SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 18, 2004  

WARARKA MUQDISHO EE MAANTA

  • Lix safiir oo Somaliya u fadhisay qaar ka mid ah wadamada Carabta oo socdaal  kusoo maray muqdisho
  • Xubno ka socda Urur Gobaleedka IGAD iyo Goob joogayaasha Beeesha Caalamka oo Booqday Jowhar

Waxaa wararkan soo ururiyey
C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Xubno ka socda Urur Gobaleedka IGAD iyo Goob joogayaasha Beeesha Caalamka oo Booqday Jowhar

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Xubno ka socda Urur Gobaleedka IGAD iyo Goob joogayaasha Beeesha Caalamka ayaa waxaa maanta (March 17) gaareen Magaalada Jowhar oo ah Meesha uu shirka uga socday Golaha Abaabulka Qaranka Somaliyeed ee ka gadoodsan shirka somalida uga socda dalka kenya si ay wada hadal ula soo yeeshaan hogaamiyayaashaasi

sida ay sheegayaan wararka maga soo gaaraya magaalada jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan inay soo gaareen magaaladaasi wafdi ka socda IGAD iyo Goob joogayaasha Caalamka kuwaasoo uu hadaf kooda uu yahay sdii ay wada hadal ula yeelan la yaaheen Hogaamiyayaasha ka biya diidsan shika ee baryahanba ku shirsanaa halkaasi

wararka qaar ayaa waxaa ay sheegeyaan inay wafdigan ay hogamiuyayaashaasi kala hadli doonaan sidii ay mar un u tagi lahaayeen shirka oo ay halkaasi ku soo bandhigaan waxa ay tabanayaan iyo sida lagu sii wadi karo shirka somalida uga socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaaso ay mudo kasoo maqan yihiin

Kulankii ay yeesheen Madaxdaasi ka socota shirka iyo hogaamiyayaasha la magac baxay Golaha Abaabulka Qaran Somaliyeed oo Saxaafada loo diiday ayaanan ilaa iyo iminka aysan soo ifbixn waxa dhabta ah ee ay kawada hadleen madaxdaasi laakiin wararka qaar ayaa sheegaya inay Wafdigaasi ay u wadaan hogaamiyayashasi warqad digniin ah oo ay kawadan beesha caalamka iyo Urur Goboleedka IGAD,balse la argi doonee waxa kasoo baxa kulankaasi

Lix safiir oo Somaliya u fadhisay qaar ka mid ah wadamada Carabta ayaa maanta socdaal ay kusoo mareen muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida laga dhigay Muuqaalka Muqdisho

Safiiradan oo ah safiiro somaliyeed oo dalka ka maqnaa mudo 14 sano ah ayaa maanta waxaa ay socdaal ku soo mareen meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa ay sheegeen inay aad u kala duwan yihiin Fikradii ay muqdisho ka qabeen markii hore iyo waxa ay maanta indhahooda ku argeen ,iyadoo ay shegeen inay aad uga xun yahiin xaalada magaalada muqdisho

Goobaha ay socdaalka kusoo mareen Safiiradaasi ayaa waxaa ka mid Hotel Curubo oo ah Hoteeladii ugu caansanaa Magaalada muqdisho iyo Bankiga Ganacsiga iyo Saldhiga Afar irdood oo ah meelo dagaaladii sokeeye ay kasoo garen Burbur faraban

Socdalkooda kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Banaadir halkaasoo ay hadalo kasoo jeediyeen Safiiradaasi waxaana ay tibaaxen in loo baahan yahay in dadka ay dowlad sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhistaan taasoo ay sheegeen inay guud ahaan dadka somaliyeed ay y tahay sharaf

Safiiradaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Nuur oo ah Safiirka Somaliya ufadhiya Jabuuti

C/qaadir Amiin oo ah Safiirka Somaliya isna u fadhiya wadanka Kuweet,Maxamed Cumar ayaa somaliya u fadhiya dalka Qadar,Axmed Cabdala waxa uu isna dalka somaliya u fidhiyaa wadanka Sacuudiga Cabdi salaan Macalin oo iisna ufadhiya somaliya dalka Yaman

C/salan Macalin oo ah safiirka somaliya u fadhiya dalka yaman ayaa mar la waydiiyay waxa ay ka qabtaan mar hadii aysan jirin wax dowlad ah oo somaliya ka howlgasha "runtii arintaasi waxaan filayaa inay dareemi kara dadka ku dhaqan dibada waxaa run ah in ilaa iyo markii ay mesha ka baxday Dowladii Dhexe ee Somaliya waxaan ahayn dad aan qaadan wax Mushahar 14 sano waxaana ka xishoonaa in aan wax waydiisano raga aan isku jagada nahay oo madaxa ayaan carada ka ceshanaa ula istaagnaa u dadaalida dadka iyo dalka somaliya "kaasina waxaa uu ahaa Safiirka somaliya u fadhiya dalka Yaman

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2004 

Waraysi: Maamulka Shirkadda Duulimadka ee Jubba

Xasan Qalaad oo Xukuumada Itoobiya Ku Taageeray Odayaasha Reer Hiiraan ee Itoobiya Lagu Xiray
» Jaamacada Carabta oo taageeray hishiiskii 29 January Guji...

 Xaabsade: "Sheekh Aadan Madoobe Waa imankaraa Baydhabo Haddii aysan lasocon Gen. Morgan iyo Danjire C/laahi": Xaabsade oo tibaaxay inay taageersan yihiin shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya ayaa.. Guji 16/3

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD