadiisii noqotay in saraakiishaas qaar la qabtay oo la toogtey qaarna ay u fakadeen wadamadda deriska.

Korneyl Cabdullaahi Yuusuf markaas kadib waxaa uu garowsadey in sida kaliya uu xukunka uga tuuri karo Maxamed Siyaad Barre ay tahay inuu bilaabo dhaqdhaqaaq mucaarad oo hubeysan wuxuuna xarun ka samaystey dowladdii ay ummadda soomaalida isugu necbaayeen dunidda ee Itoobiya. Dowladda uu saraakiisheydii ay isaga hor imaadeen goobaha dagaalka uu uga gacan sareeyey si wacdaro leh. Dowladdii Itoobiya markii ay aragtey Korneyl Cabdulaahi Yuusuf oo in badan ay ka maqashay ciidamadeeda sirdoonka qofka uu yahay waxay ogaatay in maantay ay heshey fursad dahabi ah ayna ku bedeli karto majaraha taariikhda geeska afrika. Cabdullaahi waxay siisay wax walba uu doonayay isla markaana waxa uu taageero ka halay wadamaddii Midowga Soofiyeeti iyo bahwadaagtoooda sida Liibiya iyo Yamanta Koonfureed(Cadan).

Haddaba Maxamed Siyaad oo isagu ahaa aftahan in badan bulshada Soomaaliyeed ka midn haystay wuxuu bilaabay inuu xagga dacaayada iyo barabugaandada uga gacan sareeyo jabhaddii Cabdullaahi uu ka sameeyey dalka itoobiya ee SSDF.

Waxaana kacaanku uu tusay dadweynihii soomaaliyeed in ay yihiin beel rabta inay maroorsato xukunka dalka oo ay keligeed ku intificaan taasoo suurta gelisey in gacanku uu ku sii moodo dhowr sano.

Laga soo bilaabo xiligaas waxaa si xawli u bilowday dumitaankii aasaaskii kacaanka 21KII Oktoobar. Ciidamadii sirdoonka ee Kacaanka waxay bilaabeen inay si cadaan ah u cayrsadaan ama ay u daba galaan qof walba oo ay hayb ama magac koreba wadaagaan Korneyl Cabdulaahi waxaana reerkiisa laga dhigay kuwa ka faquuqan bulshada oo u

adeegaya isticmaarka haysata dhulka soomaaliyeed ee ka qaybgalay qaybqaybinta iyo qoqobka kala dhex yaala Soomaali weyn waxaana lagu cariirshey dhamaan fursadihii shaqo iyo waxbarasho ee dalka ka jiray waxaana ku batay ku dhaga hadal iyo cambaarayn aan loo meel dayin taasna waxaa ay noqotay natiijadeeda inay iyaguna isaga soo yaacaan maamulkii meesha ka jiray oo ay u arkaan in meeshu ay tahay meel reer leeyahay oo xoog ku qabsaday iyagana markaa ay xoog ku qabsadaan oo ay xaqooda muwaadinimo ee la baabashay ay soo ceshedaan taasna waxay horudhac weyn u noqotay soo degdega qaranjabkii iyo burburkii ku yimid qarankii Soomaaliyeed.

Inkastoo ay eedaas wadaagaan Korneyl Cabdullaahi iyo Jeneraal Maxamed Siyaad haddana in badan oo ka mid ah waxaa sabab u ah yaraantii falsafadooda dowladnimo iyo qibradii ay u lahaayeen dowlad casri oo ku dhisan qanuun iyo sinaan iyo cadaalad waxaana weliba si gaar ah u qaadaya Maxamed Siyaad maadaama uu ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana uu gacanta ku hayay dhamaan dalka jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana uu taageera ka haystay inta badan shacbiweynaha waayo Cabdulaahi xiligaas wuxuu ahaa nin qaxooti ku ah dal shisheeye oo aan meelna cagta ka soo dhigi kari jamhuuriyadda Soomaaliya sidaa darteed waxaa ku habooneyd in Maxamed Siyaad uu aragti dheeraado oo uu meesha uu cadaadis iyo handadaad iyo ceelal la gubo uu xal u arkayey inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo in la helo dib heshiisiin qaran walaalkiis Cabdullaahina uu ku soo cesho xerada Qaranka Soomaaliyeed oo an cidna laga xigin.

Laakiin sidaas ma aysan dhicin waxaana mid walbaaba uu u noqday qaamuuskii lagama guuraanka ahaa ee uu kala yimid miyiga ee ku dhisnaa ”alla tol beelayeey” iyo habar wacasho waxaana mid walbaaba isku dayay inuu qabiilada soomaaliyeed ka raadsado gashaan buureysi si xoog uu ugu maquuniyo midba midka kale. Meeshii xal dowladnimo casri iyo baaritaanka mushkiladan jirta in lagu dhameeyo wadahadal iyo in laga doodo dhibka jira kadibna la xaliyo lana sameeyo qanuun xadida dadka oo dhan oo la ilaaliyo lana qabanqaabiyo doorashooyin xor ah nin walbana uu ku qanco codka uu helo una hambalyeeyo lana shaqeeyo walaalkiisa ka guulaystey. Ma aysan dhicin sidaas ee Cabdullaahi Waxaa uu wadey dagaaladii uu ku hayay Maxamed Siyaad asagoo uga soo duulaya xarumihii ciidamadii loo tababaray loona dhaariyey inuu ka ilaasho ciida iyo calanka soomaaliyeed ilaa ay iska hor yimaadeen Mangiste Xayle Maryam oo isagu qudhiisu uu arkay nin qalqal gelin kara maamulkiisa gaar ahaan goboladda Soomaalidu ay degto taasna waxay keentey in Cabdulaahi loo taxaabo Xabsiga oo uu ku jiray ilaa ay meesha ka baxdey dowladdii Mengistu Xayle Maryan.

Maxamed Siyaad iyo askartiisiina waxa ay sii wadeen dhibkii ay ku hayeen dadka ay Cabdullahi beel wadaagta yihiin iyagooba u arkay mar haddii hogaamiyihii la xiray in sheekadii ayba iska dhamaatay oo muddada xukunkiisu uu sii dheeraaday reerkana ay difaacdeen kusigooda ay xooga ku qabsadeen laakiin ciyaarta sidaas ma noqon shucladii dagaalada Hubaysan ee looga soo horjeeday Maxamed Siyaad waxaa ku soo darsamay jabahad cusub oo la magacbaxdey SNM. Maxamed Siyaad isagoo istcimaalaya waaya aragnimadiisii uu kala yimid miyiga iyo aftahanimadiisa iyo xoogaa tababaradii gumeysiga talyaaniga ee ku dhisnaa fashiistinimada iyo siyaasadii Qeybi oo xukun wuxuu misana dacaayad ku furay jabhadan cusub oo iyada qudheeda inta badan bulsho weynta soomaaliyeed ee u arkayeen inay ka kooban tahay beel kaliya oo ay yihiin uun qabiil gadooday laakiin dacaayadii uu Maxamed Siyaad iyo taageerayaashiisa ay ku hayeen SSDF waxay tan uga duwanayd iyagoo ku dhihi jiray shacbiweynaha isla markaana si toos ah iyo si aan toos ahayn u sheegi jiray in kooxdan ay doonayso inay kala gooyaan dalweynaha soomaaliyeed iyagoo u adeegaya isticmaar taasoo ilaa iyo xad uu Maxamed Siyaad ka dhaadhacsiiyey dadweynaha Soomaaliyeed.

Haddaba sidee buu ula macaamiltamay Maxamed Siyaad qoladan cusub ma si ka duwan qoladii hore ee SSDF ? Jawaabtu waa maya ! qoladana waxaa la mariyey wadadii qoladii hore oo kale wax wada hadal iyo soomaalinimo iyo miiska wada hadalada meesha waa laga saaray waxaana sidii kuwii oo kale loo adeegsadey ciidamadii nabadsugida iyagoo dhulka ku ciriirshay qof walba oo ay heyb wadagaan SNM taasna waxay keentey in dadweynha gobolada waqooyi ay u arkaan in reer Koonfur ahaan loola dirirey oo si gooni ah loo faquuqay ilaa ay dhacdo diyaaradihii xoogga dalka ee lagu soo iibiyey lacagtii canshuurbixiyayaasha Soomaaliyeed in lagu duqeeyo magaalooyin ka mid ah goboladda Waqooyi ee Soomaaliya iyagana markooda ay karaahsadaan in wax maamul danbaba ay la wadaagaan dad reer koonfur ah ayna door bidaan iney noqdaan Jamhuuriyad madaxbanaan inkastoo ay jiraan dad reer waqooyi u arka in qaladka waxa ka galay ay ahayd dowlad keli talis ah oo xoog ku haysatey dhamaan geyiga soomaaliyeed isla markaana aan eeda dusha looga tuuri karin dhamaan shacbiga reer koonfur oo dhan.

Waxay giraanta mucaaradnimada soo galgalata markan waxay soo gaartey magaalada Muqdisho, sharcigii iyo kala danbeyntii waa iska soo yaraaday , waxaana caadi iska noqotay in qaanuunka lagu tunto. Taladii waxay ku soo uruurtey Maxamed Siyaad gacantiisa isagana waxa uu meesha ka saaray wax walba oo tanasul iyo wadahadal uu la galo dadka siyaasada ay isaga soo horjeedeen. Wasaaradihii dowladuna waxa ay noqdeen in wasaarad walba ay noqoto goob ay leeyihiin reerka uu wasiirkaas u dhashay isla markaana ay tahay qeybta ay ka heleen Doolshaha( keekga) qaranka siday doonaan ay u isticmaali karaan isla markaana uusan jirin qaanuun xadidaya isla markaana ilaalinaya ku takrifalka hantida qaranka. Xataa waxaa dhacday in qof inta uu tago wasaarad asagoo dan kale la yiraahdo”MAAD WASAARAD HEBLA TAGTID WASAARADAAS BAAD LEEDIHIINE”

Waxba yaan hadalka badinine haybaddii dowladnimo waxaa galay humaag weyn waxaana qof walba u muuqatay in qaranimadii haadaan ay ka muuqato loona baahan yahay in la badbaadiyo laakiin Maxamed Siyaad wuxuu dhagaha ka fureystey in xal la raadiyo fursadna la siiyo dadkii loo arko iney samata bixin karaan masiirka Ummaddan. Wuxuuna u arkay qof walba oo kala hadla musiibadan soo socota qof isaga iyo kursigiisa cadow u ah uu iyada uun mala awaalaysa waxaan jirin oo meeshaba ool.

Waxaa haddana abuurmay jabhad cusub oo magac qabiil wadata oo loo bixiyay USC iyana waxay tagtay meeshii laga necbaa dowladdnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed waxaana la siiyey wax walba oo ay u baahnaayeen weliba waa loo bogay markay yiraahdeen war anagaa degna gobolada odeyga sida aadka looga jecel yahay waxbana naguma qaadanayso inaan xukunkiisa meesha uga saarno muddo gaaban.

Waxay waayuhu soo socdaanba fanaaniin ha dhihin , culumaa’udiin ha dhihin, aqoonyahan ha dhihin cid walbaa hadashay oo qaylisey war nidaamku yuu dhumin war dowladdnimada iyo qaranka hala badbaadiyo, Maxamed Siyaad waxaas oo dhan uma muuqan ilaa uu ku waabariistey jabhad hubeysan oo ka dhex dirireysa magaaladii xarunta u ahayd dowladdii Soomaaliyeed ee Muqdisho. Laga bilaabo subaxahaas waxaa si cadaan ah u baaba’ay kala danbeyntii iyo sharcigii soo dhutinayay ilaa iyo maalintii aan xornimadda qaadanay waxaana aad u adkaatay sidii loo soo celin lahaa heybaddii dowladnimo iyo kala danbeyntii.

Jabhaddii xukunka ka tuurtey Maxamed Siyaad ee USC waxay ku guul dareysatay inay soo celiso nidaamkii iyo kala danbeyntii waxaana cadaatey inaysan wadan wax ajanda ah oo lagu maamuli kara wadan casri ah waxaana muuqatay in marnaba aysan is weydiin war maxaa keenay in aan la dagaalano Maxamed Siyaad? Muxuu odeygu sameeyey ileen waa oday soomaaliyeed oo ciidda iyo calanka lagama xigee?

Su’aalahaas oo dhan isma weydiin jabhaddii USC ee waxay damceen in iyaga dowlad kale oo tii maxamed siyaad ee ummaddu ay nacdey ay meesha ka dhisaan laakiin ilaahay waa diiday inuu isku toosiyo ileen dulmi dulmi kale laguma bedeli karaa waxaana meesha ka bilowdey u tartamid sidii beel walbaa ay u noqon lahayd reer Buur Fuule oo ay daartaas uga soo qori lahaayeen boonooyin iyo warqaddo aan qaanuun ahayn oo lagu daldalanayo hantida qaranka soomaaliyeed.

Sadax toban sano kadib maalintii uu dhacay maamulkii Maxamed Siyaad wax kala danbeyn ah kama jirto caasimadii dalka waxaana badalay jabhado ku dhisan qaab qabiil kuwa xukumaa ay qolo walbaba ay lacnado qolada ka danbeysa oo ay ka sii liitaan dhan walbaba Soomaaliyana waxa ay noqotay meel tusaale loo soo qaato xumaanta isla markaana looga digo bulshooyinka caalamka iney noqdaan sidaas oo kale.

Soomaali hadday is jeclayd oo ay isku ooyi jirtey cadwogii necbaa ee fogaa iyo kii dhawaaba wuxuu helay fursadii uu raadinayay doqon walbaana waxaa la siiyay hub la yiri ku dil walaalkaa ileen caqli uu wax ku garto oo ku yiraahdo war haddaan walaalkaygan soomaaliga ah dilo maantey beri aniga marka uu cadow ii yimaado yaa ii hiilanayo oo iga dhicinayo ma lahane.

Ilaa iyo wixii intaa ka danbeeyey waxay noqotay jaantaa rogan cid walbaba wax baan ahay tiri qof walba oo qibrad dowladeed meel laga maro bilow ilaa dhamaad aan lahayn yiri aniga keligay ayaa wax noqonaya laakiin qof walba oo soomaali mid waa uu u hubsaday oo dahaar ka saaran maantay ma jiro taasoo ah” inuusan Qabiil dowlad noqon karin” aysana suurta gal ahayn in haddii qabiil dowladnimo sheeganaya la riday in lagu bedelo qabiil kale oo dowladnimo sheeganaya waxaana meesha kasoo baxay tixdii uu lahaa abwaan Abshir Nuur Faarax: ” DU QII HORE MAXAA LOO ERYOON KULA DAGAALAYNAY , DALKII IYO DADKII IYO DIINTII DUMIYEY SOW MAAHA, DIKTAATOORNIMIYO DULAN CAD BUU KEENAY SOO MAAHA, NIN WALBAW WALAALKAA DAD QALA HOW DURBAAN TUMINE , uuna ku soo gabagabayeey hadal taariikh dhaxal gal noqdey oo uu ku leeyahay ” WARYAAN LAYNA DABAR GOYN QABIIL DOWLAD NOQON WAAYE”.

Runtii tixdaas gabayga waxa uu abwaanku ku sheegayaa in marnaba aysan suurta gal ahayn isla markaana uu caqliga wanaagsan diidayo in dowlad qaab qabiil ku dhisan oo ay reer si gooni isku siiyeen in inta la dumiyo oo waliba dhiig ku daato , hanti badana lagu baxsho ridisteeda iyadoo shacbi weynaha lagu beer laxawsanayo dulmi baan rideynaa in lagu bedelo dowlad kale oo iyadana kaba daran tii la riday oo habeenkii oo kaliya wax xiraysay ama gumaadaysay laguna bedelo mid aan iyadu marnab ka xishoonayn in maalinta cad wax la dilo ama wax la boobo. Haddaba akhristow ilaa maalintaas ay godka iyo hadaantii looga baqayay ay gashay qaranimaddii Soomaaliyeed waa la waayay soomaali lilaahi ah oo isku timaada iyada oo ujeedeedu tahay war baabanaye yuusan jiritaankeena baabi’ine aan bal boorka ka jafno calankeena iyo sharafteena baaba’adey oo wixii dhintey waaba ay dhinteen oo noo soo noqon maayaane aan inta hartey badbaadino. Shirar badan baa la qabtay mid walbana midkii ka danbeeyey waa ka sii xumaa oo waxa uu sii fogeeynayey xalka Soomaalida marka laga reebo kii lagu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 oo runtii haddii sixitaan yar lagu samayn lahaa lagana soo qayb gelin lahaa qabqablayaasha meel walba oo xun u istaagay sidii ay kursi iyo jago ku heli lahaayeen , xad walba oo bani aadanka u yaalanay ka talaabsaday isla markaana howl ka dhigtey caruurta soomaaliyeed ee ay dhaleen dadka saboolka ee aan heli karin nolol maalmeedkooda in laga soo qayb geliyo oo sidii Taylor Charleskii Liberia la yiraahdo bal hooyoo wax maamula anaga waxaan idiin noqonaynaa askar iyo la taliyayaal ileen qaab dowlad loo maamulo ma yaqaaanaane kolla taas ma dhicin ee aqoonyahankii iyo odoyaddii soomaaliyeed waxay la soo istaageen war wuxuushtan noo talin maayaan ee na dhaafiya oo aan iska qabano waxay odayadu iloobeen in wuxuushtaas uu cadowga soomaaliyeed oo maanta helay ummadda soomaaliyeed oo baylahan isla markaana aan xitaa wuxuushtaas naftooda aan u ogolayn inay wax noqdaan uu ka faa’iideysanayo maalin walbana uu soo saarayo waxshi cusub oo magac loo sameeyo lana yiraahdo war hoo xoogaagan qaado isla markaana aniga ayaa wax kaa dhigaye ee dadkaaga soo laa cidaan adiga ahayna yaysan hadlin haday isku dayaan u bixi magacyo baas bulshadana ku dir si ay uga takoornaadaan. Sidaas ayay noqotay oo markii hogaamiyayaashii ma gudbayaalka ahaa ay arkeen in xeeradii ay isku dilayeen ay niman kale usoo dhigteen isla markaana beesha caalamka oo qaati ka taagnayd nimanka ma gudbayaasha ah ee maalin walba midka cusub inta uu dad laayo uu leeyahay ha la i aqoonsado oo waxaan ahay hogaamiye kooxeed cusub ilaa liisku uuma xirmi waayo waxay iska xaadiriyeen xaruntii laga soo shir qooli jiray ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxay u muuqatay arin la qaadan karin in niman aqoon dheer u leh dowladnimada isla markaana leh khibrad qaranka waxa uu yahay soona arkay wanaag iyo xumaanba waxa ay dowlidnimadu tahay inay talada gacanta u gashay ayuu meeshiisii ka miisay in haddii ruug cadaayadaas ay yimaadaaan in laga yaabo inay saxaan qaladaadkii ay horay u galeen isla markaasna hadday shalay bareen ummadda in qabiilka wax lagu noqdo isla markaana qabiilka loo boobo hantida qaranka maantay waa ay ka waantoobi doonaa oo waxa ay bilaabi doonaan raad cusub oo jiilalka soo socda ay maraan waxa ayna noqon doonaan kuwa taariikhda lagu xuso sida GEORGE WASHINGTON , DE GUELL IYO NELSON MANDELA.

Ismaaaciil Cumar Geele oo runtii dadaal aan la iloobi karin u galay siday ummadda soomaaliyeed dowlad ay leeyihiin uu arki lahaa mar uun inta uu noolyahay isla markaana isku dayay dadaalkii ummadda soomaaliyeed u galeen in reer Jabuuti ay hantaan qaranimadooda wuxuu soo dhisay team aad u adag oo leh qibrad aad u dheer oo ay ka faa’iideysan karaan.

Adeerka wayn ee geeska afrika oo isagu ka maseersan guushan weyn ee adduunka ka yaabisay ee ay dowladdan yar ee geeska afrika ku taal waxa uu isugu yeeray Hogaamiyayaashii ma gudbayaasha ahaa isagoo u sameeyey gole ay leeyihiin isna yiri bal marakan hogaan mideysan samaysan doonaan oo boorka ayay iska jafi doonaan waa ay u suurti geli weysey inay haba yaraatee wax hogaan ah oo mideysan ay samaystaan waxayna samaysteen gole laga dareemayo inaysan isku kalsooneen oo ay been iska gadayaan oo ay ku adag tahay in inta ay gows adayg sameeyaan in ay yiraahdaan hebelow na hogaami gaar ahaan dhinacii siyaasada dibadda si aad ayay ugu fashilmeen.

Teamkii Ismaaciil uu waqtiga badan ku bixiyay ummadda Soomaaliyeedna ay u arkayeen inay noqon doonaan halyeeyo mustaqbalka lagu xusi doono taariikhda isla markaana dadweynaha soomaaliyeed ee dunidda daafaheeda ku nool ay ka dhursugayeen waxa ay noqdeen kuwn aanan marnaba ka faa’iideysan khibradii ay soo mareen ee kaliftay inuu dalka haadaantaas ka dhaco waxa ayna qasaariyeen aqoonsigii iyo niyad furnaantii ay ka heleen ummadda soomaaliyeed waxayna ka dhamaan waayeen inay ku noqdaan qaamuuskii lama gudbaanka ahaa ee ku dhisnaa qabyaalada ee aan miyiga kala nimid waxaana ay noqdeen dad ka dhamaan waayay isku qabqabsiga shilimaadka ay ummaddaha walaalaha aan nahay ee carabtu ay noogu deeqeen waxaana ay noqdeen Halac dheere iyo ragiisii. Meeshii la rabay in si degdeg la isugu yeero ciidankii qalabka siday lana xusuusiyo waajibka saaran ee qaranimo oo ah inay maantey badbaadiyaan qaranka soomaaliyeed ee hadaanta ka lusha maadaama Ciidan walba uu badbaadiyo ummaddiisa marka arintu ay noqoto heerkan oo kale isla markaana laga bilaabo al aqrab al aqrab si dadka oo dhan ay ugu daydaan hogaankan cusub waxaa laga door bidey in dowladdnimaddaba loo qaato hadal iyo in marba shir ay ka qayb galayaan ummaddo ka yimid dalal dhisan nabad iyo caano in la dhinac tago laguna noolaado riyadaas lana ilaabo dhibaatada muuqata e jirta ee dawadeeda loo baahan yahay in la iska indho tiro oo aan xal dhab ah loo raadin gaar ahaan amaan daradda magaalada muqdisho oo ay ku filnaan lahaayeen dhowr kun oo askari in ay tuugada wadooyinka isbaarooyinka dhigta ee dadka dhaca kufsadana sidooda loo daayo oo loogu madax salaaxo war haddaan talaabo ka qaadno reer hebel ayaa na xabadeeynaya marka dadka masaakiinta hala dhaco hana la dilo.

Runtii anigu ma qabo in fashilka ku yimid teamkii Ismaaciil Cumar Geele ay mas’uuliyadiisa qaadi karto dowladda Itoobiya iyo Hogaamiyayaalka ma gudbayayaalka ah ee ay iyadu soo saartey oo ay wax ka dhigtey laakiin wax mas’uuliyadeeda iska leh hogaanka sare DKMG oo aan runtii ka faa’iideysan fursadii dahabiga ahayd ee soo martay ummadda Soomaaliyeed waayo waxay ahayd inuu wuxuu xoog iyo xeelad iskugu geeyo ugu yaraan in meelaha laga taageersan yahay uu ka sameeyo maamulo iyo kala danbeyn uuna soo rogo nidaam canshuureed iyo kala danbeyn laakiin waxaas oo dhan ma dhicin, sadax sano kadib oo uu CabdiQaasin Salaad Xasan nasiib u yeeshay inuu ku fadhiyo kursiga ugu sareeya ee dalka oo uu hab dimoqraadi ku yimid kama uusan tagin hal shay oo beri jiilasha soo socda ay ku soo xasuustaan waxaana lagu soo gabagabayn karaa in Cabdiqaasin uu iska diiday inuu noqdo George Washingtonkii ama Mandelihii Soomaaliya wuxuuna ka door biday inuu ahaado CabdiQaasin Salaad Xasankii hore taariikhdana aysan xusin.

Akhristow hadda waxaa loo fadhiyaa shir soomaaliyeed oo ka dhacaya dalka kenya ileen nin bukaa boqol u talisay malaha waxa la is yiri markaan amaa Federaalka noo yahay dawo oo aan dowladnimadeenii ku soo ceshan karnaa isla markaana aan ku kala amaan heli karnaa.

Dad badan oo soomaali ah oo aan la soo koobi karin ayaa wax ka qoray doodo ku saabsan federaalka xumaantiisa iyo wanaagiisa, dadkaas waxaa ugu magac dheer Suugaanyahanka caanka ah Axmed Faarac Cali IDAAJAA oo runtii anigu ilaa xad aan is leeyahay runtii markii dalka haadaanta uu ka dhacayey waxay ahayd inay codkooda ay dheereeyeen oo nidaamkii jiray ay isku dayaan inay ka dhaadhiciyaan halaaga soo socda inkastoo sida igu maqaalka ah Idaajaa uu isku dayay in badan in nidaamkii jiray uu tusiyo qaladaadkii jiray iyo in sida ay wax ku socdaan aysan marnaba wanaagsanayn laakiin dhegaha laga fureystay.

Runtii waxaan qabaa in Idaajaa uu si aad u qoto dheer oo ay ka muuqato cilmi baaris uu u soo bandhigay federaalka lala doonaayo ummadda soomaaliyeed iyo ujeedada ka danbeysa in badana waan ku raacsanahay. Waxa kale oo wax ka qoray aqoonyahano badan oo soomaaliyeed oo weliba ku qoray afaf kala duwan taasna waxay ku tusinaysaa in aqoonyahanada soomaaliyeed iyo indheergaradkaba aysan u arag in mushkilada soomaaliya ay dawadeeda tahay federaal ee loo baahan yahay in si kale loo daweeyo.

Annigu waxaan jeclahay in dhowr su’aal aan weydiiyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qaba in soomaaliya dawadeeda ay tahay in federaal laga dhigo federaal:

Su’aasha kowaad waxay tahay dagaalada ka dhacaya gobolka shabeelada dhexe federaal ma daweyn karaa sideesa u daweyn karaa ileen mushkiladu waxay dhex taal laba beel oo walaalo ah oo dega laba degmo oo isku dhow amaba wada daga hal degmo?

Su’aasha labaad waxay tahay dagaaladii ka dhacay Gobolka Bari ee dhes maray Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdullaahi Yuusuf sidee buu federaal u dawayn karaa ileen waxa uu dhex maray laba nin oo ilma adeeer ah iskuna deegaan ahe?

Dagaalada dhex maray Cumar Finish iyo Xaaji Muuse federaalku habkee buu u dawayn karaa ileen waaba laba nin oo hal oday wada dhalaye, xageese lagu kala darayaa?

Dagaalada Jeneraal Morgan iyo Korneyl Jees ku dhex maray Kismaayo sidee buu federaalku u dawaynayaa xageese lakala geynayaa ileen waa laba nin oo isku beel ka soo jeede?

Dagaalada dhex maray Cismaan Caato iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid sidee buu federaalku u dawaynayaa ileen waa laba nin oo walaalo ahe xageese lagu kala darayaa?

Dagaalada Hadda dhex maraya korneyl Shaati Guduud iyo Xaabsade sidee federaalku u dawaynayaa ileen waa laba nin oo walaalo ahe?

Haddaba su’aalahaas oo dhan ayaan rabaa inaan ogaado in la ii sharaxo sida uu federaalku u dawaynayo haddii dadkaas loo kala samayn karo dowlado federaal ah oo kala qaybiya isla markaana lagu kalo daro waxaan u malaynaa in xalka federaalku uu yahay mid sax oo ku haboon in la qaato laakiin haddii nimankaas aan la kala wadi karin oo aan meelo lagu kala dari karin waxaan is leeyahay xalka Soomaalidu ma aha federaal waa in marka hore nimanka colaada ay dhex taalo la heshiisiiyo kadibna la baro waxa ay tahay dowlad nidaam casri

ku dhisan lagana dhaadhacsiiyo in qaran iyo qabiil ay yihiin laba shay oo aan isla fal gali karin isla markaana xilka qof walba loo dhiibo uu Ummadda u hayo ee uusan qabiil u hayn isla markaana Qaanuunku uu ka sareeyo qof kasta jaga kasta oo qaranka ka hayo.

Haddiise aan is moogaysiino dhibaatada jirta oo aan dawo ka raadino meel aysan jirin waxaan noqonaynaa dad laf cad toobin ku haya weligeena ma gaarayno xal dhab gaar ahaan waxaan hadalka ula jeedaa dadka aqoonyahanada ee sida dhabta u og jirrida dhibaatada soomaalida haddii ay kalimadooda ay ka baqaylaan maantay oo aysan ka hadlin dhibaatooyinka k aimaan karta in qalin lagu duugo arin aan la daraasayn si cilmi ahna loo baarin waayo federaal qabiil ku dhisan waa adag tahay inuu ka hirgalo Soomaaliya waayo qabiil dhexdiisa heshiis ka ah ayaanba jirin xataa sheekadu jilib jilib hoose in la isku dagaalo ayay gaartay taasna waanba ka wada dharagsan nahay oo inaan taxno looma baahna.

Waxaa laga yaabaa in dad badan marka ay wax ka qorayaan dagaalada sokeeye ay buunbuuniyaan dagaaladii dhex maray Daaroodka iyo Hawiyaha runtii waxaa xaqiiqa ah oo qof walba maantay uu og yahay in dagaalada ka dhex dhacay Daaroodka dhexdiisa ama Hawiyaha dhexdiisa ay ka qasaaro badan yihiin 100% dagaalada dhex maray labadaa beelood. Taasna ay ku tusinayso in magacyadan lagu awr kacsado marka la rabo in caqliga laga xado laguna beer laxawsado dadka wax ma garadka ee aan iyagu lahayn aqoon iyo caqli ku filan oo ay ku qaadaa dhigaan mushkiladaha isla markaana ay iyagu go’aan shaqsi ah oo xor ah ka qaataan.

Anigu ra’yi ahaan inkastoo aan mar walba raali ku ahay wax ay ummadda Soomaaliyeed qaadato marka ugu horeysa ee ay afti ku doorato masiirkeeda xataa ay tahay con-federaal haddana waxaa ila haboon qaabka ismaamul goboleedka oo runtii ah qaab aan ku arkay dalalkan Iskaandineefiyanka gaar ahaan Iswiidhan waana hab ka jira dowlado badan oo dunidda ku yaala. Habkaas micnihiisu waa in degma walba ay leedahay maamul ay iyadu samaysatay iyo Qaanuunyo degmadaas u gaar ah isla markaana dastuurka dalka ayay ku cadahay awoodaha degmooyinka iyo gobolada lagamana yaabo in wareegto lagu soo magacaabo maamulka degmadda oo caasimadda laga soo diro nin aan degmaddan waxba ka aqoon oo aan weligiis arag. Runtii nidaamkaas waa nidaam fiican inkastoo ummadda Soomaaliyeed ay ku qaadanayso waqti dheer inay ka gudbaan nidaamka reer miyinimadda isla markaan ay u gudbaan nidaam dowlad casri ah oo ku dhisan qaanuun haddana waxa is maamul goboleedku uu noqonayaa bilow fiican oo aan ku sii barbarano waxa ay tahay dowladinimada casriga ee dunida ka jirta ee ku dhisan sinaanta iyo Cadaaalada iyo sareynta qaanuunka.

Waxaa iyana arin aad muhiim u ah in qof walba uu soomaali uu fahmo in aysan qaran iyo qabiil marnaba isku meel gali karin waayo qaranku ummadda oo dhan ayuu ka dhexeeya ninka kursiga u sareeya ku fadhiya ee nasiibka u yeeshay iyo ninka dhul xaaqaha ah(isbasiiniga) waa ay u siman yihiin sharciga hortiisa qof walbana waxaa uu xaq u leeyahay waxa ay ummadda soomaaliyeed ay ugu garato si nabad ah.

Qof walba waa inuu isagu fahmaa in waxa tolka ay la wadaagi karaan ee dhaqan ahaan wanaagsan ay tahay inuu waxa uu awoodo uu ka taro waxa uu sida gaarka u leeyahay laakiin hanti ummadda laguugu dhiibay haddii aad si gaar ah qof qaraabanimo ugu siiso ogow ALLAHNA danbi baa ka gashay ummaddaadana waa qiyaamaysay waxaana u horseeday burbur iyo is nacayb.

Walaal qabiilku wax ceeb ah ma aha waana iska caadi haddii aad si gaar ah u isticmaashid oo aad ku xiriirisid kuwa aad qaraabada tihiin adiga oo aadan ku dulmayn qof kale oo soomaali ah laakiin ogow haddii mas’uuliyad qaran laguu dhiibo ummadda oo dhan ayaad u heysaa waana lagama maarmaan inaad mar walba xasuusnaatid in waxa aad heyso ay u siman yihiin: Ninka Bagadiga ee Mubaarak degan iyo ninka Garaha ee Farsooley degan iyo Ninka Majeerteenka ee Ayl degen iyo Ninka Abgaalka ee Aadan Yabaal degen iyo ninka Ogaadeenka ee Afmadow degen iyo ninka Karanle ee Dayniile dagan iyo ninka Dabare ee Qansax Dheere degan iyo Ninka Cayr ee Guraceel degan iyo ninka Baadi Cade ee Buulobarde degan iyo ninka Shiidle ee Jowhar degan iyo Ninka Sacad ee Af Barwaaqo degan iyo ----------- ilaa maasha ALLAH.

Waa in aad dhamaantood isku si ugu xaq qaybisaa oo aadna iska ilaalisaa inaad kala jeclaysto. Ogow oo xasuusnow nin jeclaysigu waa waxa ugu horeeya ee qaran dumiya isna necbeysiiya Ummadda meel ku wada nool , qofna ha u awood sheegan adiga oo si qaldan u isticmaalaya mas’uuliyadda ay ummaddu kugu aamintay ee laguu dhiibay.

Haddaba waxa qarankeenii dumiyey ay tahay Qabiilka oo si qaldan loo isticmaalay lagunay qasay maamulkii dowladda iyo anagga oo kala saari waynay xaqa uu tolku nagu leeyahay iyo Xaqa ummaddu nagu leedahay labadaas xaq oo kala aha laba xaq oo kala duwan oo midna uu yahay xaq gaar ah midna uu yahay xaq guud. Wax walba oo la sameeyana ma laga yaabo in aan horumar gaarno inta aan labadaas xaq isku qasayno oo aan u ordeyno inaan kursiga ugu sareeya awoodda dalka ugu orodno oo aan meel walba u marno si aan ugu takri falno oo aan ugu duudsiino xaquuqda inta kale waxaanan weligeen ku jiri doonaa is nacayb, colaad iyo dib u dhac.

Aniga waxaa ii muuqda oo aan halkan la fadhiyaa in Ummadda Soomaaliyeed ay ka bixi doonto duruufahan adag ayna is cafin doonto ayna gaari doonto horumar wayn oo ay waliba noqon doonto Wadanka ugu horumarsan geeska afrika waayo waxa uu ILAAHAY nasiib u siiyay nasiib oo weliba gooni kaligood uga dhigay wax aysan la wadaagin dowladdaha kale ee deriska la ah ee ku yaal geyigan geeska Afrika oo ah inay yihiin Ummad SOOC AH OO ISKU AF AH , ISKU DHAQAN AH , ISKU DIIN AH OO WALIBA ISKU ASAL AH arintaas oo aan shaki ku jirn oo aan laba cali is weydiineyn cidna walba ay la yaaban tahay nasiibkaas oo ay ku xasdayso gaar ahaan waddammada geeska afrika oo iyagu aan yeelan nasiibkaas oo kale wali waxaan hadda ka hor maqlay xogyahay guud ee qaramada midoobay Koofi Anan oo leh ” Soomaaliya waa wadan ka mid ah wadamada fara ku tiriska ee qaarada afrika ee ay degan yihiin dad sooc ah oo isku isir iyo asal ah”

Walaalayaal qofna lagama xigo ciidda iyo calanka soomaaliyeed mana jiro qabiil isagu si gooni u sheegan kara, qof walbana lagama maarmo waana loo baahan yahay fikirkiisa , xoogiisa iyo waxtarkiisa ee aan iska dhaafno nacaybka aan u qabno qabiilada kale ee aan qabiilkeena ahayn waayo qabiil walba waxa uu leeyahay dad fiican oo soomaali dhab ah iyo dad xun oo jaahiliin ah oo aan qaran iyo qabiil kala saari karin oo sharafta soomaalinimada ay kala wayn tahay midda qabiilka uu ka dhashay oo asagu la bar yahay( Bartiis yaqaan Bari uma korodho).

Walaalayaal waan ka gudbi doonaa duruufahan adag ee aan ku jirno oo ay noogu wacan tahay aqoondarada iyo jahliga haysta ummadeena inteeda badan iyo iyagoo kuwa maantay na hogaaminayaa ay yihiin kuwa aqoontooda ay u leeyihiin dowlad casri ah ee ku dhisan qaanuun ay aaad u yar tahay, aan isku dayno inaan u caqli celino oo aan ku kaalmeeyno sidii ay maamul dawladeed u samayn lahaayeen isla markaana aan u fahamsiiin lahayn inay ku qancaan oo ay fahmaan in qof la dilaa ay aakhiro iyo adduun seeg tahay oo aanan horumar lagu gaarin. Waa inaan kala shaqaynaa sidii ay u fahmi lahaayeen inay u nooladaan sida dunidda looga nool yahay oo qof walba ku qancaa inta santuuq meel la dhigo in waxa natiijada ay noqoto lagu wada qancaa oo qofka nasiibkiisu uu siiyo lalana wada shaqeeyaa iyadoo la ixtiraamayo rabitaanka inta badan lana qadarinayo oo la ilaalinayo xuquuqda inta yar.

Haddaba waxaan ILAAH AWOODDA BADAN KA BARYAYAA IN UMMADDA SOOMAALIYEED UU DHINACOODA MALAB ISKU MARIYO OO UU KA DHEX SAARO SHEYDAANKA ISKU DIRAYO. Waxaana hadalkayga kugu soo gabagabaynayaa halhayska soomaaliyeed ee oranaya ” WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON

Cudurdaar: Waxaan ka cudurdaaranayaa haddii aan fududeystay xarfaha labalaabma ee afsoomaaliga oo runtii qofba si ugu dhawaaqo.

Qore: Cabdala Aadan Xasan( abdullahihassan@hotmail.com )

Xubin ka mid ah Golaha deegaanka ee caasimada labaad ee Sweden( Gothenborg)
isla markaana xubin ka ah Guddiga siyaasiyiinta ee xaafada Biskopsgrården
ahna Madaxa Xisbiga Socialdimoqraadiga ee xaafada Biskopsgården ee sweden.

Faafin: SomaliTalk.com | August 31, 2003

QORAALO XIISA LEH EE KUSAABSAN SOOMALIYA IYO FEDERAALKA


» Qoraalkii Idaajaa ee  Federaalnimada Soomaaliya [Idaajaa]
» Dabagal Qoraalkii Idaajaa ee Federaalka Soomaaliya  [cadoow]
»
Federaalnimada Soomaaliya: waa Feer iyo faro-laab C/Waxid].
»Jawaab Maqaalkii "Federaalka iyo Walaalaha Galguduud" [Saciid H.]
» Federalka iyo walaalaha Galgaduud  [Shaafici]
» Soomaalidu Federaal Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]
» Maxaa Sababay Nidaamka Federaalka  [Eng. Axmed]
» Axdiga Soomaalida Loogu Dhoobdhoobay Kenya [Tabatiig]
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]