SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 5, 2004
  • SAFARKA CABDULLAAHI YUUSUF EE DUBAI
  • COL. C/LAAHI YUUSUF  OO DEG-DEG LOOLA CARARAY DALKA IMAARAADKA CARABTA

Safarka C/Laahi Yuusuf ee Dubai

Waxaa maanta ka kaduulay garoonka dayuuradaha ee magaalada Boosaaso Madaxweynaha DGPL Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo u kicitimay Dalkaa Emaaraatka Carabta Dubai, sida wararka ay sheegayaan ayaa wuxuu Madaxweynaha socdaalkiisaa ku saabsan yahay Caafimaadkiisa awgiis.

Madaxweynaha ayaa intuu uusan ka Duulin garoonka uu Shir Albaabada u xiranyihiin la Galay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL Axmed Cabdi Xaabade, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horamarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, General Cade Muuse iyo Madaxkale oo Kamida Maamulka DGPL .

Madaxweynaha ayaa ugu horeentii uu Bosaso yimi shirar kala duwan la Galay Madaxda iyo Hogaamiye yaal ka socda Bulshada Reer Puntland Gaar ahaan Gobolka Bari, waxaase uu ka cudur daartay kulamada Badan, Dad xogogaala oo kulamadaa ku jiray ayaa noo sheegay Madaxweynaha uu xanuunsanayo taasna ay kaliftay in uu ka Cudurdaarto Kulamadaa isdaba Jooga ahaa ee Baaqday, kulamadaa oo odoyaal Beelaha Qaarkood ka mida ay noo sheegeen ayaa waxaa u badnaa Dacwooyin ay soo jeedinayaan Beelaha oo ay ku dacweeynayaan Madax maamulka ka mida halka Qaar kalana ay ka Dhan ka yihiin Beelaha dacwoonaya .

Madaxweynaha DGPL ayaa shaqadii yareeyay intuu ku sugnaa Magaalada Bosaso Xanuun ku soo saa,iday Owgeed, wararka ayaa intaa ku daraya inuu madaxweynaha ka raagay Baaris caafimidaad uu ku tagi jiray Dalkaa Ingriska kadib markuu ku raagay Madasha Shirka Nabadaynta Soomaalaiyeed Kenya, ilo ku dhawdhaw oo aan wax ka waydiinay Caafimaadka Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay in ay sahlantahay oo uu Madaxweynahu u baahan yahay Baristii Cafimaadka ee uu Mari jiray.

Madaxweynaha ayaan la sheegin Xiliga uu ku soo noqon doono Dalka iyo in uu u sii gudbi Doono Halka ay ka socoto Madasha Nabadaynta Soomaaliyeed ee Kenya.

SOOMAAL PHOTOGRAPHIC AND PUBLISHING CENTER SOMALIA
Bosaso, Puntland, Somalia
Cabdifataax Jaamac Mire.
Somalitalkpl@yahoo.com

<><><>

COL. C/LLAAHI YUUSUF AXMED OO DEG-DEG LOOLA CARARAY DALKA IMAARAADKA CARABTA

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xalay ku soo booday xanuun.

Col. C/llaahi Yuusuf oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaallada Boosaaso ee maamul goboleedka Putland ayaa xanuunkiisa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, qaar waxa ay sheegayaan in uu bararay beerka, warar kale ayaa iyaguna sheegaya in laga qabtay Gows.

Col. C/llaahi Yuusuf waxaa beerka laga beddelay sanadkii 1996-kii, wixii intaa ka dambeeyeyna marka laga qabto Beerka waxa uu si toos ah ula xiriiri jirey ama uu tegi jirey wadanka Ingiriiska, halkaas oo ahayd halkii looga beddelay Beerka. C/llaahi Yuusuf waxaa garoonka Dalka Imaaraadka Carabta ku sugaya Wasiirkiisa Maaliyadda C/raxmaan Faroole iyo ganacsato kale oo ka soo jeedda Maamul Goboleedka Putland, waxayna wararka kale sheegayaan in C/llaahi Yuusuf laga yaabo in loo gudbiyo dalka Ingiriiska, iyadoo dadweynaha ku nool maamul goboleedka Putland-na ay wal-wal ka muujiyeen xanuunka ku soo booday Col. C/llaahi Yuusuf, isagoo maalmahaan ku howlanaa sidii uu u dhameyn lahaa khilaafyo ka dhex jirey Golihiisa Wasiirrada iyo Agaasimeyaashiisa, gaar ahaan kuwa dekedda Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Putland Maxamed Cabdi Xaashi oo haatan sii haya jagada Col. C/llaahi ayaa waxa uu u rajeeyey caafimaad, isagoo sheegay in marka uu soo caafimaado uu booqan doono magaallada Laas-caanood ee Gobolka Sool, iyadoo magaalladaasina ay tahay magaallo ay isku heysteen maamullada Putland iyo Somaliland, haddaba wixii ku soo kordha xaaladda caafimaad ee Col. C/llaahi Yuusuf dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa hadduu EEBBE idmo.

Amiin Yuusuf Khasaaro
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@gawab.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

WARARKA KALE EE MAANTA...

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]