SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Midnimo Soomaaliweyn: “Halka helintaankeedu ka dhowyahay”

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK
Dec 11, 2003

Nidaamkasta oo isu keenaya ama ururinaya beelo, degmooyin ama waddammo waxa uu u baahanyahay tallaabooyin loo maro oo fududaynkara dhammaystirkiisa.

Tan iyo maalintii -1961 inqilaabkii dhicisoobay ee Somaliland- ay soo baxday higgadii ugu horraysay ee muujisay in midnimada Soomaaliweyn lagu raadinayaa tahay dhismo caad ka samaysan waxa inta iska yeelyeesha in lexejeclo ka hayso midnimada Soomaaliyeed mashquul ku ahaayeen in ay ogaadaan oo jid u helaan sida lagu gaadhikaro midnimo Soomaaliweyn.

Mar waxa lagu deyay muruq lagu muquunsho dawladaha gumaysta dhulalka Soomaalidu ku nooshahay, mar waxa lagu deyay askari talada gacanta loo geliyo, mar waxa lagu deyay qayladhaan lagula wareego Afrika, Aasiya iyo adduunka dacalladiisa.

Jidkasta oo lagu deyay wuxuu noqday mid soo xidhan oo ama khasaare u keena dalka intii xorta ahayd ama hagardaamo iyo kala-qaybsanaan ku rida Soomaali intii wada joogtay.

Laga bilaabo sannadihii 60nadii waxa soo ifbaxday in jidkii himalada Soomaaliweyn lagu gaadhilahaa la helay. Jidkaasi wuxuu dhababaco ku orday intii laga soo bilaabo 80nadii. Ninkasta oo isu muujiya inuu ka hadlo fikradda ah baadidoonka Soomaaliweyn wuxuu qiray oo niyadda gashaday in maanta tubtii saxa ahayd la helay.

Cabdirisaaq X. Xuseen oo mar Ra’iisal wasaare u ahaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed baa laga hayaa; “Reer Waqooyi waxa ay doonayaan heesaha ha ku soo sheegteen”.

Maxamed Siyaad Barre oo isna talada Soomaalida mar boob ku helay ayaa falal badan oo uu ku dhaqaaqay si uu aragtidiisa u ilaaliyo midnimada Soomaalida waxa ka mid ahaa “Barakicinta beelo dhan iyo ku abuurista halkoodii beelo kale oo dhul kale laga soo hayaanshay”.

Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo kala hadlayay taliyihiisii guud M. S. Barre sida lagu ilaalinkaro midnimada Soomaaliyeed ayaa mar laga hayaa “Waxa jira Jeermis badan oo loo baahanyahay in la xaaqo, waxa aannu u baahannahay dawadii Jeermiskaas dililahayd”.

Mar kalena isla Moorgan isaga oo ka hadlaya sida midnimada Soomaaliyeed uga faa’iidaysankarto heshiiskii M. S. Barre la galay Mingiste Xayle Maryam ee lagu saxeexay dhulkii Soomaalidu u sheeganjirtay Itoobiya wuxuu yidhi; “Waa in maanta cadawga aynu hilbo kala hadhnaa”

Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxa Tennegga(TNG) aan meel gaadhin oo isna wax ka yidhi sida loo ilaaliyay midnimada Soomaaliyeed ayaa dad sida la qoray tiradoodu konton kun dhaaftay oo Ciidan la odhanjiray qalab buu sitaa ku xasuuqay gobollo magac leh ku tilmaamay “Waxoogaa”.

Dhammaan halku-dhigyadaas aan idiin taabtay waxa ay salka ku hayaan oo ka arooraan jidka cad ee ay heleen ragga arrimahaas ka yeedhiyay kaas oo ah kan lagu gaadhayo Midnimadii Soomaaliyeed.

Jidkaasi wuxuu leeyahay qaacido. Qaacidadaasi waxa ay u dhigantaa

MS – I = SW, iyada oo MS = Midnimada Soomaaliweyn, I = Isaaq, SW = Soomaaliweyn.

Midkasta oo ka mid ah hadallada hoggaamiyayaashaasi ka dhawaajiyeen wuxuu fulinayaa qaacidadaas. Furfurka dhibaatada gaadhitaanka guusha midnimada Soomaaliyeed ee in badan jaahwareerka keentay meesha fog ee laga doonayo kuma jiro, wuxuu taaganyahay halkan dhow. Ka saar reerka Isaaq la yidhaahdo Soomaali, Midnimadii Soomaaliyeed waa taam.

Qaacidada iyo isticimaalkeedu maaha wax qarsoonaa ee waxa in badan adkayd dhaqangelinteeda buuxda. Qaacidadu dhigimayso in reerkan baas ee wadnaqabadka ku noqday midnimada Soomaaliyeed debedda la dhigo oo inta gooni loo gooyo Soomaali inteeda kale la isu ururiyo….

Qaacidadu waxa ay ka duulaysaa ra’yiga duugga ah ee tilmaamaya in Midnimada dhulka Soomaalidu muqaddas tahay, si haddaba aan muqaddasnimadaasi u shaashoobin waa in dhulka reerkani dego oo reerku ka maqanyahay noqdaa qayb ka mid ah “Muqaddaska”.

Haddii la firdhiyo sidii Falastiin fogaanmaayaan furuq madhi ee waxa ay qaxooti ku noqonayaan meelo aan dheerayn, sidii dhacday 1988kii – 1991kii. Taas oo keenaysa dhibaato farabadan oo ay ugu horrayso in ay soo rogaalceliyaan.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu isagu leeyahay ”Wixii ay u baahanyihiin heesaha ha ku soo sheegteen”, arrinkoodu baryo ha ku jiro, nin baryo aad gaadhsiisay muxuu kaa tarikaraa, waa dameerka aan ku joogo maxay dhuusadiisu iga dhibaysaa.

M. S. Barre, M. S. X Moorgan iyo madaxa Tenegga(TNG) Cabdiqaasim S. Xasan iyaga qorshahooda iyo inta qaacidada isticimaalkeeda la socodsiinayaa way ka qotodheertahay tan Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Iyaga qorshahoodu wuxuu ahaa(yahay) in sida ugu ballaadhan qaacidadan looga faa’iidaysto…

Waa in Jeermiskan midnimada ku baxay uu meesha ka fuqaa, waa in dadka la xaaqaa, magaalooyinka ay degganyihiin laga safeeyaa, dhulka si aan dhididkoodu wax dirkooda ah uga soo saarin waa in lagu beeraa ubad kale.

“Wan la qalay sidiisaad; Hilbahaygi wadhatoo………. Waaxyahayga go’an baad; Waraabaha u loogtoo………. Ku wiirsaadlahaydoo; Noloshaba ha weydee…….. Wedkaygaan dhammaan iyo; Weynahaa i bixiyaye….. Waxba iilamaad hadhin”,,,,,, Codkii Khadra Daahir Cige

Waan arkaa sida amankaagga iyo yaabka aad isu gelinaysaan. Waan ogahay sida uurkiinnu ii akhriyayo iyo waxa uu igu tilmaamayo, waxa aanse taaganahay…

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Marka aad aragto sida waayaha soo maray ummadda ku hadasha afka Soomaaligu u taxanyihiin, marka aad istaagto geedkasta, marka aad farta geliso moqor kasta oo inta midnimo u dirirka sheegataa daacadnimo kuugu tilmaamaan waxa kaaga soo baxaysa in “Tubta midnimada Soomaaliweyn lagu gaadhayaa tahay reerka Isaaq oo ka baxa xaydaanka beelaha afka Soomaaliga ku hadla, laga waayo geeska Afrika, haddii cidi ka baxdona loo masaafuriyo carro Yuhuudeed oo ah dhul inta kale la jeceshahay.

Astaamaha iyo ifafaalaha aan ka soo dheegtay ra’yigayga haddii aan idiin bilaabo noqonmaayaan wax maqaal, laba iyo saddex lagaga yaqaafayo, waxa aanse idiin soo qabanayaa maydka u dambeeyay ee imika la sii sido.

Waxa dhowaan dhacday in maamulka Somaliland ku dhawaaqay in dalka laga saaro dad badan oo sida la sheegay aan sharcilahayn. Waxa dadkaas loo qabtay muddo. Go’aanka lagu saarayaa waa mid dawladeed, wuu saxsanaankaraa, khalad iyo qaloocna wuu ku jirikaraa. Cid badan oo ka tirsan bulshada Somaliland oo u bogtay iyo cid badan oo ka biyadiidday intuba way jiraan.

Muddo ka sii yara horraysay waxa dawladda Jabuuti oo iyana ku jirtay dhulka Soomaalida, haseyeeshee aan midnimo-u-dirirka u tirsanayni, ay amar ku bixisay in dad farabadan oo tiro laxaad leh oo ka mid ahi Soomaali yihiin kaga baxaan dalka muddo gaaban.

Labada amar waa laba amar oo isku meel ku arooraya, waxa labadaba soo saaray laba maamul oo dawladood, midna beel Isaaq la yidhaahdaa ma soo saarin.

Amarka Jabuuti cid ka mid ah midnimo-u-dirirka oo dareentay ma jirin, muddaharaaddo laguma dhigin, beel laguma eedayn, waxa ay noqotay arrin fushay oo sidii lagu illaaway.

Waxa yimi arrinkii Somaliland. Markii dawladda Somaliland soo saartay go’aankan waxa durba oogsaday wixii afSoomaali ku hadlijiray. Maqaallada isweydaaranaya, waraysiyada aan kala go’ayn, hanjebaadda iyo cagajuglaynta, marqudha ayaa dunidii isla kacday.

Maadi waa meel, waxa ka sii daran cidkasta oo afkaas ka yeedhay waxa ay eeddii dhalada ka saareen Isaaq!!

Sidii caadada ahayd ee ay Siyaad Barre, Moorgan, Cabdiqaasim iyo rag badan oo kale hore ugu soo dedaaleen ayaa markeliya Qaacidadii MS – I = SW daboolka laga qaaday.

Guddoomiyaha Jabhadda Ogaadeenka oo isagu ka hadlaayay arrin ku saabsan rag uu yidhi dawladda Riyaale ayaa Hargeysa ku xidhay ayaa isna wadaanta dacalka qabsaday. Wuxuu ka cawday meel kaga dhaca dhaqanka Soomaaliyeed, wuu saxsanyahay haddii ay jirto. Wuxuu ka hadlay sida beelaha Somaliland iyo Kililka 5aad dhalasho iyo dhaxdin isugu yihiin ee aan arrintani inay ka dhexdhacdo u ahayn, waa gartiis haddii sida wax loo fuliyay maqluub tahay.

Wuxuu ku dulheehaabo hadallada dheeha Soomaalinnimadu ku dhejisantahayba markii dambe ayuu sidii qori-ismariskii marka dantiisu u hirgasho galka kale la soo bixijiray dhinac kale iska rogay. Wuxuu u hanjebay beelaha Isaaq ee deggan kililka 5aad iyo sida ay iyagu ugu dhimandoonaan falalka dawladda Somaliland!

Ii kaadiya bal hadda! Beelaha kililka 5aad deggan baa u go’aya falalka dawladda Somaliland? Miyaynaan awel wax wada doonayn? Haaaaa! Hadda ayay ii dhacday Qaacida midnimada Soomaaliyeed (MS – I = SW) ayaanay iyagu ku jirin.

Shaki malaha in shacbiga ku hadla afka Soomaaligu meel uu joogaba iska xigo uumiyaha kale gaal iyo Islaam, wixii qolo u fiican ayaa qolada kalena u fiican.

Bal haddaba mar haddii sida midnimo doonku wadaan beeshan Isaaqu tahay tan Jeermiska ku ah mabda’aas, dalkiina la leeyahay waa muqaddas oo Quraan aanan anigu arag baa sidaas yidhi, xalka qudha ee u furan qolyaha ku gabbanaya mutulka midnimada Soomaaliyeed waa iyaga oo toos u fuliya islamarkaana dhammaystira qaacidadan inta badan loo soo dhiraandhiriyay…

Dagaal lagu qaado, dayuurado lagu kiciyo, idaacado lagu furo, dabadhilif la soo diro oo beeshan Jeermiska ku noqotay midnimada Soomaaliyeed meesha ka saarayaa ma jiro.

Dhammaan tabihii hore loo tijaabiyay oo dhammi shaqaynmaayaan….

Xalku waa inuu noqdaa “Xalkii gebagebada”. Waa in sidii Hitlar midnimadoonku samaystaa moofooyin balballaadhan oo intii Yuhuudda Jarmalku ka dilay badhkeed qaadikara, waa in aan la dhaafin oday, wiil, gabadh, ummul, mid uur leh, waa in aan xitaa duunyada ay dhaqdaan laga tegin si aan fardaha qaarkood ama geela qaarkii Soomaaliweyn ula muuqan Isaaq dunida ku hadhay.

Maalinta xalkaasi dhaqangalo ee Hargeysa, Burco iyo Berbera noqdaan sida Midnimadoonku ku wado, ha la tijaabiyo bal in Soomaaliweyn yeelato xididdo dhulka gala oo aan Jeermis cusubi ku dhalan. Haddii taasi suurtagasho oo Soomaaliweyn barwaaqo ku seexato, ka nasato Xabashi Jacaylka, Yuhuud u hilowga, Ingiriis ehel moodka, waa in markaas beeshaas gudubtay ee raadkeedii ifka ka libdhay sidii Cabdiqaasim sheegay loo arkaa “Waxoogaa” yacni sadqo ah….

….Haddiise Soomaaliweyn sidii Haan dhego-adag bixiweydo, haddii dhidibbo istaaga la waayo, haddii sida 15ka shir ee bilaa Isaaqa ah oo kale dhexroorkii lumo oo kaanshadiba kaanshad qabsanweydo, xalku ha noqdo in qalfoofkooda hadhay ee xabaalaha ballaadhan lagu duugay loo diro Saynisyahanno weyneyso iyo qalab casri ah ku biniixiya oo bal sida ibtilad gaasta lagu aammusiiyay weli qaacidadii laga jaray ee noqotay MS + 0 = SW ugu dhexjirikarto ha ka soo fageen.

Wixii canaan, faallo ama talo aad ka dhiibanayso qoraalkan waxa lagu soo dhowaynayaa qalbi furan iyo niyad Soomaalinnimo ku dheehantahay; fadlan ku soo hagaaji edleh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]