Feb 8, 2004
Nairobi Shirkeeda Shartiisa Iyo Shaxdeeda
S. A. Abdul
puntland2001@yahoo.com
....Jabuuti waxba yeysan na dhex dhexaadin iyada
waaye mida Soomilinimadii guud ee ay dadku ku taahayeen mida barbar martey....
Soomaalidu waxay tidhaahdaa " Tallo Keen
Ahow Mise Tallo Raac ". Waxaase ugu daran, markaad tallo la wadaagto, rag aan
tashan karin, kuuna tallin karin, adiguna aadan u tallin karin, kala taag
roonaan karin, midkood meesha ka tagi karin amaba laga tuuri karin, afar taag
ka soo wada jeedoo is wada fiirinaya, kolkii la yidhaahdo hal la isku toloo "tolid"
Soomaali tallo ha wadaagto wixii ka soo baxaa waa foolxuma iyo fadeexad
xeerada salkeeda la isku helo.
Waxaad moodaa baryahan dambe in ay hog iyo togog
ka soo baxeen rag indhowaaleba ku xeyndaabnaa boholaha xargaga iyagoo markaa u
itaal waayey in ay iska dhiciyaan hogaanka sarre ee Puntland iyo shacabka
degaanadaas dega ee aanan u dhaga taagleyn guuxa cadowyada jiritaanka Puntland
neceb iyo kuwa diinta ku gambada ee is biirsadey .
Waxaan shaki ku jirin markaad u fiirsato hadaladii
aflagaado iyo siyaasada xumo ee ka soo baxayey Wasiirka Arrimaha Dibada sheegta
ee dowlada yar ee Jabuuti in ay ku tusinayso naceybka iyo xumaanta ay u qabaan
dadka ku aftirsada degaanada Puntland iyo inta la hal maala . Waxaanu ognahay
Wasiirkaasi reeraha uu ku aftirsada in ay yihiin kuwa Hargeysa dega, waxaan
kaloo ognahay Madaxweynahiisa Ina Cumar Geelle isaguna in ay u yihiin reer abti
iyadoo arrinku markaasi u ekaanaya " Ilma adeer waa intii istaqaan oo misana
isleh ".
Shirkan muddada 15ka billood socday wixii laga soo
maray iyo cidii diidaneyd horumarkiisa iyo miro dhalkiis cid waliba wey ka
dharegsan tahay in ay ahaayeen Cabdiqasin Salaad Xassan iyo Urrurkan cusub ee
aan weli jaraha baran ee la baxay Samato bixinta ee uu horboodayo Suudi Yalaxow,
iyagey ahaayeen kuwii shirka hakadka geliyey, iyagey ahaayeen kuwii marna ka
baxayey marna ku soo laabanayey, iyagey ahaayeen kuwii TNG iyo waxa lahalmaala
ku wada socday, misana ku kala baxay, iyagaya ahaayeen waxii la la'aa in
timahooda dhan u xiirmaan . Ogowee Suudi Yalaxow in uu ahaa ninkii idaacada
BBCda ka sheegay : " Jagada Madaxweyna nimo nimaanan Hawiye aheyn in uusan qaban
karin, cid waliba in ay gashato Kabo la'eg ", markiise la weydiiyey Cabdiqaasin
waxa uu u raaci waayey maadaama uu yahay nin Hawiye ah haddana sheegta
Madaxweyne, wixii Odey Muusse ku hadaaqey cid waliba wey ka dharegsan tahay .
Ummad yahay dadka qaarkii waxaan weydiiyey in ay
hadalada qaarkood dhinac maraan iyo in aysan aqoon sida qotada dheer leh ee wax
looga kala aqriya xarfaha lagu qoro " Between the lines ". Abu shuceyb,
Cabdulwaaxid Khaliif, SPRally, iyo shaqsiyaad kale oo yar ee aan ku arkay iyagoo
wax ku soo qoraya shabaqadaha Internedyada ayaan waxaan la fajacay maan
gaabnimada iyo aragti yaraanta ka dhex saartey marxalada marin habaabsan ee lagu
maareynayo shirkan Nairobi ka socda iyo sida uu indhowaalahan isugu badalay
shirkan in uu noqdo ama maro shirkii Cartood halkii uu maray oo ay Soomaalidu ka
wada dharegsan tahay . Shirkan sidii uu u soo farra galiyeen Wasiirada Arrimo
dibadeed ee KEnya iyo Jabuuti ka dib booqashadii Wasiirka Arrimaha dibada Kenya
waxaa soo if baxay qorshaha cusub ee la rabo in shirka sida la rabo laga yeelo
ama cid kale in eeda dusha laga saaro, si ha dhowdii ajendahii siyaasadeed ee
qarsoona loo hir geliyo .
Wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti waxa uu yidhi "
Puntland iyadaa soo duushay ee ciidamadeeda ha kula noqoto Laascaano ". Taasi
waxay ku tusinaysa in uu dhinaca Somaliland xigsadey isagoo ku taageeraya
goosashada iyo soohdimaha ay Soomaliland sheegatay in ay soo xidhan doonto .
Waxuu kaloo wasiirku qirtay in uu shaqadii waddankiisa ooga soo tagey sidii uu
ooga miro dhalin lahaa ajendaha qarsoon ee ay dowladaasi yar wadato oo ah naceyb
beeleed, shaqsiyeed iyo degaaneedba. Bal aqristow adiguba gar noqso, dowlad
marna ku dhahaysa Soomaali waa walaaladey oo waa ii wada siman yihiin, marka
xigana inta ay Somaliland iyo Ina Riyaalle Kaahin Siyaasad colaadeed ku
taageerta inta ay ka talaabsato Puntland la xiradha Muqdisho iyagoo Cabdiqaasin
iyo xulufadiisa cusub ku taageerta sidii Putnland loogu wiiqi lahaa madasha
shirka Nairobi iyo meel kastaba , dadbeysan wali hashiiskaas seddex geesood u
muuqan ee ogow hadde .
Iyadoo intaas balaayood isku soo shareysteen
wiiqida iyo waxyeelada Puntland ayaa misana waxaa u sii dheer in wax ma
gartayaal iyo war xun sheegayaal ay isku dayaan in shacabi weynaha Soomaaliyeed
iyo midka caalamka qaldaan iyagoo iska dhigaya in ay xog-ogaal yihiin kana soo
tabinayaay warkooda Puntland gudaheeda kuwaasoo sheegta sida
SPrally in ay
joogto Gaalkcayo inagoo ogsoon ninka magacaas sheegta in uu degen yahay Holland
yahayna nin gooni u socod ah.
Abu shuceyb ninkan sheegtay ee inkaarta iyo
aflagaadada u geystay shacabka Puntland iyo hogaankeeda sarre, adeer gacliye
waxaanu ku leenahay taariikhda been noogama sheegi kadhid, inagaa u dhalaney
Puntland dhex taagneyna wixii ka dhacay, raggan aad soo tirisey ee aad dhahday
waxay ahaayeen wax garad iyo Issimo iyo ganacsato lagu laayey Puntland, waxaan
arrintaa kaa leeyahay inagoon rabin taariikh mugdi ah oo ay wax makas baday
dadkeyga in aan dib oogu laabto kuna sii fogaado, fidnadaas iyo dhibkaa dhacay
wixii ka dambeyey waxay ahaayeen isla kuwaa aad ku shegeyso ganacsato iyo Issimo,
iyagoo dano shisheeyo iyo dowlada cadow ku ah Puntland u fulinayey danahooda
gaarka ah, waxuuna ilaah qadarey iyagu inay noqdaan kuwii ku baxay colaadaas
sokeeye ee ay soo alooseen.
Shirkii Geeddi Socodka
Nabadda Puntland Oo Guul Ku Dhamaaday
Guji...
[Qore: Shiike | May 17, 2003] |
Mahad ballaaran se waxaa iska leh Allahii weynaa
ee waaxidka ahaa ee haleelsiiyey wax garadka reer Puntland in ay soo afjaraan
colaadaa sokeeyey ee sharaftooda wax u dhintay, waxaa kaloo mahad iska leh
madaxdii qeybta libaax ka qaatay sida Gen. Cadde Muusse iyo Pres. Abdullahi
Yuusuf, iyo Issimadii degaanka iyo nawaaxigeed, wax garadkii, culumaa'udiinka,
haweenka qeybta libaax ka qaatay wacyi galinta iyo walaaleenta kooxaha iska soo
horjeeday. Abu sheceyb se hadduu mooday muran siyaasadeed ee ka soo ifbaxay
Nairobi in uu Pres. Abdullahi Yuusuf gooni u go' ku noqonayo, waxay ila tahay
barasho badan ayaa kuu dhiman ee ku saabsan ninkaa, shaqsi waa laga maarmi karaa
markeyse shacab iyo degaamo kaa dambeeyaan, shaqsigaa ma noqon karo nin meel
cidla ah lagu maquunin karo, Taariikhdaana midaa iiga marqaati ah kadib markii
shirkii Qaahiro ee kal hore rag ama beel is tusisay in Soomaali heshiisay iyaga
oo rag jilicsan beelaha qaarkood ka keensadey adduun weynahana isku dayey in ay
ka dhaadhiciyaan in shirkan loo dhan yahay, dhaqaalle iyo awoodna dowlado
Carbeed laga heli doono, cidii ka hortimaadana cagta la marin doono, laba ogaa
shirkaasi iyo kooxii taagaarey halka ay ku dambeeyeen, dowlada Qaran loo dhiso
iskaba daayee, tii gobbolka Banaadir ee xujada looga dhigey ayaa lagu heshiin
waayey .
Haddana sida ay iigu muuqato, dowlada Qaran ee
dhexe oo la dhiso horta sideedaba waxay anfaci laheyd dadka dowlada la'aanta iyo
nabad gelyo xumada heysato, haddiise midaa la waayo, ninkii kolkiisa horey ka
yimi dhulul kala dambeyn iyo nabad gelyo lehna iyagu uun bey ku laaban, midkiise
ka yimi dhul lagu ba'ay laguna hoogey ee aan kala dambeyn jirin, nabad gelyo
la'i jidho, dhac, afduub, kufsi iyo boobkuba ka yahay nolol maalmeedka jira ee
joogtada ahi waxay ila tahay in ay u soo noqon doonaan lama huraanka cowskooda
jiilaaleed.
Soomaali se waxaa iiga tallo ah sameynta urrurada
cusub ee bugta ahi, keenida ama dhisida hogaamiye kooxeedyada cusub ee loo
caasha waayey in ay ka digtoonaato kana foojignaato, haddii kale se cawaaqib
xumo beeshii badsata " Mini Warlords " iyadu in ay ahaan doonto mid waligeed ku
jidha marin habow iyo jahwareer aan dhamaanin. Tusaalle ahaan : Cali Mahdi ayaa
waa jirey, Dr. Bood ayaa ka soo hoos baxay, Maxamed Dheere oo nidaam iyo kala
dambeyn maamul gobbol sameystay ayaa yimid, Muusse Suudi Yalaxow oo meel uu ka
socdo iyo meesha uu socdo aqoon ayaa yimi iyadoo ay weli u wehliso aqoon darro
iyo aragti gaabni siyaasadeed ayaa waxaa isagana ka soo hoos baxay taliyahii
abaanduulka ciidamadiisii waa ninka lagu magacaabo Cumar Finish, Cumar afar
qalmood ayuu intuu jeebka geshtay ookiyaalena isku taagey ayaa la yidhi waa
saxiixe , isagoo kolkaa ku biiray sameyntii urrurka halka nin ka kooben ee la
yidhaahdo G8, Waxaa isna soo baxay nin la yidhaahdo Cabdirixmaan Shifti oo isna
yiri gollaha Samata bixintii isku magacaabey ee kol dhoweyd raggii shirka
Nairobi ka soo caroodeen dhiseen ayaan ka mid ahey, waxaa isna soo baxay isagoo
ka soo daalay dhankaa iyo Isbortiga Faarax Weheliye Cadow Sendiko, waxaa isna
kol hore musharaxnimo madaxweyne shirkii Cartood u istaagay Gacmo dheere oo isna
ah siyaasi raggan is xigaan .
Soomaaleey kolkaa, haddii hal beelood oo inala
dhalatey intaasoo dhibaato ka mareen hogaaminta beeshooda ma weysan habooneen in
aanu jidkaa dheer marin ee la raadiyo xal isku xiri kara iskuna soo dhaween kara,
marka kowaad beelaha, marka xiggana Soomaalida la helo, mise waxaanu galnaa
urrur sameyn tirro badan oo been ah dhib mooyey wax dheef ahna u keeni karin
dadka Soomaaliyeed ee dhiban.
DAMAL AIR |
Ma u Dhoofeysaa
Soomaaliya, ha moogaan
Damal Air |
Waxay ila tahay sharkan Nairobi ka socda hadduu
fashilmo ayna fashilyaan dowlada martida loo yahay iyo mida yar ee Jabuuti, in
shirkan noqon doono kii albaabada u furra in ay ummad waliba ama degaan waliba
ee wax qabsan karo horena u qabsadey isku tashtaan sidii aysan mar dambe waqti
oogu lumin ummad qaarkeed ee wareersan waxna qabsan karin loona qaban . In aan
waqti dambe la isaga lumin shir qarameed been-been iyo ballaayo aruurin hor leh
ku dhisan, Soomaalida degta Koonfurta Muqdisho iyo agagaarkeeda kolka hore
sameystaan hogaan mideysan ee aan is daba socod iyo is barbar orod laheyn, ka
dib markey mowqif mideysan yeeshaan deetana Soomaalida kale tartiib-tartiib loo
raadiyo hadba degaan hadba beel, sidaas ayey Soomaali kaga samato bixi karta
mugdigaan 14 jirsadey ay dhex jiifto, iyadoo marka hore iyo marka dhexe iyo
marka dambe kol walba Alle tallo saarto, sidaas ay Soomaalinimadu ku soo laaban
doonta.
Jabuutina waxba yeysan na dhex dhexaadin iyada
waaye mida Soomilinimadii guud ee ay dadku ku taahayeen mida barbar martey,
maantana mar iney qasto marka kalena tidhaahdo Soomaali jiritaankeeda kama
maarana oo Jabuuti jiritaankeeda ayaa ku xidhan, arrinku waxa uu u ekaanayaa "
Lagana jecli laabtana jecli ", ee Jabuuti yarey mideed dhan ha isugu baydho.
Mahadsanid
S. A. Abdul
puntland2001@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2004
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|