SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

March 1, 2004

Mohamed A. Dayib Guure
Marketing manager and
Education officer
of Somlink Enterpreise

www.somlink.com

cell:00925286751
Islamabad-Pakistan
dayib2@hotmail.com

Sidee usoo Jeedin kartaa Khudbad wanaagsan

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ciyaal Malaaciinka Internetka
Qore:
DAWO  HASSAN
Malaha Aabbe kool kooliya mana arki karaan ilma  la kool koolinayo Guji...

Dugsiyada Soomaalida, kuwa hadda jira iyo kuwii horeba, way ku yarayd in ardeyda lagu tababaro sida khudbadaha looga soo jeediyo ardeyda horteeda, marka la barbardhigo sida ardeyda Pakistan loogu ababiyo. Waxaa laysla qiray in ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha gashaa ay qabaan fagaaro-ka-nax markay timaaddo inay wax ka soo jeedinayaan ardeyda horteeda. Intii daraasadda ka qeyb gashay 68% ka mid ah dhibaato ayay kala kulmeen arrintan. Halka ardeyda Pakistanta ee ay isku fasalka yihiin, rag iyo dumarba, aysan waxba u arkin hadday wax u jeedinayaan kow mise kun qof.

Hadaba arintu kuma koobna ardeyda somaliyeed ee wax ka barta halkaan ee waa ardeyda somaliyeed oo wadanka dibadiisa usoo doonta jamacadaha oo school hoose,dhexe, sare kusoo qaatey wadanka gudihiisa.

Arintaas anigoo ufirinaya ayaa waxaa ila gudbonaadey in aan qoraal ka qoro qoraalkas oo aan kaga hadli doono qaabka ugu wanaagsan oo qofku ku gudbin karo Khudbada(Presentation).

Hadaba waxaad ogaata hadii aad rabto in aad wax gudbiso ujedadaadu waxa weeye in dadka ku dhageysanaya ay markaas fahmi karaan ama ay uriyaaqi karaan fariinta(khudbada) aad markaas rabto in aad ugudbiso. marka hadii aad rabto in aad ujedadaada gaarto waxaa jira in aad feejignaan iyo xilkastnimo aad ulahaato afartaan qaab oo soo socota:

  • Dhegeystayaasha khudbada

  • Mowduuca khudbada

  • Ujeedada khudbada

  • Kala hormari hadalkaaga

  • hada aan ku horeyno Dhagaystayasha(audiance)

    Waa inaad ugu horeyn si wanaagsan u deristaa dadka ku dhegeysan doonaa nooca ay yihiin. Ma dad waayeel ah ayey u badan yihiin mise dhalinyaro? Aqoonta ay leeyihiin waa mid noocee ah? Guud ahaan maxay xiisaynayaan dadkaas ku dhegeysanaya? Isweydiinta Suŕalahani waxaa waxa ay kuu fududynaysaa inaad khudbadaada ku adeegsato erayo ay dadka ku dhegeysanayaa si wacan u fahmi karaan. Taas waxa aan ula jeedaa iyada oo ay inta badan kala duwan yihiin erayada la isticmaalaa hadii lala hadlayo dad aqoon leh iyo hadii lala hadlaayo dad aan wax aqoon ah laheyn.

    Mowduuca khudbada

    Mowduuca aad ka hadleysaa waa mid sidee ah? Aqoontaada ku saabsan mowduucanse imisa ayey dhan tahay? Waxaa kaloo iyana aad u haboon inaad qorto mawduucaaga adigoo u sameynaayo ciwaan sida: Sidee Uhormarinkarnaa Bulshada miyiga Dalka somalia? Intaas dabadeed waa inaad raadiso xaqiiq dhab ah oo ku saabsan mowduucaaga. Meelaha aad warbixinta ka raadsan karto waxaa ka mid ah buuggaagta horay loo qoray iyo weliba aaladda Internetka hadii ay taasi suurtogal kuu tahay. Waxaad kaloo warbixin mowduucaaga ku saabsan ka heli kartaa adigoo waraysi la yeelanayo dad xog ogaal u ah arinta aad ka hadleysid(expreinced persons). Waxaa kale oo iyana muhiim ah intii aad ku dhexjirtid ururinta akhbaarta inaad eegtid buugaagta aad adeegsaneysid wakhtigii la qoray. Marwalbana waxaad dooraneysaa warbixiniba mida ay ka dameysey(Latest information). Arintaasi waxay kuu suurto gelineysaa in wabixintaadu ay noqoto mid cusub oo xiiso leh

    Ujeedada khudbada

    Khudbada aad soo jeedineysaa waa mid ceynkee ah? Ma waxaad dooneysaa inaad gudbiso akhbaar cusub (information)? Mise waxaad dooneysaa inaad dood abuurtid? Mise ujeedadaadu intaas aan soo sheegnayba ma ahee, waxaad dooneysaa inaad wax madadaaliso. Kolkii ujeedada iyo nooca khudbadaadu ay kuu cadaato, waxaad kaloo baaritaan ku sameyneysaa, tusaale ahaan wakhtiga aad hadleysid. Ma waxaad hadli doontaa maalin mise habeen? Gelin hore mise gelin dame? Saacadaha ama daqiiqadaha aad haysataa waa kuwo intee dhan(duration time)?

    Arimahaan aan kor ku soo xusnay oo dhan waxay kuu sahlayaan inaad hadalkaaga si wanaagsan u qorshaysato.

    Kala hormari hadalkaaga

    Waxyaalaha kuu sahli karo inaad soo jeediso khudbad wanaagsan
    Akhri halkan..GUJI

    Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka? Guji

    CAALAMIYAYNTA HANTIGOOSIGA (GLOBALISATION) Guji...

    . Dhaqaalaha»Maxaa muhiim u ah sameynta shirkad ganacsi? 3aad
    . Dhaqaalaha:
    Maxaa Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi?
    2aad
    . Dhaqaalaha: Waxyaalo Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi
    1aad
    »
    AAYAHA DAMBEE JIRITAANKA AF SOOMAALIGA
    »Ganacsiga iyo islaamka/Somalia ( Dr.Taqi) [Qaybtii 3aad]

    Waxkabaro Dhaqaalaha (Economics) Guji halkan....

    Kolkii aad halkan soo gaartid waxaa kuu dhan boqolkiiba sagaashan(90%) khudbadaadii.Waxaad haysataa mowduucii, isla markaasna waxaad soo akhrisay wax badan oo mowduucaas ku saabsan, warbixintii aad u baahnayd ayaad soo urursatay. Waxaa kaloo haddaba lagaa rabaa inaad goŕan ka gaartid sidii aad hadalkaaga u kala hor marin lahayd, Adigoo eegaayaa ujeedada khudbadaada, dadka ku dhegeysanaya iyo weliba arimaha kale ee aan horay uga soo hadalay.

    Waxaad u sameysaa khudbadaada meel bilow ah, meel dhexe iyo meel dhamaad ah. Taasi waxay dadka ku dhegeysanaayo u fududayneysaa iney si aan hakad lahayn ay khudbadaadii ula socdaan.

    Intaas ka dib, isku day inaad tababar wacan ku sameysid khudbadaada. Waxaa aad u wanaagsan hadii ay kuu suurtawdo inaad qof ama dhowr qof ka codsatid iney ku dhegeystaan ka dibna kula socodsiiyaan wixii dhaliil ah iyo wixii kale ee laga bedeli karo khudbadaada. Waxyaalaha kale oo iyaguna muhiimka ah waxaa ka mid ah hadba heerka codkaagu yahay kolka aad hadleysid. Ma waxaa haboon inaad codkaaga waxoogaa kor u qaadid mise waxaa haboon inaad yara gaabiso. Taasi waxay run ahaantii ku xiran tahay hadba meesha aad khudbadaada ka mareysid iyo xaaladaha kale ee kugu meeraysan. Dhaqdhaqaaqa xubnaha kale ee jirka(body movement) ayaa iyaguna muhiim ah sida gacmaha , lugaha iyo wajigaba.

    Kolkaad intaas oo talaabo ee aan kor kaga soo sheekaynay qaadid, waxaa keliya oo kuu harsan inaad tagto halkii aad khudbada ka akhrin...

    Waxaa soo diyaariyey

    Mohamed A. Dayib Guure
    Marketing manager and
    Education officer
    of
    Somlink Enterpreise

    www.somlink.com
    cell:00925286751
    Islamabad-Pakistan
    dayib2@hotmail.com

    Qoraalkii hore........ 

    Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004

    Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    usa


    kaah


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax
    Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD