Beelaha aan hubaysnayn oo ka cabanaya
Maleeshiyooyinka ka amar-qaata Cumar-Finish iyo Barre Hiiraale.
Waxaa isa soo taraya warar madaxbanaan oo sheegaya in xadgudubyo ka dhana
banii adanimada lagu hayo beelaha aan hubaysnayn oo ku nool gobalada
shabeelada hoose iyo jubooyinka, kuwaasoo la xaqiijiyay in lagu hayo dil,
baro kicin iyo baad joogto ah, falkii udambeeyay waxuu ka dhacay meesha loo
yaqaan Gandeshe oo dhinaca galbeed ka xigta Degmada Madiina, halkaasoo
maalintii bishu ahayd 3da lagu dilay nin madax u ahaa dhalinyarada degan
tuulada Gandeshe, taasoo ay gaysteen sida ay sheegeen dadka degaanku
maleeshiyo ka amar-qaata Hogaamiye kooxeedka Cumar Finish, waxaa kaloo la
sheegay in dadkii degenaa tuuladaas ay baro kaceen kadib si ay uga badbaadaan
duulaan kale oo uga yimaada maleeshiyadaas. sida laga warqabana bishii
nofeemabar ee ina dhaaftay ciidanka Cumar finish waxay xasuuq ka gaysteen
tuulada Dhanaane dadbadanina ka baro kaceen guryahoodii.
Sidoo kale waxaa iyana laga soo sheegayaa in tacadi wayn lagu hayo dadka aan
hubaysnayn ee ku nool magaalada Kismaayo iyo Jilib, waxaa la cadeeyay in
asbuucii la soo dhaafay magaalada kismaayo meel udhow huteelka Barawaa lagu
dilay labo nin oo katirsan beesha loo yaqaan jareer wayn, sidoo kale waxaa
isna lagu dilay nin caan ka ahaa degmada jilib oo ahaa Suldaan dhaqameed,
magaciisuna ahaa Macalin maadow Yarow, kuwaa oo dadka ay ka dhasheen
marxuumiintaas ay sheegeen inay ahaayeen maleeshiyada uu utaliyo Col.Barre
Hiiraale. Hayadda udoodda Xuquuqda aadamiga ee Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaaale
ayaa dhamaan tacadiyadaas cambaraysay waxayna codsatay in la joojiyo lana
qabto kuwii ka dambeeyay dilalkaas.
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 5, 2004 |
Shirkii Minneapolis
iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa
sheegay in...
Guji 31/12
Kulankii 3aad ee
Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon:
Warbixintii
Ceynte 30/12
Baaq Kasoo Baxay
Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A
ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka
kooban 9 qodob kaas oo...
Guji
[Dec 29]
Kulan diineedkii
3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday...
Guji
[Dec 29]
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|