SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

BAYAAN: Kasoo Baxay Beelaha La Hayb Sooco

Ka: Oday dhaqameedka, Culumaa,udiinka, Aqoonyahanka, iyo wax garadka beelaha lahayb sooco baaq ay soo saareen kadib markii uu shir uga socdey mudo afar maalmood ah wadanka mareykanka magaalada Minneapolis

Ku: Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, Garaadyada, Duubabka, Malaaqyada, Iimaamyada, Culimaa,udiinka, Aqoonyahada, Siyaasiyiinta, iyo Dhamaan Hogaamiyaasha ummada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba

1- Dhamaan ummadda soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in la xurmeeyo oo la aqoonsado salaadiinteena kuwaas oo matala ummadda lahayb sooco ayna la mid noqdaan xaga darajada iyo ixtiraamka salaadiinta ummadda soomaaliyeed ee kale taasi oo noo keeni karta aqoonsi ummaddeed.

2- Waxaanu ku boorinaynaa dhamaan ummadda soomaaliyeed inay u istaagaan kana shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka faraha badan ee lagu hayo dadka ka soo jeeda beelaha lahayb sooco ( Madhibaan, Muusse dheri, Tumaal, Yibir, hawle I, W, M)iyo sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda laga duudsiyey, taas oo ah arin ku waajib ah dadka bulshada hormoodka u ah ee ilaahayna kula xisaabtami doono maalinta yoomal qiyaame.

3- Waxaanu u soo jeedinaynaa hogaamiyayaasha iyo maamulada kala duwan ee ka jira dhamaan ummada af soomaaliga ku hadasha in ay cabsida ilaahay iyo xuquuqal insaankaba eegaan oo si cadaalad ah ay u siiyaan saamiga ay ku leeyihiin xilka dawladnimo siiyaana deeqaha waxbarasho iyo caafimaad iyo taageero dhaqaale oo ay helaan beelaha kale ee ay wada nool yihiin.

4- Dhamaan ummadda soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in nalaga qaado cuna qabateynta guurka taas oo na saarneyd mudo qarniyaal ah tani waxay keenaysaa in ummadda soomaaliyeed ee dhaqanku kala qoqobay ay yeelan doonaan xiriir guur iyo mid qaraabonimo kaasoo min guurin kara dhaqamada xun-xun ee diintu xarimtay.

5- Dhamaan ummadda lahayb sooco waxaad ogsoontihiin inay idinla wadaagaan dhulka diinta luqada midabka iyo weliba dabeecada hadaba waxaanu ku dulmanahay dhulka aan ku dhalanay ee aanu ku dhimano waxaanu nahay kuwa u dhinta hadii dibada laga soo weeraro sidaa daraadeed dhulkaas ma sheegan karno jatarada wax lagu qoro ma qoraan inaan dhulkaa degno hadaba waxaanu codsanaynaa meelkasta oo aanu degno waa in la sheegaa halkaas waxaa dega reer hebel iyo reer hebal ee waa in aan la oran waxaa dega reer hebal oo kaliya

6- Wuxuu shirku u soo jeedinayaa dhamaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan hogaamiyayaasha beelaha hubaysan inay joojiyaan colaadaha iyo dagaalada sokooye oo aanu u aragno in aanay cidina guul ku gaareen isla markaana loo soo jeesto sidii loo soo celin lahaa walaalnimadii umada soomaaliyeed dhibaatada ummada soomaaliyeed dhex yaalana loogu xalin lahaa wada hadal iyo heshiis.

7- Dhamaan ummadda soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in aayan caayin oo aayan yasin shaqada hidaha iyo dhaqanka aan u leenahay oo ah mida ay ummadda soomaaliyeed ilbaxnimo ahaan ay ku faanaan ahna mida ay kaga bixi karaan ku tiirsanaanta shisheeyaha taasoo ah lafdhabarka dhaqaalaha horumarka bulshada

8- Dhamaan culimaa,udiinka soomaaliyeed kuwaas oo ah kuwa xambaarsan risaaladii rasuulka (scw) waxaanu ka codsanaynaa in ay baraan ummadda soomaaliyeed xaqiiqada diinta islaamka iyo in illaahay simay basharka taas oo daawo u ah anaga iyo kuwa dhibka nagu haya, hadaba waa in lagu baraarujiyaa muxaadarooyinka iyo mu,tamarada in dhibkaan dhacay ay tahay waxaan diinta islaamka asal ku lahayn.

9- Dhamaan suugaanyahanka soomaaliyeed meelkastoo ay joogaanba waa inay suugaantooda ku cabiraan dhibkaan lagu hayo beelaha lahayb sooco kuna baraarujiyaan bulshada soomaaliyeed inaan khaladkaan dhacay laga gudbo.

10- Beeshu waxay mahad naq balaaran u soo jeedinayaan cidkasta oo u istaagta inay wax ka qabtaan dhibaatadan balaaran ee lagu hayo dadka la hayb sooco waxaanay balan qaadaysaa inay la shaqeyn doontaan.

ILLAAHOW KA MARKHAATI AHAW

Magacyadii soo saaray bayaankan

1- Boqor: Xaaji Muuse Abdi Mire
2- Suldaan Saleebaan Omar Maxamed
3- Garaad: Ahmed Diirye Geylan
4- Ali-Azhar Abdi Salaan Mulayaxo, M.A
5- Maxamed Axmed Keynaan , B.S,
6- Af hayeen: Mubarak Ali Xirsi
7- Abwaan: Cismaan Ducaale Daahir
8- Xuseen Ducaale Daahir
9- Saciid Cabdullaahi Ismaaciil (Saciid Tumaal)
10- Maxamuud Maxamed Warsame (Jeeri)
11- Muuse Adan Warsame
12- Sh. Mohamed Adan Warsame
13- Dr. Fu,aad Mohamed Diiriye
14- Mohamed Jaamac Cawil (Ina Cudur)
15- Astur Salaad Cali
16- Rahma Ahmed Awcabdi
 webmaster@midgaan.com
 

SomaliTalk.com | Jan 2, 2004 |

Shirkii Minneapolis iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa sheegay in... Guji  31/12

Kulankii 3aad ee Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon: Warbixintii Ceynte
30/12

Baaq Kasoo Baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka kooban 9 qodob kaas oo... Guji  [Dec 29]

Kulan diineedkii 3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday... Guji [Dec 29]


 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD