Horudhac
Waxaa bilowgii sanadkan cusub ee 2004-ta isbedel weyn lagu sameeyey habkii
sharciyada loo siin jirey dadka soomaaliyeed ee magangelyo doonka ah. Wixii ka
horeeyey wakhtigaas sweden waxaa ay ka mid ahayd wadamada fara ku tiriska ah ee
soomaalida siin jirey sharciyada. Balse waxaa bilowgii sanadkan la soo saarey
goàan oranaya waa in soomaalida arimahooda qaxootinimo si qof-qof ah loo eegaa.
Taas oo macnaheedu yahay in sharciga la siin doono oo keliya dadka buuxiya
shuruudaha ay qorayaan qawaaniinta geneva. Shuruudahaas oo ay aad iyo aad u adag
tahay in la buuxiyaa.
Haddaba waxaa bilaamay dhaqangelinta sharcigaas adag ee ku wajahan soomaalida
magangelyo doonka ah. Taas oo dhalisay in soomaali badan loo diidey sharcigii
joogitaanka ee wadankan. Weliba waxaa ay hayàda arimaha qaxootiga qaabishani
leedahay soomaalida intooda badani ma aha dad u baahan magangelyo. Maxaa yeelay
soomaaliya inteeda badani wakhtigan xaadirka ah waa nabad, qofkana waxaa
difaacaya qabiilkiisa. Sidaas darteed waxaa ay qolada maamusha arimaha qaxootigu
aaminsan yihiin in soomalida lagu celin karo wadankoodii.
Haddaba waxaa arintan qofkasta oo soomaali ah ee degan wadankan sweden ka saaran
masuuliyad weyn. Waxaana laynaga doonayaa ineynu masuuliyadaas iska xil saaro,
waa haddii aynu nahay dadkii horey u soo galay sweden ee sharciyada haysta. Bal
aan isweydiino soomaaliya ma tahay meel nabad ah oo dad lagu celin karo? Ma
tahay meel dowladi ka jirto? Ma tahay meel nidaam iyo kala dameyni ka jirto?
Qabiil xoogaa qoryo ah haystaa ma buuxin karaa kaalintii qaranka? Miyeynaan ka
daqmanayn hooyooyinka iyo caruuraha dhowrka sano tahriibka iyo rafaadka ku soo
jirey, kolkii ay sweden yimaadeena laga yaabo in dib loogu celiyo somaliya?
Miyeysan ina taabanayn dhalintii soomalyeed oo mustaqbalkoodii madow yahay?
Waxaan u maleynayaa jawaabtu waa: HAA HAA HAA. Hadey sidaas tahay maxaan la
aamusanahay.
Ficil ayaa loo baahan yahay
Waxaa ay ila tahay haddii aynu sameyno waxyaalaha soo socda ineynu wax badan ka
bedeli karno goàamadaas adag, ee soomalida ku wajahan. Haddii aynu iska fadhino
oo aynu baararka ka dheno. ” soomaalidii sharciyadii waa loo diidey”, waxba
bedeli mayso. waa ineynu inagoo isku duuban oo soomaali ah aynu qayladeena
gaarsiinaa dowladda iyo barlamaanka sweden. Inagoo sameyneyna sidaan:
1. Waa ineynu qaadnaa weerar jihooyin badan leh. Kuna bilownaa mudaaharaad
halmar ka wada dhaca wadanka oo dhan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Inagoo
muujineyna in soomaaliya ay tahay meel aan dad lagu celin karin. waa ineynu la
xiriiraa idaacadaha, televishanada iyo jaraaìdkaba, Inagoo gaarsiineyna dood
cilmiyeysan oo aan ku muujineyno in soomaliya aaney nabad ahayn, dadka
soomaliyeed ee qaxootiga ahna ay u baahan yihiin magan gelyo. Waxaa hubaal ah
in maanta codkeenu maqan yahay oo aan aamusanahay. Taasina ay keentay in dadka
soomalida ah sidii la rabo laga yeelo. wadankan isku duubni ayaa wax lagu keenaa
ee aan meesha ka kacno.
2. Waa in dadkeena aqoon yahanada ah iyo kuwa wax qoraaba ay qalinka ku
muujiyaan dhibaatada soomalida haysata. waa inan qoraa ” debatt artikles” iyo ”
insändare” aan kaga hadleyno arintaan. qoraaladaan waxaa loo diraa joornaalada
waana soo daabacayaan.
3. waa in ururadda soomalida ah ee kala qaybsani waa iney ka midoobaan
arintaan. Maxaa yeelay qof walba oo soomali ah wey taabaneynaa arintani.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa aan noqono bulsho muuqata, oo codkeeda la maqlo.
Waxaan u maleynayaa in la soo gaarey 13 sanno oo jab iyo halaag ah ka dib,
wakhtigii aan u dagaalami lahayn xuquuqdeena inagoo soomaali ah isku duuban.
Qabiil iyo qurun iyo tafaraaruqna meel iska dhignay. Waxaan rajeynayaa in
aynaan arintaan dhayalsan ee aan waxii kalaankeena ah wax ka qabano.