SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 13, 2004

Ra'isul Wasaaraha DKMG-ka ah Maxamed Cabdi Yuusuf "SRRC-da ayaa Diidan nabada soomaaliya,mar walboo xal la gaarana diida iyagoo ka shidaal qaadanaayo"

Ra'isul wasaaraha Dowlada KMG-ka Mudane:Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa isagu maanta waxa uu iigu waramaayay Hotelka 680-ti ee Magaalada Nairobi,waxa uuna rajo xumo ka muujiyay qaabka uu shirka nabadeenta soomaalida u socdo wadanka kenya,waxa uuna sheegay in uu shirka gabi ahaanba qaldan yahay taasna ay mas'uul ka yihiin guddiga fududeenta IGAD u qaabilsan shirka iyo waliba beesha Caalamka oo iyagu mar walba sheega in ay doonayaan xalka somaliyeed,laakiin aysan arintaasi daacad ka eheen ,waxa uuna ra'isul wasaaraha sheegay in dhibaatda ugu weyn ee shirka hakadka galisay ay tahay Golaha SRRC-da oo iyagu mar walboo shirka meel wanaagsan galo ka hor yimaad,iyagoo shidaal qaadanaayo Dowlada Tikreeda.

Waxa uuna kaloo Ra'isul wasaaraha maanta sheegay in Dowlada KMG-ka uu madaxweynaha ka yahay Dr:Cabdi khaasim Salaad Xasan, ay diyaar u tahay in ay iyagu mar walba ka qeyb qaato dadaal walba oo xalka soomaaliyeed lagu doonaayo ama ay ku jirto,waxa uuna kaloo ku nuux nuuxsaday in ay danta umada soomaliyeed ay wax walba ugu horeeyso,sidaas daraadeena ay DKGM-ka ay meel walba u gali doonaan,dhanka kalena aysan marnaba aysan oglaanaynin doonin in uu shirka gacanta ku galo Dowlada Cadawga ku ah Jiritaanka qaranka Sooomaaliyeed.

Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa waxa uu kaloo maanta eedeyn weyn u jeediyay Ergada somaliyeed ee ka qeyb galaaayo Shirka geedi socodka nabada ee somaliyeed ee muda halka sano iyo sedeeda bilood socda wadanka kenya , waxa uuna ergada eedeenta ugu jeediyay iyagoo aan marnaba waxa ay rabaan ku soo bandhigin banaanbaxyo ama shir jaraa'id ay qabtaan,Taasna ay keentay in ay shirka rag meel ku xertaan,ragaasoo aan marnaba danta Shacabka soomaaliyeed ka fikiraynin,iyagoo xitaa aan garanaynin dantooda meesha ay ku jirto,laakiin loo hogaamiyo Danta itoobiya meesha ay ku jirto.

Ra'isul waraasaraha sidoo kale carabka ku dhuftay in ay dowlada itoobiya faro galin shisheeye ay ku heyso Somaliya,waxa uuna sheegay in ay Dowlada Itoobiya arintaas ka waan towdo, Itoobiyana mar walba ayay isku daydo in ay shirka Nabadeenta Soomaalida ay bur-buriso, waxa uuna kaloo yiri" waxa nasiib xumo ah rag masuuliyiin somaliyeed lagu tilmaamaayo oo dad iyaga ka liito inta ay jowhar iskugu geeyeen,hadana ay leeyihiin Diida nadaba Dadkiina iyo Dadkiinaba.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi,Kenya 
nasrudiin5@hotmail.com
  

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004

Sidee lagu hanan Karaa Qaran Soomaaliyeed
Xaflad arintaas looga hadlayey ayaa lagu qabtay nairobi taas oo.
Guji...

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji 13/4/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD