SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SPR
 SOMALI PEACE RALLY

Galkacyo, Somalia, December 15kii 2003


PRESS RELEASE/WAR SAXAAFADEED
SPR/INFltlk/M11/187/2003


Qab-qablayaasha Haddaan La Xiran ama La Xakamayn Xal Ka Dheer Somaliya!


KAAHGalkacyo, Somalia, December 15kii 2003 – Somali Peace Rally – Waxaa SPR soo gaartay fartiinta ah in shirkii Somalida lagu soo dari doono dad ka baxsan qab-qablyaasha dagaalka, taaso Somaalida badankeedu u aragtay inay yaraynayso gacan ku hayntii Itoobiya ee shirka. Isla markii baa waxaa soo boodday qaylo dhaan ka imanaysa hormuudka qab-qablyaasha diiddan in Somaliya si aan afduub ku jirin gacan shisheeyena ka madax bannaanato oo wax u qabsato. Taas waxaa laga dhadhasan karaa waraysi Cabdullaahi Yusuf siiyey shabakaddaha Soomalida dhawaan.

Waxaa Cabdullahi ku tiiq-tiiqsaday in Somaliya ay arrinteeda ay u taal Somali, dad dadkooda masalana ay mudan yihiin inay talada qaran dhiska galaan. Sidoo kale wuxuu Cabdullaahi taabtay in Dalal IGAD ka tirsan iyo beesha caalamku yihiin kuwa shiddada ku haya shirka. Haddaba, hadalka Kornaylku miyuusan ahayn hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana. Waxaa biyo kama dhibcaan ah in Cabdullahi ku waashay inuu Somaliya xukumo, ayna la noqotay inuu ku gaari karo ayadoo ay Somaliya u jajuuntu Itoobiya oo la ogsoonyahay inay Cabdullahi si toos ah amarka u siiso majaraha shirkana ilaa muddo dhow ay ayadu gacanta ku haysay. Haddii shirka shiddo kaga socota dal kale, waa Itoobiya. Waxaa taas ka dhimman ayadoo darbiyada lagu qoro, ee adduunku waa ka dharagsan yahay.

Cabdullaahi ciddii aan asaga la socon ama aaminsan in uu dhammaaday xilligii qoriga caaraddiisa qaran lagu xukumi lahaa, waxay asaga la tahay insaysan ahayn Somali "xalaal" ah. Waxaa adduunka oo dhan laga ogyahay in Cabdullahiga hadda 80ka ku sii socdaa uu soo laayey dad boqollaal gaaraya sidii uu u sheegan lahaa magaca Madaxweynaha Puntland. Cabdullahi doorasho la soo doorto daaye, wuxuu ka dhigan yahay mid tusaale loogaga soo qaadan doono dusgiyada bariga Afrika ama adduunkaba sida nin xukun u waashay uu ugu tunto sharciga iyo xaquuqul iinsaanka.

Dhanka Somalida, Cabdullaahiga maanta sheeganaya inuu masalo dadkiisa, waa ninka keliya ee hore u soo dilay Isim Soomaliyeed ama duub beeshiisa ah siduu wax u xukumi lahaa. Puntland-ka uu Cabdullahi deganaanta iyo barwaaqada ka sheegay waa maxmiyad dadka dhafoorka xabbad loogaga hayo, xoolaha dadwaynaha sida canshuuraha iyo xitaa dhismayaashii iyo dhulkii dawladda oo ay bililiqaystaan dad sheeganaya hogaamiye.
SPR ARCHIVE
. Nov.24.2003
. June.30.2003
. Nov.30.2002
. Sept.25.2002
. August.18.2002
. October 2001
. August.20.2001
. August.8.2001
. July.27.2001
. July.25.2001
. June.19.2001
. June.13.2001
. May.31.2001
. Nov. 17, 2000
. July 19- May 22, 2000
. July 19- May 17, 2000
. May 13 - March 21, 2000
GAASHAAN ARCHIVE
. May.30.2001
. May.18.2001
. February.21.2001
. February.15.2001
. Febraury.14.2001
. February.9.2001
BOOSAASO ARCHIVE
. Fedbruary.21.2001
. February.6.2001

Waxaa la wada xasuustaa sidii Cabdullahi Puntland uga riday dagaal sokeeye asagoo isticmaalaya hub iyo saanad uu ka helay Itoobiya, ka dib markii dadweynaha Puntland barqo ka cayriyeen Bosaaso iyo Garoowe.Waxaa Cabdulaahi uusan marna qarsan inuu soo arruursaday dad u badan jirri iyo shaqo laawe asagoo ku faanayo inuu haysto hub iyo lacag, kana faa’iidaysanaya baahida dhallinyaradaas. Waa tii la ogaa dhibtii gaartay beelaha ku dhaqan Puntland, si Cabdullahi qoriga caaraddiisa ugu soo noqdo Garoowe. Hadalladii markii Cabdullahi madax dhul la-dhaca ahaa waxaa SPR ku haysaa cajlad.

Safarka Cabdullahi ee Aasiya, waa la wada ogyahay in markii uu canshuurtii Puntland uu ku wada bixiyey siyaasada qaloocan ("speso politico") sidii loogu dooran lahaa mansabka uu ku waashay, ayaa nin dhalinyaro ah ee Canada ka yimid ee baddalay tuugii hore ee Cabdullahi u xilsaartay badaha uu yiri "adeer anaa kuu hayo lacag meel iska taal oo saxiix mooyee aan wax kale rabin". Cabdullahu wuxuu ku orday Thailand, halkaas oo uu ku soo saxiixay heshiisyo gaar u ah asaga, dul,laalkisa iyo shirkado badaha xaalufiya ee aadduunka oo dhan laga mamnuucay. Waxaa cad in Cabdullahi is leeyahay hel lacag Somaali aad ku kala gadatid ee aad madaxweyne ugu noqotid.

Reer Puntland wajigooda waxa ku yaal marka la arko Cabdullahi, cidu ma yeeli doontaa kunkun uu madax ka yahay? Maxamed Siyaad iyo Caydiid oo raadkoodii qoyon yahay, didktaatar 80 jir ah ee qori la gar-gariiraya Somali ma yeeli doontaa? Soo kooboo, in shirka Cabdullahi yiraahdo aniga iyo intii dadka laysay oo kaliya ayaa Somali u talinaysaa ma wax lala yaabaa,? Jawaabto waa maya. Sabatuna, waa Cabdullahi car iskuma rogin. Aniga tayda mooyee tu kale ma jirto ayey ahayd caqliyadiisa intii magaciisa la xasuusto.

Dimoqoraadiyad, xalaal, hoggaamin, waddaninimo intaba waa laga maqlaa camalkiisu se waa caqsiga intaas oo dhan. Kali-talis, bool-raadin, maamul-burburin, daba-dhilif Amxaaro intaba waa caalammaddaha becsharo (trademark) ee Cabdullaahi. Liis Xabashi qortay baa Somaliya dan u soo wada looma qaadan karo. Waxaa loo qaadan karaa in liiskaasi dawayn karo ninkii qortay oo ah mid uu oomman madaxnimo uusan u qalmin ee uu isleeyahay dal shisheeyaa ku arrumin ficlan. Waase yaabka yaabkiis in Cabdullahi laga maqlo arrinta Somaliya waxay u taal Somaali.

Cabdullahi waa asagii ee car iskuma rogin – Itoobiya waa u malab, inta xukun wanaagga rabtana waa u sun iyo dhunkaal. Kaligiisna ma aha ee waa uu u hilan yahay inta doonaysa inay mayd garaacdo qarankii dhintay ee Somaliyeed. Waxaa xal u muuqankara waa in inta rabto inay xoog wax ku xukuntu Somaliya uu caalamku Somaliya ka qabto. Waa in raggaas ugu yaraan loogaa yeera maxkamad xaquuqul-iinsaan, sidii ka dhacday Boosniya, Liberiya, Sieraleone, iyo Rwanada. Tillaabo taas la mid ah ayaa Somaliya nabadi uga imaan kartaa.

sprally@hotmail.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD