|
XAALADA MAGAALADA MUQDISHO
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji
Daahir
Feb 6, 2003
Marka aan ka hadaleyno xaaladda magaalada
muqdisho waa Arin caadi ah in aan sheegno iska hor imaad dhacay mid la
xalliyay iyo waliba meel laisku hor fadhiyo
marka hadaan ka hadalno bishaan
dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ka dhacay waxaa ka mid ahaa
Xaaji muuse suudi yalaxoow oo kusoo laabtay
magaalada muqdisho kadib markii uu muddo ku maqnaa shirweynaha dib u
heshiisiinta soomaaliyeed ee ka socda magaalada Eldoreed ayadoo markii hore
la moodayay in uu wado qorshe muuqda ama cad oo kusaabsan dib u heshiisiinta
beelaha muqdisho markii uu magaalada soo galayna kala kulmay soo dhaweyn
layaableh oo dadka qaar eey ku tilaameen iney lamid aheyd tii uu c/qaasin
kala kulmay dadweynaha reer muqdisho markuu kasoo laabtay magaalada Carta
Isaga laf ahaantiisna wuxuu cadeeyay in uu
la kulmay wax uusan filaneyn waxaana hadaladiisii kamid ahaa markuu soodagay
(waxaa kala fog waxaan aaminsanaa iyo waxa
eey dadkeyga ila doonayaan) isla markiina waxaa uu bilaabay inuu shirar
gooni gooni ah la yeesho dadbadan oo ka mid ah hogaamiyaya yaasha magaalada
muqdisho oo ey kamid ahaayeen xitaa waziirro ka tirsan DKG ah hase ahaatee
markii danbe waxaa uu xaajigu sheegay in uu mowqifkiisu yahay in lahelo dib
u heshiisiin dhexmarta beelaha USC oo dhan cid kasta oo wadata magacaas ama
ugu imaaneysa magacaas isla markaana dib u heshiisiin diyaar u ahna uu
diyaar la yahay inuu la hadlo waxna la qabto asagoo beeniyay warar soo baxay
maalmihii hore oo sheegayay in la wado in laisu keeno asaga iyo madaxweynaha
DKG ah Dr:c/qaasim salad xasan asagoo sheegay in hadii D:c/qaasin uu wato
macaga dadka USC uu la kulmaayo inta uu watose magac madaxweyna nimada uusan
la kulmeynin taasoo gaabisay rajo laga qabay in la helo heshiis dhex mara
hogaamiya yaasha muqdisho oo keena in la furo garoonka iyo dakadda muqdisho.
Sidookale waxaa iyada dhacday in
Xal laga gaaray iska hor imaadkii u
dhaxeeyay beelihii ku dagaalamay deegaanka Barmuuda taasoo ku timid dadaal
ey sameeyeen wax garadka dhalin yarada iyo haweenka labada beelood oo waliba
ey ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan DKG aha oo uu ku jiray dadkii waday
dadaalka dib u heshiisiinta wasiirka arimaha gudaha ee DKG Daahir dayax
Dadaal kaas oo lagusoo gaba gabeeyay banana
bax eey sameeyeen dadka deegaan kaas oo ka dhacay deegaanka barmuuda
Sidoo kale waxaa muqdisho ku cusbaa bishaan
dhacdo layaableh oo aheyd in la qabsaday oo gacanta lagu dhigay idaacadda
(horn Afrik) oo galab un hawada ka baxday ayadoo uu socdo warkii caalamka
idaacadaas hase ahaatee waxaa isla markiiba la galay wada xaajood looga
hadlaayay arinta idaacadda la heysto ayadoo isla markiiba lgu guuleystay in
idaacada xayiraada laga qaado isla markaana uu cudur daartay nin kii lahaa
maleeshiyooyinkii weerarka geystay.
Dhanka kale waxaa iyadana bilowday canshuur
ururin eey DKG ah ka bilowday suuqa weyn ee bakaaraha ayadoo arintaan ey ka
qeyb qadanayaan ciidamada booliska iyo waliba kuwa milatariga oo suuqa u
kala qeybsaday laba qeybood isla markaana ka ururinayo canshuur ayagoo ka
hor mariyay ururinta canshuuraha in eey sugaan nabad galyada suuqa oo eey
fariisimo ka sameysteen qeybo kamid ah suuqa in kastoo maalintii ugu
horeysay ey iska cabin kala kulmeen maleeshiyo fariisin ku leh isgoyska
bakaaraha ee jidka wadnaha hadana waa eey sii wateen howlahoodii ayagoo ka
qaada ganacsatada canshuuro uu qiimahooda kala duwan yahay una kala qaada
qaabab ama heerar kala duwan oo ganacsatada qaarna ka qaadaayo bishiiba mar
qaarna maalin walba sida uu sheegay wasiirka lacagta ee DKG ah M/Cumar
xaashi aadan lacagta lasoo ururiyo ayaan iyadu ku shubmeynin ama aan lagu
shubeynin santuuqa dowlada ee waxaa eey noqon doontaa sahayda ciidamada
shaqada wado ayuu yiri wasiirku ilaa haddana waxaa eey howshoodu u socoto si
caadi ah in kastoo eey ganacsataduna ka muujiyeen aragtiyo kala duwan oo
qaar eey leeyihiin waanu siineynaa lacagta si kasta oo uu xaalku yahayba
halka qaar kalena eey leeyihiin soomaalidu waxey tiraahdaa (nimaan kuu furi
doonin yuusan kuu rarin) ee nimankaan waxaan ka cabsi qabnaa ineey
maleeshiyooyinkaa nagiina naga kaxeeyaan meel cidla ahna ey nooga tagaan oo
eeysan howsha noo sii wadin sidii marar horaba eey sameeyeen hase ahaatee
wasiirka lacagta ee DKG ah
M/cumar xaashi ayaa sheegay ineysan dhici
doonin taas eeyna wadi doonaan howshooda si rasmi ahna eey gacanta ugu dhigi
doonaan.
Waxaa iyadana xusid mudan in ey dhibaato
soo food saartay ganacsiga dakadda ceel macaan markii la kala dhacay baabuur
dhowr ah oo eey kala dhaceen laba qabiilo oo iyaga isla daga magaalada
muqdisho taasoo keentay xayiraad ku timaada baabuurtii kasoo daad gureyn
jirtay dakadda ceel macaan raashiinka hase ahaatee ganacsatada suuqa weyn ee
bakaaraha ayaa ku guuleystay in la isu celiyo gawaaridii la kaladhacay isla
markaana uu caadi kusoo noqdo dhaq dhaqaaqii ganacsi ee dakadda ceel macaan.
Dhanka kale waxaa iska sii socda gumaadkii
loo geysanaayay dadweynaha soomaaliyeed ee masaakiinta ah ayadoo maalintii
27/1/2003 eey dhacday dhacdo aad iyo aad u foolxun taasoo ka dhacday xaafada
JUNGAL ee dagmada YAAQSHIID dhacdadaas oo arga gax galisay dadka dagan
deegaankaas iyo guud ahaan reer muqdishaba dhacdadaas ayaa aheyd in uu
madfac lagasoo riday sida la sheegay qoriga baasuukaha loo yaqaanno uu ku
dhacay guri jiingad ah oo eey daganaayeen qoys masaakiin ah kaasoo sababay
inuu dhinto wiil yar oo 10-sano jir ah eyna ku dhawac maan 3-qof oo kale oo
katirsanaa qoyska oo eey ka mid tahay hooyadii qoyska ayadoo uu bur buray
gurigiina siduu u dhamaaba gurigana sida la sheegaayo eey ugu jireen ijaar
gurigana eey laheyd islaan aana heysanin wax hanti iyo dad midna ah oo aan
ka aheyn gurigaas ka bur buray iyaduse eysan waxba gaarin ee waxa wax
gaareen ey yihiin qoyskii ijaarka ooga daganaa.
Arintaan ayaa waxaa eey walaac iyo wal wal
ka dhex abuurtay dadka dagan deegaankaas waayo waxaa dhibaatada sii
kordhiyay ayadoo aan la ogeyn meesha uu ka yimid madfacu iyo waliba cidda
soo ridday midna waana adiga unbaa dhibku ku gaaray cid ku ogna maleh.
Hase ahaatee arintaan waxaa eey keentay in
eey iskdhex galaan dadkii xaafadda kadibna eey sameeyeen gudiyo wax la qabto
qoyska eey wax gaareen gudiyadaas oo rag iyo dumarba leh waxaa eey bilaabeen
is eey xaafadda dhex maraan isla markaana eey iska soo ururiyaan waxoogaa
lacago ah ayadoo qof walab uu bixinaayo wuxuu awoodo arintaan ayaa ah mid
aan horay looga aqoonin magaalada muqdisho laakiin eey keentay ama eey dadka
reer muqdisho bartay dhacdadii 24/10/2002 ee lagu Xasuuqay ilmo iskooleey ah
isgoyska Cali kamiin ee magaalada muqdisho tasoo keentay in eey dadka reer
muqdisho sameeyaan gurmad aad iyo aad u lixaad leh oo waliba keentay in
iyaga kaliya eey ku filaadaan daaweynta ilmahii wax noqday.
Marka waxaad moodaa in dadka reer muqdisho
ey usoo laabatay ruuxdii iskaashi ee bulashada ka dhaxeyn jirtay
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir
MUQDISHO
SOOMAALIYA
abuukarsom@hotmail.com
[wararka kale
|