SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Somaliland VS Puntland: Ujeedada qarsoon ee khilaafka labada gobol

Cabdirisaq M. Xuseen.
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com

Hordhac:

Sida dad badani la socdaan, waxaa beryahaan dame cirka isku shareeray khilaaf muddo soo jiitamaayey oo u dhexeeya labada gobol ee Somaliland iyo Puntland. Siyaasiyiinta labadan gobol iyo dadka kala taageersanba waxaa ay mar walba sheegaan in dhul la isku haysto. Balse su`aasha isweydiinta mudani waxaa weeyaan, Ma dhabbaa in dhul la isku haysto? Mise ujeedooyin kale oo qarsoon ayaa jira? Arimahaas ayaan haddaba faaladaan kooban kaga hadlayaa.

Ujeedada dhabta ah ee khilaafka

Somaliland iyo Puntlandba waxaa ay labaduba ka badbaadeen burburkii ku habsadey gobolada kale ee soomaaliya, kolkii laga reebo khilaafyo aan muddo dheer socon oo xaga siyaasada ah. Khilaafyadaasina ma aaney geysan burbur sidaas u ba`an. Labadan gobolba waxaa ay run ahaantii ku guuleysteen iney maamul sameeyaan, ayna soo celiyaan amarkii iyo kala dameyntii. Siyaasiyiinta goboladaasina waxaa ay aad u jecel yihiin meel kasta oo ay joogaan iney ku halqabsadaan nabada halkaas ka jirta.

Bal haddaba aan isweydiinee: Maxaa horumar ah oo ay sameeyeen goboladaasi kolkii laga tago abuuritaanka nabada? Horumar waxaan ula jeedaa, Maxay ka qabteen arimahaan aasaasiga ah ee soo socda

Dhaqaalaha: Shaqo shicibka ma loo abuuray? maxaa laga qabtey in la dhiiri geliyo dadka si ay u sameeyaan shirkado yar-yar? Tusaale ahaan cashuuraha oo laga debciyo shirkadaha iwm. Ma lagu guuleystey in maalgeliyayaal waaweyn la soo jiito si ay xoolohooda wadanka u gashadaan dadkuna shaqo uga helo. Maxaa laga qabtey wadooyinka, isgaarsiinta, ceelasha ay reer guuraagu isticmaalaan? Badda dheer ee ku xeersan labada gobolba ma laga faaiideystey? Haddii laga faaiideystey maxaa ka soo gaarey shicibka caadiga ah?

Waxbarashada: Nabadu maxay ku soo kordhisey waxbarashadii goboladaas?
Imisa dugsi waxbarasho iyo jaamacado ayaa la dhisay?Kuwii horese ilaa heer intee le`eg ayaa wax laga qabtey? Waa sidee tayada xaga waxbarashada ee macalimiinta?

Caafimaadka: Guud ahaan maxaa wax isbedel ah oo la taaban karo laga qabtey xaga caafimaadka? Sida dayactirka cisbitaaladii hore, dhisida kuwo cusub, dhakhaatiirta, daawada iyo wax walba ee uu cisbitaal u baahan yahayba?

»BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA [Salahudin]

»BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?

»"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"

»Cudurka Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan?  [Cali]

Su`aalaha aan kor ku soo sheegnay jawaabtooda waxaa laga rabaa madaxda labadan gobol ee Somaliland iyo Puntland. Waxaan aad u jeclaan lahaa in madaxda BBC da ka hadasha ee kol walba ku hanjaba in gobolba uu gobolka kale cashar u dhigaayo, ay dadweynaha uga jawaabaan su`aalahaan. Isla markaasna ay dhiibaan tusaalooyin la taaban karo.

Waxaanse u maleynayaa haddii ay jiri lahaayeen waxaan sugida nabada ahayn oo goboladaan laga hirgeliyey, in kol hore idaacadaha iyo jaraa`idka gudaha iyo dibaduba ay sheegi lahaayeen. Haddaba kolkii ay dadweynuhu arki waayeen wax qabad la taaban karo muddadaan dheer ee 14ka sano ah, waxaa ay bilaabeen iney maamuladooda dhaliil u soo jeediyaan.

Haddaba si ay maamulada labada gobolba uga gaashaantaan kacdoon dadweyne oo ku yimaada, waa iney abuuraan wax dadka lagu mashquuliyo oo ay maalin walba ka doodaan. Dariiqadaan ah in dadweynaha la masquuliyo kolkii maamulku wax qaban waayo, waa caqiidad caan ah oo aduunka oo dhan laga isticmaalo. Uma baahnid inaad meel dheer aadid si aad tusaale fiican u heshid. Khilaafkii dhiiga badani ku daatey ee Etoobiya iyo Eriteriya waxaa uu ahaa mid looga gol leeyahay in lagu daboolo wax qabad la aanta dowladahaas. Maxaa yeelay dhulka ay isku dileen ma aha mid u qalba in intaas oo dad ahi ku dhintaan. waxaa kaloo dariiqadaan isticmaala dhamaan wadamada carabta ,afrikaba iyo meel kale oo aduunka ahba.

Haddaba waa in aynu si wacan u fahamnaa in aan arinta labadaan gobol isku hayaan aaney dhul ahayn. Haddii ay dhul ahaan lahayd xalkeedu waa dhowaan lahaa. Waxaa la qaadi lahaa afti , iyadoo dadka dhulkaas laysku haysto degan la weydiinaayo bogolka ay raacayaan. Waa arin aduunka oo dhan ka dhacda mana dhib badna. Balse xaqiiqdu waxaa ay tahay iyadoo khilaafkan looga gol leeyahay in lagu daboolo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka taagan labadaan gobol. Haddaba waxaa la gudboon dadka ku dhaqan labadan gobol iney fahmaan isla markaasna ay muujiyaan codkooda. Si toos ahna u diidaan in aan magacooda dagaal aan faa`iido lahayn lagu galo. Waana iney la socdaan shicibka ku dhaqan labadan gobol in dagaal dhacaa uu aad iyo aad u saameyn doono nolol maalmeedkooda. Waxuu keenayaa ugu horeyn nabad gelyo xumo baahda, maciishada oo kor u kacda iyo wax walba oo aan sidoodii ahaaneyn.

Sidaas darteed waa iney shicibku si nabad ah ku muujiyaan fikirkooda, ayna diidaan in shakhsiyaad aan badneyn, malaayiin dad ah dagaal u hogaamiyaan. La socda dadweynow in AAMUSKU uu la mid noqon karo waa kugu raacsanahay waxa aad sameyneysid.

Wa bilaahi towfiiq

Cabdirisaq M. Xuseen.
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 4, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD