VALENTINE MUXUU YAHAY?!
WQ: A.Y.M.S
Feb 14, 2003
Waxaad moodaa haddii aan aqoon lahayn
cidaha dunida ka jira dhammaan inaan wax ka xusi lahayn, HAPPY NEW YEAR in
badan oo naga mid ah baa u dabbaal degta, ama xataa mararka qaarkood u
dabbaal dega CHRISTMAS-KA, waxaa kaloo guryo badan laga sameeyaa xuska
dhalashada (HPPY BIRTHDAYama HAPPY NEW YEAR,) waxaana loo qaadan karaa inay
kuwo badan oo naga mid ah u dabbaal degi lahaayeen haday aqoon lahaayeen
sanadka cusub ee Itoobiya, ama SHiinaha, ama Diwaaliga Hindida,... marka
runtii la yaab weyn ima gelin markaan arkay dhalin yaro badan oo gadanaya
Valentine-card ama waraaqaha lagu qoro dhambbaallada Ventine-ka, hadaba
xaqiiqo ahaan maxuu yahay Valentine?
Valentine-ka ayaa sanad kasta ku beegan
14ka bisha February, waxaana dad badan oo dunida ku nool oo dhaqan ahaan
aaminsan Valentine-ka ay taariikhdaas u isticmaalaan maalin laysu diro
Farriimo Kal-gacayl siiba dadka is-qaba, kuwa isu doonan, ama uu u hor
leeyahay xiriir Kal-gacal, sidaasoo kale Caa'illada iyo dadka asxaabta
ah.... aalaaba dhambbaalada ay isu diraan dadka aaminsan valentine-ka ah
ayaa xambaarsan weedho ama sawiro muujinaya Kal-gacayl, haddaba dhaqankan
ayaa sida kuwa aan kor ku soo sheegnay isna wuxuu ku salaysanyahay Diin ama
caado khuraafaad ah.
Sida dabeecadda binaadanka tahay waxaa
ummad walba laga dhex heli karaa dhaqamo ka soo jeeda caadooyin hore oo ay
dhaxleen ama ka soo gaaray dadyow kale, dhaqammadaas oo xummaan kara ama
wanaagsanaan kara ayaa haddi ay taabbo galaan oo ay mujtamaca dhexdiisa ka
dhaqan galaan ay adagtahay in la joojiyocxataa haddii ay xunyihiin, sida
muuqatana dhalintaas iyo dad kale oo faro badan baan aqoon u lahayn ama aan
haba yaraatee fikrad ka haysan dhaqammada ama ciidaha noocaan ee galbeedka
inooga yimaada waxa ay ku salaysanyihiin.
Valentine-ka ayaa sida xaflado badan oo
galbeedka inooga yimid oo ay dadkeena caadeysteen wuxuu isna ka soo jeedaa
caadooyin xagga diinta ah iyo sheekooyin khuraafaad ah (Mythology)waxaase la
qiyaasayaa inayka soo jeeddo seddex caado oo qadiim ah midkood:
Waa miidda horee ragga taariikhda ku
takhasusay qayb ka mid ah ayaa qaba inay ciiddaan ku timid labo wadaad oo
diinta Chritian-ka (masiixiga) daraadeed loo dilay waayadii ay bilaabanayeen
samaysanka Kaniisadaha, waxaana sida ay qorayso taariikhdii Roman-kii, gaar
ahaan keydka diwaanka dadka loo dilay diinta masiixiga daraadeed in dilka
labadaas wadaad uu ku aaddanaa 14ka bisha February, sidaas daraadeed ayeey
maalintaas dadka masiixiga ah xusaan oo weyneeyaan, ayadoo qaababka lagu
kala duwanyahay.ka
Midda kale dadka taariikhda ku xeel dheer
qaarkood ayaa magacaan la xiriiriya inuu ka soo jeedo ciid ay Roman-kii u
dabbaal degi jireen oo la oran jiray Lupercalia oo muhiim u ahayd diintii
Roman-kii hore, sida la sheegayna ciiddaas waxaa loo dabbaal degi jiray 14ka
ama 15ka bisha February, waxaana la sheegay in wadaaddada damaashaadka
ciiddaas hor kacaya ay gowraci jireen Eey iyo dhowr neef oo ari ah, wuxuuna
damaashaadka ciiddaas ka dhici jiray god ku yaala buurta Blatine ee ku taala
meesha la yiraahdo Lupercalia, markaasoo ay wadaaddada damaashaadka hor
kacaya haragga ariga ka samayn jireen Jeedal ama Karbbaash, marka jeedalkaas
ayaa loo dhiibi jiray labonin oo dhalin yaro ah, kuwaasoo jeedalka kula
wareegi jiray buurta kuna garaaci jiray haweenka, waxayna rumaysnaayeen in
haweeneyda lagu dhufto jeedalkaas ay yeelanayso bac rin wanaagsan, isla
markaasna ay ilmo badan dhalayso.
Aragti 3aad ayaa ayadana sheegaysa in
Valentine day ay ka soo jeeddo fikrad gabowday oo ay qabaan dadka Ingiriiska
ah, taasoo ahayd inay rumaysnaayeen in shimbiraha ay nolol wadaagooda
xushaan maalinta 14ka bisha Febrauary, sida badan fikirkan ayaad moodaa in
haweenka weyneeya ciiddan ay qaateen oo maalinkaan 14ka Febrauary ayeey
haween badan waraaqo ay munaasabaddan la beegsadeen u qoraan nimanka ay
rabaan inay nolosha qaybsadaan....
DHanka kale, wadamada qaarkood ayaa
maalinkan ay tahay maalin rasmi ahaan looga ciido oo shaqada laga nasto,
wadamadaas ayaa badankood ciidda Valentine-ka loo tix geliyaa inay tahay
ciid diineed oo weyn, waxaana iska cad in dadka ciiddan u dabbaal dega ay
dhammaan yihiin dadka haysta diinta masiixiga oo iyagu ujeedooyin diin ku
salaysan ay ka dambayso damaashaadka ay maalinkaas sameeyaan, iyo dad aan
wax diin ah aaminsanayn... laakiin nal aan ku weydiiyee, adiga Mulimka ah,
Somaaliga ah maxaad ciiddaan ugu damaashaadaysaa?!..... sow taas ma aha meel
ka dhac aad ku samaynayso diintaadii iyo dhaqankaagii wanaagsanaa, sow ma
aha inaad luminayso dhaxalkiiaad ilmahaaga iyo facaha soo socda aad uga tegi
lahayd diin ahaan iyo dhaqan ahaanba mustaqbalka.... Valentine waa midkaas
ee haddii aad u damaashaadayso maxaad qalaysaa?!!
WQ: A.Y.M.S
END
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
[Qoraallo kale
|