SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 4, 2004

MAXAA SABABA MADHALEYSNIMADA!?

Maadaama dad badan oo dacallada Adduunka ku sugan ay aad uga cabanayaan Ilmo la’aan la soo darista guurkooda kaddib, inta badanna Dowladaha adduunku ay si weyn isugu shuqliyeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrintaan. Iyadoo dowladaha qaarna ay u sameeyeen dadkaas baaraarujin caafimaad oo xoog leh, ayaa waxaan maqaal-keennaan ku soo qaadanaynaa waxyaabaha sida weyn u sababa Madhalenimada, innnagoo mid mid u kala qaadi doonaa Ragga iyo Dumar iyo waxyaabaha sababta u ah dhalmol’aantooda.

Qaybtii 1-aad

Iyadoo la og’yahay in RABBI uu qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in dhalmo la’aanta ay tahay hibo uu isagu bixiyo, uuna si gaar ah u sheegay RABBI in ruuxii uu doono uu siinayo wiilal oo qura, ruuxii uu doonana uu siinayo gabdho qura, kii uu doonana uu isugu dhafayo Wiilal iyo Gabdho ayaa haddana waxaa xusid mudan inay jiraan waxyaabo badan oo sababi kara dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska qaar.

Madhalenimo waxaa loo yaqaan marka labo ruux oo is guursada aysan helin wax carruur ah in muddo ah ama abidkood, iyadoo aan og-nahay in labada qof ee isguursada sida caadiga ah ay ilmo ku helaan 17-ka bilood ee ugu horreysa guurkooda Waa haddii uu RABBI doonee.

Professor; ku taqasusay Caafimaadka Qoysaska sameeyayna daraasad Caafimaad ayaa ku caddeeyay daraasaddiisa in 22% dadka isguursaday ay uurka ugu horreeya ku helaan sannadka ugu horeeya ee guurkooda, sidoo kale 29% dadka isguursada ay iyagana ku helaan uurka ugu horreeya laba sano, halka 20% ay ku helaan uurka ugu horreeya muddo saddex sano ah, halka 29%-bana lagu tilmaamo inay yihiin Madhalayaal.

Madhalenimo; waxaa loo yaqaan ilmola’aan ku habsata qoysas muddo dheer wada joogay ama guurka aan ku kala tagin in muddo ah, in ruuxu uu dhalo marka uu guurka cusub yahay hal cunug dabadeena ay ka istaagto dhashii iyo sidoo kale in ruuxu uu goor dambe oo horay loo batay uu helo hal cunug.

Madhalenimada waxaa sababa waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin: Dadka isguursanaya oo aan si dhab ah u aqoon qaabka la isugu galmoodo, mid ka mid ah labada ruux oo aan si wanaagsan u qaabilin ruuxa kale marka lagu jiro gogosha ama xaaladda isku taggu ay socoto, ninka oo aan si wanaagsan isaga saarin midanada, haweeneyda oo iska kacda marka ay dhamaato galmada, iyo iyadoo intaa ay raacsan tahay in ay sababaan dhalmo la’aanta cuddurro inta badan ku dhaca ilmo galeenka ama minada ragga oo aan wax noole ah lahayn ama aanay ku jirin. Inta badan waxaan maqalnaa hebel iyo heblaayo ayaa muddo dheer ku jiray baaris caafimaad si ay u ogaadaan waxa sababay dhalmo la’aantooda, markii ay kala tagaan oo mid walbaahi goonidiisa u guursadana uu ILLAAHAY labadoodiiba ku arsuqay Awlaad, tan oo kale looma nisbayn karo Madhalenimo balse waxaa loo nisbeeyaa in labada ruux dheecaannadoodu ay yihiin kuwo aan falgal sameyn karin xagga xajmiga iyo tababrta marka laga eego.

Waxaa la yiraahdaa guurka dhex mara labada ruux ee kala jinsiga ah sida: Japanese-ka iyo American-ka, Eskimos-ka iyo Arabian-ka, Indianan-ka iyo British-ka iyo wixi la halmaala inay sababaan dhalmo la’aan soo wajahdo qoysaskooda, iyadoo warbixintaani ay sheegtay in caafimaadka labada ruux ee ka jinsiga ah ay sababi karto dhalmo la’aantaas, loomana hayo arrintaan daliil intaas dhaafsiisan.

Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqaa in dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska ay mas’uuliyaddooda inta badan leeyihiin haweenka, balse arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay rag iyo dumar in Raggu ay yihiin kuwa inta badan ay xaggooda ka timaato dhalmo la’aanta la soo darista qoysaska isku cusub iyadoo la sheegay in 40% illaa 45% ay raggu garwadeen u yihiin dhalmo la’aanta qoysaska.

Waxaa la og-yahay in qoysas badan oo aan ku kala faaruqin guurkooda uu RABBI siiyay carruur muddo ka badan 15-sano illaa 20-sano iyagoo jooga xaalad quusasho ah, waxaana taas lagu micneeyaa inay kaalin weyn ku leedahay madhalenimada, iyadoo loo soo daliishanayo inta sano ee ay isla joogeen labadaas ruux iyagoo aan wax carruur ah isku dhalin.

Dhanka kale; xaaladdaha dhalmo la’aaneed waxay ku keenaan qoysas fara badan oo dunida ku dhaqan inay ka quustaan ilmo inay helaan, iyadoo mararka qaarna keenta in labada ruux ee sida wanaagga ah isku soo guursaday ay ku kala tagaan ilmo la’aan awgeed, taasoo laga yaabo inay sababaan waxyaabihii aan kor ku soo sheegnay oo ay ugu weyn tahay aqoon darrida xagga galmada.

Qaybtii 2-aad

Ninka ragga ah haddii laga helo saddex arrimood waxaa suuro-gal ah in uu ilmo dhalo ama ka badbaado Madhaleysnimada, saddexdaas arrimoodna waxaan u soo qaadanaynaa mid mid waana kuwan:

.In laga helo tiro badan oo noolayaal ah Minadiisa, waana inuu sida caadada ah ninku ku dabooli karo midno in ku dhow 3-5 Cm oo ka mid ah dhuumaha qaada minada ama Shawada ee gudaha haweeneyda, waana in laga helaa midanadaas tiro noolayaal ah oo dhan 300-500-Miyal, iyadoo la doonayo in laga helo 1-Cm oo ka mid ah dhuuntaas in ku dhow 15-20-Malyuun oo noole, inta badan minada wadata noolayaasha aan ku soo sheegnay kor waxay ku noolaan karaan goobta ay ku jiraan muddo hdan 3-5-saacadood oo xiriir ah, halka 50% ay ku noolaan karaan muddo 24-saac gudahood ah, iyadoo qaddar lagu sheegay 20% oo ah mino aan wadan noolayaal ay iska dhex-jiifi karaan riximka muddo dheer.

. Waa in ninku yahay mid aanay minadu kaga daadan dibadda Xubinta taranka ee Haweeneyda ama inta aanu u galmoon haweeneydiisa ay ka quban shahwadii, taasina waa si aanay dibadda ugu daadan noolayaasha ugu horreeya oo ah kuwa ugu muhisan minada oo iyagu marka horba soo booda.

.Waa in ninku yahay mid awood u leh in minadiisa (Shahwada) uu si dhameystiran ugu shubaa ama uu u gaarsiiyaa gudaha Farjiga haweeneydiisa, waan tan midda sida weyn loogu boorriyo ragga caafimaad ahaanta ugu taga dhaqaatiirta xubnaha taratanka iyo dhalmada ku taqasusay.

Haddaba, waxaa is weydiin mudan maxaa sababa dhalmo la’aanta Ragga!?.

Firfircooni daro la soo gudboonaata noolayaasha ku jira minada ragga ayaa ugu horreynba loo aanayn karaa dhalmo la’aan la soo gudboonaata ragga, waayo sida qaalibka ah awodda mino ee ragga waxay billaabataa sannadaha ugu horreeya ee qaan-gaarnimadiisa, waxayna billaabaan inay hoos u dhacaan wixii ka dambeeya 30-sano, waxay markaa billaabaan naaqus kale marka ay gaaraan 40-sano, waxayna darajooyinka u hooseeya gaaraan sannadaha 55-60-ka sano, wixii intaas ka dambeeyana waxaa lag yaabaa in ruuxaasi kari waayo inuu ilmo dhalo ama minadiisa laga helo noolayaal waxaana wax aan la inkiri karin ah in ruuxu haddii uu dhalo muddadaa ilmo inay tahay waxyaabaha la yaabka leh ee aan aragno mararka qaar.

Waxyaabaha kale ee sida weyn loogu aaneeyo inay ragga ku keenaan madhaleysnimo waxaa ka mid ah:-

  • In qanjirrada tuura minada ay noqdaan kuwo aan sidii la rabay u shaqeyn, waxaa
  • Cudurka Isfiilitada (Waraabowga).
  • TB-da iyo dhamaan cudurrada ku dhaca sambabada

Waxyaabahaan oo dhanna waxay ragga dhaxalsiiyaan madhaleysino, waxaana jira cudurro kale oo ragga ka dhiga madhalayaal, waxaana ka mid ah cudurka Jabtada oo ay dunidu si weyn haatan ula dirirayso.

Dhanka kale, cabidda sigaarka, qamriga, Alcohol-da iyo cunidda qaadka ayaa ah kuwo qayb weyn ka qaata in raggu aanay wax dhalin, waayo ruuxa cabada waxyaabahaas aan kor ku soo sheegnay waxay u keenaan in minadiisu aysan yeelan noolayaal la falgali kara ugxanta dumarka, waxaa kaloo ka mid ah inay raggu wax dhalin inaysan haweenkooda ugu raaxay sida ugu sarreysa; waayo raaxo la’aantaan waxay keeni kartaa in niyadda haweeneydiisu aysan noqon mid maqsuud ah.

Qaybtii 3-aad

MA DHALEYSNIMADA DUMARKA

Waxaa marag-madoonto ah in majaalka dhalma la’aaneed ee dumarka uu ka ahmiyad iyo xiiso badan yahay kan ragga, waxaana taasi macnaheedu yahay in inta badan lagu eedeeyo dumarka inay dhalmo la’aanta xaggooda u badan tahay, marka qoys ahaanta laga hadlayo, waxayna arrintani dhalmo la’aanta inta badan ay laabta ka qabatay guud ahaan haweenka ku dhaqan adduunka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan waddamada islaamka ah, waayo haddii ay guursadaan oo ay wax dhali waayaan waxaa laga yaabaa in raggoodu ay guursadaan haween kale si ay ilmo u raadsadaan.

Haweenka ina badan way ka jecel yihiin ragga in ilmo ay dhalaan, waayo way ka dareen badan tahay aabbaha xagga carruurta, waxaana la yiraahdaa dareenka dumarka ee waalidnimada waxa uu ka awood iyo mohasho badan yahay kan raggu u qabaan dhallaankooda, waana taas midda keentay inay haweenku ka jeclaadaan ragga dhalmada ama ilmaha. Dhanka kale, dowladaha adduunka intooda badan ayaa waxay u istaageen in haweenka iyo dhallaankaba loo sameeyo xarumo lagu xannaaneeyo laguna dhowro caafimaadkooda, iyadoo haweenka ku dhaqan dunida saddexaad ay dowladahooda xoogga saareen sidii lagu xaddidi lahaa dhalmada haweenka iyo sidoo loo koobi lahaa crruurta ay dhalaan.

Iminka waxaan gudo galaynaa waxyaabaha sababa madhaleysnimada dumarka, waxaanan ka bixin doonnaa faah-faahin dheeraad ah, waxaanan daboolka si toos ah uga qaadayaa shaqooyinka guud iyo kuwa gaarka ah ee xubinta tartanka ee haweenka (Siilka).

Dumarku waxa uu tarankooda ku xiran yahay ugxan yaryar oo u eg sida liin dhalatay, kuna teedsan dhanka midig iyo kan bidix ee dhuunta sida tooska ah u gasha ilmo galeenka ee qaadda minada (Shahwada) ragga, waxayna ukumahan ama ugxantani ka soo daataan dhuunta ay suran yihiin bishiiba mar, waana kuwa inta badan noqda dhiigga Xaylka (Caadada) markay waayaan mino ay la fal-galaan ama ay ka soo daahaan xilligii ay la falgeli lahaayeen minada, ukumahani waxay kaloo riximka u diyaarshaan dahaar yar oo ay ku soo dhacdo minad ragga markay ka timaado xubinta taranka ee ragga (Guska).

Riximka haweeneyda waxaan u kala qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah: Mid sare, mid qotoma iyo mid hooseeya, midka hooseeya ayaa wuxuu u sameysan yahay si foorar ah waxa uuna ku dhammaadaa meesha ugu horreysa ee Farjiga haweenka (Siilka), qaybtani waa qaybga ugu muhimsan ee inta badan u sahasha noolayaasha ku jira minada ragga inay si nabad ah ku tagaan halkii ay ku socdeen ee riximka ahayd si ay fal-gal ula sameeyaan ugxanta Dumarka. Haddaba, waxaa cad in xubintaas aan soo sheegnay aanay ahayn mid si toos ah u shaqeyneysa aanay suuro gal ahayn inay minada raggu gaadho halkii loogu talo galay, halkaasna ay ku noqoto haweeneydii mid ma dhasho ah.

Waxyaabaha kale ee sababa dhalmo la’aanta haweenka waxaa ka mid ah:- laciifnimo ku timaadda xubnaheeda taran, sida inay tabar beelaan qanjirrada tuura ugxanta iyo kuwa xafida minada ragga markay soo gaarto gudaha dumarka, sida la og-yahay inay ku qaangaaraan 15-jirka, muddadaas wixii ka dambeeya waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaan ugxanta iyo tarankooda illaa laga gaarayo sannadka 30-aad sannkan wixii ka dambeeyana waxaa si xowli leh ku soconaya hoos u dhaca taranka dumarka illaa laga gaarayo sannadka 45-aad ee haweeneyda, wixii intaa ka dambeeya haweenka xamliga qaada way yar yihiin.

Caadiyan dumarka inta badan markii ay gaaraan sannadaha afartameeyada waxay ka quustaan dhalmo wax la yiraahdo, waxaanan oran karnaa 12.5% dumarku markii ay gaaraan sannadaha u dhexeeya 30-40 waxay ka quustaan dhalmada, sidoo kale 25% waxay ka quustaan dhalmada markay gaaraan sannadaha u dhexeeya 40-45-ka, halka 50% ay dumarku ka quustaan dhalmada markay gaaraan 45-50-sano, sidoo kale 12.5% waxay ku xisaabtamaan sannadka 50-aad ee cimrigooda.

Inta badan cudurrada ku dhaca xubinta taranka Haweenka iyo qanjirrada kale ee howshu xamliga iyo dhalmada kala dhexeyso ayaa la dhihi karaa waa sababta ugu weyn ee u keenta haweenka inay noqdaan madhaleysyaal, sidoo kale waxaa jirta waxyaabo kale oo loo aaneeyo madhaleysnimada haweenka, waxaana waxyaabahaas ka mid ah:-

  • 1. Tabardarrada la soo darista haweeneyda.
  • 2. Cudurka Kaadi sokorowga.
  • 3. Kilyo xanuunka muddada dheer soo jiitamayay.

Waxaase ugu daran haddii cudurradaan ay ku keenaan haweeneyda nafaqo-darro aad u daran, waxaa shaqadoodii gabaya qanjirrada soo daaya dheecaannada iyo kuwa kale ee soo tuura ama ay ka soo go’do ukumaha la fal-gala minada ragga si ay uga sameysmo halkaas cunug.

Haddaba, waxaa waajib ah in cunno-qaadashadaa dumarka tahay mid leh mowcid go’an markay ku jiraan xaaladaha caadiga ah ama ay la soo darisaan cudurrada qaar, waana in cunnada ay qaadanayso haweeneydu ay noqoto mid laga wada helo dhammaan fiitimiinaadka iyo Protein-nada jirku u baahan yahay, waxaana ka mid ah cunnooyinka loo baahan yahay inay dumarku qaataan markay guursadaan dabadeed amaba waxyar uun ka hor waxaana ka mid ah: Qamadiga, Ukunta, Hilibka, Saliidda, Burcadka, khudradda IWM.

Dhanka kale, Fitimiinada inta badan loo baahan yahay inay haweeneydu ku dadaasho si ay uga siraad korto cudurrada dhaliya dhalmo la’aanta iyo hoos u dhaca unugyada jirka waxaa ka mid ah: Vitamin A, Vitamin B, Vitamin C, Vitamin D iyo Vitamin E, haddaba waxaa is weydiin leh halkee laga helaa fitimmiinnadaan?.

Vitamins-kaan waxaa laga helaa dhammmaan noocyada kala duwan ee cunnooyinka iyo khudradaha, waxaanan u kala qaad-qaadaynaa mid mid, waana sidan:

Vitamin A waxaa laga helaa Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo sida Farmaajada IWM, Ukunta, Qudaarta iyo faakihaadka.

Vitamin B Waxaa laga helaa: Miraha sida: Galleyda, Masagada , sidoo kale Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo Hilibka Lo’da.

Vitamin C waxaa laga helaa: Qudaarta fareeshka aha iyo faakihada.

Vitamin D Isha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin-kan ayaa ah Qoraxda.Vitamin

Vitamin E waxaa laga helaa:- noocyada kala duwan ee khudradda iyo cunnooyinka leh dhadhanka wacan.

Ugu dambeyn labada ruux ee is guursata waxay u baahan yihiin towjiihaad fara badan oo ay ka mid tahay: inay labada ruux dhowraan is-waafaqid la’aanta jinsiyaddooda markay ku jiraan xaaladaha galmo, sidoo kale waa inay is-waafaqaan bixiddooda xagga minada haddii ay doonayaan inay halkaas ka dhalato fal-gal dhex mara labada dhinac, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in labada is guursataa ay si weyn uga fikiraan galmadooda iyo qaabka ay u sameynayaan galmada si ay uga gaaraan guul weyn galmadooda habeenkaas iyo kuwa kale ee soo socda.

TALOOYIN GUUD

DUMARKA: Maadaama haweenku yihiin kuwa ugu badan ee lagu eedeeyo inay xaggooda ka timaado ilmo la’aanta qoysaska is guursada ayaa waxaan kula talinaynaa dhowr mowduuc oo ay ka mid yihiin:

.In haddii ay haweeneydu isku aragto cudurro badan sida: Isfiilitada, Caado la’aanta ama raagidda caadada, Xanuuno badan oo dhanka kilyaha ah, sidoo kale Xanuuno badna oo dhanka mindhicirrada ah amaba uur la’aan ay si toos ah ula xiriirto dhaqaatiirta ku shaqada leh Cudurrada haweenka.

.Sidoo kale haddii ay dumarku isku arkaan dilan fara badan, oo ay wehiliyaan xanuuno kala soo gudboonaada dhabarka iyana waa inay la xiiriiraan dhaqaatiirrada si ay uga samato baxaan waxyaabaha keenaya jirrooyinkaan.

.Haddii ay isku arkaan haweenku dareen la’aan (Kacsi la’aan) iyana waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula xiriiraan dhaqaatiirta, waayo arrintani waa mid si weyn loogu aaneeyo dhalmo la’aan la soo derista haweeneyda.

RAGGA: Ragga waxaa iyaga si guud iyo si gaar ahaaneedba loogula talinayaa in marka ay gabadha u galmoonayaan habeenka ugu horreeya ee guurkooda ama habeennada kaleba ay muujiyaan taxadar aad u ballaaran, waayo waxaa laga yaabaa in dhaawac soo gaara gadhaha habeenkaas uu dhaxalsiiyo inay noqto Madhaleys, waayo waxa uu dhaawacaas caabuqinayaa xubnaheeda taranka, waxaa kaloo ragga lagula talinayaa talooyinkaan hoos ku qoran:

.Haddii muddo ka badan 20-36-bilood aysan waxba u dhalan qoyskiisa cusub waa in uu si toos ah isu baaraa, sidoo kalena uu baaritaan caafimaad oo dhameystiran ku sameeyaan haweeneydiisa si loo ogaado cilladda jirta.

.Waa in uu ninku ku dadaalaa in qoyskiisa (Xaaskiisu) ay hesho farxad xagga niyadda ah, ogowna niyad wanaaggu wuxuu kaalin weyn ka qaataa taranka qoyska.

.Haddii Ninku u tago dhaqtar oo daawo loo soo qoro waa inuu si wacan u isticmaalo daawadaas.

Waxaa Diyaariyay:- Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail:-  jantiile12@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Qaaladii hore ee IDAAWAAQACA

 


Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]