SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -BOSASO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 10, 2004

Golaha Wasiirada DGPL oo Ka hadlay Abaaraha iyo Wasiiro jagadii Laga Fariisiyey

Waxaa maanta shirkii Golaha wasiirada DGPL ee ahaa kii baaqday Khamiistii looga hadlay sidii wax looga Qaban lahaa Abaaraha soo Foodsaaray Degaanada Puntland kasoo in badan ay hadal hayeen Xukuumada ayna u direen Gudi ka kooban Golaha Wasiirada in ay soo Qiimeyaan lakiin ay Xukuumdu wali wax u Qaban Dadkaa Abaaruhu wax yeeleeyeen oo kusoo ururaya Magaalooyinka DGPL ay ka koobantahay si ay wax uga helaan Eheladooda.

Dadkaa ay abaaraha wax yeeleeyeen ayaa waxaa ka mida kuwo Xoolahii ay ka dhamaaden oo doonaya in ay helaan Dhaqaale ay ku iibsadaan Xoolo kadibna ay ku Noqdaan dagaanadoodii kuwasoo hada Laga Sheegay Roobabkii Guga.

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ayaa iyadana looga hadlay waxqabadka Wasiirada oo aay wasiirada qaar tilmaameen in ay ka xunyihiin in ay wax qiimeeyn ah ka helin Madaxweynaha intii uu ku soo Noqday Dalka warbixina uusan siin ku saabsan safarkiisii uu ugu maqnaa Shirka Madasha Nabadeynta Soomaalaiyeed ee kenya.

Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka soo baxday in laga fariisiyay Shaqadii Wasiirka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Dekaha DGPL Shaahdoon Cali Yare, Bile Maxamuud Qabowsade iyo Wasiirka Caafidaadka DGPL Saciid Caduur kadib markii ay ka soo Qayb gali waayeen Kalfadhigii maanta ee Golaha wasiirada lana amray in ay Shaqada sii wadaan Agaasimayaasha wasaaradahaas.

Kalfadhigii maanta ayaa ku soo gaba gaboobay amar ka soo baxay Madaxweyne Kuxuxigeenka oo Gudoominaayay Kalfadhigaas oo ah in ay Wasiirada ka bixi Doonin Xarunta DGPL ee Garoowe si Dardar loo galiyo hawlaha u yaala Golaha Xukuumada, Ayadoon la Faafin meesha ay ku dambaysay Xil kordhintii ay iskaga Horyimaadeen Qoraaladii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka lana filaayay in ay ku Dhawaaqdo Maxkamada sare oo ah hay,ada ilaalinta Sharciga DGPL.

<><><>

Cadde Muuse oo isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka DGPL

Gen: Cade Muuse waxaa uu isugu yeeray saraakiisha Sarsare ee Ciidamada DGPL inta ku sugan Magaalada Bosaso in ay isugu yimaadaan Xarunta Dawlada Hoose kulankaas oo aan saxaafada loo ogolayn ayaa waxaa ilo ku dhowdhow ay sheegeen in looga hadlaayey Nabadgalyada Magaalada Boosaaso oo maalmahaan Dambe yara xumaanaysay taas oo ka Dhalatay is Qabqabsiga Maamulka Gobolka iyo Degmada, shirkaas ayaa waxaa ka dhex muuqday Taliyiihii Hore ee Ciidanka Booliska Col: Cabdulaahi saciid samater, kulankaas ayaa lagu balamay in la turxaan bixiyo sidii aan dhib uga Dhalan lahayn Qilaafka labada dhan.

C/fataax Jaamac 
somalitalkpl@yahoo.com
  

Faafin: SomaliTalk.com April 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD