SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 

War-1-5,Janaayo,2004,Nairobi.
Kolonzo Misayoka:-Hogaamiyihii ka maqnaada kulanaka 9-Janaayo waa ........................

Kulankii 5-bisha Janaayo,2004 ee wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee ka dhici lahaa maanta magaalda Nairobi Grend Regency Hotel ayaa baaqdey, ka dib markii ayen ka soo qayb galin Wasiirada Arrimaha Dibada ee Itoobiya, Eareteria ,Suudaan iyo Uganda oo leh Sanadkan Madaxtinimda Kursiga Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirada Arrimha Dibada ayaa kulankooda ku saabsanaa diyaarinta Ajendaha Kulanka,goobtii iyo tirada dadka ka qaybgalaya iyo sida loo kala qiimeynaya kuraasta loogu tala galey dadka ka qayb galaya kulanka iyo kala sifeyntooda.

wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya ayaa saakey sheegay in kulanka uu dhacayo maalinta 9-bishan oo ay wali taagan tahay balantii ,waxaa kaloo uu sheegay in ay iman doonaan dhammaan hogamiyayaasha siyaasada Soomaalida oo jooga soomaaliya maalmahan soo socda.

Mr.Kolonzo Misayoka isagoo soo xiganaya Madaxweyne Musafeni iyo dhamaan Madaxweynayaasha dalalka dawladaha IGAD waxaa uu yiri in hogaamiyihii Soomaaliyeed ee ka soo qaybgali waayo kulanka 9-bishan Janaayo in uu yahay Nabaddiid, waxaa kaloo uu ku sheegay in kulan uu yahay kii ugu danbeeya madaama ilaa bishii Desember Dib loo dhigay kulanka Gooni U baxa Hogaamiyayaasha .

waxaa kaloo hadalka qaatey oo erayo saakey ka soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Cali Cabdi Faarax waxaa ugu horeytii u mahad celiyey Dawlada Kenya ,hogaamiyayaasha Soomaalida waxa uu ka codsadey in kulanka kama dambeysta ah Yimadaan un fikiraan shacabkooda 14-sano dagaalka ku hoobtey.
intaa ka dib waxa kaloo la sheegay in shirka Nabada Soomaalida Goaan rasmi ah laga heli doonaa wasiirada Arrimaha Dibada IGAD labada Todobaad ee soo socota.


dhmaad.


War-2-5-Janaayo,Nairobi.
MORGAN:- Soomaaliya ayaa Dawlad ku dhisan doonaa haddii la isku m.....................

Hogaamiyayaasha ku sugan Madasha Shirka Nabada Soomaalida ayaa saakey kulan ku yeeshay Grend Regency Hotel ee Magaalada Nairobi.
kulanka saakey ayaa hogaamiyayaasha Soonaalida ku doorteen 5-hogaamiye oo la xaajoota wasiirada arrimha dibada ee dawladaha IGAD,waxayna kala yihiin:-
1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Cabdullaahi Yuusuf Axmed
3-Xasan Mxamed Nuur Shaati Gaduud
4-Xasan Abshir Faarax
5-Mawliid Macaani Maxamuud.

Hogaamiyayaasha Soomaalida ee Madasha Shira ayaa go'aankoodi hore wali ku taagan oo ahaa 24+Cabdiqasim iyo liiska Magacyada noo soo gudbiya iyo ajendaha Looga hadlayo Kulanka Gooni u baxa 9-bisha .


Hogaamiyayaasha ayaa shaaca ka qaadey hadii arrinkan la isku afgaran waayo in ay soomaaliya dib ugu laaban doonaan ka dibna halkaasi dawlada lagu dhisi doono.

suaalo ka hadlaya cida soo casuuntay iyo agaasinka shirka IGAD iyo Dawlada Kenya ayuu Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ku hadlayey Magaca Hogaamiyaasha ayaa sheegay IGAD iyo Beesha Caalamka Shirka iyaga malaha ee Soomali ayaa iska  leh, iyaga waa caawiyayaasha shirka haddii wax intaa ka badan la yimaadaan anagu ka yeelimeyno, dhulaka waa Soomaali ,Dadku waa Soomaali ,Soomaali iyadaa ayaheeda ka tashaneysa.

Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

  SomaliTalk.com | Jan 5, 2004 |

Shirkii Minneapolis iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa sheegay in... Guji  31/12

Kulankii 3aad ee Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon: Warbixintii Ceynte
30/12

Baaq Kasoo Baxay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka kooban 9 qodob kaas oo... Guji  [Dec 29]

Kulan diineedkii 3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday... Guji [Dec 29]


 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD