SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

December 30, 2003

BAAQ KU SOCDA SHACABKA ISAAQA

Cali Warsame Dabagooye  
huluul40@hotmail.com

 
Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Waxan salaan sharaf leh u soo gudbinayaa shabakada SomaliTalk.com


Waxan ahay muwaadin u dhashay Soamli-land kana soo jeeda gobolka Sanaag. Waxan jecelahay inaan laba eray ka idhaahdo arimaha ka aloosan Sool iyo Sanaag taas oo maanta u qarka u saaran in dhiig badani ku daato sida ay u wadaan nimanka aanu qiimaha la lahayn dhimashada dadka walaalaha ee ku dhaqan degaanadaas.

Waan la socdaa dad aad u fara badan u dhashay beesha ama degaanka aan ka soo jeedaa inaanay jeclaysanayn qoraalkaygan sababtuna waxa weeye umadeenu ma jecla qofka runta u sheega oo waxay jecel yihiin in lagu maaweeliyo khayaali iyo ku tiri ku keentay.

Hadaan taariikhda dib u milisdo ilaa iyo intii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somali-land dhibaatada ugu wayn ee ay ilaa iyo maanta dagaalka qarka ugu saaran tahay waxa weeye inaga oo lugta is jiidayna,laga soo bilaabo dagaalkii sokeeye ee Burco,kii buuraha Shiikh iyo kii ugu dambeeyey ee dhibaatada aadka u wayn u gaystay bulshada reer Soomali-land ee aynu ku waynay dhalinyaro aad u farabadan,maal aad u fara badan,kalana fogeeyey bulshadeena.

Xaaladu meel kastaba ha soo martee inaga ayaa Soomaali-land meesha ay taalo dhignay,haday noqon lahayd nimanka isku sheega siyaasiyiinta ama shacabkaba door lixaad leh ayaynu ka qaadanay baabi'inta dhulkeena masuuliyadeedudana inaga ayay dusha inagaa saaran tahay nin kalena loo eedayn maayo,inaga ayaa dagaal sokeeye isku qaadnay ,dhexgeliney xumaan dadkeenii,qaar ka mid ah ka soo barakicinay dhulkoodii oo qaxooti ka dhigney ilawney dhibaatadii ina soo gaadhay 1988.

Hadaan dulucda hadalka hoos ugu daadago,laga soo bilaabo maalintii beelaha Somali-land ku shireen magaalada burco lana soo afjaray colaadihii beelaha ilaa iyo maanta ma jirto colaad dhexmartay beesha Isaaq iyo Harti,colaadu waxay ku koobnayd Isaaqa oo keliya. Waxan xaqiiq ah inaanay ka dhicin Somali-land colaad aan ahayn ta dhex martay beelaha Isaaq mooyee mid kale.

Waxan ku arkaa warbaahinta Somali-land in xukuumadu doonayso iney sugto xuduudaha Soomali-land,waxase is waydiin leh xagee xukuumadeenu ku maqnayd laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta oo ay doonayaan iney colaad cusub dhex dhigaan beelaha Bariga Somali-land. Miyaan ahayn mid lagu qoslo in maanta oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ineynu soo baraarugno oo nidhaahno xuduud ayanu sugaynaa.

Walaalayaal ma aha ineynu been isku maameelino,dawaldeenu been ayay inoo sheegtay,tusaale waxan idiinku soo qaadayaa doorashooyinkii ka dhacay dalka ma waxaad u haysataan iney ka dhaceen degaanada Warsangeli iyo dhulbahante,qofkii rumaysan doorasho ayaa ka dhacday Sool iyo Sanaag-bari waxan ku leeyahay waad hurudaaye soo kac,jahawareerinta dawladeena ha dhegaysan.

Waxan shacabka sharafta leh ee Soamli-land kula talin lahaa inaynu xisaabtano eegno galdalooladeena iyo sida xukuumadu shaqadeedii uga soo bixi wayday. Colaada maanta laga soo cusboonaysiinayo Sool iyo Sanaag shacabkeena dan uma aha ee waa mid Daahir Riyaale iyo xulifadiisa ay ayaamo ku danaysanayaan oo ay doonayaan iney shacabka ku mashquuliyaan.

Dadka ku dhaqan Sool iyo Sanaag-bari waa dad walaalaheen ah oo dhaqan iyo is dhal inaga dhaxeeyo inagama mudna ineynu gelino colaad dibna u soo cusboonaysiino dagaaladii qabaa'ilka ee la soo ah jaray 1991,ma aha ineynu ku xadgubuno damiirkooda kuna khasbno waxaanay doonayn sida aynaan u doonayn in inagaba laynagu khasbo wax aynaan raali a ahayn. Waxan u arkaa in xukuumada Soomali-land ay ku fashalintay iney shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag-bari iney ka mid noqdaan Soamli-land,taasina ma aha mid ka qarsoon qofkii maskaxdiisa adeeganaya.

Dawadu intay hanjabaad iska dayso ama eedaynta ay u soo jeedinayso C/lahi Yuusuf waa iney la timaadaa siyaasad ay dalka ku midaynayso,lacagta loogu tala galay in lagu daadiyo dhiiga reer Sool iyo Sanaag-bari dawaldu qorshe siyaasadeed oo meel mar ah ha ku samayso ,hadaanay taas awoodin dawada yaan laga yeelin qof aan ku doonayn ayaan muquuniyaa, taasi waa tii u socon wayday Siyaad Bare isagoo haystay ciidan iyo hub aad u fara badan inagana inoo socon mayso hadaynu isku dayno.

Gebegebo: Hadii xukuumada Soomali-land ku fashilanta kaalintii siyasadeed ee ay umada u haysay gaar ahaan gobolada sool iyo Sanaag-bari waa in xukuumadu is casishaa umaduna ay doorataa hogaamiye xalin kara dhibaatooyinka umada. Mar labaad waxan idin xusuusinayaa erayadii Boqor Buurmadaw ee qiimaha badnaa kuwaas oo uu ku sheegay shirkii jaraa'id ee uu qabtay magaalada Hargaysa duludeeduna ahayd marnaba ma ogolaalayno in colaad laga abuuro gobolada bariga dalka. Baaqa Boqorku soo saaray wuxuu gaar ahaan ula hadlayaa madax dhaqameedyada,cuqaasha,waxgaradka,mutacaliniinta,iyo inta nabada jecel ee reer Soamli-land gaar ahaan reer Togdheer iyo Sanaag iney ilaaliyaan derisnimada iyo walaaltinimada beriskooda.

Cali Warsame Dabagooye
 
huluul40@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 30, 2003

»NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN! [Daahir]
»HAN WEYN IYO HIBO YAR! [Shaafici]
»RAAFKA SOMALIDA IYO GABAYGA RAAFKA RIYAALE EE SL  [Dirir]
»Qiyaadadoon, Qabiildoon, Qalindoon VS Qarandoon [Moallim]
»JAMHUURIYADDA DHAAN DABAGAALE [Hagi]
»NIMAAM HADLIN HOOYADIIS QADISAY [Xasan Dhooye]
»CIIDAMADA SL EE AAGA GALBEED OO AMAR LA SIIYEY [Diridhaba]
»MAANSO TAAGEERO [C.Botan]
»ALLA MA ANIGAA NASIIBKAAS LEH ( DIO MIO!) [Eelay]
»Maxay ku salaysantahay siyaasadda Soomaalidu [C/waaxid]
»RIYAALE MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA [M.Farah]
»Midnimo Soomaaliweyn: Halka helintaankeedu ka dhowyahay [Cige]
»Hanjabaadda Ina Rayaale Kaahin!! [Cawl]
»ARAGTIDA CAALAMKA IYO REER SOMALILAND [Pilot]
»S.N.M : Xinifbaaba loo Kordhiyay iyo Xoorrimaadee! [Iid]
»UJEEDOOYINKA MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED
»IS QURXINTA DUMARKA: QARASH BEEL IYO QURUX BEEL [Fahad]
» Faalo: Dekanada aad Dhitaysataad Dhami Doontaa! [Gaal-eri]
» Waraysi Madaxweynaha Jabhadda WXO  [Dhagayso]
FALALKA FOOSHA XUN EE KURDLAND
[Ahmed Sheekh]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD