SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 Cabdullaahi Yuusuf: Daahir Riyaale ha isku dayo inuu fuliyo digniinta uu bixinayo
  • Cabdullaahi Yuusuf, gaashaanka waxa uu ku dhuftay in shirka 9-ka January ay ka soo qayb galaan 42 hoggaamiye, sida urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo.


Maxamed Ingiriis  

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com 

Dec 26, 2003

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa uu muujiyey inaysan ahayn qatar weyn halista laga qabo in dagaal uu ku dhex maro gobolka Sool maamullada Somaliland iyo Puntland. Sida hadda wararka lagu hayo, carcarta colaaddu meel xun ayay maraysaa.

Isagoo iigu warramayey guriga uu ka deggan yahay duleedka Nairobi, Cabdullaahi Yuusuf waxa uu yiri Daahir Riyaale [Madaxweynaha Somaliland] digniinta uu bixinayo ha isku dayo inuu fuliyo, ma anigaa Boorame ugu tagay.

Waxa uu tilmaamay in Daahir Riyaale uusan lahayn gobolka Sool, laakiin dadka halkaas ku nool ay tashadeen. Gobolka dadkii lahaa baa deggan, Harti baa deggan, Soomaali inay ka goaanna ma doonayaan ayuu yiri.
abdullahi yusuf ahmed
Cabdullaahi Yuusu

Madaxweynaha Puntland, waxa uu xusay in reer Sool ay ku tashadeen inay daafacaan aayahooda iyo jiritaankooda oo aanay cidina madiidin ugu noqon ayuu yiri nabadgelyadooda. Gobolka dadka deggan waa tashadeen ayuu yiri.

Nin Soomaali kala goynaya warkiisa kuma jirno, hadduu soo duuli karo ha soo duulo ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo qeexay in wax ka jira aysan jirin xuduudihii gumeysigu ku kala qaybiyey dhulka ay isku hayaan labada maamul.

Mar aan suaalay siduu u arko aayaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Mbagathi, waxa uu yiri Soomaali iyadaa laga rabaa inay wax qabsato, madaxnimo layska sheegto sida Cabdilqaasim oo guri layska jiifto lama qaadan karo.

Cabdullaahi Yuusuf, gaashaanka waxa uu ku dhuftay in shirka 9-ka January ay ka soo qayb galaan 42 hoggaamiye, sida urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo. 42 hoggaamiye ma jiraan, mana joogaan Soomaaliya, waxaan jirin IGAD iskama magacaaban karaan, 24-kii hore iyo Cabdilqaasim baan aqoonsannahay ayuu yiri.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in haddii la damco in la jujuubo hoggaamiyeyaasha kooxaha aysan yeeli doonin arrintaas. Shirkaan waxaa weeciyey Kenya iyo Djibouti, phase III inuu furmo ayay diideen, wax Soomaali dan u ah ma wadaan ayuu yiri.

Isagoo ka hadlaya is beddelka dowladda KMG ah, waxa uu yiri baarlamaan Bakaaraha laga soo kexeeyey Baarlamaan ma ahan, Xamar waxay ka haystaan xaafad waxaan dhammeyn, Soomaalina sidaas uma baahna ee waxay u baahan tahay cid ururisa, heshiisiisa, hubkana ka dhigta.

Waxa uu si adag u weeraray dowladihii reer galbeedka ee dhowaan soo jeediyey in Axdi Qarameedka KMG ah ee la ansixiyey bishii September dib loogu noqdo. Distoorka laguma noqonayo, iyaga distoorkooda ma fara-gelinno, annagana kaayaga annagaa xor u ah, maxaa naga galay Italy, Masar iyo Mareykanka ayuu yiri.

Siduu u arko Isbahaysiga Xamar ee Golaha Samata-Bixinta la magac-baxay oo aan suaalay, waxa uu yiri raggaasi waxaan ogahay inaysan xal Soomaaliyeed wadin ee ay wadaan abaabul dagaal iyo isbahaysi colaadeed, waxay ka shaqeynayaanna waa dhibaato hor leh.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com 

 qoraaladii hore ee ingiriis..

<><><>

ETHIOPIA SOOMAALIYA
Masaajid ka Dhisnaa Magaalada Aksum 65 Sano oo la Dumiyey.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Aksuum ayaa sheekagaya in maamulka magaaladaasi dumiyeen masaajid ka dhisnaa halkaas muddo dhan 65 sano,iyagoo u cuskaday duminta masaajidkaas in si sharci daro ah lagu dhisay markiisii hore.

Muslimiinta aagaas dagan oo si aad ah ooga cadhaysnaa falka islaam nacaybka ah ee uu maamulka magaadaasi sameeyay ayaa ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin qodobka loo cuskaday duminta masaajidkaasi.

Duminta masaajidkaas ayaa la fuliyey xili habeen ah,iyadoo laga cabsi qabay in hadii maalin cad la dumiyo ay halkaas ka dhacaan shaqaaqooyin iyo iska hor imaado xun.

Sidoo kale xubnihii ka shaqayn jiray masaajidkaas oo dhannaa 5 qof ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.
ISHA: RADIO XORRIYO

<><><> Magaalada Aksum (ee Itoobiya) ee waa magaalo taariikhdeedu ku siman tahay xilligii boqor tooyadii la ornjirey "Aksum" taas oo ahayd gobol xoog leh oo u dhexeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo tii Beershiya-<><><>


Intii ay Soomaaliya dawladda ahayd, laga soo bilaabo xornimadii ay qayb Soomaaliy aah ka qaadatay gumeysiga, waxaa Kismaayo iyo Xamar ka dhisnaa Kaniisad ku sinayd xilligii gumeysiga, Kaniisada Xamar waxay ka dhisnayd meel u dhow masjidka Qadiimka ah ee Arbaca rukun, iyo hoteelkii ugu caansanaa Muqdisho ee Curuba iyo Bangigii ugu weynaa Soomaaliya oo ahaa Bangiga Ganacsiga iyo kaydka Soomaaliyeed iyo xafiisyadii dawladda, iyo jardoonooyin qurux badan oo aagaas ka dhowaa, iyo weliba dekadii caalamaga hayad ee Muqdisho oo aan halkaas ka durugsanayd. Kaniisada xamar waxay dhibka la wadaagtey dhismayaashii Soomaaliya dhibaatadu kasoo gaartey dagaalkii ahliga ahaa ee Soomaaliya, waxaa la sheegay in ilaa hadda la waardiyeeyo. Sawirka: www.swan.ac.uk

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD