SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
 Shirkii Minneapolis iyo wacdarihii ka dhacay!

C/Rahman Eelaay 
 eediran@yahoo.com
SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota | Dec 31, 2003


"Sidaas kor ku qoran ayaa AJIGU yiraahdaan, Laakiin anigu waxaan iraahda sida hoos ku qoran." C/Rahman Eelaay (eediran@yahoo.com)

Waa maalintii seddexaad iyo shirkii Soomaalida uga socday golaha weyn ee magaalada Minneapolis. Waxaa maalintaa aad loo xiiseynayey muxaadaro ku saabsan qabyaalada oo uu akhrinayey Shiikh Mohamed Khadar oo ka yimid San Diego, CA. Aad ayuu ugu dheeraaday qabyaalada iyo xumaanteeda iyo inaysan diinta Islaamka sal ku lahayn kala sareyntu ee waxa lagu kala sareeyaa ay tahay u dhowaanshaha Illaahay SW. Wuxuu sheegay in ay tahay wax laga naxo in qof Islaam ahi uu walaalkii ku takooro waa Midgaan oo Bakhti buu awoowgii cunay, iwm.! 

Salaadii makhrib baa la aaday oo la soo cuwaafeystay kadibna dib loogu soo noqday golihii shirarku ka socdeen. Waxaa beryahaa golaha isku arkay dadyow badan oo rag iyo dumarba leh oo aan sanooyin is arag, markaa dadku aad bay u faraxsanaayeen bulaankuna aad buu u badnaa. Waxaa dadka inta badan loogu dhawaaqayey, siiba dumarka, in ay qaylada iyo sawaxanka yareeyaan carruurtoodana ceshadaan hayeeshee dheg jalaq looma siineyn!

Waxay ahayd daqiiqadihii ugu sanqadha iyo buuqa yaraa markii uu Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire uu u jeedinayey Soomaalida isugu timid golaha lagu qabto shirarka ee magaalada Minneapolis. Jawigu aad buu u deganaa, dadkuna aad bay u xiiseynayeen oraahyada ka soo baxayey Xaajiga afkiisa. Waxaa hawada laga waayey bulaankii dumarka iyo dhawaaqii carruurta iyo boodboodkoodii. Waxaa muslimiintii meesha isugu timid ku adkaatay inay ka jawaabaan su’aalihii Xaajiga: “Maxaad noo takoorteen, sow walaalihiin ma nihin? Maxaad noo tiraahdaan Midgo’? Maxaad gartayada noo siin waydeen sida aad Biddahaba u siiseen?(Biddena gartiisa sii-Oraah Soomaaliyeed) Maxaad haysaan oo aad u cuskanaysaan takoorkiina?”. “Wallalayaal, Hooyooyin, Gabdhahayagiiyow ma bakhti baad cunteen baad nagu goyseen mise wax aad ogtihiin oo aad naga qarinaysaan baa jira oo nalagu takooray!”. Fadlan maad noo sheegtaan waxaad ogtihiin ee aad noo qarinaysaan si aanu u ogaano” ayuu yidhi xaajigu isagoo ilmaynaya!.

Waxay noqotay afkala qaad iyo in aamusnaantu sii korodho!

Wuxuu Xaajigu ku gabagabeeyey: “Soomaaliyeey cafis dalbada oo aakhiradiina u naxa oo Ilaahay ka baqa!”

Waxaa markeliya is-hayn waayey dadweynihii meesha isugu yimid oo mar keliya sacab, qaylo iyo sawaxan isku daray! Qaar dadweynihii iyo culumadii ka mid ah baa xusuusiyey dadweynihii qiireysnaa in ay Allaahu Akbartu ka wacan tahay bulaanka, ka dibna dikrigii baa cirkaa isku shareeray. Aamusnaan yar dabadeed iyo tolow maxaa xigi doona ayaa waxaa mar keliya codbaahiyaha laga yidhi: “ Magacaygu waa C/Rahman Sh. Ismaaciil "Turaabi", Qabiilkeygu waa Leelkase, waxaan ka xumahay dhibaatada walaalaheen loo geystay. Waxaan ummada u sheegayaa in labadayda gabdhood aan u guuriyey dadkan walaalaheen ee la hayb soocay, sidoo kale wiilasheyduna ay iyaga u joogaan; haddii Illaahay mustaqbalka carruur isiiyana aanan wadadaa ka leexan doonin”!

Waxaan ahay Leelkase, saddexdayda gabdhood labo kamid ah waxaan siinaya cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka" C/raxman Shiikh Guji halkan....

Mar kale ayaa sawaxankii, Allahu Akbartii iyo qayladu ay golihii shiraraka dhinac walba kaga baxday. Wiilkii xirririyaha shirka ka ahaa baa bogaadin, hambalyo iyo dhiirigelin Turaabi ka daba tuuray. Alla meeshu deganaa oo jabaq yaraa!

Allow meesha ma dad baa jooga mise way madhan tahay?. Waa bini’aadam iyo xaalkiise waxa lays weydiiyey maxaa xigaya tolow? indhihii baa aad loogu fiiqay miiskii ay cullimada iyo odayaashu fadhiyeen. Indhihii dadweynaha ayaa sidii iyagoo kubad daawanaya marba dhinac u halalacleeya! Qof waliba horuu u soo hinqaday oo ka soo toosay kursigii uu ku tiirsanaa iyadoo aad moodayso in laabaha qarsooni leeyihiin: “ Haye sheekhow wax dheh! Hadal! Bogaadi! Dhiirigeli! Yaa Salaam dheh! Allahu Akbar dheh! Hala taageero dheh! Guul dheh! Waar wuxuun dheh!

Isla sheekeysi iyo ilqoodha oo layska eego ayaa bilaabatay. Iyadoo in badani ay ku wareersan yihiin sida wax u dhacayaan ayaa waxaa xagii codbaahiyaha u soo hinqaday Xaaji Muuse si uu xilka isaga rido. Isagoo u mahadcelinaya sharfayana Aabaha wanaagsan ee sida geesinimada leh uga iftiimay kulankaa ayaa wuxuu yidhi: “Aad baad u mahsan tahay Sh. Cabdirahmaan Sh. Ismaaciil, waanan aqbalnay gabdhihii aad na siisay, Soomaaliyeey inana waxaa layna ka fadhiyaa Sooriyadii iyo dhisidii reerahaa cusub”!


C/Raxmaan Ceynte  oo qoraal dheer ka qoray kulankii Soomaalida W/A: Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon: Warbixintii Ceynte 30/12

Shirkii baa iska sii socday oo Macallin Siciid Saalax kaga yara hadlay sida looga gudbi karo yasida iyo takoorida iyadoo wax la barto waayo buu yidhi jaahilnimada ayaa inoogu wacan inaanu dadkayaga ku magacawno Nasab Dhiman. Gunaanadkii shirka ayaa haddana dadku aad u sugayeen in ay culimada iyo odayaashu wuxuun ka yiraahdaan fursadii ugu qaalisnayd ee Soomaalida u noqon lahay tusaale iyo ku dayasho ee ka dhacday Minneapolis. Waxaase gunaanadkii uu noqday mid u badan baraarujin, iskaashi, Alla ka baqid iyo Shiikh Ibraahim oo ah sheekha Seattle oo ku daray in la sameeyo hay’ad la dagaalanta midab kala sooca iyo takoorka.

Waxaa xusid mudan in su’aalihii dadweynaha oo aad u badnaa ayaa lagu soo daray sababta ay culumadu ugu noqon waayeen tusaale fiican oo ay iyagu u bilaabi waayeen guursiga dadka la yaso. Waxaa uu shiikh Maxamed Idiris oo ah sheekha Ohio ku soo koobay in ay dhacdadani soo jireen tahay oo aysan si dhow ku tirtirmi karin laakiin ay Illaahay ka rajeynayaan in ay tirtiranto! Wayna tirtirmi doontaa goor ay ahaataba!

Hadaba gabagabadii shirka ayaa Baaq ay shirka ka soo saareen Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika waxa uu ahaa qodobkiisa shanaad sidatan:

5. wuxuu shirku ugu baaqaayaa ummada Soomaaliyeed inay joojiyaan dadka walaala hood ah ee ay guur iyo hayb soocayaan.

Waxaan filayaa waxaa ku dayasho noogu filan Suubanaheenii(csw) isaguna sida ay culimo badani nagu wacdiyeen ficil ayuu ku tirtiray qabyaalada si ay asxaabtiisu ugu daydaan hadday ahaan lahayd ficil iyo hadalba. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in Walaalkeen Sh. C/Rahmaan sh. Ismaaciil "Turabi" uu u barakeeyo, niyadiisa wanaagsana Eebe u qaado, Suubanahana Eebe la rafiiqiyo(Aamiin).

»Sawiradii laga qaaday ee Kulankii ka Daawo Halkan....

C/Rahman Eelaay ( eediran@yahoo.com )

Faafin SomaliTalk.com | December 31,  2003 

Kulankii 3aad ee Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon: Warbixintii Ceynte
30/12

Baaq Kasoo Baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka kooban 9 qodob kaas oo... Guji  [Dec 29]

Kulan diineedkii 3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday... Guji [Dec 29]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]