Adduunka sadexaad ama wadamada aanay dimoqraadiyadu aanay ka raad qaadin
ama aanay ka hirgalin, dadka badanaa ku kooba ama ku koobi jiray wax
barashadooda inta badan suxifinimo, qoraa ama wariyenimo waxa ay badanaa
niyadda ku hayeen in ay dawladda markaa jirta ee aan ogolayn saxaafadda xorta
ah ay u shaqeeyaan ha qoreen jaraaid afka dawladda ku hadla ama idaacad
fidisa borobagaandhaha ama siyaasadaba eh. Inkasta oo ay jiraan ama jiri
jireen dad badan oo uu suxifinimada u baran jiray si ay runta wax uga qoraan
iyaga oo ku nool wadan aanay ka jirin saxaafad xor ihi ayaa ay hadana ay
hoosta ama si qarsoodi ah wax u qori jireen ama uga qori xaalada iyo
siyaasada uu wadanku ku sugan yahay iyo cadaalad darrada ay dawladu xiligaa
ku hayso dadka iyo hantiba. Waxa xabsayada ay dawladaha kaliyood taliyeyaashu
ka taliyaan ku dhinta sanad walba iyo sacaad walba 1000-maan 1000 oo suxufi
una dhinta jidh dil iyo nafaqo daro maqaal ay qoreen oo lid ku ah talisyadaa,
halka badhna ay badheedhaan in ay been iyo borobagaandha aan jirin faafiyaan.
Suxifiyiin badan oo Somali ah oo markii uu ina Siyaad haystay wadanka ,
wax ku qori jiray jaraaidada ku hadla afka dawladda oo aan haba yaraatee wax
ku lid ah qorin , ayaa ay noloshoodu ku xidhnayd in been iyo wax xaraan ay u
faafiyaan kooxda markaa talada iyadu haysay. Suxifiyiintan ama qore yaashaasi
waxa ay ku hadli jireen afka wasaarada warfaafinta ama wax ay u soo
diyaarisay. Qorreyaashan ama waryeyaashani runtii dhibaato wayn ayay ku
hayeen inttii ka soo horjeeday ama necebayd taliskii kalidii talyeha ahaa.
Warfaafintuna runtii waa qaybta ugu muhiimsan marka la eego laamaha kale ee
dawladda , idaacaha iyo jaraidada ay istimaalaan kalidood taliyeyaashu , waxa
ay ku tahay mucaarid ama jabahad kula jirta dagaal qumbalad iyo rasaas.
Suxufiiyiinta ,qorre ama wariyeyeaasha ku hadla afka dawlad cadaalo daroo
ku dhisan ee u faafiya been iyo borobaangaadha kama duwna kuwa dadka
xasuuqaya haddii aanu dambigoodu kaba darnayn.Hadaba suxifiyiintan ama
waryeyaashan ayaa ah iyagu kuwo ay shaqadoodii ama meheradoodii ay noqotay ,
hungiri raac ama lagac isii aan sida doontid kuu yeelee , amaba dhilaysi.
Waxa aan akhriyay nin wariye isku sheegay qoraal uu ku soo qoray website-yada
Somalida gaar ahaan Somalitalk oo la yidhaa Xagar yare , waxa aan arkay in uu
Xagar Yare u soo shaqeeyay , idaacadii SSDF ee kulmis iyo in uu ka soo
shaqeeyay idaacadii Hargaysa 1988-1991 markaa oo ahayd markii uu Siyaad iyo
intii taageersanayd ay ku xasuuqayeen qaybo ka mida mida ummada Somaliland,
Hargaysa iyo hareerheeda , goortaas oo ay ahayd xili ay idaacadaasi
faafinaysay been iyo jahawareerin iyada oo dadka si axmaqnimo loo laynayay.
Waxa aan aan is waydiiday iyada oo Somali oo dhami ka warhayso waxii meeshaa
ka socday , sidee ayuu nin dhiig lihi uu ugu faanaa in uu markaa ahaa wariye
ku hadlayd afkii gacan ku dhiiglaha ? halka uu odhan lahaa i qariyaay.
Waxa uu maqaalku ahaa ama ku saabsanyahay Somaliland oo damqaysa boogihii
qarsoonaa iyo kuwii muuqday, taas oo uu la jeeday , cambaarayn loo soo
jeediyay inuu Silaanyo ka dambeeyay dilkii Koosaar iyo Shiine oo labduba ahaa
halgamaayaashii SNM , Ala ha naxariistee. Runtii waxa aad moodaa in uu labdaa
isagu Xagar Yare lug ku lahaa madaama uu ahaa basaas u shaqaynayay Afwayne. .
Waxa kale oo cadaatay sida uu iskugu dayay in isku diro dad dhamaantood u
sinaa dulmigii uu baday ummada Somaliyeed Afweyne , mar u yidhi in beelaha
daga , Waqooyi, Togdheer iyo Saaxil in ay rumaysan yihiin in ay ka dambeeyeen
xasuuqii loo gaystay reer Sool, Sanaag, sh/hoose , Bay iyo Bakool ,taas oo ay
habayaraatee waxba ka jirin, aysi jireen dad masaakiina oo ciidama Somalia ku
jiray oo la soo qasabay si ay u layaan maati Somaliyeed.
Waxa aad moodaa Xagar yare nacaybka uu qabo dakaa la xasuuqay ee aan waxba
galabsan , in uu laftiisu ka mid ahaaa dakii ka soo qaxay Ethiopia ee loogu
balan qaaday in la siin doono Gobolada Waqooyi. Waxa jirta Somali badan oo u
fikirta sida ninkan, oo xasuuqii ka dhacay Somaliland , nacayb ay uqabaan
beeshii la xasuuqayay awgeed aan habayaraate ogalyn ama qirsanayn in ay
meesha ka dhacady cidhibtiridi, iyaga oo ay la quman yihiin kuwii falkan ka
dabeeyay ee ka soo jeeday beeshooda, sida hadaan eegno ay Morgan iyo Gaani
ugu yihiin geesiyaal inta ay ku jirto ama hayo cudarka qabbiilku.
Dadkii qaraboodada la xasuuqay ee Somaliland haba yaraatee wax nacayb oo
ay u qabaan beeshii uu in Sayaad ka dhasshay ama beeraladii koofonfur ee
qasab lagu soo dagaal galiyay haba yaraatee ma jirto, waxa se ay sugayaan
goorta la soo taagi doono maxkamad intii dadka aan waxba galabsan xasuuqay,
beesha ay doonaan ha ka soo jeedeene.
Waxa is waydiin mudan hadii uu cudurkii qabiilkii bara dhaafiyay
Somalinimadii , oo ninkasta uu la qumanyahay ka ay beesha wadaagaan ha ahaado
dagaal ooge ama gacan ku dhiigleh , maxay Somalidu sugaysaa?
Waxa kale oo iswaydiin mudan Nin u ahaa afhayeen dambiile dagaal , sida uu
magangalyo siyaasadeed uga helay dal , xuquuda aadamaha qadariya ama
dimoqraadi ah? Arintan Xagar Yare ayaa u muuqata sidii nin yidhi waxa aan
wariye u ahaa Hitlar marna yuhuudii la laynay , Falastiin iyo israaiil ,
Mangistu iyo Siyaad ama Bush iyo Sadaam.
Wariyeha, suxufiga ama qoreha adduunka ay ka jirto dimoqraadiyaddu
gaarahaan reer galbeedka waxa ay waxbarashooda ugu kooban meheradan si ay
runta u sheegaan ama wixii jira ha ahaato fal dawladeed ama gaara ahaaneedba
ay u soo bandhigaan ummada markaa doonaysa in ay runta ogaato iyaga oo aan ka
baqayn dawlad kuna hadlayn af dawladeed. Haddii aan tusaalo u soo qaadano
saxaafadda maraykanka iyo Ingriisku dhawaan waxa ay si aan gabasho lahayn u
daba galeen ama isku dayeen in AY soo cadeeyeen ama dadka u soo bandhigaan
arinta ama waxa waxa keenay in ay Bush iyo Blair dagaal ku qaadaan Ciraaq
taas oo aad ka warhaysaan sidii ay saxaafada USA iyo UK ay u guteen arintaas
ama hawshaas.
Hadaba suxifinamaddu ama qorre noqoshadu ma ah shaqo ama meharad loo barto
si loogu danaysto , ee waa arin loo berto si loo soo bandhigo runta dadkana
loogu wacyigaliyo si loo tuso dhabada toosan.
Nabadeey
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com