|
JIRRIDDA
MUSHKILADDA SOOMAALIYA , NIDAAM FEDERAALSE MA YAHAY DAWADA MUSHKILADA KU
HABSATAY QARANKII SOOMAALIYEED?
Qore: Cabdala Aadan Xasan
Xubin ka mid ah Golaha
deegaanka ee caasimada labaad ee Sweden( Gothenborg)
isla markaana xubin ka ah Guddiga siyaasiyiinta ee xaafada Biskopsgrården
ahna Madaxa Xisbiga Socialdimoqraadiga ee xaafada Biskopsgården ee sweden.
Waxaan laga joogaa qarni iyo bar markii
qaarada Afrika lagu qaybsadey magaalada Baarliin ee dalka Jarmal. Ummadda
Soomaaliyeed oo ah ummad wadaag af , dhaqan, diin iyo asal oo xiligaas ku
noolayd dhul aad u weyn oo ka kooban imaarado hoos taga salaadiin iyo boqoro ay
iyagu doorteen oo ay ka raali yihiin waxaa loo qaybiyey shan qaybood oo ay u
kala qaybiyeen quwadihii ugu waaweyn dunida xiligaas. Qaybtaas waxaa qaarada
Afrika uga qayb gashay boqortooyadii Itoobiya ee xiligaas oo ay reer yurub u
arkayeen xubin muhiim ah oo loo adeegsan karo gumeysiga qaarada Afrika.
Akhristow waxaa xusuus mudan in xiligaas waqti
ka horeeyay ay Boqortooyadaas la wareegtay dhul wayne dadka soomaaliyeed ay
leeyihiin oo ay ka mid dhigtey dhul ay leedahay boqortooyadaas.
Akhristow dadka soomaaliyeed xiligaas waxay ku
noolayeen nolol aad sareysa haddii loo eego nolosha bulshooyinka ee xiligaas.
Soomaalidu waxay lahayd dhaqan iyo xeerar ay raacaan oo aad loo qadariyo.
Soomaalida waxaa dhaqan u ahaan jiray in la qadariyo lana qiimeeyo odayaal
dhaqameedyada iyo xeerbeegtida beelaha.
Bulsho walba oo meel degen waa lagama maarmaan
inuu ka dhex yimaado is maan dhaaf iyo qilaaf gaari kara af iyo gacan ka
hadalba sidaa darteed Soomaalida waa caadi u ahayd inuu dhex maro iska hor
imaadyo ku salaysan qaab qabiil kuwaasoo ka dhalan jiray inta badan ceelasha ay
xooluhu ka cabaan, goobaha caweysyada ay dhalinyaradu isugu yimaadaan gaar
ahaan xiliga barwaaqada ee dhulka meel walba xareedu waran tahay. Akhritow iska
hor imaadyadaas waxaa ka dhalan jiray dagaalo ay isaga hor yimaadaan beelaha
laakiin mar walba waxaa dawayn jiray dhibaatooyinkaas odayaasha iyo indheer
garadka beelaha oo mar walba wax walba ka hor marin jiray nabad ku wada
noolaanshaha iyo qadarinta iyo xushmeynta beesha ay ood wadaaga yihiin.
Haddaba akhristow markii gumeystayaashii reer
yurub ay cagaha soo dhigeen ciida soomaaliyeed waxay keeneen qanuunyo iyo
xeerar waafqasan dhulkii ay ka yimaadeen kuwaas oo ay ku bedeleen
xeer-dhaqankii soomaaliyeed taasna waxay noqotay talaabadii koowaad ee burburka
Dhaqanka Soomaalida. Odoyadii soomaaliyeed ee lagu yiqiin xalaal quudashada iyo
ka run sheegida garaha waxa ay u qoreen lacag mushaar ah iyagoo isla markaana
odayaasha ka dhigey wadada ay u maraan bulshada. Akhristow in badan oo ka mid
ah odayaashaas waa ay diideen mushaarooyinkaas waxayna ka doorbideen inay ku
noolaadaan sidii ay bulshada ugu dhex noolaayeen taasoo ay kaga heleen sumcad
iyo magac ku dhax raagay bulsho weynta soomaaliyeed.
Intii gumeystayaashaas ay joogeen ciida
soomaaliyeed waxaa jiray dagaalo ay wadeen hogaamiyayaal Soomaaliyeed oo ka
dhacay geyiga soomaaliya waxaa halgamadaas kuwoodii hubeysnaa ugu magac dheer
kuwii ay hogaaminayeen Imaam Axmed Ibraahin garaad( Axmed Gurey) , Sayid
Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh maxamed Biyamaalow , Sheekh Xasan Barsane iyo
Sheekh Bashiirkii Burco. Kuwaas oo kaga tagay quluubta dadka soomaaliyeed
xusuus aan guurayn oo ku waari doonta inta soomaalida wax garadka ay nool
yihiin.
Bartimihii qarniga waxaa geyiga Soomaalidu
dagtay ka saanqaaday dhaqdhaqaaqyo gobanimadoon ah oo lagu raadinayao xornimo
loo helo dhulweynaha soomaalida oo ku fadhiya inta u dhaxaysa Harar ilaa iyo
Siyoolow iyo dhulka gudaha ugu jira ilaa xeebaha bariga afrika isla markaana
dherersan xeebta Jabuuti ilaa iyo xuduudka magaalada Lamu ee dalka Kenya. Wax
qilaaf ah oo ka jiray dhulkaas oo soomaalida udhexeeyayna ma jirin xiligaas
isaga ah waayo qof walba oo soomaali waa uu ogaa meesha uu isagu shaqsi ah ku
dhashay ama reerka uu magac ahaan ka soo jeedo ay dagaan laakiin wax macna oo
ay taas u lahayn ma jirin maadaama meel walba oo ka mid ah dhulweynaha
soomaalida ay degto uu ugu noolaan karay sida uu doono.
Dhaqdhaqaayadaas kuwoodii ugu balaarnaa waxaa
horseed ka ahaa ururadii SYL , SNL , USP iyo kuwa kale oo farabadan. Ururadaas
ayaa ku dhisaan niyad sami iyo wadaninimo aan la soo koobi kari taas ayaa
keentey iney gaaraan muddo yar gudaheed horumar aad iyo aad u weyn kalana bardo
masraxyadda gobanimadoonada ee caalamka, waxayna ugu danbeystii ku guulaysteen
qadayadii Ummadda soomaaliyeed ee ahayd inay gaar xorinimadooda ay ka
dhaadhacsiiyaan quwaddaha waaweyn caalamka taas oo natiijadeeda ay noqoto in
labadii gobol ee ugu horeeeyey ee ka mid ah ay qaataan xorimadooda bartimihii
sanadkii 1960kii kadibna ay dhisaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah wadan jira
oo ay ilaa maantay beesha caalamka aqoonsantahay jiritaankiisa. Jamhuuriyaddaas
Soomaaliya waxay bilow iyo astaanba u noqotay raadintii shanta Soomaali oo
ahayd qadiyad ku wayn dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool geeska afrika.
Haddaba markii xornimadda la qaatey ee la
helay dowlad soomaaliyeed waxaa soo wajahay dowladii soomaaliyeed ee xiligaas
jirtey dhibaatooyin waaweyn oo ay ugu horeysay ”Qabyaaladda”. Ummadda
soomaaliyeed oo u badan dad reer miyi ah isla markaana ay ku yarayd aqoonta si
loo maamulo dowlad casri oo ku dhisan qaanuun iyo sinaan waxaa ku adkaatay la
qabsashada nidaamkan dowliga ah. Qofka soomaaliga ee masuulka ahaa xiligaas
waxaa isaga dhex qasmay waajibka wadaniga ah ee saaran si uu u maamulo xilka uu
ummadda u hayay iyo waajibka shaqsiga ee ka saaran waxtarka qaraabadiisa ama
qabiilkiisaba taasna waxay u noqotay bilow burburka ku yimid Qarankii
Soomaaliyeed soddon sano kadib markii ay xorimadoodii ka dhaxleen
gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Akhristow masuuliyadda ugu weyn ee dhibaatada
soo gaartay ummadda soomaaliyeed waxaa iska leh gumaystayaashii reer yurub ee
gumaysanayey ummadda Soomaaliyeed waayo waxaan oran karnaa dadkii soomaaliyeed
ee xiligaas looga tagayey iney la wareegaan talada dalka ma lahayn aqoon ku
filan oo ay ku maamulaan dalka ha noqoto mas’uuliyiintii sarsare ama maamuladii
hoose ee hay’adaha dowladda. Gumaystahana ma uusan siin aqoon ay ku hantaan
taladan cusub oo ay ku kala saaraan mas’uuliyadda qaranka ka saaran iyo xaqa uu
qabiilkiisa ku leeyahay. Waxaana ay u badan tahay gumaystayaashii xiligaas ka
baxayey dalka soomaaliyeed ay sidaas u sameeyeen xaasidnimo iyo wax ha
qaribmaan waayo ma aysan doonayn inay ka baxaan dhulka soomaalida. Dadka
soomaaliyeed ee xornimadda doonayayna waxaa wax walba uga darnaa isticmaarkan
aysan isku dhaqanka iyo diinta ahayn ee dalkooda maamulaya oo weliba go’aanka
iyo talada dalkan xooga ku haysta sidii ay isaga saari lahaayeen ee marnaba
isma aysan waydiin qibrad iyo aqoon intee le’eg ayaad u leedihiin inaad
maamushaan dowlad qanuuni ah oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad.
Haddaba markii isticmaarkii lagu saaray
xamaasad iyo caadhifad xornimodoon ah uu isagana isaga tagay dalkii isagoo haba
yaraatee wax kaalmo xaga farsamada oo sidaa u buuran aanan u fidin dalkan cusun
ee xornimadiisa hantay, waxaa markiiba bilowday burbur si tartiib tartiib ah uu
ku yimid qarankan cusub taasoo loo aanayn karayo aqoonyaridaa iyo qibrad
la’aanta xiligaas jirtey.
Akhristow waxaa jirta in qofba uu ka qiyaas
qaato waxa uu yaqaan haddaba qofka soomaaliga ee xiligaas xilka qabanayay
aqoonta uu watay ama qibradiisa waxa ay ahayd mid uu kala yimid miyiga oo ay
umadda ugu noolayd qaab markaa u cuntama noloshoodaas miyiga oo ka duwan midkii
magaalada looga noolaa ee la rabay in lagu maamulo dowlad casri ah oo soomaali
ah.
Runtii ma cambaaraynayo dhaqanka miyiga waayo
waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaheena iyo dhaqankeena loona baahan yahay
inaan mar walba ku faano oo aan ku faraxsanaano laakiin meel walba waxa ay
leedahay qaab ku haboon oo loogu noolaado sidaa darteed bay nolosha magaalada
iyo dowladnimadu ay u yihiin wax is wata oo aan kala maarmin maadaama ay
magaalada isugu imaanayaan dad kala duwan oo meelo kala duwan ka yimid waxa
kala hagayana uu yahay qanuun iyo sharci ay isku waafaqsan yihiin oo ay iyagu
samaysteen kana raali yihiin. Xaqiiqo ahaan miyigaba waa ka jiraa qanuun iyo
xeerar ay isku hagaan dadka halkaas ku nool laakiin mas’uuliyada iyo ku
dhaqanka xeerka magaalada ayaa ka balaaran maadaama ay dad ka badan inta miyiga
ku nool ay hal meel isugu yimaadeen.
Haddaba dadkii soomaaliyeed ee xiligaas
mas’uuliyadda ka qabtay maamulkii curdanka ahaa waxaa ku adkaatay kala saarida
mas’uuliyaddii umaddu u dhiibtay iyo sidii uu ku gudan lahaa iyo Mas’uuliyaddii
gaarka ee ka saarnayd waxtarka qabiilka taas oo ah dhaqan soo jireen oo ay
ummadda soomaaliyeed aad iyo aad ugu amaanan tahay waayo waa wax aad iyo aad u
fiican in waxa aad sida gaarka u leedahay aad wax uga tarto qaraabadaada waana
arin lagu amaanay diinta islaamka qaraabadaas oo isugu jirta kuwa xagga abtirka
aabaha ku yimaada ama xagga Hooyadda laakiin waxaa ah arin aad ay ugu qaldameen
mas’uuliyiintii xiligaas isla markaana aasaas u noqotay dhhibaatada cakiran ee
maanta hortaagan qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad inay
masuuliayadihii ummadda ee dowladnimo iyo tii gaarka ee ka saarneyd tolka oo ah
mid ku salaysan dhaqankeena reer miyiga ay isku dhex daateen isla markaana
lakala saari kari waayay. Qof walba oo mas’uuliyad loo dhiibay wuxuu u qaatay
in mas’uuliyaddan ay tahay mid uu wakiil uga yahay beesha uu ka dhashay isla
markaana waxa uu ka shaqaynayo iyo qofka uu wax u qabanayo uu yahay qof uun ay
isaga isku beel yihiin taasna waxa ay abuurtay in colaad iyo nacayb loo qaado
qofka meeshaas mas’uulka ka aha qofka kale ee muwaadinka ahna uu qaato in
xafiiskaas uu ninkaas iyo beeshiisa leeyihiin taasna waxaad ka fahmaysaa
markaad aqrisow suugaantii xiligaas ay tiriyeen abwaanadii soomaaliyeed tusaale
ahaan bal u fiirso tixdan oo la tiriyey xiligaas isaga ah:” ISMA DOORIN
GAALKAAN DIRIYO DAARTA KII GALAYE”.
Waxay ku tusinaysaa tixdan iyo murti badan oo
xiligaas la tiriyayba in dadweynaha soomaaliyeed ay aad uga niyad jabeen
masuuliyiintii iyo maamulayaashii xiligaas joogay xafiisyada ay dowladu lahayd.
Laga soo bilaabo xiligaas qof walba waxa uu tafa xaytay inuu isaga iyo
qabiilkiisaba ay qayb muuqata ka helaan haruubka caanaha maandeeq lagu lisayo
waxaana taas natiijadeedii ay noqotay in ay ka qayb galaan doorashadii ugu
danbaysey ee 1969kii isla markaana loogu magacdaray COD QASAARAY ilaa iyo dhowr
iyo todobaadan xisbi oo dhamaantood ku hayaan salka qabiil.
Markii madaxweynihii sharciga ee dalka
jamhuuriyadda soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake uu wiil yar oo reer miyi
ah xabad ugu dhuftay aano qabiil oo qarniyaal ka hor dhacdey isla markaana
habacsanaan ay ka muuqatay mas’uuliyiintii rayidka ee xiligaas si ay u
buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan kaaalintii uu baneeyey madaxweyne ka
Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa kaalintii ka faa’iideystey Ciidamadii Xooga
Dalka Soomaaliyeed ee uu xiligaas taliye ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre
waxaana ay sameeyeen inqilaab militari. Saraakiishaas militeriga oo taageero ka
haysta dowladdihii reer bariga ee xiligaas waxa ay la yimaadeen halhaysyo cusub
oo u ay ummadda soomaaliyeed ay aad ugu oomanayeen kuwaas oo uu ugu horeeyey
aasidii qabiilka. Dhamaan shacabka soomaaliyeed oo aan ukala harin marka laga
reebo hogaamiyayaashii dowladda rayadka iyo dad aqoonyahano oo iyagu aad uga
soo hor jeedey mabda’an shuuciyadda ah oo ay u arkayeen halaagii ugu weynaa ee
ummaddan waxa ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo farxad.
Isla markiiba waxaa la laalay dastuurkii
qaranka soomaaliyeed waxaana la sheegay in dalka lagu maamulayo laba warqadood
oo loogu magac daray warqadii kowaad iyo warqadii labaad ee kacaanka.
Run ahaan sanadihii ugu horeeyay waxa ay
sarakiishaas dalka gaarsiiyeen horumar aanan la gaarin 9kii sano ee ka horeeyey
iyagoo gacan buuxda ka helayo adeerkoodii xooga badnaa ee midowga soofiyeeti.
Waxaa la qoray markii ugu horeysey afsoomaali ku qoran afka laatiinka kaasoo
dardar geliyey aqoontii dadka soomaaliyeed, waxaa la dhisay warshado iyo
iskoolo farabadan, Waxaa la soo saaray qanuun mamnuucaysa in la liido dadka
laga tirada badan yahay, waxaa la adkeeyey xuquuqda dumarka, waxaa la dhisay
tayada iyo tirada ciidamadii qalabka siday ilaa ay soomaaliya yeelato
ciidamadii ugu xooga badnaa afrikada madow.
Haddaba muddadaas waxaa ay dowladdii kacaanka
yeelatay la taliyayaal aan waxba ka garanayn dhaqanka iyo taariikhda
soomaaliyeed wax walbana aasaas uga dhiga aragtiyadiii MARX , LENIN iyo ANGELS
taasoo iyadana isla markiiba gogol xaar u noqota burbur ku yimaada dowladdan
cusub ee la timid mabda’an hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo ah mid aysan
soomaalidu wax aqoon ahba u lahayn.
Ileen reer miyinimadii iyo qabiil isku riixii
magaalada ayaan la nimide isla markiiba waxaa ka dhex bilowdey is riix riix
saraakiishii xoogga dalka ee talada dalka gacanta ku haysay taasoo keentey in
la toogtey sadax sarkaal oo ka tirsanaa saraakiishaa taasna waxay noqotay
talaabadii kowaad ee wiiqda kacaankii 21Ka oktoobar waayo waxay ahayd markii
ugu horeysay ee dad soomaali ah inta la soo qabto iyadoo lagu eedaynaayo arimo
siyaasadeed lagu toogto goob fagaara ah arintaas oo runtii aan waafaqasanayn
qanuunkii madaniga ee dalka soomaaliya lahaa inqilaabka ka hor laakiin
xamaasadii jirtey darteed dadweynaha soomaaliyeed kuma aysan baraarugin qatarta
qaanuun iyo cawaaqib xumadda ay yeelan karto arintaas. Misana waxaa xigay in la
soo rogo xeerkii sinaanta ragga iyo haweenka haddana waxaa ka qayliyey
culumaa’idiinka soomaaliyeed oo iyagu u arkay in dadkan waxan ku soo akhrinaya
ina Siyaad Barre aysan ahayn dad Muslimiin ah isla markaana beri keeni karaba
inay yiraahdaan haba la mamnuuco aadaanka salaadahaba taasna waxay keentey in
mar labaad la soo qabqabto oo la toogto dad soomaa.liyeed oo loo aaneynayo
arimo siyaasadeed.
Sidoo kale dadka soomaaliyeed ma dareemin
kamana dhiidhiyin talaabadan labaad ee qanuun ku tumashada ah waayo waxaa u
muuqday horumarka maadiga ee muuqda ee kacaanku samaynayay waxaana ku socdey
qudbooyinka la yaabka leh ee Aabaha cusub ee ummadda soomaaliyeed Jeneraal
Maxamed Siyaad Barre uu ku aqrinayo.
Taas waxaa sidoo kale barbar socdey siidii
lagu yiqiinay wadamadii shuuciyada ahaaba in la xirxiro isla markaana la
marsiiyo ciqaabo jir dil ah cid walba oo loo arko inay ka qabto fikir ka duwan
midkii kacaankii barakaysnaa taasoo ah arimo laga dhaxlay kaligood
taliyayaashii Midowga soofiyeeti oo ugu darnaa Stalin oo isagu tusaale u noqday
ciqaabta iyo cabsi galinta dad ka fikradda duwan.
Akhristow waxba yaanan hadal kugu daalinine
dowladdii kacaanka ahayd waxaa ay u tafaxaytadey gaaridii riyadii uu ku
taamayay qof walba oo soomaali ah waxayna dardar gelisey dhaqdhaqaayadii
gobanimadoonka ee ka jirey dhulkii soomaaliyeed ee ku hoos jirey gumaystayaasha
taasna waxay keentey soomaaliya iyo itoobiya uu dhex maro dagaal ka mid ah
dagaaladii ugu adkaa ee dhexmara laba dowladood kuwoodii ugu adkaa waxayna
ciidamadii soomaaliyeed ee ka qayb galay dagaalkaas muujiyeen wacdaro
taariikhda dagaalada ee ummadda soomaaliyeed ka galay baal dahab ah waxayna ku
jiireen boqortooyaddii soo jireenka ahayd kumanaanka sano ee lahayd ciidammmada
tirada iyo tayadaba lahaa dhowr usbuuc gudahood ilaa ayba ku sigteen inay
qabsadaan caasimada Itoobiya ee Addisabba laakiinse waxaa dagaal soo galay
ciidamadii waarso ee midowga soo fiyeeti oo si toos ah ula saftay ciidamadii
itoobiya isla markaana bixiyay dhamaan tabihii iyo sirihii dagaal ee ciidanka
xooga dalka Soomaaliyeed. Beesha caalamka ayaa ku qasabtay dowladdii kacaanka
inay ciidamadeeda ka soo saarto dhulkii ay qabsatay taasoo si degdeg loo
sameeyey.
Laakiin markii dagaalka laga soo noqday ayaa
waxaa yimid su’aalo badan oo ay is weydiiyeen dad badan oo soomaali ah ,
su’aalahaasna waxaa ka mid ahaa horta dagaalkaas maloo baahnaa mase ahayd arin
si aad ah looga fiirsadey oo la daraaseeyey qasaaraheeda iyo faa’iidadeeeda
mise xamaasad iyo caadhifad ayaa lagu dhisay? mala fiirshey saaxiibada dhabta
aan ku leenahay caalamka ee noo soo gurman kara haddii qaranimadeena iyo
jiritaankeena uu halis galo? maxay ujeedadda dagaalka , ma mashquulinta
ciidamada soomaaliyeed oo awoodooda laga baqay mise xoreynta dhulka soomaali
galbeed?
Su’aalahaas oo dhan waxay ahaayeen kuwa soo
noqnoqnayey oo ka jawaabidoodu ay adkeyd laakiin waxaan shaki lahayn in
xiligaas dadkii wax garanayay oo soomaali ahaa ay fahmeen in soomaali aan laga
jaclayn duniddan gaar ahaan labadii quwadood ee waaweynaa taasna waxaa tusaale
marag ma doonta u ah in marka ciidamadii midowga soofiyeeti iyo isbahaysigooda
ay dagaalka kaga jireen safka itoobiya aysan ciidamadii soomaaliyeed aysan
halayn wax gargaar oo ka baxsan ku tiirsanaanta naftooda iyo xoogaa ay ka
helayeen dowladdaha carabta qaarkood oo soomaaliya u arkayey awood carbeed oo
lagu tashan karo marka loo baahdo. Wadamaddii hantigoosiga oo uu ugu horeeyey
maraykanka oo la lahaa waxay garab siin doonaan dowladda soomaaliyeed mar
hadday ceyriyeen midowgii soofiyeeti oo waxay la garab istaagi doonaan hiil iyo
hooba wax kaalmo oo ka yimid ma jirin.
Shaqsi ahaan aniga waxaan maalin aan
sidaa usii fogeyn daawaday barnaamij loogaga hadlay dagaalkii qaboobaa oo uu
soo bandhigay telefishanka dowliga ee dalkan Iswiidhan , barnaamijkaas qayb ka
mid ah waxaa lagu soo qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya waxaana ka
hadllaayay saraakiil sarsare oo isugu jirtey midowgii soofiyeeti iyo Maraykanka
waxaana iigu yaab badneyd markaan maqlay Jimmy Carter oo leh”MADAXDII
DOWLADDII SOOMAALIYEED WAXAY NA WEYDIISTEEN KAALMO MILATERI LAAKIIN WAAN U
DIIDNEY WAAYO MARNABA MA ANAANAN OGOLAYN INAY HEYSTAAN DHULKA ITOOBIYA INKASTOO
MENGISTU XAYL MARYAN UU SI XUN NOOGU BAHDILAY DALKA ITOOBIYA OO UU XATAA SI XUN
ULA DHAQMAY HAY’ADIHII MADANIGA IYO KANIISADIHII MARAYKANKA EE KA SHAQAYNAYEY
ITOOBIYA”
Runtii markaan hadalkaas maqlay ayaan aad ula
yaabay in xiligaas oo adduunka tartan bari iyo galbeed uu ka socday uu sidaa
qabo hogaamiye weyn oo reer galbeed ah oo jacaylka uu qabo itoobiya oo xiligaas
shuuci ahayd iyo Soomaaliya oo ceyrisey midowgii soofiyeeti una soo jeesatay
inay gacan saar iyo wada shaqayn la yeelato reer galbeedka laga jeclaysto
Itoobiya waxaana i galay dareen taxadar leh oo ku saabsan sababaha soomaaliya
gaarsiiyey heerkan in ay noqon karto qorshe fog ooba looga taqalusi rabo
jiritaanka dalka soomaaliyeed ee ka jira iyo geyiga geeska afrika iyo dowlad
soomaaliyeed oo ay go’aankeeda iyo maamulkeeda ay leeyihiin dad soomaali ah oo
u fekeraya maslaxda dadka soomaaliyeed ee ku nool geeska afrika.
Si kastaba ha ahaatee akhristow markii
dagaalka laga soo noqdey waxaa markii hoos u dhacay xiisihii loo qabay kacaanka
waxaana fursadaas ka faa’iideysta is yiri saraakiil kale oo ka tirsan ciidankii
xooga dalka ee ka soo noqdey dagaalkii 77KII waxaana ay abaabuleen inqilaab aad
looga shaqeeyey si talada looga tuuro Maxamed Siyaad maadaama marakan ay
ummaddu xiisa badan u hayn dagaalka uu ku fashilmay awgii. Inqilaabkaas oo uu
ay horkacayeen Korneyl Cabdulaahi Yuusuf iyo Korneyl Ciro waa u fashilmay
waxaana natiijadiisii noqotay in saraakiishaas qaar la qabtay oo la toogtey
qaarna ay u fakadeen wadamadda deriska.
Korneyl Cabdullaahi Yuusuf markaas kadib waxaa
uu garowsadey in sida kaliya uu xukunka uga tuuri karo Maxamed Siyaad Barre ay
tahay inuu bilaabo dhaqdhaqaaq mucaarad oo hubeysan wuxuuna xarun ka samaystey
dowladdii ay ummadda soomaalida isugu necbaayeen dunidda ee Itoobiya. Dowladda
uu saraakiisheydii ay isaga hor imaadeen goobaha dagaalka uu uga gacan sareeyey
si wacdaro leh. Dowladdii Itoobiya markii ay aragtey Korneyl Cabdulaahi Yuusuf
oo in badan ay ka maqashay ciidamadeeda sirdoonka qofka uu yahay waxay ogaatay
in maantay ay heshey fursad dahabi ah ayna ku bedeli karto majaraha taariikhda
geeska afrika. Cabdullaahi waxay siisay wax walba uu doonayay isla markaana
waxa uu taageero ka halay wadamaddii Midowga Soofiyeeti iyo bahwadaagtoooda
sida Liibiya iyo Yamanta Koonfureed(Cadan).
Haddaba Maxamed Siyaad oo isagu ahaa aftahan
in badan bulshada Soomaaliyeed ka midn haystay wuxuu bilaabay inuu xagga
dacaayada iyo barabugaandada uga gacan sareeyo jabhaddii Cabdullaahi uu ka
sameeyey dalka itoobiya ee SSDF.
Waxaana kacaanku uu tusay dadweynihii
soomaaliyeed in ay yihiin beel rabta inay maroorsato xukunka dalka oo ay
keligeed ku intificaan taasoo suurta gelisey in gacanku uu ku sii moodo dhowr
sano.
Laga soo bilaabo xiligaas waxaa si xawli u
bilowday dumitaankii aasaaskii kacaanka 21KII Oktoobar. Ciidamadii sirdoonka ee
Kacaanka waxay bilaabeen inay si cadaan ah u cayrsadaan ama ay u daba galaan
qof walba oo ay hayb ama magac koreba wadaagaan Korneyl Cabdulaahi waxaana
reerkiisa laga dhigay kuwa ka faquuqan bulshada oo u
adeegaya isticmaarka haysata dhulka
soomaaliyeed ee ka qaybgalay qaybqaybinta iyo qoqobka kala dhex yaala Soomaali
weyn waxaana lagu cariirshey dhamaan fursadihii shaqo iyo waxbarasho ee dalka
ka jiray waxaana ku batay ku dhaga hadal iyo cambaarayn aan loo meel dayin
taasna waxaa ay noqotay natiijadeeda inay iyaguna isaga soo yaacaan maamulkii
meesha ka jiray oo ay u arkaan in meeshu ay tahay meel reer leeyahay oo xoog ku
qabsaday iyagana markaa ay xoog ku qabsadaan oo ay xaqooda muwaadinimo ee la
baabashay ay soo ceshedaan taasna waxay horudhac weyn u noqotay soo degdega
qaranjabkii iyo burburkii ku yimid qarankii Soomaaliyeed.
Inkastoo ay eedaas wadaagaan Korneyl
Cabdullaahi iyo Jeneraal Maxamed Siyaad haddana in badan oo ka mid ah waxaa
sabab u ah yaraantii falsafadooda dowladnimo iyo qibradii ay u lahaayeen dowlad
casri oo ku dhisan qanuun iyo sinaan iyo cadaalad waxaana weliba si gaar ah u
qaadaya Maxamed Siyaad maadaama uu ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya
isla markaana uu gacanta ku hayay dhamaan dalka jamhuuriyadda Soomaaliya isla
markaana uu taageera ka haystay inta badan shacbiweynaha waayo Cabdulaahi
xiligaas wuxuu ahaa nin qaxooti ku ah dal shisheeye oo aan meelna cagta ka soo
dhigi kari jamhuuriyadda Soomaaliya sidaa darteed waxaa ku habooneyd in Maxamed
Siyaad uu aragti dheeraado oo uu meesha uu cadaadis iyo handadaad iyo ceelal la
gubo uu xal u arkayey inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo in la helo dib
heshiisiin qaran walaalkiis Cabdullaahina uu ku soo cesho xerada Qaranka
Soomaaliyeed oo an cidna laga xigin.
Laakiin sidaas ma aysan dhicin waxaana mid
walbaaba uu u noqday qaamuuskii lagama guuraanka ahaa ee uu kala yimid miyiga
ee ku dhisnaa ”alla tol beelayeey” iyo habar wacasho waxaana mid walbaaba isku
dayay inuu qabiilada soomaaliyeed ka raadsado gashaan buureysi si xoog uu ugu
maquuniyo midba midka kale. Meeshii xal dowladnimo casri iyo baaritaanka
mushkiladan jirta in lagu dhameeyo wadahadal iyo in laga doodo dhibka jira
kadibna la xaliyo lana sameeyo qanuun xadida dadka oo dhan oo la ilaaliyo lana
qabanqaabiyo doorashooyin xor ah nin walbana uu ku qanco codka uu helo una
hambalyeeyo lana shaqeeyo walaalkiisa ka guulaystey. Ma aysan dhicin sidaas ee
Cabdullaahi Waxaa uu wadey dagaaladii uu ku hayay Maxamed Siyaad asagoo uga soo
duulaya xarumihii ciidamadii loo tababaray loona dhaariyey inuu ka ilaasho
ciida iyo calanka soomaaliyeed ilaa ay iska hor yimaadeen Mangiste Xayle Maryam
oo isagu qudhiisu uu arkay nin qalqal gelin kara maamulkiisa gaar ahaan
goboladda Soomaalidu ay degto taasna waxay keentey in Cabdulaahi loo taxaabo
Xabsiga oo uu ku jiray ilaa ay meesha ka baxdey dowladdii Mengistu Xayle Maryan.
Maxamed Siyaad iyo askartiisiina waxa ay sii
wadeen dhibkii ay ku hayeen dadka ay Cabdullahi beel wadaagta yihiin iyagooba u
arkay mar haddii hogaamiyihii la xiray in sheekadii ayba iska dhamaatay oo
muddada xukunkiisu uu sii dheeraaday reerkana ay difaacdeen kusigooda ay xooga
ku qabsadeen laakiin ciyaarta sidaas ma noqon shucladii dagaalada Hubaysan ee
looga soo horjeeday Maxamed Siyaad waxaa ku soo darsamay jabahad cusub oo la
magacbaxdey SNM. Maxamed Siyaad isagoo istcimaalaya waaya aragnimadiisii uu
kala yimid miyiga iyo aftahanimadiisa iyo xoogaa tababaradii gumeysiga
talyaaniga ee ku dhisnaa fashiistinimada iyo siyaasadii Qeybi oo xukun wuxuu
misana dacaayad ku furay jabhadan cusub oo iyada qudheeda inta badan bulsho
weynta soomaaliyeed ee u arkayeen inay ka kooban tahay beel kaliya oo ay yihiin
uun qabiil gadooday laakiin dacaayadii uu Maxamed Siyaad iyo taageerayaashiisa
ay ku hayeen SSDF waxay tan uga duwanayd iyagoo ku dhihi jiray shacbiweynaha
isla markaana si toos ah iyo si aan toos ahayn u sheegi jiray in kooxdan ay
doonayso inay kala gooyaan dalweynaha soomaaliyeed iyagoo u adeegaya isticmaar
taasoo ilaa iyo xad uu Maxamed Siyaad ka dhaadhacsiiyey dadweynaha Soomaaliyeed.
Haddaba sidee buu ula macaamiltamay Maxamed
Siyaad qoladan cusub ma si ka duwan qoladii hore ee SSDF ? Jawaabtu waa maya !
qoladana waxaa la mariyey wadadii qoladii hore oo kale wax wada hadal iyo
soomaalinimo iyo miiska wada hadalada meesha waa laga saaray waxaana sidii
kuwii oo kale loo adeegsadey ciidamadii nabadsugida iyagoo dhulka ku ciriirshay
qof walba oo ay heyb wadagaan SNM taasna waxay keentey in dadweynha gobolada
waqooyi ay u arkaan in reer Koonfur ahaan loola dirirey oo si gooni ah loo
faquuqay ilaa ay dhacdo diyaaradihii xoogga dalka ee lagu soo iibiyey lacagtii
canshuurbixiyayaasha Soomaaliyeed in lagu duqeeyo magaalooyin ka mid ah
goboladda Waqooyi ee Soomaaliya iyagana markooda ay karaahsadaan in wax maamul
danbaba ay la wadaagaan dad reer koonfur ah ayna door bidaan iney noqdaan
Jamhuuriyad madaxbanaan inkastoo ay jiraan dad reer waqooyi u arka in qaladka
waxa ka galay ay ahayd dowlad keli talis ah oo xoog ku haysatey dhamaan geyiga
soomaaliyeed isla markaana aan eeda dusha looga tuuri karin dhamaan shacbiga
reer koonfur oo dhan.
Waxay giraanta mucaaradnimada soo
galgalata markan waxay soo gaartey magaalada Muqdisho, sharcigii iyo kala
danbeyntii waa iska soo yaraaday , waxaana caadi iska noqotay in qaanuunka lagu
tunto. Taladii waxay ku soo uruurtey Maxamed Siyaad gacantiisa isagana waxa uu
meesha ka saaray wax walba oo tanasul iyo wadahadal uu la galo dadka siyaasada
ay isaga soo horjeedeen. Wasaaradihii dowladuna waxa ay noqdeen in wasaarad
walba ay noqoto goob ay leeyihiin reerka uu wasiirkaas u dhashay isla markaana
ay tahay qeybta ay ka heleen Doolshaha( keekga) qaranka siday doonaan ay u
isticmaali karaan isla markaana uusan jirin qaanuun xadidaya isla markaana
ilaalinaya ku takrifalka hantida qaranka. Xataa waxaa dhacday in qof inta uu
tago wasaarad asagoo dan kale la yiraahdo”MAAD
WASAARAD HEBLA TAGTID WASAARADAAS BAAD LEEDIHIINE”
Waxba yaan hadalka badinine haybaddii
dowladnimo waxaa galay humaag weyn waxaana qof walba u muuqatay in qaranimadii
haadaan ay ka muuqato loona baahan yahay in la badbaadiyo laakiin Maxamed
Siyaad wuxuu dhagaha ka fureystey in xal la raadiyo fursadna la siiyo dadkii
loo arko iney samata bixin karaan masiirka Ummaddan. Wuxuuna u arkay qof walba
oo kala hadla musiibadan soo socota qof isaga iyo kursigiisa cadow u ah uu
iyada uun mala awaalaysa waxaan jirin oo meeshaba ool.
Waxaa haddana abuurmay jabhad cusub oo magac
qabiil wadata oo loo bixiyay USC iyana waxay tagtay meeshii laga necbaa
dowladdnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed waxaana la siiyey wax walba
oo ay u baahnaayeen weliba waa loo bogay markay yiraahdeen war anagaa degna
gobolada odeyga sida aadka looga jecel yahay waxbana naguma qaadanayso inaan
xukunkiisa meesha uga saarno muddo gaaban.
Waxay waayuhu soo socdaanba fanaaniin ha
dhihin , culumaa’udiin ha dhihin, aqoonyahan ha dhihin cid walbaa hadashay oo
qaylisey war nidaamku yuu dhumin war dowladdnimada iyo qaranka hala badbaadiyo,
Maxamed Siyaad waxaas oo dhan uma muuqan ilaa uu ku waabariistey jabhad
hubeysan oo ka dhex dirireysa magaaladii xarunta u ahayd dowladdii Soomaaliyeed
ee Muqdisho. Laga bilaabo subaxahaas waxaa si cadaan ah u baaba’ay kala
danbeyntii iyo sharcigii soo dhutinayay ilaa iyo maalintii aan xornimadda
qaadanay waxaana aad u adkaatay sidii loo soo celin lahaa heybaddii dowladnimo
iyo kala danbeyntii.
Jabhaddii xukunka ka tuurtey Maxamed Siyaad ee
USC waxay ku guul dareysatay inay soo celiso nidaamkii iyo kala danbeyntii
waxaana cadaatey inaysan wadan wax ajanda ah oo lagu maamuli kara wadan casri
ah waxaana muuqatay in marnaba aysan is weydiin war maxaa keenay in aan la
dagaalano Maxamed Siyaad? Muxuu odeygu sameeyey ileen waa oday soomaaliyeed oo
ciidda iyo calanka lagama xigee?
Su’aalahaas oo dhan isma weydiin jabhaddii USC
ee waxay damceen in iyaga dowlad kale oo tii maxamed siyaad ee ummaddu ay
nacdey ay meesha ka dhisaan laakiin ilaahay waa diiday inuu isku toosiyo ileen
dulmi dulmi kale laguma bedeli karaa waxaana meesha ka bilowdey u tartamid
sidii beel walbaa ay u noqon lahayd reer Buur Fuule oo ay daartaas uga soo qori
lahaayeen boonooyin iyo warqaddo aan qaanuun ahayn oo lagu daldalanayo hantida
qaranka soomaaliyeed.
Sadax toban sano kadib maalintii uu dhacay
maamulkii Maxamed Siyaad wax kala danbeyn ah kama jirto caasimadii dalka
waxaana badalay jabhado ku dhisan qaab qabiil kuwa xukumaa ay qolo walbaba ay
lacnado qolada ka danbeysa oo ay ka sii liitaan dhan walbaba Soomaaliyana waxa
ay noqotay meel tusaale loo soo qaato xumaanta isla markaana looga digo
bulshooyinka caalamka iney noqdaan sidaas oo kale.
Soomaali hadday is jeclayd oo ay isku ooyi
jirtey cadwogii necbaa ee fogaa iyo kii dhawaaba wuxuu helay fursadii uu
raadinayay doqon walbaana waxaa la siiyay hub la yiri ku dil walaalkaa ileen
caqli uu wax ku garto oo ku yiraahdo war haddaan walaalkaygan soomaaliga ah
dilo maantey beri aniga marka uu cadow ii yimaado yaa ii hiilanayo oo iga
dhicinayo ma lahane.
Ilaa iyo wixii intaa ka danbeeyey waxay
noqotay jaantaa rogan cid walbaba wax baan ahay tiri qof walba oo qibrad
dowladeed meel laga maro bilow ilaa dhamaad aan lahayn yiri aniga keligay ayaa
wax noqonaya laakiin qof walba oo soomaali mid waa uu u hubsaday oo dahaar ka
saaran maantay ma jiro taasoo ah” inuusan Qabiil dowlad noqon karin” aysana
suurta gal ahayn in haddii qabiil dowladnimo sheeganaya la riday in lagu bedelo
qabiil kale oo dowladnimo sheeganaya waxaana meesha kasoo baxay tixdii uu lahaa
abwaan Abshir Nuur Faarax: ” DU
QII HORE MAXAA LOO ERYOON KULA DAGAALAYNAY , DALKII IYO DADKII IYO DIINTII
DUMIYEY SOW MAAHA, DIKTAATOORNIMIYO DULAN CAD BUU KEENAY SOO MAAHA, NIN WALBAW
WALAALKAA DAD QALA HOW DURBAAN TUMINE , uuna ku soo gabagabayeey hadal taariikh
dhaxal gal noqdey oo uu ku leeyahay ” WARYAAN LAYNA DABAR GOYN QABIIL DOWLAD
NOQON WAAYE”.
Runtii tixdaas gabayga waxa uu abwaanku ku
sheegayaa in marnaba aysan suurta gal ahayn isla markaana uu caqliga wanaagsan
diidayo in dowlad qaab qabiil ku dhisan oo ay reer si gooni isku siiyeen in
inta la dumiyo oo waliba dhiig ku daato , hanti badana lagu baxsho ridisteeda
iyadoo shacbi weynaha lagu beer laxawsanayo dulmi baan rideynaa in lagu bedelo
dowlad kale oo iyadana kaba daran tii la riday oo habeenkii oo kaliya wax
xiraysay ama gumaadaysay laguna bedelo mid aan iyadu marnab ka xishoonayn in
maalinta cad wax la dilo ama wax la boobo. Haddaba akhristow ilaa maalintaas ay
godka iyo hadaantii looga baqayay ay gashay qaranimaddii Soomaaliyeed waa la
waayay soomaali lilaahi ah oo isku timaada iyada oo ujeedeedu tahay war
baabanaye yuusan jiritaankeena baabi’ine aan bal boorka ka jafno calankeena iyo
sharafteena baaba’adey oo wixii dhintey waaba ay dhinteen oo noo soo noqon
maayaane aan inta hartey badbaadino. Shirar badan baa la qabtay mid walbana
midkii ka danbeeyey waa ka sii xumaa oo waxa uu sii fogeeynayey xalka
Soomaalida marka laga reebo kii lagu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 oo
runtii haddii sixitaan yar lagu samayn lahaa lagana soo qayb gelin lahaa
qabqablayaasha meel walba oo xun u istaagay sidii ay kursi iyo jago ku heli
lahaayeen , xad walba oo bani aadanka u yaalanay ka talaabsaday isla markaana
howl ka dhigtey caruurta soomaaliyeed ee ay dhaleen dadka saboolka ee aan heli
karin nolol maalmeedkooda in laga soo qayb geliyo oo sidii Taylor Charleskii
Liberia la yiraahdo bal hooyoo wax maamula anaga waxaan idiin noqonaynaa askar
iyo la taliyayaal ileen qaab dowlad loo maamulo ma yaqaaanaane kolla taas ma
dhicin ee aqoonyahankii iyo odoyaddii soomaaliyeed waxay la soo istaageen war
wuxuushtan noo talin maayaan ee na dhaafiya oo aan iska qabano waxay odayadu
iloobeen in wuxuushtaas uu cadowga soomaaliyeed oo maanta helay ummadda
soomaaliyeed oo baylahan isla markaana aan xitaa wuxuushtaas naftooda aan u
ogolayn inay wax noqdaan uu ka faa’iideysanayo maalin walbana uu soo saarayo
waxshi cusub oo magac loo sameeyo lana yiraahdo war hoo xoogaagan qaado isla
markaana aniga ayaa wax kaa dhigaye ee dadkaaga soo laa cidaan adiga ahayna
yaysan hadlin haday isku dayaan u bixi magacyo baas bulshadana ku dir si ay uga
takoornaadaan. Sidaas ayay noqotay oo markii hogaamiyayaashii ma gudbayaalka
ahaa ay arkeen in xeeradii ay isku dilayeen ay niman kale usoo dhigteen isla
markaana beesha caalamka oo qaati ka taagnayd nimanka ma gudbayaasha ah ee
maalin walba midka cusub inta uu dad laayo uu leeyahay ha la i aqoonsado oo
waxaan ahay hogaamiye kooxeed cusub ilaa liisku uuma xirmi waayo waxay iska
xaadiriyeen xaruntii laga soo shir qooli jiray ummadda Soomaaliyeed isla
markaana waxay u muuqatay arin la qaadan karin in niman aqoon dheer u leh
dowladnimada isla markaana leh khibrad qaranka waxa uu yahay soona arkay wanaag
iyo xumaanba waxa ay dowlidnimadu tahay inay talada gacanta u gashay ayuu
meeshiisii ka miisay in haddii ruug cadaayadaas ay yimaadaaan in laga yaabo
inay saxaan qaladaadkii ay horay u galeen isla markaasna hadday shalay bareen
ummadda in qabiilka wax lagu noqdo isla markaana qabiilka loo boobo hantida
qaranka maantay waa ay ka waantoobi doonaa oo waxa ay bilaabi doonaan raad
cusub oo jiilalka soo socda ay maraan waxa ayna noqon doonaan kuwa taariikhda
lagu xuso sida GEORGE WASHINGTON , DE GUELL IYO NELSON MANDELA.
Ismaaaciil Cumar Geele oo runtii dadaal aan la
iloobi karin u galay siday ummadda soomaaliyeed dowlad ay leeyihiin uu arki
lahaa mar uun inta uu noolyahay isla markaana isku dayay dadaalkii ummadda
soomaaliyeed u galeen in reer Jabuuti ay hantaan qaranimadooda wuxuu soo dhisay
team aad u adag oo leh qibrad aad u dheer oo ay ka faa’iideysan karaan.
Adeerka wayn ee geeska afrika oo isagu ka
maseersan guushan weyn ee adduunka ka yaabisay ee ay dowladdan yar ee geeska
afrika ku taal waxa uu isugu yeeray Hogaamiyayaashii ma gudbayaasha ahaa isagoo
u sameeyey gole ay leeyihiin isna yiri bal marakan hogaan mideysan samaysan
doonaan oo boorka ayay iska jafi doonaan waa ay u suurti geli weysey inay haba
yaraatee wax hogaan ah oo mideysan ay samaystaan waxayna samaysteen gole laga
dareemayo inaysan isku kalsooneen oo ay been iska gadayaan oo ay ku adag tahay
in inta ay gows adayg sameeyaan in ay yiraahdaan hebelow na hogaami gaar ahaan
dhinacii siyaasada dibadda si aad ayay ugu fashilmeen.
Teamkii Ismaaciil uu waqtiga badan ku bixiyay
ummadda Soomaaliyeedna ay u arkayeen inay noqon doonaan halyeeyo mustaqbalka
lagu xusi doono taariikhda isla markaana dadweynaha soomaaliyeed ee dunidda
daafaheeda ku nool ay ka dhursugayeen waxa ay noqdeen kuwn aanan marnaba ka
faa’iideysan khibradii ay soo mareen ee kaliftay inuu dalka haadaantaas ka
dhaco waxa ayna qasaariyeen aqoonsigii iyo niyad furnaantii ay ka heleen
ummadda soomaaliyeed waxayna ka dhamaan waayeen inay ku noqdaan qaamuuskii lama
gudbaanka ahaa ee ku dhisnaa qabyaalada ee aan miyiga kala nimid waxaana ay
noqdeen dad ka dhamaan waayay isku qabqabsiga shilimaadka ay ummaddaha
walaalaha aan nahay ee carabtu ay noogu deeqeen waxaana ay noqdeen Halac dheere
iyo ragiisii. Meeshii la rabay in si degdeg la isugu yeero ciidankii qalabka
siday lana xusuusiyo waajibka saaran ee qaranimo oo ah inay maantey
badbaadiyaan qaranka soomaaliyeed ee hadaanta ka lusha maadaama Ciidan walba uu
badbaadiyo ummaddiisa marka arintu ay noqoto heerkan oo kale isla markaana laga
bilaabo al aqrab al aqrab si dadka oo dhan ay ugu daydaan hogaankan cusub waxaa
laga door bidey in dowladdnimaddaba loo qaato hadal iyo in marba shir ay ka
qayb galayaan ummaddo ka yimid dalal dhisan nabad iyo caano in la dhinac tago
laguna noolaado riyadaas lana ilaabo dhibaatada muuqata e jirta ee dawadeeda
loo baahan yahay in la iska indho tiro oo aan xal dhab ah loo raadin gaar ahaan
amaan daradda magaalada muqdisho oo ay ku filnaan lahaayeen dhowr kun oo askari
in ay tuugada wadooyinka isbaarooyinka dhigta ee dadka dhaca kufsadana sidooda
loo daayo oo loogu madax salaaxo war haddaan talaabo ka qaadno reer hebel ayaa
na xabadeeynaya marka dadka masaakiinta hala dhaco hana la dilo.
Runtii anigu ma qabo in fashilka ku yimid
teamkii Ismaaciil Cumar Geele ay mas’uuliyadiisa qaadi karto dowladda Itoobiya
iyo Hogaamiyayaalka ma gudbayayaalka ah ee ay iyadu soo saartey oo ay wax ka
dhigtey laakiin wax mas’uuliyadeeda iska leh hogaanka sare DKMG oo aan runtii
ka faa’iideysan fursadii dahabiga ahayd ee soo martay ummadda Soomaaliyeed
waayo waxay ahayd inuu wuxuu xoog iyo xeelad iskugu geeyo ugu yaraan in meelaha
laga taageersan yahay uu ka sameeyo maamulo iyo kala danbeyn uuna soo rogo
nidaam canshuureed iyo kala danbeyn laakiin waxaas oo dhan ma dhicin, sadax
sano kadib oo uu CabdiQaasin Salaad Xasan nasiib u yeeshay inuu ku fadhiyo
kursiga ugu sareeya ee dalka oo uu hab dimoqraadi ku yimid kama uusan tagin hal
shay oo beri jiilasha soo socda ay ku soo xasuustaan waxaana lagu soo
gabagabayn karaa in Cabdiqaasin uu iska diiday inuu noqdo George Washingtonkii
ama Mandelihii Soomaaliya wuxuuna ka door biday inuu ahaado CabdiQaasin Salaad
Xasankii hore taariikhdana aysan xusin.
Akhristow hadda waxaa loo fadhiyaa shir
soomaaliyeed oo ka dhacaya dalka kenya ileen nin bukaa boqol u talisay malaha
waxa la is yiri markaan amaa Federaalka noo yahay dawo oo aan dowladnimadeenii
ku soo ceshan karnaa isla markaana aan ku kala amaan heli karnaa.
Dad badan oo soomaali ah oo aan la soo koobi
karin ayaa wax ka qoray doodo ku saabsan federaalka xumaantiisa iyo wanaagiisa,
dadkaas waxaa ugu magac dheer Suugaanyahanka caanka ah Axmed Faarac Cali
IDAAJAA oo runtii anigu ilaa xad aan is leeyahay runtii markii dalka haadaanta
uu ka dhacayey waxay ahayd inay codkooda ay dheereeyeen oo nidaamkii jiray ay
isku dayaan inay ka dhaadhiciyaan halaaga soo socda inkastoo sida igu maqaalka
ah Idaajaa uu isku dayay in badan in nidaamkii jiray uu tusiyo qaladaadkii
jiray iyo in sida ay wax ku socdaan aysan marnaba wanaagsanayn laakiin dhegaha
laga fureystay.
Runtii waxaan qabaa in Idaajaa uu si aad u
qoto dheer oo ay ka muuqato cilmi baaris uu u soo bandhigay federaalka lala
doonaayo ummadda soomaaliyeed iyo ujeedada ka danbeysa in badana waan ku
raacsanahay. Waxa kale oo wax ka qoray aqoonyahano badan oo soomaaliyeed oo
weliba ku qoray afaf kala duwan taasna waxay ku tusinaysaa in aqoonyahanada
soomaaliyeed iyo indheergaradkaba aysan u arag in mushkilada soomaaliya ay
dawadeeda tahay federaal ee loo baahan yahay in si kale loo daweeyo.
Annigu waxaan jeclahay in dhowr su’aal aan
weydiiyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qaba in soomaaliya dawadeeda ay tahay
in federaal laga dhigo federaal:
Su’aasha kowaad waxay tahay dagaalada ka
dhacaya gobolka shabeelada dhexe federaal ma daweyn karaa sideesa u daweyn
karaa ileen mushkiladu waxay dhex taal laba beel oo walaalo ah oo dega laba
degmo oo isku dhow amaba wada daga hal degmo?
Su’aasha labaad waxay tahay dagaaladii ka
dhacay Gobolka Bari ee dhes maray Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdullaahi Yuusuf
sidee buu federaal u dawayn karaa ileen waxa uu dhex maray laba nin oo ilma
adeeer ah iskuna deegaan ahe?
Dagaalada dhex maray Cumar Finish iyo Xaaji
Muuse federaalku habkee buu u dawayn karaa ileen waaba laba nin oo hal oday
wada dhalaye, xageese lagu kala darayaa?
Dagaalada Jeneraal Morgan iyo Korneyl Jees ku
dhex maray Kismaayo sidee buu federaalku u dawaynayaa xageese lakala geynayaa
ileen waa laba nin oo isku beel ka soo jeede?
Dagaalada dhex maray Cismaan Caato iyo
Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid sidee buu federaalku u dawaynayaa ileen waa
laba nin oo walaalo ahe xageese lagu kala darayaa?
Dagaalada Hadda dhex maraya korneyl Shaati
Guduud iyo Xaabsade sidee federaalku u dawaynayaa ileen waa laba nin oo walaalo
ahe?
Haddaba su’aalahaas oo dhan ayaan rabaa inaan
ogaado in la ii sharaxo sida uu federaalku u dawaynayo haddii dadkaas loo kala
samayn karo dowlado federaal ah oo kala qaybiya isla markaana lagu kalo daro
waxaan u malaynaa in xalka federaalku uu yahay mid sax oo ku haboon in la qaato
laakiin haddii nimankaas aan la kala wadi karin oo aan meelo lagu kala dari
karin waxaan is leeyahay xalka Soomaalidu ma aha federaal waa in marka hore
nimanka colaada ay dhex taalo la heshiisiiyo kadibna la baro waxa ay tahay
dowlad nidaam casri
ku dhisan lagana dhaadhacsiiyo in qaran iyo
qabiil ay yihiin laba shay oo aan isla fal gali karin isla markaana xilka qof
walba loo dhiibo uu Ummadda u hayo ee uusan qabiil u hayn isla markaana
Qaanuunku uu ka sareeyo qof kasta jaga kasta oo qaranka ka hayo.
Haddiise aan is moogaysiino dhibaatada jirta
oo aan dawo ka raadino meel aysan jirin waxaan noqonaynaa dad laf cad toobin ku
haya weligeena ma gaarayno xal dhab gaar ahaan waxaan hadalka ula jeedaa dadka
aqoonyahanada ee sida dhabta u og jirrida dhibaatada soomaalida haddii ay
kalimadooda ay ka baqaylaan maantay oo aysan ka hadlin dhibaatooyinka k aimaan
karta in qalin lagu duugo arin aan la daraasayn si cilmi ahna loo baarin waayo
federaal qabiil ku dhisan waa adag tahay inuu ka hirgalo Soomaaliya waayo
qabiil dhexdiisa heshiis ka ah ayaanba jirin xataa sheekadu jilib jilib hoose
in la isku dagaalo ayay gaartay taasna waanba ka wada dharagsan nahay oo inaan
taxno looma baahna.
Waxaa laga yaabaa in dad badan marka ay wax ka
qorayaan dagaalada sokeeye ay buunbuuniyaan dagaaladii dhex maray Daaroodka iyo
Hawiyaha runtii waxaa xaqiiqa ah oo qof walba maantay uu og yahay in dagaalada
ka dhex dhacay Daaroodka dhexdiisa ama Hawiyaha dhexdiisa ay ka qasaaro badan
yihiin 100% dagaalada dhex maray labadaa beelood. Taasna ay ku tusinayso in
magacyadan lagu awr kacsado marka la rabo in caqliga laga xado laguna beer
laxawsado dadka wax ma garadka ee aan iyagu lahayn aqoon iyo caqli ku filan oo
ay ku qaadaa dhigaan mushkiladaha isla markaana ay iyagu go’aan shaqsi ah oo
xor ah ka qaataan.
Anigu ra’yi ahaan inkastoo aan mar walba raali
ku ahay wax ay ummadda Soomaaliyeed qaadato marka ugu horeysa ee ay afti ku
doorato masiirkeeda xataa ay tahay con-federaal haddana waxaa ila haboon qaabka
ismaamul goboleedka oo runtii ah qaab aan ku arkay dalalkan Iskaandineefiyanka
gaar ahaan Iswiidhan waana hab ka jira dowlado badan oo dunidda ku yaala.
Habkaas micnihiisu waa in degma walba ay leedahay maamul ay iyadu samaysatay
iyo Qaanuunyo degmadaas u gaar ah isla markaana dastuurka dalka ayay ku cadahay
awoodaha degmooyinka iyo gobolada lagamana yaabo in wareegto lagu soo magacaabo
maamulka degmadda oo caasimadda laga soo diro nin aan degmaddan waxba ka aqoon
oo aan weligiis arag. Runtii nidaamkaas waa nidaam fiican inkastoo ummadda
Soomaaliyeed ay ku qaadanayso waqti dheer inay ka gudbaan nidaamka reer
miyinimadda isla markaan ay u gudbaan nidaam dowlad casri ah oo ku dhisan
qaanuun haddana waxa is maamul goboleedku uu noqonayaa bilow fiican oo aan ku
sii barbarano waxa ay tahay dowladinimada casriga ee dunida ka jirta ee ku
dhisan sinaanta iyo Cadaaalada iyo sareynta qaanuunka.
Waxaa iyana arin aad muhiim u ah in qof walba
uu soomaali uu fahmo in aysan qaran iyo qabiil marnaba isku meel gali karin
waayo qaranku ummadda oo dhan ayuu ka dhexeeya ninka kursiga u sareeya ku
fadhiya ee nasiibka u yeeshay iyo ninka dhul xaaqaha ah(isbasiiniga) waa ay u
siman yihiin sharciga hortiisa qof walbana waxaa uu xaq u leeyahay waxa ay
ummadda soomaaliyeed ay ugu garato si nabad ah.
Qof walba waa inuu isagu fahmaa in waxa tolka
ay la wadaagi karaan ee dhaqan ahaan wanaagsan ay tahay inuu waxa uu awoodo uu
ka taro waxa uu sida gaarka u leeyahay laakiin hanti ummadda laguugu dhiibay
haddii aad si gaar ah qof qaraabanimo ugu siiso ogow ALLAHNA danbi baa ka
gashay ummaddaadana waa qiyaamaysay waxaana u horseeday burbur iyo is nacayb.
Walaal qabiilku wax ceeb ah ma aha waana iska
caadi haddii aad si gaar ah u isticmaashid oo aad ku xiriirisid kuwa aad
qaraabada tihiin adiga oo aadan ku dulmayn qof kale oo soomaali ah laakiin ogow
haddii mas’uuliyad qaran laguu dhiibo ummadda oo dhan ayaad u heysaa waana
lagama maarmaan inaad mar walba xasuusnaatid in waxa aad heyso ay u siman
yihiin: Ninka Bagadiga ee Mubaarak degan iyo ninka Garaha ee Farsooley degan
iyo Ninka Majeerteenka ee Ayl degen iyo Ninka Abgaalka ee Aadan Yabaal degen
iyo ninka Ogaadeenka ee Afmadow degen iyo ninka Karanle ee Dayniile dagan iyo
ninka Dabare ee Qansax Dheere degan iyo Ninka Cayr ee Guraceel degan iyo ninka
Baadi Cade ee Buulobarde degan iyo ninka Shiidle ee Jowhar degan iyo Ninka
Sacad ee Af Barwaaqo degan iyo ----------- ilaa maasha ALLAH.
Waa in aad dhamaantood isku si ugu xaq
qaybisaa oo aadna iska ilaalisaa inaad kala jeclaysto. Ogow oo xasuusnow nin
jeclaysigu waa waxa ugu horeeya ee qaran dumiya isna necbeysiiya Ummadda meel
ku wada nool , qofna ha u awood sheegan adiga oo si qaldan u isticmaalaya
mas’uuliyadda ay ummaddu kugu aamintay ee laguu dhiibay.
Haddaba waxa qarankeenii dumiyey ay tahay
Qabiilka oo si qaldan loo isticmaalay lagunay qasay maamulkii dowladda iyo
anagga oo kala saari waynay xaqa uu tolku nagu leeyahay iyo Xaqa ummaddu nagu
leedahay labadaas xaq oo kala aha laba xaq oo kala duwan oo midna uu yahay xaq
gaar ah midna uu yahay xaq guud. Wax walba oo la sameeyana ma laga yaabo in aan
horumar gaarno inta aan labadaas xaq isku qasayno oo aan u ordeyno inaan
kursiga ugu sareeya awoodda dalka ugu orodno oo aan meel walba u marno si aan
ugu takri falno oo aan ugu duudsiino xaquuqda inta kale waxaanan weligeen ku
jiri doonaa is nacayb, colaad iyo dib u dhac.
Aniga waxaa ii muuqda oo aan halkan la
fadhiyaa in Ummadda Soomaaliyeed ay ka bixi doonto duruufahan adag ayna is
cafin doonto ayna gaari doonto horumar wayn oo ay waliba noqon doonto Wadanka
ugu horumarsan geeska afrika waayo waxa uu ILAAHAY nasiib u siiyay nasiib oo
weliba gooni kaligood uga dhigay wax aysan la wadaagin dowladdaha kale ee
deriska la ah ee ku yaal geyigan geeska Afrika oo ah inay yihiin Ummad SOOC AH
OO ISKU AF AH , ISKU DHAQAN AH , ISKU DIIN AH OO WALIBA ISKU ASAL AH arintaas
oo aan shaki ku jirn oo aan laba cali is weydiineyn cidna walba ay la yaaban
tahay nasiibkaas oo ay ku xasdayso gaar ahaan waddammada geeska afrika oo iyagu
aan yeelan nasiibkaas oo kale wali waxaan hadda ka hor maqlay xogyahay guud ee
qaramada midoobay Koofi Anan oo leh ” Soomaaliya waa wadan ka mid ah wadamada
fara ku tiriska ee qaarada afrika ee ay degan yihiin dad sooc ah oo isku isir
iyo asal ah”
Walaalayaal qofna lagama xigo ciidda iyo
calanka soomaaliyeed mana jiro qabiil isagu si gooni u sheegan kara, qof
walbana lagama maarmo waana loo baahan yahay fikirkiisa , xoogiisa iyo
waxtarkiisa ee aan iska dhaafno nacaybka aan u qabno qabiilada kale ee aan
qabiilkeena ahayn waayo qabiil walba waxa uu leeyahay dad fiican oo soomaali
dhab ah iyo dad xun oo jaahiliin ah oo aan qaran iyo qabiil kala saari karin oo
sharafta soomaalinimada ay kala wayn tahay midda qabiilka uu ka dhashay oo
asagu la bar yahay( Bartiis yaqaan Bari uma korodho).
Walaalayaal waan ka gudbi doonaa duruufahan
adag ee aan ku jirno oo ay noogu wacan tahay aqoondarada iyo jahliga haysta
ummadeena inteeda badan iyo iyagoo kuwa maantay na hogaaminayaa ay yihiin kuwa
aqoontooda ay u leeyihiin dowlad casri ah ee ku dhisan qaanuun ay aaad u yar
tahay, aan isku dayno inaan u caqli celino oo aan ku kaalmeeyno sidii ay maamul
dawladeed u samayn lahaayeen isla markaana aan u fahamsiiin lahayn inay ku
qancaan oo ay fahmaan in qof la dilaa ay aakhiro iyo adduun seeg tahay oo aanan
horumar lagu gaarin. Waa inaan kala shaqaynaa sidii ay u fahmi lahaayeen inay u
nooladaan sida dunidda looga nool yahay oo qof walba ku qancaa inta santuuq
meel la dhigo in waxa natiijada ay noqoto lagu wada qancaa oo qofka nasiibkiisu
uu siiyo lalana wada shaqeeyaa iyadoo la ixtiraamayo rabitaanka inta badan lana
qadarinayo oo la ilaalinayo xuquuqda inta yar.
Haddaba waxaan ILAAH AWOODDA BADAN KA
BARYAYAA IN UMMADDA SOOMAALIYEED UU DHINACOODA MALAB ISKU MARIYO OO UU KA DHEX
SAARO SHEYDAANKA ISKU DIRAYO. Waxaana hadalkayga kugu soo gabagabaynayaa
halhayska soomaaliyeed ee oranaya ” WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON”
Cudurdaar: Waxaan ka cudurdaaranayaa haddii
aan fududeystay xarfaha labalaabma ee afsoomaaliga oo runtii qofba si ugu
dhawaaqo.
Qore: Cabdala Aadan Xasan(
abdullahihassan@hotmail.com )
Xubin ka mid ah Golaha deegaanka ee caasimada
labaad ee Sweden( Gothenborg)
isla markaana xubin ka ah Guddiga siyaasiyiinta ee xaafada Biskopsgrården
ahna Madaxa Xisbiga Socialdimoqraadiga ee xaafada Biskopsgården ee sweden.
Faafin:
SomaliTalk.com | August 31, 2003
QORAALO XIISA LEH EE KUSAABSAN SOOMALIYA IYO
FEDERAALKA
»
Qoraalkii Idaajaa
ee Federaalnimada Soomaaliya [Idaajaa]
»
Dabagal
Qoraalkii Idaajaa ee Federaalka Soomaaliya
[cadoow]
»
Federaalnimada
Soomaaliya: waa Feer iyo faro-laab C/Waxid].
»Jawaab
Maqaalkii "Federaalka iyo Walaalaha Galguduud"
[Saciid H.]
»
Federalka iyo walaalaha Galgaduud
[Shaafici]
»
Soomaalidu Federaal
Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]
»
Maxaa Sababay
Nidaamka Federaalka [Eng. Axmed]
»
Axdiga Soomaalida Loogu Dhoobdhoobay Kenya
[Tabatiig]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
|