SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Asalaamu Calaykum wr wb.

HASHAAAN GEEDE WEYNE LIBAAX UGA GABOON WAAYAY INAAN GAROOWE UGA TAGAA WAA WAX SOO GUDHAY

Waxaan doonaya inaan halkan kaga jawaabo maqaal ciwaankiisu ahaa {Aqoonsiga Somaliland Wuxuu Ku xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn } oo uu qoray ninka la yidhaa Asad cadaani ibraahim. Kuna soo baxay bogga internetka ee somalitalk.

Hadaba iyadoo aanay wanaagsanayn in loo jawaabo hadalada cayda iyo aflagaadada xambaarsan ee ku qoran maqaaladaa.

DAGAAL WIIL BAA KU DHINTA KUMASE DHASHO
WAXAAN BERYAHAN LA SOCONAYEY XAALADA KA DHEX  ALOOSAN MAAMULADA MAJEERTEENKA IYO ISAAQA  WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA WAXAA IDINKA MAQAN BELAAYO OO INTII JAMUURIYADII SOOMAALIYA BURBURTAY AYAAD GAARTEEN HEER SARE WAXAANA FIICAN IN BINI,AADNKU NIMCADA MAHADIYO WAAYO WADAMADIINA DAGAAL KAMA DHICIN MUDADII SADEX IYO TOBANKA SANO AHAYD WAXAA FILAYAA HADDAAD DANTIINA GARAN WAYDAAN INAAN IDIN ORANAAYO NABADA SOOMAALIYA KA DHACDAA WAXAY KU XIRAN TAHAY DAGAAL DHEX MARA ISAAQA IYO MAJEERTEENKA DIB U MILICSO XIRIIRKA LABADAA QOLO 1969KII KA HOR                     CALOOWE1@HOTMAIL.COM
 

Marka hore waxaan leeyahay asadow waxa maqaalkaaga ka muuqda.

1- Garasho la’aan, aanad garanayn waxaad ka hadlayso mawduuca uu yahay, qofka aqoonta lihi waxa looga baahanyahay intaanu qalinta iyo warqada is saarin inuu fahmo waxa uu ka halayo, laakin waxa maqaalkaaga ka maquuda garasho la’aan aad u baddan. Waana inay ka maqnaadaan caadifad shaqsi iyo mid qabiil toona markaad doonaysid inaad fikirkaa dhiibato.

2- Aqoon la’aan , saxib waxa kale oo maqaalkaaga ka muuqda aqoon la’aan aanad aqooon fiican u lahayn dadka iyo dalka Somaliland, waxaad wax ka sheegtay ururkii SNM oo soomaaliya oo dhan laga tixgaliyo, waxa kale oo saxib Somaliland ku sheegtay beel kaliya, oo dhamaan beelihii kale oo dhan aad qarisay.

3- Cilmi la’aan , saxiib waxad tahay nin aan celmi u lahayn siyaasadaha caalamka, Somaliland kamay daalin siday aqoonsi uga heli lahayd dawladaha calamka. Somalilandna uma xidhnaan doonto shaqsiyaad dano gaara wata oo uu maamulka majeerteeniya dabada ka soo riixayo oo naxli kula dhex jira beelaha sool iyo sanaag, waxaana markhaati kuu ah caawimadii ayka gaysteen markii abaaruhu ka dhaceen gobolada bariga, oo aanay maamulka majeerteeniya ay ka gaabsadeen oo ay kaliya caawimo u direen dhulalka kale ee majeerteenku dego sida qardho.

Saxiib waxaad o gaataa in dadka Somaliland ay ka go’an tahay inay dufaacaan dalkooda, waxaanad sheegtay in ay kaga dhinteen 500 oo nin ladagalankii ingiriiska, laakin waxaanad ogayn in Somaliland ay kaga dhinteeb 5000 oo nin dufaaca dalkooda hooyo,

Saxiib waxaan ku soo gabo gabaynaya dhulku ma guuro ee dadkaa guura. Waxa kale oo aad ogaataa Hashaan geedo weynow libaax uga gaboon waayay inaan garoowe uga tagaa waa wax soo gudhay.

Saxib dalkaan ka saaray afweyne uga tagi maayo majeerteen waana waxaan dhacayn. Ee ha u durmaan tumin.

Maxamed-siciid osmaan Coomay
Hargeisa

Saidosman79@hotmail.com 

NB: Waxaa qoraalka SomaliTalk soo gaarsiiyey:
abdifatah hassan   cabdifataax_96@hotmail.com | Hargeysa

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

»BAAQ KU SOCDA SHACABKA ISAAQA [Dabagooye]

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]