|
December 16, 2003
Jawaabtii qoraalkii Abdulwaaxid ee (C/LAAHI YUUSUF
Vs MUUSE SUUDI)
WQ. Faarax Maxamuud (jabane)
faaraxjabane@hotmail.com

Waxaan mudadii ugu danbaysay ku arkayay
Internetka gaar ahaan bayjajka soomaliada qoraalo iyo fikrado ay soo qoraan
dadka soomlida ee ku nool dibada iyo dal gudihiisa .
Waxa aan ka mid ahay dadka badan ee soomaaaliyeed ee booqda bajajkaas iska
markaan akhriya afkaarta kala duwan ee dadku soo bandhigaan. Waana wax runtii
wanaagsan in uu dadku soo bandhigo aaraahdooda.
Waxaa dadkaa ka mid ah Abduwaaxid Khaliif oo ah nin aan ka wada nimid gobalka
Mudug. Laakiin aan u malaynayo inuu deegaan ahaan marka yiraahdo iga xaga
itoobiya.
Abdulwaaxid waxaa qoraaladiisa uu aad u daba galaa waxa na ka qoraa C/Laahi
Yuusuf madaxwaynaha dawlad Gobaleedka Puntland. Cabullahi iyo Abdulwaaxid
iyagaa ayaa dhalasho isagakay sookeeya. Oo kula garnaqi mayo laakiin labadaba
waxaan ka wada nimid gobalka Mudud ee dawlad gobaleedka Puntland. qoraalkan u
nquri maayo inaan ku difaaca C/laahi
Laakiin hadii ay arintu soo gasho qadiyada shacabka Punland waxaan u malaynayaa
inaan xaq tahay inaan jawaab ka bixiyo maqaalka Cabduwaaxid. Mana aaminsani la
dulmiyo sida qabiil la isku dulminayo oo kale.
Maqaalkii ugu danbeeyay ee uu Aduwaaxid qoray. Oo ahaa(
MUUSE SUUDI Vs
CABDULLAHI YUUSUF) Waxaan soo xasuutay markaan akhriyay maqaalka, arin hada ka
hor isoo martay. Oo hayd waxaan jooganay magaalo la mid ah wadadaan yurub.
Waxaan meel isugu nimid ilaa tobaneeyo dhalinyaro ah oo ka soo wada jeeda
dhinacaas iyo Puntland.(caduwaaxid waxaan filayaa inuusan ka cararin gobalka uu
ka soo jeedo waayo dadka ku leh magaca diinta islaamla waxaa badanaa loogu
yeeri jiray Qaryada ay kasoo jeedaan sida.Alla u naxriistee Shiikhul Albaani,
Bukhaari iyo culuma kale oo badan. Puntlandna waa dhul ilaahay cid ay danbi ay
ka gashay malahan)
Waxaa dhacday in nin ka mid dhalinyaradii aan meesha isugu timid uu gartay in
uu noo soo bandhigo arin khayri ah oo la rabay in loogu tabaruco magaalo mid
gaobalka Nugaal. Ninkii markuu hadalkii dhexmarinayo ayaa waxaa hadaklii ka
dafay nin kale oo ka midahaa ragii dhagaaysanayay. Waxaa uu la soo booday hadal
aan layaabay. Waxa uu yiri MEESHA INGA KALA WADA YAANAAN LAYSU KAAYO ARKINE.
Runtii aniga iyo dhamaan dhalinyaradii kalbe waan la yaabnay. Waxa uu ka waday
oon u fahmay inteenaan oo isku gobal ka wada nimid yaysan na arkin somaalida
kale anagoo meel wada fadhina.
Mala waxaa kabad badtay ninkaas iyo C/waaxidba sheeko ay soomalidu isticmaalaan
oo ah in markay qofka soomaliga arko qofka yimid gobaladaas inay u malaynayaan
uu siyaasi yahay ama munaafad ka shaqaynayo. Umalayn mayo in ay somalida wax
badan dheer yihiin waloow xataa sanadihii ugu danbeeyay xaga siyaasada looga
roonaaday.
Hadii aan usoo noqdo isbarbargii Abulwaaxid MUUSE IYO CABDULAAHI. C/waaxid
markiiuu bilaabay inuu ka sheekeeyo Muuse Suudi. Waxa uu aad ugu amaanay ka hor
imaadkii uu ka hor dawlada Itoobiya. Wax ay umada soomaliyeed wada ogsoon tahay
gacan saarkii uu la lahaa dawlada Itoobiya. Muuse waxa uu ahaa hogaamiyaha
saanada hubeed ee ugu badan ka heli jiray wadanka Itoobiya.
Muuse waa hogaaamiye kooxeed aysan nafta qofka biniaadamka ah waxba ugu
fadhiyin.Waa ninkii inta dad badan meelishiyayduusu kusoo layeen bartamaha
magaalada Muqdhisho. Markii loo tagay oo la waydiiyay sababta ay
malayshiyadiisu dadka u laayeen waxa uu ku jawaabay "ar hala laayo iska daa
asaleey dhimahaayeeyne" taasi waxa ay ku tusaysaa meesha uu Muuse ka taagan
yahay nafta qofla bini,aadamka ah. Ilaahay xagiisa nafta qofka bini,aadamka ah
waxa ay ka tahay wax wayn.
Markale oo la waydiiyay Muuse sababta uu dadka u laayo iyagoon waxba galabsan
waxa uu ku jawaabay Hogaamiye Kooxeed MUUSE"waxaan dadka u laayaa in la ii
aqoonsado inaan ahay hogaamiye Koxeed ka jira Xamar"
Muuse markii uu ka carooday shirka keenya waxa uu sii maray magaalada Kismaayo
oo ah magaalo aad looga barakiciyay dad aysan Cabdulwaaxid aad ukala fogayn.
Waxa uuna la samaytay isbahaysiga uu Cadulwaaxid ku amaanayo. Isbahaysiga waxaa
ku jira Col. Jees oo la xasuusan yahay xasuuqii uu ka gaystay Kismaayo
sagaashameeyadii. Waxaan aad ula yaabay markaan maqlay Jees oo Itoobiya waxa ka
sheegaya oo leh "Itoobiya waxay rabtaa inay Somaaliya kala googayso" Jees
miyuusan ahayn ninkii saxiixay hishiiskii Dirardhabe isaga, Tuur iyo Caydiid oo
ahaa in Soomaliya loo kala jaro sadex qaybood marka Siyaad Bare xukunka laga
tuuro.
Waxaan u malaynayaa sabaha loo sameyeeyay Isbahaysigaan inaysan ahayn wax aad u
agad fahamkiisu. Waxaana isugu tegay niman badan oo ka carooday shirka Kenya
isla markaana isku deyaya inay geed dheer iyo geed gaaban u fuulaan inaysan
Somaaliya yeelan Dawalad Dhexe oo shaqaysa. Waxaa ku jira Farax Sandiko oo
markii uu Nairobi la isugu yimid la waydiiyay meesha uu ka socdo. Ka dib waxa
uu ku noqday Xamar waxa uuna bilaabay hub iibsi iyo Jabhadayn si loogu
aqoonsado hogaamiye kooxeed.
Waxaa isbahaysigaan ku jira oo kele Cisamaan Caato aad loogu eedeeyo inuu ka
ganacsado daroogada, runtii nin mudan ma,ahan in hal ilbirqsi oo qof waqtigiis
ah lagu lumiyo. Waayo ilaa hada lama yaqaan waxa uu doonayo. Waa nin hadba
darbi isku rara kuna jiro nacayb aad u fog oo u qabo qaar ka mid bulshada
Soomaliyeed.
Abdulwaaxid waxa kale oo uu ku qoray qoraalkiisa in Muuse iska bari yeelay
dawlado shesheeye. Waxaan la yaabanahay goormaa MUCAMAR ALL QADAAFI qaatay
baasboorka soomaliga ah. Muuse iyo C/qaasim waxa muda bil ah dul fadhiyeen
Qadaafi si dhaqaale uga helaan si ay u meel mariyaan hindisahooda ah in aan
koonfurta Soomaliaya dagin sanadaha soo socda.
Muuse iyo C/qaasim waa laba hogaamiye kooxeed oo ka soo jeeda Magaalada
muqdisho. Marka waxaan la yaabanaha waxa C/waaxid tusi waayay waxyaabaha
argagaxa leh ee ka dhaca magaaladaas. Oo mar ahaan jirtay magaalada ugu bilicda
san geeska Africa.
Hadii ay awoodi waayeen inay wax ka qabtaan maxaa u diiday inay ka shaqeeyaan
in la helo dawlad dhexe oo waxa ka qabata koonfurta Soomaliya. Wax ka qarsoon
ma ahan barakicinta ay C/qaasim iyo jifadiisu ka wadaan koonfurta Soomaliaya oo
aan u malaynayo in Caduwaaxid si fiican uga deragsanyahay. Waxaan jeclaan lahaa
inaan arko maqaalo uu C/waaxid wax kaga qorayo waxayaabaha ka dhacaya Koonfurta
Somalaya.
Hadii aan u soo gugbo C/laaahi Yuusuf oo isagu ka taliya gobalada Puntland isla
markaana xoog ku qabsaday markii ay u dhamaatay mudadii sadexda sano ahayd ee
ugu horaysay ee loo doortay. Maqaalkaygaan u qorayo maayo inaan ku difaaco C/yuusuf
. Waxa aan waliba C/waaxid ku raacsanahay in uu dagaal aan loo baah nayn uu ka
dhacay gobaladaa labadii sano ee ugu danbaysay. Waxayse ila tahay inaan la
iloobin in ay Soomalidu ay qabiil qabiil ay isu layn jiratay waligeed. Laakiin
waxaa mar walbaba la gaari jiray xal si kasta oo qabaa,iladu ay isu laayaane.
Waayo soomalidu waxay tiraahdaa dagaal waxaa ku dhinta wiil ee wiil kuma
dhasho.Waana mida ka dhacaday Puntland oo kooxdii C/laahi iyo qolyihii ka soo
hor jeeday ay hishiis gaareen. C/lahina waxaa waxa uu qirtay isla markaana
garwaaqsaday in uu qaladaadka dhacay uu inta badan lahaa isagu.
Waxaa kale oo iyana cad in dad badan oo oqoonyahayno iyo wax garad ay isaga
tageen gobaladaas inta ay isku dhici lahayeen C/laahi. Waayo waxa ay
garwaaqsadeen in amaanka iyo xasiloonida ay ka fiican tahay xukun ay iyagu
helaan. Taas waxaa iyana sameeyay oo kale reer Somaliland oo markii uu Cigaal
xukunka qabsaday waxaa iska huleelay rag in muda ah soo dagaalamay oo ka mid
ahaayeen saraakiishii sarsare ee SNMta.
Waxa aan hadaba C/waaxid kula talin lahaa
1) Inuu kala garto C/laahi yuusuf iyo qadiya umad dhan oo degan gobala badan oo
ka mid ah Somaliya.
2)In iska daayo aayadaha iyo axaadiista uu soo daliilsanao hadii uusan si
daacadnimo ah wax u qorayn.
3) In qab qable oo dhan isku mid yahay laakiin waxaa fiican in mid walbaba lagu
sheego falalka uu ku kacay, waayo wax ku filan ma,ahan inaad tiraahdid qabable
B iyo qabqab T waa isku mid.
4) waxaan kale oon iyana meesha ku jirta in C/waaxid garto in Itoobiya ay
taageertay isla markaana ay hubaysay dhamaan jabhadihii la galaalamayay
dawladii Somaliyeed.
Oo qabqablihii wax ka sheegayaa Itoobiya uu meel kale ka haysto taageero. Waayo
magaranyo waxa ay ku kala duwan yihiin lacagta ay bixinayso Libiya ka dibna
hubka lagu soo iibsanayso iyo hubka itoobiya bixiso. Iyadoo ay hadana jiraan
wadama kale oo baxsha hubka sida Elitireeya iyo Jabuuti isla markaana taageero
buuxda siiya qabqablayasha qaarkood.
5)waxaan kale oo iyana meesha ka marnayn in Itoobiya ay ka faa,idaysanyso
fursadaan ah in la waayay qaranimadii Somaaliyeed, oo waxaad ogaataa hadii kan
soomaligaa uusan barakicin mid kale oo soomaaliya in aysan jirteen nin u gali
lahaa Itoobiya.
WABILAAHI QOWFIIQ
WQ. Faarax Maxamuud (jabane)
faaraxjabane@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|