SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 24, 2004
Kooxda RadioLascaanod oo 3:0 Ugu Awood Sheegatay Kooxda Halac.

Tartan Lagu xulayo Xulka Gobolka Sool Uga Qayb Gali Doona Ciyaaraha Gobollada ee Puntland Dhawaan ka Dhici Doona Oo Ka Bilaabmay Magaalada Laascaanood.


Kooxda RadioLascaanod

Waxaa baryahanba ka socday garoonka kubadda cagta ee Cabdi Bile Cabdi ee magaalada Laascaanood tartan looga goleeyahay in lagu xulo , xul uu gobolka Sool yeesho, kaas oo uu gobolku kaga qayb gali doono tartan ay gobollada Soomaaliya qaarka mid ahi isugu iman doonaan magaalo madaxda Maamul goboleedka Puntland, oo la qaban doono bisha soo socota.

Waxa kale oo loo dhigay tobanka naadi ee ugu horeeya gobolka koob loogu magac daray (Darwiish) isaguna lagu guddoonsiindoono kooxda ku guulaysata.

Ciyaartii maalintii isniinta magaalada Laascaanood dhacday ayaa dhex martay Kooxda ku ciyaarta magaca RadioLascaanod.com oo shalay galab sadex iyo waxba ku muquunisay Kooxda Halac.

Ciyaartan oo ahayd mid ay ka soo qayb galaeen dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo ka kala yimi daafaha magaalada Laascaaanood, waxaana isagun halkaasi ku sugnaa guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Sool ,Ahna tababaraha xulka Gobolka Cabdi Siciid Abokor, oo isagu ku guda jira sidii uu u xulilahaa ,xulka magaca gobolka kaga qayb galidoona ciyaaraha dhawaan ka dhici doona Puntland.

Hadaba markii ay Ciyaartii bilaabantay ayaa labada kooxoodba soo galeen garoonka iyada oo mid waliba ku naaloonayso sidii ay u hanan lahayd Ciyaartan maanta dhacaysay, sadexdeeda dhibcood ee ugu horeeyey, labada kooxoodba waxay bilaabeen weerar iyo weerar celis, ka dibna daqiiqadii 15 ayaa waxa u suurta gashay kooxdii u ciyaaraysay RadioLascaanod.com in ay dhashadaan goolkoodii ugu horeeyey waxaana goolkaasi u saxeexay Cumar Saleebaan Cali Bare oo sitay lanbarka (10).


Kooxda Halac

Kooxda Halac ayaa is canaanatay waxa ayna bilowday weerero isdabajoog ah oo ay ku qaadayso dhinaca kale, waxaana u suurta gashay in ay heleen rigoore,ka dib markii midka mid ah difaaca radiolascaanod.com ku taabatay gacata kubadii isagoo ku jira khadka 18naad, ka dibna garsoore caynaanshe uu ku dhawaaqay rigoore, rigoorahan oo ahaa kii ugu horeeyey ee la dhigo intii uu socda kobkani, waxaana u soo baxay kubada in uu laado. wiilka si tay lanbarka sideed ee lagu naanayso(Kaare), hasa yeeshee kuma uu guulaysan in uu kooxdiisa fursadaas uga faa'iideeyo.

Ciyaartiina qaybtii hore waxay ku soo dhamaartay Hal Gool Iyo waxba, qaybtii labaad ee ciyaarta markii laysugu soo laabtay , ayaa labada kooxoodba waxay la soo galeen garoonka , qorshe cusub iyada oo dar dar gelinaysa ciyaarteedii, Kooxda Halac ayaa iyadu isku dayeysa in ay iska soo bogto goolkan, halka kooxda Radiolascaanod.comna ay ku hamiyayaeen sidii ay u sii badsan lahaayeen goolasha.

Daqiiqadii 30 ee Ciyaartii danbe ayaa kooxda Radiolascaanod.com soo dhiseen ciyaar aad u wanaagsan waxaana u suurta gashay in ay dhashadaan goolkii labaad, kaas oo niyad jabweyn ku keenay kooxda Halac, goolkaasna waxaa u saxeexay Cabdi Fataax Cali Cawad(Qoslaaye) oo qaata lanbarka (11).

Ka dibna Waxa ay Kooxda Radiolascaanod.com la wareegtay maamulkii garoonka iyo ciyaartiiba, iyaga oo dhashaday goolkoodii sadexaad daqiiqadii 43 ee wakhtiga ciyaarta oo gebogebo ku sii siqayey, goolka sadexaadna waxaa u dhaliyey Difaaca Kooxad RadioLasacaanod.com C/Risaaq Hurre oo isaguna watey lanbarka (5).

Ciyaartiina waxay ku soo gabagabowde RadioLascaanod.com 3 - Halac 0

Ciyarahan ayaa waxa ay socondoonaa ilaa 15 bisha afaar ee fooda inagu soo haysa.

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya


Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2004 

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD