SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 23, 2004
 

ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA MAXAA KA DHEXEEYA!!?

W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)
E-MAIL:- 
jantiile12@hotmail.com

Qoraa ahaan anigoo ka jawaabaya su’aasha aan cinwaanka kaga dhigay Maqaalkaygan ayaan leeyahay waxaa ka dhexeeyay labadan dowladood catowtinimo raagtay, waayo Dowladda Itoobiya waxaa kala dhexeysay Soomaaliya cadaawad soo jireen ah, taasina waxaa marag ma doonto u ah in Dowladihii kala duwanaa ee soo maray Itoobiya ay u sacyiyayeen ama u xusul duubayeen sidii aanay marnaba salka u dhigin Soomaaliya ama aysan uga dhalan gayiga Soomaaliya wax maamul ah.

Cadowtinimada soo jireenka ah ee ay Itoobiya u qabto Soomaaliya waxay soo billaabtay qarniyadii dhexe xilligaasoo ay iska horyimaadeen Geesigii Axmed Gurey oo diiddanaa gumaysiga Itoobiya ay ku haysay markaas dadyowgii deggenaa geeska Afrika ee aan ilbaxa ahay, waxa uuna Geesigaas Soomaaliyeed gayaysiiyay itoobiya inay ka cararto dhammaan dhulalkii ay dagaanayeen dadkii Itoobiyaanka ahaa, wax uuna gaarsiiyay inay Itoobiya dabada la gasho dhulal fog-fog oo xitaa dhaafsiisan geeska Afrika sida ay qorayso Taariikhaha adduunka; gaar ahaan Taariikhda Geeska Afrika. Dagaalladii dhex maray Axmed Gurey ALLAHA u naxariistee iyo dowladdii Abasiiniya (Itoobiyada Maanta) waxay gundhig iyo aasaas u yihiin cadowtinimada ay maanta ku hayso dowladda itoobiya shacbiga Soomaaliyeed ee muddada dheer ku soo jiray dagaallada sokeeye, iyadoo taas ka faa’iidaysanaysana waxay itoobiya geed-dheer iyo mid gaabanba u gashay ama u fuushay sidii ay Soomaaliya uga dhex abuuri lahayd deggenaasho la’aan aan xad lahayn, iyadoo taas u adeegsanaysa rag Soomaaliyeed oo aan iyagu ku baraarugsnayn cadowtinimada intaas le’eg ee ay Itoobiya u hayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Haddii aan tusaalooyin dhowr ah u soo qaadanno cadownimada ay itoobiya u hayso Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaad ka garan kartaa markii 1964-kii ay Boqortooyadii Itoobiya ee uu horkacayay Hayle Salaasihii Geeriyooday maalin cad go’aan ku gaareen inay weerar ku ekeeyaan dowladda Soomaaliya ee cusub si ay u curyaamiyaan howgalladeeda ku aaddan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu kifaaxi lahaayeen nabadgalyo iyo nolol wacan. Waxay taasi dhalisay in shacabka Soomaaliyeed ay jilibka u laabaan weerarrada gardarada ee Abasiiniya, iyagoo dareensanaa inay doonayso inay faragelin ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ku sameynayso guud ahaan dhulka Soomaaliya, nasiib-wanaagna waxay taasi keentay inay guulaystaan geesiyaashii Soomaaliyeed ee u baabac dhigay boqortooyadaas soo jirtay in ka badan 1500-sano, iyagoo ogaa inay iyaguna yihiin dowlad jirta 4-sano oo qura, waxaan ku dhintay dagaalladaas Allaha u naxariistee Waddaniyiin badan oo Soomaaliyeed. Digtatooriyadda Itoobiya ee ka dhanka ah Soomaaliya waxay mar kale soo maaxatay markii 1977-kii ay dowladdii Abasiiniya (Itoobiya) ee uu horkacayay Mingistu Hayle Mariam goosatay inay weerar ka culus kana weyn kii hore (1964-kii) ku qaadaan dowladda Soomaaliya ee jirtay xilligaa 17-ka sano, waxaase mar kale jilibka u laabay oo aan qaadan gardarradaas qaawan geesiyaal Soomaaliyeed oo qaarkood ay maanta iilka ugu jiraan iyo iyadoo kuwo kale ay curyaamiin u yihiin, waxaana dhacday in dowladda Itoobiya oo ay kaalmaynayaan Masiixiyiinta ay ugu waaweyn yihiin Mareykanka, Ruushka, Cuba, Jamaica iyo kuwo kaleba ay u baabac dhigi wayday geesiyaashii Soomaaliyeed ee naftood hurayaasha ahaa, waxaana dhacday in dowladdii Itoobiya laga saaray dhammaan dhulka Soomaali-galbeed iyadoo ay intaas u dheer tahay in saddex meeloodoo labo meel dhulka itoobiya uu gacanta u galay Geesiyaashii Soomaaliyeed ee ka hor tagay hagardaammada Itoobiya.

Itoobiya mar kale ayay indhaheeda ku argtay in Soomaaliya ay tahay xoog ka jira geeska Afrika, kaasoo kula tartami karta madaxnimada iyo maamulka geeska Afrika, waxayna taas dhalisay inay Itoobiya ka fikirto sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ay danteeda ka fushato, una kala dhantaali lahayd xoogga iyo awoodda Soomaaliyeed ee intaas le’eg, waxayna dowladdii Itoobiya ee uu horkacayay Mingistu billowday inay abuurto jabaahido kala duwan si ay ugu kiciso dowladdii Soomaaliya ee afka ciidda u dartay Abasiiniya, runtiina Itoobiya way ku guulaysatay inay meesha ka baxdo dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, Inkastoo iyadiina (Dowladdii Itoobiya) meesha laga saaray. Itoobiya waxay isku dayday iyadoo dhagar ka wadata inay dhex-gasho shacabka Soomaaliyeed una sheegto inay tahay saaxiibka keliya ee ay ku leeyihiin geeska Afrika, waxaana dhacday inay Itoobiya u soo dirsato gudaha Soomaaliya oo ay rabshado ka jireen dad Itoobiyaan ah si ay uga hesho xog dhab ah shacabka Soomaaliyeed iyo firkadaha ay ka qabaan jiritaanka dowladda itoobiya, waxayna noqotay in taasi ay ku keeni wayday wax natiijo ah, ugu dambeyntiina ay itoobiya ku marmarsiyooto in Soomaaliya gudaheeda ay ka jiraan kooxo argagaxiso ah iyadoo ula jeedda dadka Soomaaliyeed ee fartoomay wixii RABBIGOODU faray, kana reebtoonaaday wixii RABBIGOODU ka reebay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhacday in Itoobiya weerarro ku soo qaado qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid iyadoo qabsatay qaybo ka mid ah gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan iyadoo ku andacoonaysa inay yihiin goobaha ugu badan ee ay ka jiraan Kooxaha ay tilmaantay, waxaa kaloo intaas ka sii daran in Itoobiya ay beryahaan dambe billowday inay amarto guddoomiyeyaasha degmooyinka ay sameysteen dadka deegaannadaas deggan haddii ay diidaan amarka Itoobiya ay xarig la beegsato iyadoo weliba sheegaysa inay yihiin Mujrimiin amar diiddo ku kacay, waxayna ku dhacday middaan labada guddoomiye ee Degmooyinka Dooloow-Soomaaliya iyo Baladweyn.

Dhanka kale, Dowladda cadowga Itoobiya, waxay caado ka dhigay inay ka hortagto sasaan nabeed oo kasta, taasoo ay u argot in Soomaaliya iyo ay kaga baxayso qaska, Qalaanqulka iyo barbaryaaca soo jiitamayay muddada dheer, waxayna itoobiya doonaysaa in inta ay jirto Somalia ay sidaan uun ku raagto, balse waxaan leeyahay, anigoo hadalkayga soo gababeynaya, WAX UU ALLE DOONO UUN BAY SOOMAALIYA AHAAN MUSTAQBALKA, waxa ay itoobiya doonaysana waxa ay ku dambeyn dhib iyo ka aargudasho dambe haddii RABBI idmo…

W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)

E-MAIL:-  jantiile12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD