SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - PUNTLAND
XAGGEE XAAKA PUNTLAND MARAYAA?

Wargal Jooga Puntland | SomaliTalk.com | Jan 3, 03 

Korneel C/laahi Yuusuf ayaa gaaray magaalada Garoowe oo xarun u ah Puntland ka dib markii uu soo booqday tuulooyinkii iyo dhulkii ciidamadiisu ay ka qabteen kuwii taageer sanaa Jaamac Cali Jaamac. Korneelka ayaa markiiba booqday cisbitaal ku yaalla magaalada Garoowe oo lagu dawaynayo ciidamadiisii ku soo dhaawacmay dagaalkii Dhuudo, dhaawaca ayaa tiradoodu dhan tahay 55 nin oo 8 ka mid ah ay yihiin ciidamadii daacadda u ahaa Jaamac Cali Jaamac. Waxaa jira dhaawac kale oo ka tirsan ciidamada korneelka oo la geeyey magaalada Boosaaso, taasi oo tirada dhaawaca la og yahay ka dhigaysa 60 nin. Caddadka dhaawaca oo aad u fara badan ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay hadal uu horay u yiri taliyaha daraawiishta Col. Caray oo tirada dhaawaca 2da dhinacba ku qiyaasay soddomeeyo qof.

Korneelka oo wax laga waydiiyey sida uu u arko xaaladdii dagaalkii Dhuudo waxaa uu yiri "waxaan u arkaa in dagaalkii ka jirey Puntland uu haatan dhammaaday" Mar wax laga waydiiyey sababta dagaalka ku khasabta ayaa waxaa uu yiri "waan waan dheer ka dib waa ay suurto gali wayday in ciidamadii meeshaas ku urur sanaa la kala diro, ka dibna waa ay soo ruqaansadeen, annaguna dagaal ayaan kaga hor tagnay, waana ka adkaanay". Korneel C/laahi ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee taariikhdu ay tahay 04/01/2003 uu magaalada Garoowe ka furo kal-fadhigii rasmiga ahaa ee baarlamaanka Puntland oo shantii casho ee la soo dhaafayba u baaqday maqnaan-shaha korneelka iyo kuxigeenkiisa Cabdi Xaashi. (warka qaybtiisa kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Saraakiisha korneelka ayaa ku faafiyey magaalooyinka waawayn ee Puntland in ay gacanta ku soo dhigeen labadii ugu muhiimsanaa tignikadii ka fakatay dagaalkii Dhuudo ee uu lahaa Jaamac Cali Jaamac.

OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI.... 

Shalay oo taariihdu ahayd 2/1/03 ayaa si rasmi ah loo soo daabacay liiska maxaabiista ku sugan xabsiga magaalada Garoowe ee uu korneelku kaga qabsaday ciidamadii daacadda u ahaa Jaamac Cali Jaamac ee uu hoggaaminayey Gen. Cadde. Tirada maxaabiista ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay 63 nin, haseyeeshee waxaa la soo daabacay 55 nin oo kali ah. Liiska la soo daabacay ayaa lambarka 2aad iyo kan 3aad waxaa kaga jira 2 nin oo caan ah oo lagu kala magacaabo Axmed Faarax Deeq (moorif) oo darajada G/le dhexe ka gaaray ciidamadii qaranka Soomaaliyeed in badanna dibadaha ku noolaa, iyo Cabdi Ciise Maxamuud (Muluc) oo isaguna wata darahada Gaashaanle. Waxaa kale oo liiskaasi ku jira hal kabtan iyo shan sarkaal xigeen. Siddeedda qof ee ka maqan 63da maxbuus ee uu sheegay taliyaha xabsiga Garoowe lama garanayo sababta loo soo daabici waayey.

Ilo wargal ah oo jooga Puntland ayaa soo gaarsiiyey:

Somalitalk, Puntland 

2003-01-03

Baaq xabad joojin JAALIYADAHA DIBADA EE DAAROODKA WAQOOYI

SPR oo Warsaxaafadeed Kasoo saartay PL
"PUNTLAND: Colaad cusub iyo dilal siyaasadeed" Sidaas waxaa ku bilaabmay Warsaxaafadeed SomaliTalk kasoo gaarey SPR.... GUJI.. 2/1/3

Warbixin: Xaaladda Puntland
»» C/Laahi Yuusuf oo la hadlay Odayaasha Dhuudo
»» 20 Qof oo kudhintay dagaalkii dhuudo & 30 dhaawac ah
»» Gen. Cadde Muuse & kuxigeenkiisa oo kusugan Somaliland
 Dhamaan ka akhri halkan ... GUJI... 1/1/3

Waraka Dagaaladii Dhuudo
»»BAAQ XABAD JOOJIN Kuwajana PL oo kasoo baxay (PPP)..  GUJI.. 
»»Warar SomaliTalk kasoo gaarey ilo wargal ah oo jooga PL..  GUJI.. 
»»Warsaxaafadeed ka soo baxay DG/Puntland.. GUJI... 31/12

I  I  D  H  E  H

 SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD