SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 2, 2004

WARARKA BOOSAASO:

  • Ganacsato doonaysa in ay maalgashato Kaluumaysiga Puntland oo Booqasho ku yimi Puntland.
  • Qamriga loo yaqaan DRY GIN, BEER iyo nooca CARAQDA oo lagu Burburiyay Maxkada Boosaaso horteeda.
  • Waxaa la xukumay Tafatirihii Wargeeska War- Ogaal ee ka soo baxa Boosaaso

Ganacsato doonaysa in ay maalgashato Kaluumaysiga Puntland oo Booqasho ku yimi Puntland.

 


Wasiirka iyo Ganacsatadii oo wada Fadhiya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Farax yuusuf Dooxajoog

Wakiilka SOMCAN ee Ilaalinta badaha Puntland oo Tusaya Ganacsade ka mida Wafdigii Norway inta Miyl ay Badaha puntland ka ilaaliyaan

Paul Grimen oo ah Ganacsade Norway

Arfe Nerland oo ah Ganacsade Norweg ah

Maxmed Saalax Yuusuf oo ah Madaxa Shirkada Isgaarsiinta NETCO iyo Shirkada Diyaaradaha Daallo Boosaaso keenayna Ganacsatada Norweg-ka

Ganacsade ka mida wafdigii Norway ahaa oo wasiirka tusaaya Warqad aya ku qorantahay Habka ay doonayaan

Waxaaa Taariikhdu markay ahayd May 31 2004 soo gaaray Magaalada Boosaaso labo Nino oo ah Ganacsato u dhalatay Dalka Norway oo lagu kala Magacaabo Arfe Nerland iyo Paul Grimen, Ganacsatadaa ayaa waxaa safarkooda ku weheliyay Ganacsato u dhalatay Gobolada Puntland,oo uu ka mid yahay Madaxa shirkada Telfoonada Netco ee Boosaaso ahna Madaxa shirkada Diyaaradaha Daallo ee Boosaaso Maxamed Saalax Yuusuf.

 

Ganacsatadaa ayaa waxaa ay ku mareen kormeer Booqasho ah Dekada Magaalada Boosaaso iyo Shirkada Necfish ee kaluumaysiga waxaa Booqashadoodaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Faraax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) iyo Mas,uulka shirkada SOMCAN oo ah shirkad ilaalisa Badaha Puntland Cabdi Cali Taar (Xiif), kadib booqashadaa Waxaan wax ka waydiinay Safarka Ganacsatadaa Wasiirka Ganacsiga DGPL Dooxajoog oo aan ugu Horeentii Waydiinay waxa ay doonayaan in ay maal gashadaan Ganacsatadaan? waxa uu Wasiirku ku jawaabay in ay doonayaan in maal gashadaan Warshado Kaluumaysi iyo in ay Bada ka kaluumaystaan, mar aan Wasiirka wax ka waydiinay in ay jireen shirkado hore uga kaluumaysan jiray Badaha Puntland oo ay keeneen Ganacsato Reer Puntland kuwaan waxa ay kaga duwanyihiin kuwii hore? ayuu wasiirku ku jawaabay in ay kuwaan doonayaan in ay keenaan warshado kadibna ay maraakiibtooda ku soo xirtaan Dekada Boosaaso ay tahay in ay u maal gashanayaan in ay siiyaan shaqo shaqaale badan oo ka shaqeeya warshadahaa iyo qaybaha kaluumaysiga, wasiirka ayaa ku daray hadalkiisa in ay kala hadleen sidii ay Ganacsatadaan u xoojin lahaayeen Shirkada Ilaalisa Badaha Puntland ee SOMCAN oo uu hada Wakiilka shirkada (Xiif) uu nala Fadhiyo.

 

Wasiirka Ganacsiga DGPL oo ka waramaayay in uu Ruux kasta Maalgashan karo Puntland Qayraadkeeda kala duwan ayuu sheegay in ay Wasaarada ganacsiga ku soo dhaweyneeyso ayna Doonayaan in shaqo ay ka helaan shaqaale badan oo u dhashay Puntland iyo Soomaaliya intaba.

 

 Wershedo yaryar oo Laga Furay Boosaaso

 

Qamriga loo yaqaan DRY GIN, BEER iyo nooca CARAQDA oo lagu Burburiyay Maxkada Boosaaso horteeda.

 

Waxaa Taariikhdu markay ahayd May 31 2004 lagu Burburiyay Maxkamada Horteeda ee Magaalada Boosaaso Qamri Dhan 13 Dhalo oo ah nooca loo yaqaan DRY GIN, 197 oo ah nooca loo yaqaan BEER iyo labo Jirigaan oo ah nooca loo yaqaan Caraqda oo ah Nooc lagu sameeyo Gacanta oo kuligood laga sameeyay Dalka Ethobia waxaa dheeraa Afar Cajaladood oo ay ku duuban yihiin Folimada SEX ah, Qamrigaa ayaa kadib markii lagu soo qabtay Gaawaari ah kuwa qaada xamuulka oo siday Jawaano ay ku jiraan Miraha loo yaqaan Galayda iyo Digirta  ayna arkeen Ciidanka Ilaalada canshuuraha DGPL ku sugan Kontaroolka Magaalada Boosaaso, halaka Cajaladaha anshax xumada ah lagu soo Qabtay Filimada Xarumaha Vedio ee lagu daawado lacagta.

 

Markii la horkeenay Maxkamada degmada Boosaaso ayna dhagaystey dacwadii  qamriga iyo Cajaladaha, ayay qamrigii ku xukuntay in lagu Burburiyo meel fagaaraa, cajaladahana la gubo, maaha marki ugu horeysay ee Muqaadaraadka lagu qabanaayo gawaarida ka imanaysa Gobolda Puntland, Soomaaliya iyo Dalalka Dariskaa ayna soo galiyaan Goboladaan Puntland, mar aan waxka weydiiyay Gudoomiyaha Faafreebka Xuseen Sheekh (Jifojabsade) oo isagu horkeenay maxkamada ayna kusoo wareejiyeen Boliska Kontaroolka Boosaaso ayaa ii sheegay in wali daba joogaan sidii ay ku tirtiri lahaayeen anshax xumida ayna gacan ka helaan Shacabka inta aan heysano taageerada Shacabka Daali mayno ayuu yiri Gudoomiyuhu.

 

Waxaa la xukumay Tafatirihii Wargeeska War- Ogaal ee ka soo baxa Boosaaso

 

Waxa markii ugu horaysay la hor keenay Maxkamada Boosaaso Tariikhdu markay ahayd May 31 2004 Tafatirihii Wargeeska lagu magacaabo WAR,OGAAL Cabdishakuur Yuusuf Cali oo lagu xiray Jeelka Magaalada Boosaaso Tariikhdu markay ahayd April 21 2004 iyadoo lagu eedeeyay in uu Qoray warar lid ku ah Wasiirka Maaliyada kadibna loo dhaadhiciyay Xabsiga kadib markii uu ku xirnaa Saldhiga 45 daqiiqo, Tafatiraha oo uu ku Doodayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee G/Bari ayaa uu ku eedeeyay in uu ku been abuurtay Wasiirka Maaliyada DGPL uuna Wasiirku soo Dacweeyay Wariyaha uuna istaahilo in lagu xukumo Labo sano oo xariga iyo Ganaax lacageed oo aad u fara badan si ay ugu quus qaataan Wariyeyaasha kale ee la midka ah si ay wax uga sheegin Madaxda Puntland ayuu yiri Xeer Ilaaliyahu.

 

Wariye Cabdi shakuur ayaa markay Maxkamadu Dhagaysatey dacwadiisa oo uu u doodayay Qareen Maxamed Abshir ayaa maxkamadu ay ku xukuntay Lix Bilood oo xariga uuna Iibsan karo.

 

Wariyeyaasha ku sugan soomaaliya ayaa ku jira Qatar marka ay Faahfaahin ka bixiyaan Dhacdooyin ku saabsan Madaxda Maamulaada, Hogaamiye Kooxeedyada, iyo kuwo Qabaa,il tasoo uu wariyuhu mudanaayo marka ay ugu yartahay Xarig Mooraljaba iyo Dil uu naftiisaba ku waayo Wariyahu.

 

Cabdifataax Jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com 
SomaliTalk.com | June 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD